Home Blog Page 652

Suspect appears in Seattle court after Kenya extradition in Costco murder case

Tuesday August 5, 2025 {HMC} The man accused of fatally shooting a 67-year-old woman in the parking lot of a Tukwila Costco during a 2024 robbery appeared in a King County courtroom Thursday, more than a year after fleeing the country.

Salman Haji, 20, was extradited from Kenya to face multiple felony charges, including first-degree murder, first-degree robbery, and attempted robbery, for his alleged role in the killing of Yuan Ming, a Chinese-American woman visiting her family. Authorities say Ming was shot while helping her sister load groceries into their car. The attack deeply resonated with immigrant and diaspora communities, including Somali Americans, closely following the case.

Haji’s co-defendant, Ilyiss Abdi, was previously arrested and charged in the same case.

According to investigators, Haji’s co-defendant, Ilyiss Abdi, also 20, was behind the wheel of a stolen Porsche SUV stolen earlier that same day in Seattle. Prosecutors allege that the two men circled the Costco parking lot in Tukwila before targeting the two elderly women. When Haji tried to grab the sister’s purse, a struggle ensued. Ming leaned over from the passenger seat to assist her sibling and was shot in the chest at close range.

The sequence of events, from a carjacking in Seattle’s Queen Anne neighbourhood to the fatal shooting in Tukwila, set off a year-long international manhunt that led authorities across multiple countries. After the shooting, Haji fled the United States on Feb. 1, 2024, after being publicly named in a social media post as a suspect. Investigators believe he travelled first to Somalia, where he remained underground for several months. FBI investigators believe he initially sought refuge with extended family in Mogadishu, where he avoided detection by using aliases and moving between locations.

Over the next several months, Haji’s trail went cold. But by late 2024, agents with the FBI’s Seattle Field Office had developed intelligence suggesting he had relocated to Kenya, where Somali diaspora communities are more established and law enforcement cooperation with the U.S. is more robust. Working through the FBI’s legal attaché office in Nairobi and in coordination with Kenyan security services, U.S. agents quietly tracked Haji to a residential neighbourhood on the outskirts of the Kenyan capital.

He was arrested in Nairobi earlier this year without incident and officially taken into FBI custody on July 18, 2025, following his deportation from Kenya. Kenyan immigration authorities revoked his visa after confirming his identity and immigration violations. The extradition process was coordinated through the FBI’s Legal Attaché offices in Nairobi and The Hague, along with the DEA Nairobi Country Office, Kenya’s Directorate of Criminal Investigations, and the U.S. Department of Justice.

Haji is also facing a separate federal indictment in connection with an armed carjacking committed earlier that same day, according to the U.S. Attorney’s Office for the Western District of Washington.

The case has received considerable attention among members of the Somali community, not only because of Haji’s Somali heritage, but also due to larger questions of justice, accountability, and media portrayal. Somali American advocacy groups have condemned the crime and also expressed concern over rising online hate speech and xenophobia directed at immigrants during the investigation.

The FBI confirmed that Haji’s arrest was part of its “Summer Heat” operation, a nationwide campaign aimed at locating and apprehending violent fugitives.

“When we have these violent criminals who threaten the safety of our community, even if they flee outside the United States, we are not giving up.,” said FBI Special Agent in Charge W. Mike Herrington. “We are dedicated to finding them and bringing them to face justice no matter where in the world they are.”

“International fugitive investigations like this one require significant coordination with domestic and international law enforcement partners as well as our Legal Attaché offices, which advance the FBI’s mission worldwide,” Herrington added.

At Thursday’s hearing, Ming’s daughter, Zoe, spoke emotionally as she opposed a motion by Haji’s defence attorneys seeking to bar media from filming the defendant’s face.

“My mother was murdered in public, and he should not be shielded from the public now,” she said. “I have the right to see the murderer of my mother, and so does the public.”

The judge ultimately denied the defence motion, allowing cameras to record the proceedings.Haji pleaded not guilty to all charges. He is being held in King County Jail on $5 million bail. Abdi, who was arrested last year in connection with another fatal shooting, remains in custody on $6 million bail.

