Home Blog Page 664

howlgal culus oo ka socda gobolka Shabeellaha Hoose

Jimco 01 Agoosto 2025 {HMC} Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo waddada muhiimka ah ee isku xirta gobolkaasi iyo gobolka Bay.

Ujeeddada howl-galka ayaa ah sugidda amniga deegaannadaasi, iyadoo la xakameynayo dhaqdhaqaaqa xubno ka tirsan As oo mararka qaar ku dhuunta halkaas.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale baaritaanno ku sameeyay gaadiidka dadweynaha iyo dadka isticmaalaya waddooyinka, si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee shacabka ku nool aaggaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku bogaadisay geesinimada iyo dedaalka ay muujiyeen ciidamada Danab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxay ammaan iyo bogaadin u diraysaa geesiyaasha Danab ee si joogto ah ugu taagan ilaalinta shacabka iyo sugidda xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah howl-gallada gaar ah ee kooxda As lagula dagaalamayo, kaasi oo ay ka kaashanayaan ciidamada qaranka iyo kuwa xaq-udirirka deegaanka.

Si kastaba, Dagaalladan oo bilihii lasoo dhaafay uu ku yimid gaabis ayaa horseeday in kooxdu dib ula wareegto deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxdu.

Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda As iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka, haddana weli ma muuqdo duullaan culus oo kooxda dib looga furanayo deegaanada ay qabsatay.

Ciidamada Puntland oo qabtay Xubnood oo ajaaniib ah Kana Tirsanaa Daacish

Jimco 01 Agoosto 2025 {HMC}- Ciidamada Puntland, kuwaas oo fadhigoodu yahay deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo kamid ahaa firxadkii argagixisada Daacish ee lagu jebiyay hawlgalkii Calmiskaad.

Saraakiil ka tirsan hawlgalkan ayaa xaqiijiyay in labada xubnood oo ajnabi ah laga qabtay buuraha u dhaw deegaanka Kalabayr, halkaasi oo ay u soo firxadeen, kaddib markii ciidamada Puntland si buuxda u kala daadiyeen awooddii mileeshiyaadka Daacish.

Saraakiishu waxay sheegeen in labada argagixiye loo gudbin doono taliska guud ee hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si baaritaan dhammaystiran loo sameeyo, islamarkaana loo horgeeyo hay’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa muujiyay dadaal joogto ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida gobolka, iyagoo ka hortagaya kooxaha argagixisada ee halista ku haya bulshada.

Gobolka Banaadir oo $200,000 ugu Deeqay Gurmadka Abaarta Gobolka Awdal.

Jimco 01 Agoosto 2025 {HMC} Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000, taasoo lagu taageerayo dadaallada gurmad ee lagu wajahayo abaarta ba’an ee ka taagan Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan uu Guddoomiyuhu la yeeshay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Gobolka Awdal, kuwaasoo uga warramay xaaladda cakiran ee bini’aadantinimo ee gobolkaas ka jirta, gaar ahaan baahiyaha degdegga ah ee ay dadka reer Awdal la daalaa dhacayaan.

Muungaab ayaa sheegay in isu-gurmashada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed ay tahay tiir-dhexaadka samatabbixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka Muqdisho ay garab taagan yihiin walaalahooda Awdal, iyaga oo deeqdan lacageed ugu talagalay in si degdeg ah loogu fuliyo howlaha gargaarka naf-badbaadinta ah.

Deeqdan ayaa si rasmi ah loogu wareejin doonaa Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), si loo hubiyo in si hufan oo qorsheysan loogu adeegsado wax-ka-qabadka abaarta iyo ka hortagga faafitaankeeda.

Madaxweyne Deni oo ka digay Colaadda Gedo.

Jimco 01 Agoosto 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso dagaallada ay ka waddo gobolka Gedo, isagoo sheegay in colaadahaasi ay carqaladeynayaan dadaallada lagu wajahayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay inay tahay nasiib darro in dowladda federaalka ay ciidamo u daabusho gobolka Gedo, taasoo keentay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamadii dowladda dhexdeeda. Wuxuu xusay in arrintaasi sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo barakac baahsan.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda dhexe in caqligu taliyo oo la xushmeeyo danaha shacabka Soomaaliyeed. Tallaabooyinka haatan socda waxay muujinayaan khatar weyn oo burbur qaran keeni karta, haddii aan laga baaqsan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso colaado sokeeye oo salka ku haya dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii laga filayay inay ilaaliso midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa murugo leh in dowladdii loo igmaday inay difaacdo wadajirka qaranka ay ku mashquulsan tahay abaabulka fowdo iyo dagaallo aan dan guud ka tarayn, iyadoo leh yoolal siyaasadeed oo gaaban,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda federaalka ay dhaawacayaan kalsoonida iyo taageerada caalamka uu siiyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in xilli Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanno muhiim ah, haddana dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay weerarro ka dhan ah deegaanno nabdoon.

Israel oo la baxday diblomaasiyiintii ka joogtay Imaaraadka.

Jimco 01 Agoosto 2025 {HMC} Xuutiyiinta ayaa digniin rasmi ah u diray dalalka Carabta, wuxuu yiri hoggaamiyaha sare ee Xuutiga ; “ Shidaalka aad bixisaan ayaa lagu dilaa ilmaha Qasa.”

Hadalkan waxaa xigay in si lama filaan ah warbaahinta Israa’iil ay diiradda u saareen digniin amni oo loogu sheegayo Israa’iiliyiinta inay ka soo baxaan dhulka Carabta , waxaa lagu celceliyay khatar ka jirta Imaaraadka Carabta oo dhalisay diyaaraddo gaar ah in lagu daabulay diblomaasiyiintii Israa’iil ka joogtay!

Isla markii guddiga amniga Israa’iil ayaa iyagana baahiyay war saxaafadeed ay ku sheegeen inuu go’ay xiriirkii Israa’iil ay lahayd sirdoonka Carabta , waxaa farta lagu fiiqay Abu Dhabi oo la sheegay in kalsooni darro amni ay soo kala dhexgashay! Illaa xataa warbixinta lagu muujiyay labo arrin oo cusub kuwaasoo kala ah:-

Carabta way kacsanyihiin waxayna doonayaan inay nacaybka Yahuudda si ficil ah u muujiyaan ka fogaada!
2 . Israa’iiliyiinta ha is qariyaan yaan lagu arag wax calaamad caddeynaysa inay Yahuud yihiin.
Digniinta golaha amniga Israa’iil, waxaa kaloo lagu sheegay inay Israa’iiliyiinta ka fogaadaan inay muujiyaan inay yihiin Yuhuud, ama adeegsiga astaanta iyo calanka Israa’iil, taa oo ay sheegeen inay ku soo jiidi karto khatar.

Isku xirka dhacdooyinkan, ayaa loo qaatay inay jirto khatar amni oo dhab ah, ama kacdoon bulsho oo ku soo wajahan boqorada kuraastooda ilaashanaya ee Carabta.

Waxaa cad inay Carabta la kulmayaan fadeexad aan taariikhdooda ka hari doonin , muuqaallada ka imaanayana Qasa waxay noqdeen uurku taalo aan go’in, illaa qoysas reer galbeed ah ay cunada joojiyeen, halka Carabta la dhiigga iyo diinta ah Qasa aysan waxba diirin, balse hubaal in aamusnaanta ay dhalin doonto qarax dadweyne!

 

SSC-Khatumo conference concludes with formation of new Northeastern Somali Regional State

Thursday 31 July , 2025 {HMC}  SSC-Khatumo regional state formation conference has officially concluded Wednesday in Las Anod, announcing the establishment of a new federal member state under the name Northeastern Somali Regional State with Las Anod as its capital.

The conference, which brought together 417 delegates from the Sool, Sanaag, and Buuhoodle districts of Togdheer region, formally replaced the SSC-Khatumo interim administration and adopted a constitution for the newly declared regional state.

Representing the Federal Government of Somalia, Minister of Interior and Federal Reconciliation Ali Yusuf Ali (Koosh) attended the event, signaling Mogadishu’s endorsement of the process and recognition of the new administration under the federal framework.
According to the final declaration, communities across the regions unanimously agreed to establish a permanent administration affiliated with the Federal Government. The conference emphasized local ownership of the process, with elders, politicians, and civil society playing central roles in brokering unity and addressing disputes that had previously hindered consensus.

Ali Abdullahi (Gaboobe), a respected traditional leader, was named interim head of the new regional state pending formal elections. His appointment was welcomed as a unifying choice to steer the region through the transition phase.

The Somali federal government commended the peace-building efforts of the SSC communities and pledged to support the new administration in governance, development, and institution-building. A press release from the Ministry of Interior reiterated the government’s commitment to working closely with the new state leadership to promote lasting peace and stability in the region.

The formation of the Northeastern Somali Regional State marks a significant development in Somalia’s ongoing federalization process. It comes at a time of renewed national focus on strengthening local governance and enhancing community-based reconciliation across the country’s regions.

Political figures and members of the SSC community broadly welcomed the outcome, celebrating it as a step toward greater unity, representation, and alignment with the federal system

Yemen’s Houthis claim launching 5 drones at Israeli military targets

Thursday 31 July , 2025 {HMC}  Yemen’s Houthi group said in a televised statement late Wednesday that it launched five drones toward three Israeli military targets earlier in the evening.

In the statement aired by Houthi-run al-Masirah TV, the group’s military spokesperson, Yahya Sarea, said the five drones struck military targets in Tel Aviv, Ashkelon, and the Negev.

He claimed the operation was “successful” and “hit the targets.”

Earlier in the evening, the Israeli Defense Forces (IDF) said in a statement that it intercepted a drone fired from Yemen before it entered Israeli airspace. It added that “no air-raid sirens were activated from the attack.”

This was the second Houthi attack against Israel in 24 hours after the IDF reported the interception of a Houthi missile attack on Tuesday evening.

The Houthi group, which controls much of northern Yemen, has been targeting Israel since November 2023 to show solidarity with the besieged Palestinians in Gaza.

Somalia and Djibouti sign Status of Forces Agreement to strengthen defense cooperation

Thursday 31 July , 2025 {HMC}  The governments of Somalia and Djibouti have signed a landmark Status of Forces Agreement (SoFA) aimed at enhancing bilateral defense cooperation and formalizing the legal and operational framework for the deployment of Djiboutian troops in Somalia.

The agreement was signed in Djibouti by Somalia’s Minister of Defense, Ahmed Moallin Fiqi, and Djibouti’s Acting Minister of Defense, Ali Hassan Bahdoon, during a high-level ceremony attended by senior military and government officials from both nations.

Under the terms of the SoFA, the two countries have established clear guidelines governing the responsibilities, operational protocols, and legal status of Djiboutian forces serving in Somalia. The agreement provides a foundation for expanding Djibouti’s troop presence as part of the broader regional stabilization effort and Somalia’s ongoing security transition.
“The signing of this agreement marks a significant step forward in our shared commitment to regional peace and security,” said Minister Fiqi. “Djibouti’s support remains vital to our efforts to restore stability and transfer security responsibilities to Somali institutions.”

Djiboutian forces have long played a critical role in peacekeeping operations in Somalia, particularly in the central regions, under the African Union’s stabilization mission. The new agreement deepens that collaboration, allowing for enhanced coordination in joint operations and a more structured engagement within Somalia’s evolving security landscape.

Djiboutian officials echoed Somalia’s sentiments, reaffirming their nation’s dedication to supporting Somalia’s sovereignty and rebuilding process. “This agreement reflects Djibouti’s enduring commitment to Somalia’s peace, stability, and long-term recovery,” said Minister Bahdoon.

The SoFA comes at a pivotal moment as Somalia accelerates efforts to reclaim territory from al-Shabaab and transition from reliance on foreign troops to a Somali-led security framework by the end of 2024.

Somali PM meets new AU mission chief, reaffirms commitment to terrorism fight and security transition

Thursday 31 July , 2025 {HMC}  Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has welcomed the newly appointed Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia and Head of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), Ambassador El Hadji Ibrahima Diene, in a meeting focused on strengthening cooperation in the ongoing fight against terrorism and advancing Somalia’s security transition.

The meeting, held in Mogadishu, was also attended by AUSSOM Deputy Head Mouktar Ousman Karie. Prime Minister Barre briefed the AU delegation on the latest developments in Somalia’s military campaign against al-Shabaab and underscored the government’s unwavering commitment to defeating the group and stabilizing the country.

“We are making steady progress in liberating areas from terrorist control,” Prime Minister Hamza told the AU leadership, reaffirming his administration’s resolve to complete the Somali-led security transition and restore full state authority.
He also expressed Somalia’s deep appreciation for the African Union’s continued support through AUSSOM, formerly known as AMISOM, and acknowledged the mission’s vital role in peacekeeping, capacity-building, and supporting the federal government’s broader state-building agenda.

In response, Ambassador Diene thanked the Prime Minister for the warm reception and commended the resilience of the Somali people and government. He pledged the African Union’s ongoing support for Somalia’s stabilization efforts and emphasized AUSSOM’s commitment to a smooth, coordinated handover of security responsibilities to Somali forces, in line with the national Transition Plan.

The meeting comes as Somalia prepares for the next phases of troop drawdowns and security handovers under the AU-led framework, which seeks to empower Somali institutions to take full charge of national defense and governance by the end of 2024.

Source Hiiraan Onnline

FAAH FAAHIN Dil ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Khamiis 31 July 2025{HMC}  Allaha u naxariistee Aadan Axmed Khaliif oo kamid ahaa dhalinyarada Magaalada Baladweyne ayaa Duhurnimadii maanta Lagu dilay meel aan ka fogeeyn xerada daraawiishta.

Ehelada aadan ayaa sheegay in aan si dhab ah loo ogeeyn sababta ka dambeeysay Dilka Wiilkooda, waxaana wali meeydkiisa uu yaala Magaalada.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in rasaas dad lagu kala Celinayay uu ku dhintay halka kuwa kalena ay sheegayaan in marxuunka iyo Qofka dilka geeystay ay Xurguf hore ka dhaxeeysay.

Ninka dilka geeystay ayaa baxsaday waxaana marxuunka lagu wadaa in maalinta bire ah La aaso Sida ay ehadiisa u sheegeen Hiiraanweyn.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.