Jimco 08 August 2025 {HMC} Israa’iil oo Dooneeyso ineey Gacanta ku Dhigto Qassa
HOOS KA DAAWO MUUQAKA.
HOOS KA DAAWO MUUQAKA.
HOOS KA DAAWO MUUQAKA.
HOOS KA DAAWO MUUQAKA.
HOOS KA DAAWO MUUQAKA.
Jimco , 08 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Cabdiqani Cosoble
Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco 8 Aug 2025 {HMC} Shirkadda La-talinta Boston (Boston Consulting Group – BCG) ayaa diyaarisay qorshayaal lagu rarayo Falastiiniyiinta reer Gaza, laguna dejinayo Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa lagu sheegay in shirkaddu u fulisay wakiillada danaha ganacsato reer Israa’iil ah oo doonaya dib u dhiska marinkaas.
Dad xog-ogaal u ah qorshahan ayaa u sheegay wargayska Financial Times in Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay ka mid ahaayeen dhowr dal oo loo qorsheeyay in Falastiiniyiinta lagu mastaafuriyo. Liiskaas waxaa sidoo kale ku jiray waddamada Masar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun.
Daraasaddan ayaa ku salaysnayd shaqo ay BCG ku taageeraysay aasaaska Hay’adda Gargaarka Bani’aadannimo ee Gaza (Gaza Humanitarian Foundation – GHF), oo uu Maraykanku taageero, taas oo dhaliil badan loo jeediyay sababo la xiriira tirada dadka ku dhintay goobaha gargaarka lagu qaybiyo.
Qorshahan dagaalka kaddib marka la shaaciyay wuxuu kiciyay caro weyn. Shirkadda la-talintu waxay si cad isaga fogaysay mashruuca, iyadoo sheegtay in shirkad kale oo mas’uul ka ahayd la faray in aan la fulin.
Qorshayaasha dib-u-dejinta ayaa ku salaysnaa warbixinno sheegaya in saraakiil ka tirsan Israa’iil iyo Maraykanka ay wadahadallo la yeesheen hoggaamiyeyaal ka tirsan Bariga Afrika, kuwaas oo ku saabsanaa qaabilaadda Falastiiniyiinta la mastaafurinayo, beddelkeedana loo ballanqaaday faa’iidooyin, oo ay ka mid tahay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Qorshahan, oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay inuu suurtagelin doono dib-u-dhiska Marinka Gaza, ayaa waxaa “isir-sifeyn” ku tilmaamay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, hay’adaha caalamiga ah iyo saraakiil shisheeye.
“Haddii dal uu aqbalo reer Gaza oo si ku-meel-gaar ah, ikhtiyaari ahna, u soo guura, dalkaasi wuxuu helayaa dad cusub oo ku soo kordha, taas oo si cad u yeelan karta faa’iido dhaqaale oo weyn,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ah shaqadan, sida uu u sheegay wargayska Financial Times.
“Laakiin waddamada ku jira qorshahan looma dooran iyadoo lagu salaynayo xog ku saabsan wadahadallo gaar ah oo dhacay. Ujeeddadu waxay ahayd in la fahmo dhinacyada dhaqaale ee la xiriira xulashooyinka uu Madaxweyne Trump miiska soo dhigay.”
Warbixin la socotay qorshahan ayaa saadaalisay in 25% Falastiiniyiinta reer Gaza ay go’aansan doonaan inay ka guuraan marinka, iyadoo inta badan kuwa baxa aysan dib ugu soo laaban doonin. BCG waxay qiyaastay in waddamada qaabila Falastiiniyiinta ay heli doonaan faa’iidooyin dhaqaale oo gaaraya $4.7 bilyan afarta sano ee ugu horreysa.
Waxaa la soo wariyay in shirkadda BCG – oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka mid yahay ardaydeedii hore – ay ku lug yeelatay GHF markii shirkadda qandaraasyada amniga ee Maraykanka, Orbis, ay u xil saartay inay ka caawiso daraasad ku saabsan suurtagalnimada hawlgal gargaar oo cusub.
Sida la sheegay, BCG waxaa loo doortay sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Phil Reilly, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa CIA-da, haddana ka shaqeeya Orbis.
Sida uu markii ugu horreysay baahiyay wargayska Middle East Eye, Reilly wuxuu ahaa la-taliye sare oo BCG u shaqeynayay muddo sideed sano ah, ilaa lix bilood ka hor, markaas oo uu aasaasay shirkadda Safe Reach Solutions – shirkad faa’iido-doon ah oo ka shaqaysa amniga iyo saadka, isla markaana ilaalisa xarumaha gargaarka ee GHF ee Gaza.
