Home Blog Page 666

{DAAWO MUUQAALKA} Amar buuxa ayaan ka heysaa Dowladda Soomaaliya Gedo waan xureyneynaa”’Cabdirashiid Janan”

0

Khamiis 31, July 2025 {HMC}  Amar buuxa ayaan ka heysaa Dowladda Soomaaliya Gedo waan xureyneynaa”’Cabdirashiid Janan”

 

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Digniin kasoo baxday Ciidamadda Dowladda ee ku sugan Luuq.

0

 

 

Xaalad Deganaaasho oo saaka ka jirtay Beledxaawo.

Khamiis  31 July 2025{HMC} Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad ka duwan tii maalmaha lasoo dhaafay, kaddib dagaallo qaraar oo muddo dhowr maalmood ah ka socday halkaasi, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Jubbaland.

Deganaanshaha cusub ayaa yimid kaddib qorshe waan-waan ah oo lala galay ciidamadii taabacsanaa Jubbaland, taasoo horseedday in lagu guuleysto joojinta dagaalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa hadda si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Beledxaawo, oo muhiim u ah isku xirka xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa gacanta DFS galay xarumo istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin xarunta degmada, saldhigga booliiska, iyo xarunta socdaalka (Immigration), iyadoo la sheegay in ciidamadaas uu hoggaaminayo Abdirashid Janan, taliyaha howlgalka Gobolka Gedo ee NISA.

Dhinaca kale, ciidamadii Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay u ruqaansadeen dhanka xadka Kenya, iyagoo aan wax iska caabin ah sameynin markii dambe. Waxaa la tilmaamayaa in saaka magaalada Beledxaawo ay ku sugan tahay xaalad dagan, iyadoo ciidamada DFS ay si buuxda u maamulayaan amniga.

Isgaarsiinta magaalada ayaa dib hawada ugu soo laabatay, waxaana bilaabatay in ganacsigii iyo noloshii caadiga ahayd si tartiib ah usoo laabtaan, iyadoo dadka reer Beledxaawo ay u muuqdaan kuwo ka nafisaya xiisaddii colaadeed ee maalmihii lasoo dhaafay.

Canada oo dal madax banaan u aqoonsaneyso Falastiin

Khamiis  31 July 2025{HMC}Xamaas ayaa sheegtay in ay maanta u gudbin doonto Israa’iil magacyada afarta qof ee laheystayaasha ah ee la sii dayn doono, taasoo qayb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza.

Waxaa la filayaa inay noqdaan afar dumar ah oo isugu jira askar iyo dad rayid ah. Isweydaarsiga maxaabiista ee dhici doonta maalinta sabtida ah, Israel ayaa la filayaa inay sii deyso ilaa boqol iyo siddeetan dumar ah oo Falastiiniyiin ah oo maxaabiis ah.

Sido kale maalinta sabtida ah, kumanaan kun oo barakacayaal ah ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan waqooyiga dhulkaas iyadoo ciidamada Israa’iil ay ka sii baxayaan Qaza.

Dhanka kale, Canada ayaa ku dhawaaqday inay dal madax bananan u aqoonsaneyso Falastiin iyadoo hore UK iyo Faraansiiska ay sheegeen inay aqoonsan doonaan Falastiin.

Wasiir Fiqi ” Oo hambalyeyey Maamulka Waqooyi bari

Khamiis  31 July 2025{HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah ugu hambalyeeyay dhismaha Maamulka Cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay maamul ku yimid rabitaanka shacabka, loona maray marxalado adag oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka cusub uu yahay mid macno iyo maamuus u leh midnimada dalka Soomaaliya, islamarkaana uu tusaale wanaagsan u yahay dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dhismaha dowladnimo iyo ilaalinta midnimada qaranka.

“Ma aha maamul gacmo iyo garab shisheeye ku yimid, mana aha mid qeyb ka ahaa qorsheyaal shisheeye. Waa maamul muujiyay biseyl siyaasadeed iyo karti dadweyne. Wuxuu bilay midnimada dalka, wuxuuna yareeyay rajadii gooni-goosadka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale rajo wanaagsan u rajeeyay shacabka ku dhaqan deegaannada maamulka cusub ee Waqooyi-Bari, isagoo ku duceeyay in maamulkaasi u horseedo nabad, iyo horumar waara..

