Khamiis 07 August 2025 {HMC} Xubno ka tirsanaa AS oo Dil toogasho ah lagua fuliyay Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUUQAKA.
Khamiis 07 August 2025 {HMC} Xubno ka tirsanaa AS oo Dil toogasho ah lagua fuliyay Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUUQAKA.
Wednesday 6, August 2025 {HMC} Rwanda-backed M23 rebels killed at least 319 civilians, including 48 women and 19 children, last month in eastern Congo, Volker Turk, U.N. high commissioner for human rights, said on Wednesday, citing “first-hand accounts”.
The violence in the Rutshuru territory of North Kivu province produced “one of the largest documented death tolls in such attacks since the M23’s resurgence in 2022,” Turk said in a statement.
Reuters first reported on the killings in late July, citing findings by the U.N. Joint Human Rights Office (UNJHRO) that put the death toll at 169 people.
M23 leader Bertrand Bisimwa told Reuters at the time it would investigate, but also said the report could be a “smear campaign”.
A spokesperson for M23, a spokesperson for Rwanda’s military and a Rwandan government spokesperson could not immediately be reached for comment on Wednesday.
Reuters has not been able to independently confirm the killings, but a local activist cited witnesses as describing M23 combatants using guns and machetes to kill scores of civilians.
Two U.N. sources told Reuters that 100 of the dead had been identified by name and that an investigation was ongoing.
The M23 and Congolese government have pledged to work towards peace by August 18 after the rebels this year seized more territory than ever before in fighting that has killed thousands and displaced hundreds of thousands more.
The UNJHRO findings said M23 targeted suspected members of the Democratic Forces for the Liberation of Rwanda (FDLR), a Congo-based group that includes remnants of Rwanda’s former army and militias that carried out the 1994 Rwandan genocide.
Turk said on Wednesday the killings had taken place in four villages in Rutshuru from July 9 to July 21 and that most victims were “local farmers camping in their fields during the planting season”.
Persistent violence in eastern Congo threatens U.S. President Donald Trump’s vision for the region, which has been plagued by war for decades and is rich in minerals including gold, cobalt, coltan, tungsten and tin.
A peace agreement signed on June 27 in Washington by the Congolese and Rwandan foreign ministers requires Congo to “neutralise” the FDLR as Rwanda withdraws from Congolese territory.
Rwanda has long denied helping M23 and says its forces act in self-defence against Congo’s army and ethnic Hutu militiamen linked to the 1994 Rwandan genocide, including the FDLR.
SOURCE Reuters
Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo maqaamka Kenya ee ah xulafada ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneyn ee Mareykanka, bilo ka dib markii Kenya ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya saxaraha Afrika ee helay maqaam sharafeedkan.
Kenya ayaa meeqaamkan heshay intii lagu guda jiray Booqashadii Madaxweyne William Ruto ee Mareykanka bishii May 2024.
Maqaamkan, oo la siiyay Kenya 24-kii June 2024, wuxuu xoojiyay Kenya oo ah saaxiibka weyn ee Mareykanka ee Afrika iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga, iyo dhaqaalaha.
Kenya oo ah xulafo weyn oo aan NATO ka tirsanayn ayaa hadda halis ku jirta ka dib markii senetarka Maraykanka James Risch uu soo jeediyay wax ka beddel lagu sameeyay sharciga oggolaanshaha difaaca qaranka ee sanad maaliyadeedka 2026, kaas oo doonaya in dib loo eego maqaamka Kenya 90 maalmood gudahood.
Dib u eegista ayaa lagu qiimeyn doonaa siyaasadda dibadda iyo diblomaasiyadda Kenya sida la jaanqaadka Mareykanka iyo iskaashiga ay la leedahay Shiinaha, Ruushka iyo Iran.
Intaa waxaa dheer, dib u eegista waxaa sidoo kale ku jiri doona heshiisyada suurtagalka ah ee Kenya, xiriirka siyaasadeed ama dhaqaale ee ay la leedahay maleeshiyaad hubeysan sida al-Shabaab iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).
Tallaabada sharciga ah ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo mustaqbalka ah ee xiriirka Mareykanka iyo Kenya.
Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Dowladda Wadanka Talyaaniga waxaa ay ku dhawaaqay in uu €13 Bilyan oo Yuuro una dhiganta $15 Bilyan oo doollar ku dhisayo buundo muhiim u ah isu socodka Dalkaas intiisa kale iyo Jasiiradda Sicily si uu u xoojiyo nidaamka difaaca Yurub.