Wargayska Financial Times ayaa sidoo kale soo tebiyay in xubno ka tirsan Machadka Tony Blair (Tony Blair Institute) ay ka qaybqaateen mashruuc ku saabsan xaaladda Gaza ee dagaalka kaddib, kaas oo ay ku jireen qorshayaal loogu magac daray “Trump Riviera” oo lagu adeegsaday naqshado maaliyadeed oo ay diyaarisay BCG.
Jimco 8 Aug 2025 {HMC} Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa ansixiyay qorshe lagu doonayo in lagula wareego magaalada Gaza, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Go’aanka ayaa la isku raacay ka dib markii golaha wasiirada ay si aqlabiyad ah u ansixiyeen qorshahan.
Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in tallaabadani ay tahay halis isla markaana ay ka dhalan karto “cawaaqib xun, qoysaska la haystayaashana waxay ka cabsi qabaan inay khatar geliyaan ehelkooda.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay iyadoo Israa’iil ay wajaheyso cadaadis caalami ah oo isa soo taraya, oo ay ku jiraan xulafadeeda, si loo soo afjaro dagaalka Gaza oo ay u oggolaadaan gargaar badan oo dhulka la marsiiyo.
Khamiis 07 Aug 2025 {HMC} Walaac xooggan ayaa soo food saaray jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Sweden kaddib markii dawladda dalkaasi ay si rasmi ah u dhaqangelisay tarxiilidda tiro ka mid ah Soomaalida oo lagu celiyay dalkooda.
Dhawaan ayay ahayd markii tiro gaadhaysa 8 qof oo Soomaali ah loo dhoofiyay dalka Soomaaliya. Waxaana hadda jira warar sheegaya in 15 kale oo ku jira xabsiyda dalkaas loo diyaarinayo in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, sida BBC u sheegay Yoonis Khaliif oo xubin ka ah Ururka Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Sweden.
“Waa arrin muddo dheer soo jiitamaysay oo dawladda cusub ee Sweden ay ku doonaysay in ay dib ugu celiso dadka Soomaalida ah ee waddanka ku nool. Dadkaasi waxay isugu jiraan qaar loo diiday in loo cusboonaysiiyo sharciyada iyo kuwo muddo u dhaxaysa saddex ilaa toban sano magangalyo ka raadinayay dalkan.”
Yoonis Khaliif oo sheegay in uu la kulmay qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee tarxiil-sugayaasha ah ayaa sheegay in todobaadkan ay ballan la leeyihiin safaaradda Soomaaliya ay dalkaasi ku leedahay si ay hawlan uga la hadlaaan. Waxa kale oo intaasi raaciyay in dawladda Sweden qudheeda ay arrintan kala hadleen.
“Dawladda Sweden waan kala hadalnay. Xukuumaddii tan ka horraysay waxay ahayd mid u dhega-nugul Soomaalida. Hadda se, midda xukunka haysa waxa ay u muuqataa mid u janjeedha nacaybka soogalootiga. Jaaliyad ahaan waan la xidhiidhnay bal se noo ma aanay suurtagelin in ay dib u dhigaan tarxiilka dadkan. Qofku haddii uu dambiile yahay cidna ka ma difaaci karto in la celiyo waxa se hadda muuqata dad waayeel ah, carruur iyo dhallinyaro ay qaar badan oo ka mid ah shaqeeyaan dalkana cashuur soogeliyaan loo diido in sharciyada loo cusboonaysiiyo.”
Walaaca laga qabo in Soomaali kale la tarxiilo
Iyada oo lagu wado in todobaadada soo socda ay dalka Soomaaliya gaadhaan tiro qaxooti Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay dalkaasi ayaa waxa isa soo taraya walaaca ay qabaan dadkaasi ee ku aaddan in ay ku laabtaan dhibaato la mi dha middii ay ka soo carareen muddo dheer kaddib.
Yoonis oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan og nahay in weli Soomaaliya ay dadku ka soo qaxayaan. Ma jirto xasillooni -siyaasadeed. Waxaanan og nahay in xagjiriitu ay qabsanayaan dhul hor leh. Walaaca aan qabno waxa weeye in dhallinyarta dalkii lagu celinayo ay halis ugu jiraan ku biirista mintidiinta. Maxaa yeelay dalkii waxaan og nahay in aanay shaqo ka jirin. Waa dad soo rafaaday oo saxaraha ka soo gudbay markii ay yimaaddaan goob ay xasilooni ku dareemayaanna la rabo in dhibaatadii lagu celiyo. Waa arrin u baahan in ay dawladda Soomaaliya ay ka fiirsato.”
XIGASHO BBC