Home Blog Page 632

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal xoogan oo ka Socda qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

0

Qamiis 14, Aug 2025 {HMC} Dagaal xoogan oo ka Socda qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xubno ka tirsanaa AS oo lagu toogtay Muqdisho..

0

Qamiis 14, Aug 2025 {HMC} Xubno ka tirsanaa AS oo lagu toogtay Muqdisho..

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 13- 8-2025

0

khamiis 14 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka  Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Ali Cadoow

 

 

                         HALKAN KA DHAGEEYSO

Iiraan iyo Lubnaan oo isku fahmi la’ hub ka dhigista Xisbullah.

0

Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa ka digay in faragelin shisheeye oo dalkiisa lagu sameeyo inta uu socdo kulanka uu Beyruut kula yeelanayo madaxa golaha amaanka ee Iran.

Booqashada Cali Larijani ayaa la doonayey in ay noqoto mid taageero loogu muujinayo kooxda ay Iiraan taageerto ee Xisbullah, taasoo uu awooddeeda hoos u dhigay dagaalkii ay Israa’iil la gashay ee dhamaaday Nofembartii kal hore.

Iiraan waxay ka hro timid qorshaha xukuumadda Lubnaan ee hubka looga dhigayo Xisbullah, laakinse madaxweyne Aoun wuxuu ku adkaysanayaa in xukkuumadiisa aysan u ogolaan doonin in kooxina ay hub qaaddo ama ay ku tiirsanaato taageero dibadeed.

Xisbullah ayaa si cad u diidday qorshaha, taasoo sare u qaadday cabsi laga qabo in rabshado dhacaan.

Galaangalka ay Iiraan u leedahay Xisbullah ayaa sidoo kale wiiqay dhicitaankii regiimkii Bashaar al Assad ee Suuriya bishii Disembar, kaasoo Iiraan ay adeegsan jirtay marin loo sii mariyo shixnadaha hubka.

Maxaa ka soo Baxay shirkii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka.?

0

Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Waxaa goor dhoweyd soo gaba-gaboobay kulankii u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkan oo u muuqday inuu ka duwanaa kuwii hore maadaama shirarkii hore u dhici jiray ay ahaayeen kuwo midba uu mid kale u sii dhiibi jiray, ayuu shirkan ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Ilo ku dhowdhow shirka waxay BBC u sheegeen in wax natiijo ah aysan ka soo bixin, shirkan oo muddo saacado ah ay dhinacyadu u fadhiyeen.

Wararku waxay sheegayaan in siyaasiyiinta mucaaradka uu hadda shir uga socdo magaalada Muqdisho, waxayna ka gaabsadeen inay wax hadal ah jeediyaan ilaa uu shirku u dhamaado.

 

Madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya oo geeriyootay.

0

Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS) Dr Aisa kirabo kacyira ayaa shalay geeriyootay ayadoo da’deedu ahayd 61 sano.

Dr. Kacyira waxaa u magacaabay madaxa UNSOS Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres bishii Febraayo 2023, isagoo bedelay Lisa Filipetto oo u dhalatay Australia.

Waxay keentay la timid in ka badan soddon sano oo ah waayo-aragnimo ah xagga diblomaasiyadda, hoggaanka siyaasadda, gargaarka bini’aadantinimo, iyo hawlaha horumarinta ee heer maxalli, heer qaran iyo heer caalami.

Dr. Kacyira ka hor inta aysan qaban xilkeeda Soomaaliya, waxay soo noqotay safiirka Rawnda u fadhida Ghana iyo safiirka aan deganayn ee qaabilsan Benin, Togo, Sierra Leone, Côte d’Ivoire, iyo Liberia.

Shaqadeeda waxa kale oo ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Rwanda, Duqa magaalada Kigali, iyo Xubin Baarlamaan.

Waxay kaloo ahayd Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee UN-Habitat intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2018, waxayna hore uga soo shaqeysay horumarinta beeraha iyo arrimaha bini’aadantinimada ee Wasaaradda Beeraha ee Rwanda, Oxfam, iyo Care International.

Dr. Kacyira, oo u dhalatay dalka Rwanda, ayaa shahaadada Master of Veterinary Science in Animal Production iyo Economics ka qaadatay Jaamacadda James Cook ee Australia iyo Bachelor of Veterinary Medicine oo ay ka qaadatay Jaamacadda Makerere ee Uganda.

 

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Deg deg ah ku tagay Furumaha Dagaalka.

0

Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Odawaa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray Goobaha ay Ka socdaan Howlgalada ka dhanka ah kooxda Al shabaab waxaana uu is dultaagay Taliyaha fariisimaha Ciidamada Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhwaan laga saaray Al shabaab.

Taliyaha Guutada 17 Kumaandooska Gor Gor ee XDS Gaashaanle Cali Ahmed Xaashi ayaa Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka kusoo dhaweeyay degaanka isagoona warbixin ka siiyey Jabkii Cadowga loogu geestay degaanka bariire ee Gobolka Shabelle.