Talyaaniga ayaa sheegay in uu dareensan yahay cabsida ka jirta dagaalka badda Mediterranean sidaas awgeed hadda laga sii shaqeynayo sidii loo heli lahaa marin fududeeya sidii loo badbaadin lahaa Qaaradda Yurub.
Wargeyska Financial Times oo qormo ka qoray dhismaha Buundadaan ayaa soo bandhigay jaantuska buundadaas iyada oo laga dheehan karo sida ay u fududeyn karto in laga kor gudbo badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Jasiiradda Sicily.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa arbacada waxa ay Xukuumaddeeda horgeyneysa qaraarka lacagtaan lagu ogolaanayo si Golaha Wasiirrada u ansixiyo looguna dhaqaaqo fulinta dhismaha mashruucaan.
Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Wasiirada difaaca iyo deegaanka ee Ghana ayaa ku dhintay shil diyaarad milatari, oo nooceedu yahay helikobtar oo ku burburtay bartamaha gobolka Ashanti iyaga iyo lix qof oo kale, sida uu sheegay afhayeenka dowladda.
Madaxa shaqaalaha Julius Debrah ayaa ka sheegay shir jaraa’id in wasiirka difaaca Edward Omane Boamah iyo wasiirka, deegaanka, sayniska iyo tiknaloojiyada Ibraahim Murtala Maxamamed oo 50 jir ahaa ay ku dhinteen shilka, taasi oo u uku tilmaamay in ay tahay ‘’musiibo qaran’’.
Goor sii horaysay, ciidamada hubaysan ee Ghana ayaa sheegay diyaarada oo siday saddex shaqaalaha diyaarada iyo shan rakaab ah ay ka raadaarka.
Waxaa ay ka soo kacday caasimada Accra, iyada ku wajahnayd magaalada dahabka laga qodo ee Obuasi oo ay kaga qayb gali lahaayeen munaasabad qaran
Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Senetarada aqalka odayaasha Maraykanka ayaa ansixiyay in Janaraal Dagvin Anderson oo ahaa Taliyaha ciidanka Cirka Dalkaas uu noqdo taliyaha ciidanka AFRICOM ee ka howlgalla qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeedinta Magacaabista u gudbiyay aqalka Senate-ka dalkaas oo ugu dambeyn ansixiyay.
Waxa uu tagi doonnaa xerada ugu sarreysa ciidanka AFRICOM ee Stuttgard Dalka Jarmalka.
Dagvin Anderson ayaa u mahadceliyay Senatarada Maraykanka, waxa uu sheegayin in xoogga uu saarayo soo kordhinta waxyaabaha loo baahan yahay sida tayaynta howlgalka, la shaqaynta saaxiibada garabka siiya iyo kuwo kale.
Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shimbir ayaa ku eedeeyey in ciidamada Itoobiya ay Doolow ka sheegeen inay isaga baxaan saddex maalmood ciidamada dowladda ee ku sugan Beled-xaawo.
Waxa uu sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya ay isugu yeereen Odayaasha Doolow, ayna u qabteen saddex maalmood gudahood in ay uga baxaan Beledxaawo.
Maalmo ka hor ayaa ciidamada dowladda Federaalka ee uu hogaaminayo Cabdirishiid Janan waxay la wareegeen maamulka magaalada Beledxaawo, ka dib maalmo ay dagaalo kula jireen ciidamada Jubbaland.
”Wararkaasi waa dhab, niman saraakiil ah ayaa la hadlay odoyaasha Doolow oo dadka isugu yeeray shalay, arintaasina u sheegay, weliba waxa ay ku dareen in wakhti ay u qabteen, kaas oo saddex maalmood gudahood in ay dheheen dadkaasi meesha ha kaga tagaan, meesha ay leeyihiin haka tagaanna waa dhul Soomaaliyeed, meesha ay ka hadlayaana waa dhul Soomaaliyeed, marka warkaasi waa jiraa” ayuu yiri guddoomiye Shimbir.
Shirkaasi dhex maray Saraakiisha Itoobiyaanka iyo odayaasha ee ka dhacay Doolow oo aysan BBC xaqiijin karin ayaa guddoomiyaha isaga oo ka hadlaya uu tilmaamay in cidda ay kasoo xigteen ee uu sheegay ”Dadkii baa jooga sow ma aha, waa magaalo aan xukunno oo aan dadkeeda garanayno weeye”.
