Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasin Ali /Roodo Xuseen
Farsamadii ::Ismail Abdiqadir
Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasin Ali /Roodo Xuseen
Farsamadii ::Ismail Abdiqadir
Khamiis 14, Aug 2025 {HMC} Kulan ay magaalada Muqdisho Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyadoo warbixinno looga dhageystay Xubnaha Wasiiradda.
Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamaca, iyada oo looga hadlay dagaalka AS, gaar ahaan deegaannada dhawaan laga saarey ee gobolka Shabeellada Hoose.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta.
Shuruucdan ay goluhu ansixiyeen, ayaa qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Khamiis 14, Aug 2025 {HMC}Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe ee sannadkan, iyadoo kaalmaha ugu sarreeya ay ku guuleysteen gabdho.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kaalinta 1-aad ay gashay Sakiyo Cabdullahi Cali Iman, kaalinta 2-aad Sahro Axmed Cali Maxamed, halka kaalinta 3-aad ay gashay Maymuun Ramadaan Cali Cumar.
Guud ahaan, imtixaanka ayaa waxaa galay 41,076 arday, waxaana ka gudbay 38,263 arday, halka 2,813 ay ku dhaceen.
Natiijadan ayaa muujineysa heerka sare ee ka qeybgalka gabdhaha iyo guusha ay ka gaareen Imtixaanka gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho, Dr Xasan Mungaab ayaa dahab abaal marin ahaan u guddoonsiiyay saddexda gabdhood, isagoo tillaabadaasi ku tilmaamay dhiirigalin.
Khamiis 14, Aug 2025 {HMC}Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulan ay leeyihiin xubnaha Mucaaradka ee lagu magacaabo golaha samatabixinta, kaasi oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka.
Kulanka ayaa daba socdo shirar is daba joog ah oo ay bilihii la soo dhaafay la lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.
Sida ilo ku dhow kulanka ay sheegayaan Mucaaradka ay ka arrinsanayaan waxyaabahihii ay kala kulmeen Madaxweyne Xasan Shiikh ee shirkii shalay ka qabsoomay Villa Soomaaliya.
Kulankaasi shalay ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana hareeyay doodaha la xiriira wax ka badalka Dastuurka gaar ahaan cutubka 4-aad oo dhigaya Doorashooyinka iyo awoodda dowladda.
Xubnaha Mucaaradka ayaa la filayaa in ay warbaahinta la hadlaan, iyagoo faahfaahin ka bixin doono tabashadooda iyo qaddobada la isku hayo.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa bilihii la soo dhaafay isku dayay in la xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka, si dalka ay uga dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.
KHamiis 14 August 2025 {HMC} Muran xooggan ayaa ka taagan xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari, iyadoo qabaa’ilo badan ay ka cabanayaan in kuraastooda lagu hayo faragelin, islamarkaana dadka ka ag dhow Madaxweyne Firdhiye loo xiray kuraastooda.
Madaxweyne Firdhiye oo ah musharax madaxweyne ayaa lagu eedeeyay inuu baarlamaanka gaysanayo shakhsiyaad uu doonayo inay isaga codka siiyaan, taasi waxay sababtay in musharaxiin xildhibaan oo kalsooni ka haysta beelahooda uu guddiga hubinta iyo xildhibaanada hoos u dhigay araajidooda.
Dhawaan, musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si cad uga horyimid guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari, iyagoo ku eedeeyay inuu yahay guddi u janjeera musharax gaar ah.
Baraha bulshada waxaa ka muuqday digniino kasoo baxaya beelo kala duwan, kuwaas oo ku hanjabay inay kasoo bixidoonaan furimaha dagaalka haddii Madaxweyne Firdhiye uusan joojin faragelinta xildhibaanada ay beeluhu soo xusheen.
Maalmo ka hor, dabley hubeysan caraysan ayaa weerartay guriga ololaha doorashada ee Madaxweyne Firdhiye, kaddib markii kursigii xildhibaan ee uu ku fadhiyay Firdhiye uu u xiray Fahiimo Yuusuf Quuje oo kamid ah taageerayaashiisa. Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ilaalada Firdhiye.
Xiisaddan ayaa sababtay in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada uu hakad geliyo shaacinta liiska xildhibaanada soo baxay, iyagoo ka baqaya in rabshadaha siyaasadeed ee taagan ay saamayn ku yeeshaan geeddi-socodka dhismaha maamulka cusub.
Khamiis 14, Aug 2025 {HMC}Ugu yaraan 20 qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kadib markii laba doonyood ay saranaayeen ku degeen badda u dhow jasiiradda Lampedusa ee Koonfurta Talyaaniga, Arbacadii shalay ahayd.
Muhaajiriinta saarnaa doonyaha waxay kasoo baxeen dalka Libya, waxayna kasoo jeedaan waddamada Pakistan, Sudan, iyo Soomaaliya, waxaana saraakiisha Jasiirada ay xuseen in waqti badan ay badda kusoo jireen.
Mas’uuliyiinta jasiiradda Lampedusa ayaa sheegay in meydadka la helay lagu sameynayo baaritaanno caafimaad, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira meelaha lagu hayo meydadka oo kooban, Dhakhaatiirta jasiiradda ayaa si degdeg ah uga shaqeynaya si ay u dhammeeyaan baaritaannada.
60 qof ayaa laga soo badbaadiyey dhacdadaan, iyadoo afar kamid ah ay qabaan dhaawacyo sida laf jabtay, waxaana la dhigay isbitaal si loo daryeelo.
Meydka ilma yar oo gabadh ah oo hal sano jir ahayd ayaa sidoo kale laga helay biyaha, taasoo sii xumeysay xaaladda murugada leh.
Qamiis 14, Aug 2025 {HMC} WAR DEG DEG AH Xubnaha Mucaaradka oo shir gaara kaga socda Muqdisho
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Qamiis 14, Aug 2025 {HMC} Xukun toogasha ah oo lagu fuliyay xubna ka tirsan AS
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Khamiis 14, Aug 2025 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku fulisay xukun dil toogasho ah saddex nin oo lagu helay dambiyo la xiriira ka mid ahaanshaha AS iyo ka qeyb qaadasho falal amni-darro oo dhimasho sababay.
Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Qudama Xamse Yuusuf, Cabdi Xasan Rooble, iyo Ibraahim Omar Shama’un.
Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dowladda, saddexdan eedeysane ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo sababay khasaare isugu jira rayid iyo ciidamo.
Dowladda Soomaaliya ayaa dib u billaawday toogashada dadweynaha oo muddo hakad ku jirtay. Isniintii, 11-ka Agoosto 2025, labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya lagu fuliyay xukun dil kaddib markii lagu helay inay la shaqeynayeen AS si loo dilo taliyahooda.
Bishan oo keliya, lix qof oo xiriir la lahaa AS ayaa lagu fuliyay xukun dil gudaha dalka.
Qamiis 14, Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Masar oo si adag uga hadlay biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Nile
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA