Home Blog Page 665

{DAAWO MUUQAALKA} Cabdi-wali Gaas Muxuu ka yiri Maamulka Cusub ee Waqooyi bari Soomaaliya.?

0

Qamiis 31, July 2025 {HMC} Cabdi-wali Gaas Muxuu ka yiri Maamulka Cusub ee Waqooyi bari Soomaaliya.?

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

Aadan Madoobe oo magaalada Xudur ka daahfuray isdiiwaangelinta doorashooyinka

Khamiis  31 July 2025{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka daahfuray hanaanka isdiiwaangelinta doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah uga bilaabatay magaaladda Xudur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka mid noqday dadweynaha Magaaladda Xudur oo safar dhaadheer ugu jiray is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee is diiwaangeliya islamarkaana qaata kaarka isdiiwaangelinta.

 

Aadan Madoobe oo uu Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha guddoonsiiyay kaarkiisa isdiiwaangelinta ayaa la hadlay dadweynihii usoo baxay in ay qaataan kaarka diiwaangelinta, wuxuuna kula dardaarmay in ay isdiiwaangeliyaan si ay mustaqbalka codkooda u dhiibtaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka ku nool deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kula dardaaramay in ay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

{DAAWO MUUQAALKA} Halkuu marayaa qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku soo saareyso Lacag Cusub.

0

Qamiis 31, July 2025 {HMC}  Halkuu marayaa qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku soo saareyso Lacag Cusub.

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.”

Khamiis  31 July 2025{HMC} Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa u hambalyeeyay shacabka iyo waxgaradka deegaanada SSC-Khaatumo guusha ay ka gaareen dhameystirka dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo todobaadyadii la soo dhaafay shirka lagu dhameestiro uu ka socday magaalada Laascaanood.

Taliye Aasad oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa ku yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa shacabka iyo waxgaradka SSC dhameystirka dhisidda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.”

Taliye Aasad, oo horey u ahaa musharrax madaxweyne ee maamulka Puntland, ayaa xusay in shacabka Puntland ay si weyn ugu faraxsan yihiin guushaas, isla markaana ay muhiim tahay in madaxda Puntland ay garab istaagaan walaalahooda SSC, si ay u noqdaan garab iyo gaashaan isugu noqdaan.

“Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, sidoo kale maamulka waxay masuuliyadu faraysaa inay grab istaagaan walaalahooda waxay isku noqonayaan garab iyo gaaashaan,” sida uu ku yiri qoraalka uu ku faafiyaya Facebook.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku bogaadiyay dadaalkii xooganaa ee ay geliyeen dhismaha dowlad goboleedkaas iyo hirgelinta midnimada iyo wadajirka dalka.

DFS oo kaarka Aqoonsiga Qaran ku xirtay helitaanka adeegyada bangiyada

Khamiis  31 July 2025{HMC} Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo hadda, muwaadiniinta ay qasab tahay in ay soo bandhigaan kaar aqoonsi qaran si ay u helaan adeegyada bangiyada, sida furashada xisaabaad, bixinta iyo dhigashada lacagta, iyo codsashada amaahda.

Tallaabadan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, ayaa marka hore ka dhaqan gelaysa gobolka Banaadir ka hor inta aan laga hirgelin guud ahaan dalka.

Bangiga Dhexe ayaa sheegay in xeerkan cusub uu yahay mid lagula dagaallamayo isticmaalka aqoonsiyada been abuurka ah, lacag-dhaqidda sharci darrada ah, looguna talagalay in lagu adkeeyo amniga adeegyada maaliyadeed. Tani waxay qeyb ka tahay Qorshaha Isbeddelka Qaran ee la meel mariyay bishii Maarso 2025, kaasoo lagu dhisayo hay’ado dowladeed oo casri ah, isla markaana lagu xoojinayo kalsoonida muwaadiniinta.

Soomaaliya ayaa muddo ka badan 30 sano la’aaneed nidaam aqoonsi oo rasmi ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991. Bishii Sebtembar 2023 ayaa dalka laga bilaabay bixinta kaarar biometrik ah, waxaana laga hirgeliyay meelo ay ka mid yihiin Muqdisho, Galmudug, Hirshabeelle iyo Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi ayaa sheegay in nidaamkan aqoonsiga qaran uu xal u yahay dhibaatooyin badan oo dalka ka jiray, sida doorashooyinka, amniga, iyo helitaanka fursadaha dhaqaale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga qaran “laf-dhabarta amniga qaranka”, isagoo xusay in maqnaanshaha aqoonsi rasmi ah uu caqabad weyn ku ahaa la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta adeegyada dadweynaha.

Maxa Waye Fariinta Cabdirashiid Janan oo farriin u diray askartii kula dagaalmay gudaha Beledxaawo?

Khamiis  31 July 2025{HMC} Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Beledxaawo oo maalmihii la soo dhaafay ka socdeen dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Askarta Dowladda Federaalka ayaa si buuxda ula wareegay Xarunta degamda, Saldhiga ciidanka iyo Xarunta Hay’adda Socdaalka oo ay hore u haysteen Jubbaland.

Cabdirashiid Janan oo ah Madaxa Hay’adda NISA ee gobolka Gedo ayaa sheegay in cafis loo fidiyay ciidanka Jubbaland ee kula dagaalamay gudaha magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Gedo, isla markaasna bulshada aayahooda ka tashanayaan.

Dagaalka mudada tobanka maalin ka socday magaalada Beledxaawo ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhinacda dagaalamay iyo dad rayid ah. Sidoo kale waxaa ku barakacay boqolaal ruux oo gaarey deegaannada hoos yimaada magaalada Mandheera, kuwaasi oo la qorsheynayo in ay dib u soo laabtaan.

Tuk-tuks put donkey cart drivers out of work in Baidoa camps.

Thursday 31  July , 2025 {HMC} As motorised three-wheelers, known as bajaj or tuk-tuks, are becoming the most popular mode of transport in Baidoa market, donkey carts are being overtaken and putting people like Barre Hilowle Mohamed out of work.

Barre, 64, with a family of eight to support, has not had any reliable income since May because customers are choosing tuk-tuks instead of his donkey cart.

He has been driving a hired donkey cart since arriving in Mubarak IDP camp in 2023 after drought destroyed his family’s three‑hectare farm in Ooflow, 90 km from Baidoa.

He paid $1 a day to rent the cart and $3 on donkey feed, and usually made a profit of $5 or so a day.

Having fallen again on hard times, he has to rely on help from others in the camp to have some food to spare occasionally if not every day.

“Our better off neighbours sometimes help us by giving us food. When they see we have not cooked anything at night, they assist us saying here is somehting you can cook tonight. That’s how we are living now. If we get a few pieces of bread during the day, that’s what we sleep on,” he said.

Barre doesn’t have any other skills that could enable him to earn an alternative living. Water at the Mubarak camp well costs 5,000 Somali shillings a jerrycan which they eke out over two days for drinking only.

Having built up $50 in unpaid water bills, he is being refused further credit.

“The biggest challenge we face is unemployment. The marketplace where we used to work has changed as people use tuk-tuks instead of our donkey carts. Even the people we used to rent the donkey carts from can’t help us now,” he said.

Similarly, Mursal Hassan Ibrahim used to support his family of nine from the $5-7 he made a day transporting goods for customers, who have now switched to tuk-tuks.

The tuk-tuks are faster than donkeys and usually cheaper by up to half than a tuk-tuk fare over the same distance.

“The worry we have now is if our lives continue like this, our children won’t get an education, and as we’ve lost our jobs, we can’t support our wives and children,” he said. “I fear that our lives will become even more difficult and we’ll be in deep trouble.”

For the past two months Mursal’s family has relied on cooked meals occasionally provided by their neighbours in Bula‑nurio camp.

“I owe three months’ worth of rental for the donkey cart hire, which was one dollar a day. I thought this month would be better for me, but the debt has accumulated to three months so that’s $90. I also owe $170 to a shop where I used to get food,” he said.

Mursal has been walking into Baidoa every morning hunting for casual labour jobs, but he hasn’t had any luck.

According to Ali Isaaq Dahir, chairman of a committee representing 101 camps around Baidoa, around 300 families who depended on income from donkey carts have been put out of work by the switch to tuk-tuks.

He added that the traditional way of communities helping one another out had been greatly eroded by aid cuts and the economic downturn and loss of casual jobs.

“People used to help each other. If a donkey-cart owner managed to work that day, he would contribute, and we would identify any family in trouble within the camps so the community would make sure that household had food to cook. But now, even that kind of helping has stopped. The very person who used to help others is now struggling himself,” Dahir said.

Dahir said the committee had informed the South West State administration and humanitarian organisations of the crisis in the camps, as new families continued to arrive daily, displaced by conflict and drought, further stretching scarce resources.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 3107 2025

Khamiis   31 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :CAbdiqani cosoble /Roodo  Xusen

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

{DAAWO MUUQAALKA} Diyaar ciidan oo goordhow ka degtay xerada Uk ee Baladxaawo.

0

Qamiis 31, July 2025 {HMC} Diyaar ciidan oo goordhow ka degtay xerada Uk ee Baladxaawo.

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo caalamka 31-07-2025

0

Qamiis 31, July 2025 {HMC}Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo caalamka 31-07-2025

HOOS KA DAAWO MUUQAKA