Guddoomiyaha ayaa ka jawaabay dantii ay ka lahaayeen saraakiisha Itoobiyaanka arrinta ay odayaasha u sheegeen ” Waxaan ognahay wax la taaban karo oo meesha ay ka sheegeen in ay yiraahdeen Masaari ayaa meesha la keenayaa iyo ciidamo kalaa meesha imaanaya, waxa ay si gooni ah u magacaabeen masuulka haatan meesha ugu sarreeya Cabdirishiid Janan”.
Odayaasha la kulmay saraakiisha Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay aragtida la xiriirta amarka saddexda maalmood loogu qabtay sid uu sheegay Shimbir. ”Odayaasha waa ay kala qaybsameen, in badan waxay yiraahdeen Masaari ma arag mana naqaan, ninka meesha jooga iyo ciidamada waa ciidan dowladeed, waddankoodii ayayna joogaan, idinku haddaa dhahaysaan idinkeey idiin taalaa, anaga sabab aan meesha ka bax ku niraahno ma jiraan”.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku wargaliyay arrinta amarka ee kasoo baxday saraakiisha Itoobiyaanka dowlada dhexe ee Soomaaliya ”Haa waa la socodsiinay wayna ogyihiin, waa ayna ka war qabaan”.
Ka maamul ahaan Gobolka Gedo ayuu sheegay inay uga falceliyeen amarka soo baxay, ”Falcelinteenu waxa weeye, waddankeenii baan joognaa, faragalina ma aqbalayno, nimankii sidaasi yirina ma ogin inay dowlada Itoobiya ka turjumayaan, waa niman saraakiil ah oo la dul joogo weeye, saraakiisha xuduudaha joogana waa iska dhaadhac badan yihiin, marka anaga falcelinteenu in aan xaqiijino fikirkaa inuu fikir dowlada Itoobiya yahay iyo inuu sarkaal furin jooga fikirkiisa uu yahay, laakiin mar walba mid aan aqbalayno ma aha, hadeey dowladu qabto iyo hadeey saraakiishu qabtoba”.
Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa ku dhawaaqay isbeddel cusub oo muhiim u ah nidaamka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Tani waxay timid kadib shir muhiim ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee HSJ, looguna magac daray Shirka Wada Shaqeynta iyo Sare u Qaadista Sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed, Shirkaas oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada hay’adood, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka baasaboorka, loo sugilahaa tayada xogta muwaadiniinta, loona dhisi lahaa nidaam isku dhafan oo casri ah.
Go’aamada Laga Gaaray Shirkaan waxaa qeyb ka ah in Laga bilaabo 1-da September 2025, dhammaan codsiyada Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, Qof aan heysan kaarkaas ma codsan karo baasaboorka, sidoo kale Laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka safar ku maraya gudaha dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay wataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo xogtooda shaqsiga ah
Tallaabadan waxay qeyb ka tahay istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dhisidda hay’ado casri ah, nidaam ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, iyo adeegyo u fudud muwaadiniinta helitaanka dukumentiyada muhimka u ah noloshooda.
Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in la helo baasaboorka Soomaaliyeed oo sumcad iyo aqoonsi sare ku leh caalamka, loona gudbo nidaam sugan oo la jaan qaadaya heerarka caalamiga ah.
Mogadishu, 06 August 2025 {HMC} The Minister of State for Foreign Affairs and International Cooperation, His Excellency Ali Mohamed Omar, today Wednesday, in his office at the Ministry in the capital Mogadishu,
the Ambassador of the Republic of Sudan to the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdulrahman Khalil Ahmed Abker Afendi, and searched with him ways to strengthen bilateral relations and broaden the horizons of cooperation in those areas The common interest between the two sister countries.
During the meeting, the security and political developments in Sudan were researched, the importance of promoting cooperation and joining efforts to promote peace and stability.
Communications department in the ministry
Shirkan oo ahaa kii saddexaad ee ay Qaramada Midoobay soo agaasinto ayaa ka dhacay magaalada Awaza, ee dalka Turkmenistan.
Qaar ka mid ah dadka ka falceliyay arrintan ayaa is waydiiyay sababta dal leh xeebta labaad ee ugu dheer qaaradda Afrika uu uga qeybgalay shir loogu talagalay dalalka aan badda lahayn.
Shirka oo ku mudeysan 5ta ilaa 8da Agoosto ee sannadkan 2025, ayay iskugu yimaadeen 32 dal oo aan bad lahayn, waddamo daris la ah, hay’ado horumarineed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana hal ku dhig looga dhigay “Horumarinta isku socodka iyada oo loo marayo iskaashi.”