Kormeerka Deegaanka Baariire intii uu socday Gen Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga wuxuu la hadlay askarta Xoogga Dalka iyo Ciidanka updf si uu ugu muujiyo garab istaag waxaana uu ku Bogaadiyay Guulaha ay ka gaareen Howlgalka Cashirada loogu dhigay Al shabaab.

Agaasimihii Isbitaalka Qardho ee Puntland oo Gacanta lagu dhigay iyadoo loo haysto kiisas kufsi.

0

Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Hay’adaha amniga Maamulka Puntland, oo kaashanaya Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA) iyo Booliiska Adduunka (Interpol), ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay Agaasimihii hore ee Isbitaalka guud ee Qardho, Dr. Jaamac Ildab, oo loo haysto kiisas kufsi ah.

Eedeysanaha ayaa maalintii Isiinta lagu qabtay dalka Ruwanda, kaddib safar uu kagasoo baxay Jabuuti. Wuxuu horey ugu dhuumanayay magaalada Addis Ababa, iyadoo Puntland ay horey ugu jartay waaran soo qabasho ah.

Saraakiisha sirdoonka Puntland ayaa u sheegay HOL, in Ildab todobaadka soo socda laga keeni doono Kigali laguna soo wareejin doono Garowe, si loo horkeeno maxkamad. Wafdi ka socda Puntland ayaa u ambabixi doona Ruwanda si ay si rasmi ah ula wareegaan eedeysanaha.

Warar hore oo saxaafadda lagu qoray oo sheegayay in lagu qabtay Koonfur Afrika ayaa waxaa beeniyay laamaha amniga, kuwaas oo faahfaahiyay in Ildab dhowr maalmood ka hor uu ka baxay Jabuuti, kaddibna uu sii maray Qatar, ugu dambeynna uuka degay Kigali.

Kiiskiisa weli maxkamad laguma horkeenin, balse hay’adaha amniga ayaa sheegay in koox rag ah oo kiiskan lala xiriiriyo ay hadda ku jiraan gacanta booliiska, isla markaana dhammaan eedeysanayaasha si wadajir ah loo horkeeni doono maxkamad.

Ildab ayaa lagu eedeeyay in uu falalka kufsiga ah geystay maalmo kaddib markii laga eryay shaqada isbitaalka Qardho. Sida aan xogta ku helnay, hay’adaha amniga ayaa gacanta ku haya muuqaallo galmo kufsi ah oo ay ka duubeen mid kamid ah dhibbnayaasha kufsiga loo geystay.

Somalia executes 2 soldiers convicted of helping Al-Shabab kill commander.

0

Wednesday, 13, Aug 2025 {HMC} Two Somali soldiers sentenced to death for conspiring with extremist militant group Al-Shabab to assassinate a commander were executed on Monday, military court officials said.

The impoverished Horn of Africa nation is witnessing a rise in attacks by the Al-Qaeda-linked militia, fueling concerns of a jihadist resurgence.

The group has seized dozens of towns and villages in an offensive that has reversed nearly all of the gains the army made in 2022 and 2023.

A military court in the capital Mogadishu sentenced the two soldiers to death in August, after they were convicted of killing their battalion commander in July.

One was found to have received the explosive device, while the second placed it under the bed of their commander, before it was detonated remotely.

“They were executed today for their involvement in the assassination of Commander Aided Mohamed Ali,” prosecutor Hassan Siyad Mohamed said.

“Anyone found having links with the Kharijites and proven, one day God will expose you, and you will come out, and we will find you and execute you by firing squad,” said Liban Ali Yarrow, chairman of the supreme military court, using the term officials adopt to describe Al-Shabab.

Three Al-Shabab members found guilty last week of killing people in Mogadishu were executed by firing squad.

Kenya central bank cuts rates for seventh time with inflation in target.

0

Wednesday, 13, Aug 2025 {HMC} Kenya’s central bank lowered its benchmark lending rate (KECBIR=ECI), opens new tab by 25 basis points on Tuesday, saying there was room to ease monetary policy further as inflation remains well within target.

The Central Bank of Kenya (CBK) cut its policy rate to 9.50% from 9.75% previously, the seventh cut in a row.

The decision was in line with the median forecast in a Reuters poll of economists.
“The (Monetary Policy) Committee … concluded that there was scope for a further easing of the monetary policy stance to augment the previous policy actions aimed at stimulating lending by banks to the private sector,” the CBK said in a statement.

Consumer inflation (KECPI=ECI), opens new tab rose to 4.1% year-on-year in July, compared with 3.8% the previous month, but it remains well within the central bank’s preferred 2.5% to 7.5% band.

Though price pressures have been contained, the East African country’s public finances have been under pressure because of heavy debt repayments and revenue underperformance.

The CBK left its economic growth forecasts for this year and next unchanged, at 5.2% and 5.4%, respectively.

It also maintained its projection for this year’s current account deficit, estimating it at 1.5% of gross domestic product (GDP) compared to 1.3% of GDP last year.

Reporting by George Obulutsa; Editing by Alexander Winning and Gareth Jones