Home Blog Page 649

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/08/2025

0

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/08/2025

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 5- 8-2025

Khamis  7 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Ali Cadow / Muuse Ali Xerow 

Farsamadii ::Ismail Abdiqadir

{DAAWO MUUQAALKA} Toogasho toos ah oo lagu fuliyey Xubno ka tirsan AS.

0

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Toogasho toos ah oo lagu fuliyey Xubno ka tirsan AS.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Baladweyne oo maanta tiirka toogashada lasoo taagay nin horay dil u geystay.

0

 

Khamiis 07 August 2025 {HMC}Baladweyne oo maanta tiirka toogashada lasoo taagay nin horay dil u geystay.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA.

Rag ka tirsanaa AS oo Maanta toogasho lagu dilay.

0

Khamiis 07 Aug 2025 {HMC} Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex eedeysane oo hore loogu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal qorsheysan iyo weeraro ay ka geysteen Shabeellaha Hoose iyo magaalada Muqdisho.

3 nin ee saakay aroortii hore lagu fuliyay dilka toogashada ayaa lagu helay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana horay dad shacab iyo ciidan isugu jiray ay ku dileen magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo meelo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Saddexda nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa waxaa horey dil toogasho ah ugu xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa horey ragaan ugu ridday xukun dil ah kadib markii ay cadaatay inay si toos ah uga tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Goobta sakaay lagu fuliyay xukunka toogashada ah waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ciidan iyo ehelada qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada gaarsiiyeen sadaxda xubnood ee ka tirsana Al-shabaab ee dilka lagu fuliyay.

Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ka baxay Boosaaso .

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Ugu yaraan 7 muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa u dhintay gaajo iyo harraad kadib markii doonidii ay saarnaayeen uu badda ku ciladoobay, iyaga oo safar tahriib ah kaga soo ambabaxay magaalada Bosaaso, kuna wajahnaa xeebaha koonfureed ee Yemen.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Hey’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), doonida ayaa siday 250 muhaajiriin Itoobiyaan ah, waxaana la filayay in safarka uu qaato 24 saacadood.

Doonidaan ayaa ugu dambeyn gaartay xeebta Arqa ee gobolka Shabwah, ee Yemen, iyadoo xaaladda rakaabka saarnaa ay aad u liidatay.

Sida ay sheegtay IOM, 7 qof ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay dhinteen intii lagu jiray safarka, halka kuwa kale ay ku sugnaayeen xaalad caafimaad oo liidata.

Kooxaha caafimaad ee IOM ayaa si degdeg ah u gaaray goobta waxayna siiyeen dadka badbaaday biyo nadiif ah, cunto, iyo daryeel caafimaad, iyadoo qaar badan lagu daweeyay xarumo caafimaad kadib markii ay la ildarnaayeen fuuq-bax, nafaqo-darro iyo dhaawacyo kale.

Wakiilka IOM ee Yemen, Cabdul-Sataar Cisoyif, ayaa sheegay in muhaajiriinta ay soo mareen safar argagax leh oo aan la qiyaasi karin.

“Toddobaad ayay badda dusheeda saarnayaan, iyagoo aan haysan cunto iyo biyo ku filan, Waxay ahaayeen xaalad nafsi ahaan iyo jireed ahaanba aad u adag, Tani waa masiibo bani’aadantinimo oo kale.” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay sii socon doonaan musiibooyinka noocan ah haddii aan si dhab ah wax looga qaban sababaha dadka u khasbaya inay tahriibaan, sida sababaha dhaqaale, shaqo la’aanta, colaadaha iyo rabshadaha ka jira dalalka qaar ee geeska Afrika.

DFS hadashay xaalada gobolka Gedo

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Wasaaradda amniga gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney si dhaw ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni darada ah ee ka jirta gobolka Gedo.

Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in xaalada gobolka Gedo ay hurinayaan xubno ay ku tilmaamtay qaswadayaal ah uu amar siiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka lagu xusay in Maxamuud Sayid Aadan uu ka mid yahay shaqsiyaadka horey gacanta ugu lahaa falal amnidarro oo ka dhacay gobolka, islamarkaana maalmahan dambe lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyada colaadeed ee ka socda Gedo.

“Ciidamada dowladda Federaalka ayaa si buuxda ugu sugan yihiin gobolka, halkaasoo ay ka wadaan howlgallo ay kaga hortagayaan khataraha amniga, iyadoo ay gacan ka helayaan shacabka deegaanka, tallaabo ayaa laga qaadi doona cid kasta oo sii waddo falkooda xun” ayaa qoraalka kaso baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Beledxaawo oo ay dhawaan si buuxdo ula wareegeen ciidanka dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda amniga oo dhameystiran:-

Puntland oo kahor timid go’aan kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si cad uga hor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaa oo dhigaya in qaadashada baasaboorka lagu xiro shuruud ah in qofka uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka tani, Puntland ayaa ku tilmaantay arrintaasi ciqaab iyo cadaadis lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa si adag uga hadlay arrintan isaga oo sheegay in baasaboorka Soomaaliga lagu tilmaamay kan ugu liita dunida dhinaca socdaalka, haddana dadkiisa lagu ciqaabayo shuruudo adag taasoo uu ku tilmaamay shar iyo caddaalad darro ka dhalata marka taladu gacan keliya gasho.

“Baasaboorka ugu liita adduunka xagga socdaalka baa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigayaa; marka taladu gacan keli ah gasho waxay noqotaa shar.” ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Puntland waxay hore ugu digtay shacabkeeda inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka iyagoo maamulkaasi sheegay in nidaamka lagu fulinayo arrimo siyaasadeed iyo dano gaar ah oo aan lagu dhisin wadatashi iyo heshiis qaran Walaaca Puntland ayaa salka ku haya in nidaamka cusub loo adeegsado siyaasadeyn oo ugu horeeyaan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho oo saakay lagu toogtay saddex nin oo horey dambiyo culus u galay

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saakay oo Khamiis ah fagaare kuyaalla Muqdisho xukun dil ah kula fulisay saddex nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo horey maxkamadda ugu riday xukunno dil ah .

Ragga xukunka dilka ah saakay lagu fuliyay ayaa kala ahaa, Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), waxaana fagaaraha ragan lagu tooganayay ku sugnaa saraakiil katirsan Maxkamadda ciidamada iyo sidoo kale saraakiil ciidan.

Xubnahan la toogtay ee katirsan kooxda Al Shabaab, ayaa lagu helay in ay geesteen dilal qorsheysan oo ay u geesteen dad shacab ah iyo askar ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeelaha Hoose.

Xukunnada dilka ah ay fuliso dowladda Soomaaliya, ayaa aad u yaraaday muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana xabsiyadda Muqdisho ku xiran rag badan oo maxkamadda ciidamada ku riday xukunno dil ah, kuwaa oo isugu jira xubno katirsan Al Shabaab iyo askar iyana dilal geestay.

{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya Waxay Amar ku bixisay in Janan uu Seddex maalin uga baxo Gedo.

0

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Itoobiya Waxay Amar ku bixisay in Janan uu Seddex maalin uga baxo Gedo.

HOOS KA DAAWO MUUQAKA.