 

Source Hiiraan onnline

kulanka AUSSOM oo Muqdisho lagu Qabtay , aya lagu Hadlay guulihii la gaaray markii la bilaabay howlgalka,

Arbaco  6, August 2025 {HMC} Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada dalalka ay ciidamadoodu ka qayb qaadanayaan hawlgalka nabad ilaalinta AUSSOM.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka hortabinta leh ee AUSSOM, xoojinta iskaashiga amniga, iyo sidii loo dar-dargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Dalalkiina waxay muujiyeen hoggaan, go’aan adag, iyo kalsooni buuxda oo ku aaddan sidii Soomaaliya u heli lahayd amni waara, Waxaan diyaar u ahay inaan si dhow ula shaqeeyo dhammaan wakiillada si aan u xaqiijinno guul waarta,” ayuu yiri Danjire Diene.

Wakiilka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dalalka Itoobiya, Kenya, iyo Uganda, oo ah kuwa hoggaaminaya taageerada millatari iyo boolis ee howlgalka AUSSOM, Wuxuu ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan ilaalinta midnimada Qaaradda Afrika iyo taageeridda geeddi-socodka nabad-dhisidda Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, Danjire Mouktar Osman Kaire, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Sareeye Guud Sam Kavuma, Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Hillary Sao Kanu, Taliyaha Booliska AUSSOM Iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hawlgalka.

Intii kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay guulihii la gaaray tan iyo markii la bilaabay howlgalka AUSSOM, iyo caqabadaha wali taagan.

Danjire Diene wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay sii wadaan taageeradooda si howlgalka AUSSOM uu u guto waajibaadkiisa, ayna Soomaaliya ugu suurtogasho inay hesho nabad iyo xasillooni waarta.

Wasiirkii hore ee Batroolka oo Ka Carooday Ficil aay Sameeysay Dowladda

Arbaco  6, August 2025 {HMC} Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ku eedeeyay in ay ku guuldarreysatay, inay si dhab ah u hubiso aqoonsiga iyo ujeedooyinka diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee dalka loo soo dirayo.

Cabdirisaaq oo hadalkiisa ku baahiyay baraha bulshada, ayaa sheegay in arrintan ay tahay khalad weyn iyo ceeb qaran oo muujinaysa sida uu u liito hannaanka maamul ee dowladdu ku wajahdo xiriirka diblomaasiyadeed.

“Tani waa fadeexad weyn iyo ceeb, Marka dowladda aysan ku guuleysan hawsha ugu fudud ee ah in la baaro aqoonsiga diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya, waxaa dhacaya inaad la macaamisho diblomaasiyiin leh ujeedooyin xu, Tani waa doqonimo cad,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay muran diblomaasiyadeed oo ka dhashay wakiillo ajaanib ah oo lagu eedeeyay iney wateen ajandayaal aan waafaqsaneyn madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin diblomaasiga uu ka hadlayo, hadalka Wasiirku wuxuu si guud u muujinayaa walaac ballaaran oo laga qabo sida ay dowladda federaalku u maareyso arrimaha dibadda, gaar ahaan marka ay timaado ilaalinta karaamada dalka.

Sidoo kale, hadalka wasiirkii hore ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana uu abuuray falcelin xoog leh oo ay dad badani ku taageereen aragtidiisa, halka qaar kalena ay ugu baaqeen dowladda inay si cad uga jawaabto eedeymaha noocan ah.

Waxaa si weyn ugu baahay baraha Bulshada Safiirka ay Dowladda Ethiopia usoo magacowday Soomaaliya uu ahaa shaqsi si weyn u taageerayay in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya markii uu taagnaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Ethiopia ee ka dhashay heshiiski marin biyoodka ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia.

{DAAWO MUQAALKA} israaii’iil oo isku Diyaarineeyso Weeraro millatari ay ku qassa.

0

Arbaco 6, August 2025 {HMC} israaii’iil oo isku Diyaarineeyso Weeraro millatari ay ku qassa.

HOOS KA DAAWO

 

Hogaamiye Firdhiye oo Sheegay in Maamulkiisa uu Qorsheeynayo Soo Cilinta Magaalada Ceerigaabo

Arbaco  6, August 2025 {HMC} Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in haddii la doorto in uu soo celin doono magaalada Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag.

Firdhiye, oo u tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in haddii markale la doorto uu Somaliland kala wareegi doono magaalada Ceerigaabo oo ay Somaliland ka taliso.

“Waxa qorshahayga ku jirta soo celinta deegaankeena maqan, ee ay ugu horrayso magaaladeenna quruxda badan ee Ceerigaabo,” ayuu yidhi hoggaamiye Firdhiye.

Firdhiye ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo dagaal lagu qaado magaalada Ceerigaabo, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay maamulkiisa, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay soo ururiyaan dhaqaalihii lagu maalgelin lahaa dagaalka.

Dhawaaqa hoggaamiye Firdhiye ayaa imanaya xilli ay xukuumadda Somaliland gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo, si xal buuxa loogu helo xurguf soo kala dhex gashay beelaha qaarkood, isla markaana loo soo celiyo kumannaan qoys oo hore uga qaxay magaalada.

Shir ay dowladda federaalku taageeraysay oo dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa lagaga dhawaaqay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inuu ka koobnaan doono gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer, kuwaas oo ay hadda Somaliland gacanta ku hayso qaybo ka mid ah.

Maamulkan cusub ayaa diidmo kala kulmay Somaliland iyo Puntland, oo mid walba dhulkeeda u aragta dhulka laga dhisay maamulka, waxayna si cad ugaga hor yimaadeen warsaxaafadeedyo is xigay oo ay dhinacyadu soo saareen.

Haddaba, waxa suuragal ah in ay dagaallo cusub dhex maraan dhinacyada, kadib hadalka Firdhiye, maadaama uusan jirin heshiis nabadeed oo ka dhexeeya, isla markaana ay weli kala haystaan maxaabiis.

Dowladda oo qaaday Talaabo muhiim ah oo lagu burburinayo awoodaha milatari ee….

Arbaco  6, August 2025 {HMC} Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaalka muuqda ee uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaas oo lagu baaray in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin si toos ah u taageerayay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Tallaabadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda dowladda ee lagu burburinayo awoodaha milatari, dhaqaale iyo maskaxeed ee ay kooxda argagixisada ah ku dhisan tahay. Sida lagu sheegay warbixinta rasmiga ah, waxaa la baaray in ka badan 3,500 akoon bangi, iyadoo la xannibay lacag dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000), taasoo si cad u muujinaysa guul weyn oo laga gaaray wiiqista halbowlayaasha dhaqaale ee Khawaarijta.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si gaar ah ugu ammaaneysaa hay’adaha dowladda ee ka shaqeeyay baaritaannadan, kuwaasoo si firfircoon uga qeyb qaadanaya dagaalka guud ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Dadaalladaasi waxay si buuxda u garab taagan yihiin howlgallada geesinimada leh ee ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo laamaha kale ee amniga.

“Dagaalka lagula jiro Khawaarijta ma ahan oo kaliya mid ciidan iyo qori lagu wajahay, ee waa halgan qaran oo dhinacyo badan leh. Dhaqaale ahaan, fikir ahaan iyo bulsho ahaanba waa in lala dagaallamaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

DFS oo xirtay Suuqa Siinaay iyo Barakac hor leh oo halkaas socda.

Arbaco  6, August 2025 {HMC} Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka burburin ka bilaabay Xaafada Suuqa Siinaay ee Muqdisho oo maalmahan ay ka taagneed xiisad xooggan, taasi oo u dhexeysay ciidamada DFS iyo ciidan uu watay Xildhibaan Yaasiin Farey.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Risaala, Dad ku sugan agagaarka Siinaay, shacabka deegaanka ayaa loo oggolaaday inay alaabtooda kala baxaan guryahooda, iyadoo la arkayo dad si degdeg ah u daad-gureynaya hanti gaar ah.

Hawlgalka ayaa si rasmi ah u billowday xalay abbaaro 3:00 habeenimo, markaas oo dowladda federaalka ah ay xirtay dhammaan waddooyinka gala xaafadda. Saaka aroortii hore, waxaa la arkayay cagafo waaweyn oo dul istaagay gudaha xaafadda, taas oo muujinaysa in dowladda ay u dhaqaaqday fulinta qorshe muddo laga baaraan degayay.

Ciidamada dowladda ayaa si weyn ugu daadsan waddooyinka waaweyn iyo laamiga xaafadda, iyadoo tirada ciidamada ay aad uga badantahay shacabka weli ku sugan gudaha Siinaay.

