Home Blog Page 644

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Si deg deg ah ku tagay Deegaanka Bariire.

0

Sabti 9 Aug 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka saareen kooxda Al shabaab

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Al shabaab  laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay geesinimada iyo howlkarida Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda UPDF ee qeybta ka ahaa howlgalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab.

{DAAWO SAWIRADA} Hubkii AS looga Furtay Deegaanka Bariire oo La soo Bandhigay.

0

Sabti 9 Aug 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaayo kuwa nabad ilaalinta soomaaliya ayaa kooxda al shabaab ka saaray magaalada Bariire halkaas oo mudo labo bil ah ay haysteen kooxda.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo Bandhigatay Hub ay sheegtay in ay ka furatay kooxda AS kadib markii ay shalay qabsadeen degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

{DAAWO SAWIRADA} 25 Qof oo tacsi ka soo laabtay ayaa ku geeriyooday shil gaari.

0

Saturday 9 Aug 2025 {HMC} Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad tacsi ah ayaa ku burburay galbeedka Kenya, waxaana ku dhintay 25 qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Wadaha gaari ayaa xakameyn waayay gaariga, waxa uuna ka baxay waddada waxa uuna ku rogmaday bohol ku teedsan waddada weyn ee Kisumu-Kakamega galabnimadii Jimcaha, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray booliiska oo ay aragtay BBC-da.

Deegaankan ayaa caan ku ah shilal badan oo dhimasho sababay. Booliska ayaa sheegay in 10 haween ah, 10 rag ah iyo hal gabar yar ay ku dhinteen goobta, iyadoo 20 ka mid ah rakaabka ay ku dhaawacmeen, oo shan ka mid ah ay halis yihiin.

Afar qof ayaa markii dambe ku dhintay isbitaalka, sida ay saraakiisha u sheegeen Warbaahinta Gudaha.

Rakaabka ayaa ka soo laabtay goob uu aas ka dhacayay, waxaana la rumeysan yahay in dhammaan ay ka soo jeedaan hal qoys.

si rasmi ah looma cadeeyn Sababta shilka keentay , sida uu booliisku sheegay.

Gaariga wuxuu ahaa gaari dugsiga sare ee iskuul uu leeyahay, balse wax arday ah ma saarneyn maaddaama loo adeegsaday in lagu soo qaado dadka tacsida ka qeyb galayay.

Baska ayaa kasoo laabaty munaasabad aas ah oo ka dhacaysay deegaanka Nyahera wuxuuna kusii jeeday Nyakach, oo isu jiray qiyaastii 62 km (38.5 meyl).

FESOJ Calls for Protection of Press Freedom and Journalist Safety Amid Rising Harassment in Mogadishu.

0

Mogadishu, 8 August  2025 {HMC} The Federation of Somali Journalists (FESOJ) expresses serious concern over the recent increase in arrests, physical assaults, intimidation, and other forms of harassment targeting journalists in Mogadishu. In recent weeks, journalists have been actively reporting on land disputes affecting residential areas and markets, involving both local communities and government officials.

 

Regrettably, instead of safeguarding journalists’ rights, security forces have frequently subjected them to unlawful detention, physical abuse, and the confiscation or destruction of their professional equipment. These actions clearly violate the Provisional Constitution of Somalia, the Somali Media Law, and international human rights standards.

 

FESOJ unequivocally condemns these violations. We emphasize that any allegations against journalists must be addressed through due legal process, including judicial oversight and fair trial. Arbitrary arrests, mistreatment, or unauthorized seizures are unacceptable and undermine the rule of law.

 

Such practices threaten not only the safety and dignity of journalists but also the fundamental freedoms of expression and access to information. These freedoms are essential for Somalia’s democratic development as well as long-term stability.

 

To support journalists facing these challenges, FESOJ is a member of a legal alliance led by Hiil Law Firm, which provides professional legal assistance to media workers seeking justice and accountability.

 

We respectfully urge security agencies and government officials to recognize journalists as key partners in promoting transparency, accountability, and good governance. Journalists must be allowed to perform their vital role without fear of harassment or repression, in full accordance with national laws and international obligations.

 

At the same time, FESOJ reminds all journalists of their responsibility to uphold the highest ethical standards by reporting accurately, fairly, and impartially, especially when covering sensitive and potentially divisive issues.

 

FESOJ remains steadfast in its commitment to protecting and empowering Somali journalists. We recognize that a free, independent, and ethical press is fundamental to ensuring the public’s right to accurate and reliable information. Upholding these principles is essential for fostering informed public discourse and advancing the nation’s democratic development and social progress.

Dad u bannaan baxayay kooxda Palestine Action oo horay Lo mamnuucay ayaa lagu xiray London.

0

Sabti 9 Aug 9, 2025 {HMC} Booliska ayaa sheegay in ilaa hadda ay xabsiga dhigeen in ka badan 50 qof dibadbax ka dhacay magaalada London oo lagu taageerayay kooxda la mamnuucay ee Palestine Action.

In ka badan 100 qof ayaa isku mar soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin farriimo isku mid ah “Waan ka soo horjeedaa xasuuqa. Waxaan taageersanahay Palestine Action”, iyagoo qeyb ka ahaa mudaharaadka, oo ay soo qabanqaabiyeen Difaaca Xeer-beegtideena oo ka dhacay fagaaraha Baarlamaanka Westminster.

Dawladdu waxay mamnuucday kooxda Palestine Action bishii Luulyo iyadoo la raacayo sharciga argagixisada ee 2000, taas oo ka dhigaysa xubinnimada ama taageerada kooxda dembi dambiyeed, ciqaabtiisu gaadhayso ilaa 14 sano oo xadhig ah.