Baraha bulshada Soomaalida sida Facebook iyo X, dad badan ayaa ku muujiyay walaac ah in ka qeyb galka Soomaaliya loo fasiran karo taageero dadban oo ay siinayso dadaalka Itoobiya ee ah in ay hesho marin Badda Cas ah, iyada oo adeegsanaysa Somaliland, taas oo ah arrin ay dowladda Soomaaliya si cad uga soo horjeesatay.
Mid ka mid ah faallooyinka laga dhiibtay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ku shaacisay ka qeybgalka shirka ayaa lagu sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya uu “halis ugu jiro in uu sharciyeyn u sameeyo rabitaanka Itoobiya ay marin badeedka ku raadinayso”.
In kasta oo magaca shirka uu tilmaamayo dalalka aan badda lahayn, haddana Xafiiska Qaramada Midoobay ee UN OHRLLS wuxuu caddeynayaa in dalalka loo yaqaan “dalalka marinka”, oo ah kuwa xeebaha leh ee baddooda u fura dalalka aan badda lahayn ee deriska la ah, ay qayb ka yihiin hab socodka shirka. Sida ku cad ajandaha, shirka waxaa lagu doonayay “in la abuuro iskaashi u dhexeeya dalalka aan badda lahayn iyo dalalka deriska ah ee marinka badda u ah.”
Soomaaliya waxay xuduud dhuleed la leedahay Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ku tiirsan dekedaha gobolka si uu ula xiriiro suuqyada caalamiga ah. Inkasta oo Itoobiya marinkeeda ugu weyn uu maro Jabuuti, haddana dekedaha Soomaaliyeed sida Berbera, Kismaayo iyo Boosaaso ayaa u leh muhiimad istiraatiiji ah oo la adeegsan karo mustaqbalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, Isaaq Maxamuud Mursal, uu uga qeyb galay shirka si “loo taageero iskaashiga gobolka.”

Soomaaliya kaligeed ma ahayn waddanka xeebaha leh ee shirka joogay; shirarkii hore ee LLDC waxaa ka qeyb galay dalal sida Kenya, Tanzania iyo Pakistan oo leh xeebo, misna marin badeed u ah dalalka aan badda lahayn ee deriska la ah. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in iskaashigan uu muhiim yahay sababtoo ah dalalka aan badda lahayn waxay la kulmaan kharash ganacsi oo ka sarreeya celceliska caalamiga ah ilaa 50%, taas oo ay ugu wacan tahay baahida ay u qabaan in badeecadooda la soo marsiiyo dhulka dal kale.
Suhuur Carey, oo ah khabiir ku takhasustay arrimaha badda, ayaa sheegtay in ka qeybgalka Soomaaliya ee LLDC3 uu yahay xeelad istiraatiiji iyo diblomaasiyadeed oo muujineysa faham cusub oo Soomaaliya ay ka yeelatay doorkeeda gobolka iyo mustaqbalka dhaqaale. Waxay tilmaantay in shirarkani ay fursad u yihiin in Soomaaliya ay ka qeyb gasho go’aamada lagu qorsheynayo kaabayaasha isku xira dalalka badda la’ iyo suuqyada caalamka, taas oo ka caawin karta dhisidda is-faham dhaqaale, nabadeed iyo mid istiraatiiji.

“Waa fariin u diraysa deriska aan badda lahayn in Soomaaliya diyaar u tahay inay siiso marin-badeed la isku halleyn karo, taas oo sare u qaadaysa doorkeeda gobolka isla markaana kula tartami karta dekedaha kale ee gobolka,” ayay raacisay.
Madaxweynaha Turkmenistan, Serdar Berdimuhamedov, oo marti geliyay shirka, ayaa ku booriyay dhammaan ka qeybgalayaasha; ha noqdeen kuwa aan badda lahayn ama kuwa xeebaha leh, in ay taageeraan siyaasado ay wax-soo saaristu ku taageerayso deegaanka halkii ay waxyeello u geysan lahayd.
Inkasta oo warka ah in Soomaaliya ka qeyb gashay shir loogu talagalay dalalka aan badda lahayn uu dadka qaar ku abuuray su’aalo, haddana dukumentiyada Qaramada Midoobay waxay muujinayaan in dalalka marinka ah ay qayb muhiim ah ka yihiin doodaha noocan oo kale ah, Soomaaliyana ay u aragtay arrintan mid taageeraysa diblomaasiyaddeeda, isku xirnaanta ganacsiyeed, iyo xaqiijinta kaalinta ay ku leedahay qaabaynta marinada dhaqaale ee gobolka.
Xigasho BBC