Masar iyo Eritrea oo lagu eedeeyay xiisada ka jirtta G/Gedo

Arbaco  6, August 2025 {HMC} Maadaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah dowladaha Qaaradda Afrika inay dano siyaasadeed u hurinayaan colaadda ka aloosan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dalalka Masar iyo Eritrea ay dabada ka riixayaan colaadda gobolka Gedo, si ay u gaaraan xuduudka Itoobiya.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea iyo marabno in deegaankeena la keeno khilaafaadka dalal kale’, Ayuu yiri Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Dhanka kale Maamulka DFS ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ay muddo 3 cisho ah u qabteen Wasiir Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisu inay isaga baxaan Magaalada Beled-xaawo ee gobolkaasi.

“Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa timid Doolow, odayaasha ayey la kulmeen amar ayey bixiyeen ku aadan Xerada UK ee Beled-xaawo iyo madaxda DFS ee halkaas joogta khaasatan Wasiir Cabdirashiid waqti ayey u qabteen 3 beri ah inuu kaga boxo Beled-xaawo taasi oo wax u dhimaysa derisnimada”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray,”Shirarka ka dhaca Muqdisho & Addis Ababa waxaa naloo sheegaa wadahadal ayaa socda oo meel fiican ayaa wax marayaan Askartuna waxay rabtay ka samaysaa Soomaaliya, arrintaasi Axmed Madoobena wax tari mayso shacabka Gedana laguma khasbi karo.

 

Falcelin culus oo ka dhalatay safiirka cusub Itoobiya ee Soomaaliya

Dood culus ayaa ka taagan ficillo uu horay u sameeyay Danjiraha cusub Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo xiligii ay taagnayd xiisadda labada dal ee salka ku haysay xadgudbkii Addis Ababa ay ku sameysay madaxbannaanid gaar ahaan heshiiskii badda.

30kii Agoosto 2024 waxa uu Danjiraha cusub ee Itoobiya soo dhigay bartiisa X (Twitter) qoraal uu Hoggaanka Dowladda ku tilmaamay in ay faashilmeen, xiligaas waxa uu soo qaatay dibadbax ka dhacay Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo lagu diidanayaa in Ciidanka Masar lagu daro Howlgalka Midowga Afrika.

Safiirka ayaa bartiisa X waxa uu soo geliyay qoraallo badan uu uga qaybqaatay dagaalka afka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ka hor inta aan lagu soo afjarin heshiis ka dhacay dalka Turkiga oo Madaxweyne Erdogan garwadayn ka ahaa.

Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay ahayd in Dowladdu hubiso qofnimada Danjiraha Cusub kahor inta aanay warqadaha Safiirnimo ka guddoomin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinacyo kala duwan ayaa sidaas oo kale dood ka keenay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo Woshe maadaama qadiyadda uu ka aaminsan yahay dalka loosoo magacaabo meel fog joogto sida ay hadalka u dhigeen.

Maxaay Tahay Buundadaan muhiimka ee uu Talyaaniga 13 Bilyan oo Yuuro ku dhisaya

Arbaco  6, August 2025 {HMC} Dalka Talyaaniga waxa uu ku dhawaaqay in uu €13 Bilyan oo Yuuro una dhiganta $15 Bilyan oo doollar ku dhisayo buundo muhiim u ah isu socodka Dalkaas intiisa kale iyo Jasiiradda Sicily si uu u xoojiyo nidaamka difaaca Yurub.

Talyaaniga ayaa sheegay in uu dareensan yahay cabsida ka jirta dagaalka badda Mediterranean sidaas awgeed hadda laga sii shaqeynayo sidii loo heli lahaa marin fududeeya sidii loo badbaadin lahaa Qaaradda Yurub.

Wargeyska Financial Times oo qormo ka qoray dhismaha Buundadaan ayaa soo bandhigay jaantuska buundadaas iyada oo laga dheehan karo sida ay u fududeyn karto in laga kor gudbo badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Jasiiradda Sicily.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa arbacada waxa ay Xukuumaddeeda horgeyneysa qaraarka lacagtaan lagu ogolaanayo si Golaha Wasiirrada u ansixiyo looguna dhaqaaqo fulinta dhismaha mashruucaan.

Talyaaniga waxa uu kamid yahay Dalalka Quunyar socodka ah ee reer Yurub inkasta oo barisamaadkii qayb ka ahaa Waddamada Gumeystay Dalal badan, siyaasaddiisa oo hoos u dhacday waxa uu daneynayaa in uu dib boorka isasoo jafo.