Home Blog Page 645

{DAAWO MUQAALKA} Buundadii AS Qaraxa ku Burburiyeen oo Dib u dhis lagu sameeynayo.

0

Sabdi  9 Aug 2025 {HMC} Buundadii AS Qaraxa ku Burburiyeen oo Dib u dhis lagu sameeynayo.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Foreign Affairs Minister sends congratulations to Singapore on their Independence anniversary.

0

Saturday 9,August 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali sent congratulations to the Government and People of the Republic of Singapore on their 60th independence anniversary.

“I extend my warmest congratulations to the Government and people of the friendly Republic of Singapore on the occasion of the 60th anniversary of its independence. This historic milestone stands as a testament to Singapore’s unwavering commitment to nation-building, visionary governance, and the shared prosperity of its people” Minister Ali said.

Somalia values its cordial relations with Singapore, grounded in mutual respect and a shared dedication to fostering stability, sustainable development, and constructive engagement within the international community.

As Singapore commemorates this significant day, we take pride in celebrating the achievements that have shaped its national story, and we look forward to seeing the bonds of friendship and cooperation between our two nations grow ever stronger, bringing mutual benefit to our peoples.

Happy National Day, Singapore!

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Koofur Afrika.

0

Sabdi  9 Aug 2025 {HMC} Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Koofur Afrika.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Howlgalo ka wado Shabeelada Hoose.

0

Sabdi  9 Aug 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Howlgalo ka wado Shabeelada Hoose.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Buundada bariire ee AS ay qarxiyeen oo dib loo dhisayo.

Sabdi, 09 August 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in uu maamulkiisa ka shaqeynayo dib u dhiska Buundada Bariire oo muhiim u ah isu socodkeeda kaddib markii Ciidamada Federaalka & Kuwa AUSSOM ay ka qabsadeen AS.

Ibraahim Najax ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay dhinac socdaan fulinta adeegyada Bulshada muhiimka u ah, maamulkiisa ayuu tilmaamay in uu xoogga saarayo sidii loo heli lahaa waxyaabaha Dadka u baahan yihiin.

“Waxa aan u taaganahay in aan ka shaqeyno dib usoo celinta adeegyada Bulshada, waxaan dib u dhiseynaa Buuntada Bariire, Geesiyaasha Soomaaliyeed waxa aan ku bogaadineynaa in ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah AS” Ibraahim Najax, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Buundada Bariire waxaa qarax ku dumiyay ‘AS’ kaddib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, markii uu cariiri galay isu socodka labada dhinac ee buundadaas waxaa korodhay halista laga muujinayo isticmaalkeeda.

Mareeykanka oo ka Fikirayo Madaxbanaanida Somaliland.

Sabdi, 09 August 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ka jawaabay su’aal ku saabsanayd waxa uu ka yeelayo aqoonsiga Somaliland oo la sheegay in laga yaabo in dibu-dajin loogu sameeyo dadka reer Qasa, ayaa sheegay in ay “arrintaa hadda gacanta ku hayaan.”

Madaxweynaha ayaa su’aashan la waydiiyay xilli uu xalay heshiis nabadeed u kala saxeexayay madaxda waddamada Asarbajan iyo Arminiya, oo muddo dheer colaad ka dhexaysay. Wuxuu sheegay in arrinta Somaliland miiska saaran tahay, isla markaana ay ku hawlan yihiin go’aanka laga gaadhi doono.

“Arrintaa gacanta ayaanu ku haynaa hadda, waa su’aal wanaagsan, waa xaalad kale oo murugsan, laakiin hadda waanu ka shaqaynaynaa arrintaa, arrinta Somaliland,” ayuu ku jawaabay Trump.

 

Hadalka Trump ayaa imanaya kadib markii dhawaan uu warbaahinta Maraykanka qabsaday heshiis soo jiitay dhagaha shacabka iyo siyaasiyiinta Maraykanka, oo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Washington ugu soo bandhigay in uu la galo heshiis dhanka macdanta ah, isla markaana Maraykanku saldhig ku yeesho Berbera, taa badalkeedana uu aqoonsado Somaliland.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in tallaabada Cirro ay soo jiidan karto Trump, maadaama uu yahay madaxweyne ku wanaagsan heshiisyada, isla markaana jecel in uu talaabo kasta oo uu qaadayo ka dhex eego danaha Maraykanka.

Waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee madaxweyne Maraykan ah oo xilka haya uu si toos ah warbaahinta ugaga hadlo arrinta Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Trump uu yahay shakhsi maskax ganacsi leh oo ay wada macaamili karaan. Mar kale waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in Maraykanku noqdo dalka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland.

Somaliland, oo kamid ah meelaha ugu deggan Geeska Afrika, uguna dimuqraadsan, ayaa aqoonsi caalami ah raadinaysay tan iyo sannadkii 1991, markaas oo ay ku dhawaaqday in ay ka noqotay midowgii lagu dhisay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, kadib dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu khatar ku yahay madaxbannaanideeda, iyadoo xustay in aan marnaba la kala goyn karin Somaliland iyo Soomaaliya. Go’aanka gooni-isu-taagga Somaliland ayay ku tilmaantay khatarta labaad ee ay Soomaaliya wajahayso, marka laga yimaado argagixisada.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa hadal uu baahiyay dhowr bilood ka hor ku sheegay in aqoonsiga Somaliland uu khatar gelin karo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, isaga oo Washington ugu baaqay in ay ka joogsato arrinta aqoonsiga.

Kongareeska Maraykanka ayaa dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ugu baaqay in uu si degdeg ah u diyaariyo warbixin faahfaahinaysa sida Maraykanku xidhiidh ugala yeelan karo Somaliland dhinacyada diblumaasiyadda, amniga, iyo horumarinta.

Dhanka kale, waxa Kongareeska horyaalla xeer la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.
Isku geynta dhacdooyinkan ayaa muujinaysa sida uu kor ugu kacay ololaha aqoonsi raadinta Somaliland ee gudaha Maraykanka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio HIiraanweyn 09 08 2025

Sabdi, 09 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 08-8-2025.

0

Jimco 8 Aug 2025 {HMC} Halkaan ka Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay 08-8-2025.

{DAAWO MUQAALKA} Maxeey Soomaaliya uga qayb gashay Shirka dalalka aan badaha laheeyn.?

0

Jimco 8 Aug 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeeyb Gashay Shir looga hadlayey sidii loo taageeri lahaa wadamada aanan Badaha leheyn.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sida ay Ciidamada Dowladda ula wareegeen Bariire iyo Maxaabiis Lagu qabtay.

0

Jimco 8 Aug 2025 {HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA