Axad 17, Aug 2025 {HMC}Â Baarlamaanka Cusub ee Waqooyi Bari oo Dooranayo Gudigii ka shaqeyn lahaa Doorashada Gudoonka.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Axad 17, Aug 2025 {HMC}Â Baarlamaanka Cusub ee Waqooyi Bari oo Dooranayo Gudigii ka shaqeyn lahaa Doorashada Gudoonka.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Axad 17, Aug 2025 {HMC} Kenya oo Shacisay in Dhimista Ciidamada Nabad ilalinta ay keentay AS ineey la wareegaan Meelo Badan
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Axad 17, Aug 2025 {HMC} Xildhibaanada Cusub ee maamulka Waqooyi bari oo la shaaciyey.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Axad 17, Aug 2025 {HMC}Trump oo Ukraine ku Qasbayo ineey aqbasho Xabad Joojinta
Axad, 17 August 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhaafi waayay shuruudda Ruushka uu ku joojin karo dagaalka Ukraine ayaa ku qasbanaaday in uu martiqaado Volodymr Zelensky si uu ugu dhaadhiciyo ka tanaasulka dhul kamid ah dalkiisa si dagaalkaas usoo afjarmo.
Zelensky oo diidan in uu qayb kamid ah dhulkiisa ka tago isla markaana qaato Ruushka ayaa berri u safraya Magaalada New York iyada oo weliba markii ugu dambeysay uu tagay Magaaladaas uu ku canaantay Donald Trump kuna kala tageen.
Safarka Madaxweynaha Ukraine ayaa la dulsaaray su’aalo badan oo jawaabaha ku habboon lala sugayo marka uu la kulmo Madaxweyne Donald Trump maadaama dhowaan uu si rasmi ah u sheegay in uusan ka tanaasuli doonnin dhulkiisa.
Volodymyr Zelensky ayaa garab istaag ka raadsaday Dalalka Yurub, waxa uu marnaba dhinac uga bixi Karin Maraykanka oo labo dan isku qabaan, mar waxa uu ka helaa kaalmo Militari halka marka xigta dalkiisa laga doonayo macdanta ku jirta in Washington ka faa’iideysato.
Axad, 17 August 2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in Wasaaraddu hirgalisay nidaam casri ah oo ku shaqeynaya kaamirooyin dijitaal ah, kuwaas oo lagu ogaan doono gaadiidka aan bixin canshuuraha dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshahan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka iyo ka hortagga gaadiidka ka dhuunta bixinta canshuurta.
Wasiirku wuxuu xusay in magaalada Muqdisho ay ka howlgalaan in ka badan 60 kun oo gaadiid ah, hase yeeshee ay 25 kun oo kaliya yihiin kuwa sida rasmi ah uga diiwaangashan wasaaradda.
Tani waxay ka dhigan tahay in 50% inkabadan badan oo gaadiid ahi aysan ku jirin nidaamka canshuur bixinta, taas oo wiiqaysa dakhliga dowladd.
Nidaamkan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo gaadiidka aan bixin canshuurta, in si casri ah loo diiwaangeliyo dhammaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada iyo in la kordhiyo dakhliga dowladda ee laga helo canshuuraha gaadiidka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa ugu baaqay shacabka iyo darawallada gaadiidka inay si buuxda ula shaqeeyaan nidaamka cusub, si looga wada faa’iidaysto adeegyada dowladda oo ku tiirsan canshuuraha shacabka.
Axad, 17 August 2025 {HMC}Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray qoraal uu kaga jawaabayo baaqii Senator Ted Cruz, oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha Afrika ee Senate-ka Maraykanka, oo ku taliyay in Washington ay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Dhanka kalena waxay sheegtay in anay ahayn qayb kamid ah Shiinaha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Taiwan ay ku faraxsan tahay in Senator-ku uu muujiyo taageeradiisa ku aaddan aqoonsiga Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay ku jirto danta qaranka Maraykanka. Sidoo kale, xafiisku waxa uu xusay in Taiwan ay horeba ula yeelatay wada-hadallo iyo is-faham la xidhiidha arrintan dalal iyo saaxiibo ay isku fikrad yihiin, ayna rajaynayso in taageeradaasi sii ballaadhato.