Iyadoo mudaaharaadku uu wali socdo, booliska magaalada caasimadda ah ayaa yiri: “Waqti ayay qaadan doontaa, laakiin waxaan xiri doonnaa cid kasta oo taageero u muujisa kooxda Palestine Action.”

Mareykanka oo War Cusub Ka soo Saaray maalgelinta hawlgallada nabad-ilaalinta Soomaaliya.

0

Sabti 9 Aug 9, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Mareykanka, Sen. Jim Risch, ayaa soo jeediyay in la xaddido maalgelinta Mareykanka ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soo jeedintan ayaa mamnuucaysa in Mareykanku bixiyo lacagaha qiimeysan ee uu u maro Qaramada Midoobay si loogu taageero AUSSOM, ilaa iyo inta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku ay caddeyso in hawlgalku u hoggaansamayo shuruudo adag oo uu dejiyay Washington.

Shuruudahaas waxaa ka mid ah in AUSSOM uusan taageereynin qiyam ka soo horjeeda dimuqraadiyadda, qiyamka Mareykanka, ama xuquuqda aadanaha.

Senator Risch, oo ay garab socdaan Senator Ted Cruz iyo Rick Scott, ayaa ku dooday in Midowga Afrika uusan buuxin shuruudaha iyo habraacyada maalgelinta ee ay Mareykanku ka dalbadeen, taas oo ay sheegeen inay muujinayso dayac iyo in aan lagu tixgelin lacagta canshuur bixiyayaasha Mareykanka. Waxay sidoo kale soo jeediyeen in la raadiyo qaab maalgelin kale oo ay dowladaha Afrikaanka ah ka qaadaan mas’uuliyad dheeraad ah.

Hawlgalka AUSSOM, oo hore loogu yaqaanay ATMIS, ayaa ah hawlgal ay Midowga Afrika ku taageerto dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo xasilinta ammaanka dalka. Xaddidaadda maalgelinta Mareykanka ayaa keeni karta saameyn ku saabsan awoodda hawlgalkan, maaddaama Washington uu yahay mid ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee dhaqaale iyo qalab ahaanba.

Go’aankan soo jeedinta ah wuxuu imaanayaa xilli Soomaaliya ay weli wajahayo weerarro joogto ah oo ay Al-Shabaab ka fuliso gobollo badan, isla markaana loo baahan yahay taageero ciidan iyo dhaqaale oo joogto ah si loo hubiyo amniga iyo xasiloonida.

Bus carrying mourners overturns in Kenya, killing 25 people

0

Saturday 9 Aug 2025 {HMC} A bus carrying mourners back home from a funeral in southwestern Kenya has overturned and plunged into a ditch, killing at least 25 people, police said.

The bus was travelling from the western town of Kakamega to the city of Kisumu, where the accident happened.

The driver lost control of the bus as it approached a roundabout at high speed and plunged into a ditch, according to Peter Maina, a regional traffic enforcement officer for the province of Nyanza, where Kisumu is located.

“The vehicle lost control, veered, rolled onto the other side of the road,” he told reporters at the scene.

Among those who lost their lives were “10 women, and a girl aged 10, and 10 men”, he said.

Twenty-nine people were initially reported injured in the crash, and four of them died later in the hospital, said Fredrick Ouma Oluga, the principal secretary in charge of medical services in Kenya.

The crash shocked many in the region, sparking renewed calls for tougher road safety measures.

Local media reported the incident took place on a notorious section of road where collisions are frequent.

The cause of the crash was not clear and investigations were ongoing.

The deadly accident follows an aircraft crash near the capital, Nairobi, on Thursday, when an air ambulance came down in a residential area, killing six people.

The same day, local media reported that a collision between a train and bus killed eight.

Road accidents are common in Kenya and the wider East African region, where roads are often narrow and in poor condition with many potholes.

Police often blame road accidents on speeding drivers.

In another accident on Thursday, nine people were killed in a bus crash in the town of Naivasha in the county of Nakuru. The victims were among 32 workers going to work when the bus crashed at a railway crossing, police said.

Muxuu Yahay xiriirka Singapore ee Soomaaliya sheegtay in ay xoojineysa?

Sabdi, 09 August 2025 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xoojineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay leedahay dalka Singapore oo kamid ah wadamada ugu horumarsan dunida.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo shacabka Singapore ee u dabaaldegaya sanad-guuradii 60-aad ee xornimadooda.

Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in dalka Singapore yahay mid horumarsan oo leh hoggaan arragti fog, isla markaasna ay mudan yihiin in laga faa’iideysto.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay xoojineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalkaasi Singapore, lana yeelan doonto wada tashiyo.

Isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya, Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal uu sii xoogaysto, si labada shacabba ay uga faa’iidaystaan.

Dalka Singapore ayaa xurnimada ka helay Maleysiya 9 bishii Agoosto ee 1965, waxaana uu kamid yahay dalalka ugu horumarsan dunida.

{DAAWO MUQAALKA} Saameeyn Adag oo ka dhalatay Abaarta ku Dhufatay Gobolka Awdal.

0

Sabdi  9 Aug 2025 {HMC}  Saameeyn Adag oo ka dhalatay Abaarta ku Dhufatay Gobolka Awdal.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 9- 8-2025

Sabdi  9  August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Ali Cadow /Rooodo Xuseen 

Farsamadii ::Ismail Abdiqadir