Taiwan waxa kale oo ay sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu ku salaysan yahay qiyamka dimuqraadiyadda ee ay wadagaan, isla markaana ay rajaynayso in ay taageero kaga heli doonaan dunida.
Dhanka kale, Taiwan waxa ay sheegtay in aan marna laga xukumin Beijing intii ay jirtay sidaa darteedna anay waxba ka jirin sheegashada Shiinaha. “Shiinaha iyo Taiwan midna midka kale ma xukumo, Shiinuhu waligii ma xukukim Taiwan hal ilbidhiqsi.”
Shiinaha oo markale si deg deg ah uga soo jawaabay qoraalka Taiwan, ayaa sheegay in Beijing ay masuul ka tahay Taiwan isla markaana ay tahay dowlada qudha ee sharciga ah, sidaas darteedna uu hadalka Taiwan yahay marin habaabin.
Sidoo kale, Xafiiska Somaliland ee Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay u liici doonin cadaadiska Shiinaha, isla markaana ay la shaqaynayso cidkasta oo ay isku fikiryihiin sida Maraykanka iyo Taiwan.
Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha oo dhinac ah ayaa aad uga soo horjeeda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isla markaana waxay dadaal ku bixinayaan in anay helin aqoonsi, dhanka kale Taiwan iyo Somaliland ayaa ku dadaalaya in ay samaystaan xidhiidho caalami ah.
Axad, 17 August 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga digay qorshe uu sheegay in ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu doonayo in lagu xiro xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ee dalka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay arrintaas mid khatar galin karta hufnaanta doorashooyinka soo socda isla markaana keeni karta kala qeybsanaan qaran kadib shir jaraaid uu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Waxa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif cadeeyay in haddii la yareeyo doorka iyo kormeerka beesha caalamka, ay taasi fursad siin karto in doorashooyinka la musuqmaasuqo loona weeciyo jihada ay daneynayso dowladda talada haysa.
“Iska fogeynta bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah, waxay dhaawici kartaa kalsoonida shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ay Soomaalidu hiigsanayaan,” ayuu yiri Sharif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore ayaa ku booriyay dowladda in ay ilaaliso wada-shaqeynta ay la leedahay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo si siman uga qayb qaataan dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka.
Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay madaxweynihii hore.
Axad, 17 August 2025 {HMC} Waxaa saaka lagu dhawaaqay liiska xidhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo indhowaanahaan lagu howlanaa, maadaama maamul cusub ay yeesheen gobollada Sool, Sanaag iyo Tohdheer.
Liiska soo baxay ayaa ka kooban illaa 83 mudane oo loo kala qaybiyay beelaha ku midoobay maamulkan, waxaana ka mid noqday 4 gabdhood, halka 79 kalena ay yihiin rag.
Sida ka muuqato iiska, 37 kamid ah xildhibaannada waxaa laga soo xulay Sanaag, halka Sool laga keenay 30 Mudane, sidoo kale 16 ayaa waxaa laga keenay gobolka Togdheer.
Waxaa liiskan oo rasmi ah soo saaray guddiga hubinta iyo ansixinta golaha wakiilada, waxaana la filayaa in kulankooda ugu horreeya ay kusoo doortaan hoggaan KMG ah, inta laga gaarayo doorashada guddoonka baarlamaanka.
Xildhibaannada cusub ayaa durbadiiba si weyn loo soo dhaweeyay, waxaana si aad loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka oo ay qabsatay hambalyada xildhibaannada.
Sidoo kale waxaa maalmaha soo socda la guda geli doonaa howlaha kale ee maamulka, waxaana ugu horreeyo doorashada guud oo dhowaan ka dhaceysa gudaha magaalada Laascaanood, taas oo ay ku loolami doonaan musharixiin uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya Cabdulqaadir Firdhiye oo maamulkan kasoo gudbiyay marxaladdii adkeyd.
Si kastaba, Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.
Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee magaalada Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.