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa imaanaya xilli dowladda federaalku si rasmi ah ugu dhawaaqday dhismaha Maamulka Waqooyi-Bari oo xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood, kadib shir qaran oo ay ka qeybgaleen ergooyin ka kala socday gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer.

Maraykanka oo kordhiyey abaalmarinta qofkii keena xogta Sacad bin Caatif

Khamiis  31 July 2025{HMC}KDowladda Mareykanka ayaa si weyn u kordhisay abaalmarinta lacageed ee la siinayo ciddii keenta xog horseedda qabashada hoggaamiyaha ururka Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta (AQAP), tallaabo muujinaysa ahmiyad cusub oo la saarayo burburinta hoggaanka ururkan, kaas oo ay u aragto mid ka mid ah laamaha ugu halista badan ee shabakadda caalamiga ah.

Barnaamijka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Abaalmarinta Caddaaladda (Rewards for Justice – RFJ) ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in hadda la bixinayo ilaa $10 milyan oo doollar ciddii keenta macluumaad ku saabsan halka uu ku sugan yahay ama aqoonsigiisa Sacad bin Caatif al-Cawlaqi, oo ah amiirka kooxda mintidiinta ah ee fadhigeedu yahay Yemen. Lacagtan ayaa ah koror la taaban karo marka loo eego tii hore oo ahayd $6 milyan oo doollar.

Bayaan uu soo saaray, barnaamijku wuxuu sidoo kale xaqiijiyay abaalmarinno weli taagan oo loo ballanqaaday laba sarkaal oo kale oo sare oo ka tirsan AQAP: ilaa $5 milyan oo doollar oo la siinayo ciddii keenta xogta Ibraahim Al-Bannaa, iyo ilaa $4 milyan oo la siinayo ciddii keenta xogta Ibraahim Axmed Maxmuud al-Qoosii, kuwaas oo labadoodaba lagu tilmaamay inay yihiin kaaliyeyaal muhiim u ah al-Cawlaqi.

“Al-Cawlaqi wuxuu si fagaare ah ugu baaqay in la weeraro Mareykanka iyo xulafadiisa,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ku sheegtay bayaankeeda, iyadoo hoosta ka xarriiqday khatarta uu ninkani ka dhigan yahay.

Beegsiga hoggaanka cusub ee AQAP

Sacad al-Cawlaqi ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha AQAP bishii Maarso 2023, kaddib dhimashadii hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee Khaalid al-Badarfi. Intii uusan la wareegin talada guud, al-Cawlaqi wuxuu soo noqday amiirka kooxda ee gobolka istiraatiijiga ah ee Shabwa ee koonfurta Yemen, wuxuuna muddo dheer xubin ka ahaa golaha sare ee hoggaanka AQAP.

Xil-qabashadiisu waxay astaan u ahayd isbeddel jiil oo ka dhex dhacay kooxda, saraakiisha la-dagaallanka argagixisaduna waxay si dhow ula socdeen muddada uu xilka hayo. Kordhinta laxaadka leh ee abaalmarinta ayaa ka tarjumaysa qiimaynta Washington ee ku aaddan doorkiisa udub-dhexaadka ah ee hagidda ururka iyo qorshayntiisa hawlgallada ka dhanka ah danaha reer Galbeedka.

Ururka Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta waxaa la aasaasay sannadkii 2009 kaddib markii ay midoobeen laamihii Al-Qaacida ee Yemen iyo Sacuudiga. Mareykanka iyo xulafadiisu waxay u arkaan ururkan mid ah khatar joogto ah oo awood leh, sababtoo ah awoodiisa sarsare ee farsamaynta bambooyinka iyo taariikhdiisa ku aaddan hagidda iyo dhiirigelinta weerarro ka baxsan xuduudaha Yemen.

Kooxdu waxay sheegatay mas’uuliyadda dhowr weerar oo caan baxay, oo ay ku jiraan isku-daygii “qarxiyihii nigiska” ee sannadkii 2009 ee lagu doonayay in lagu qarxiyo diyaarad rakaab ah oo ku sii jeeday Mareykanka oo dul maraysay magaalada Detroit, iyo weerarkii 2015 ee lagu qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Baariis.

Isagoo ka hawlgala saldhig ku yaal Yemen, ururka AQAP wuxuu ka faa’iidaystay fowdada ka dhalatay dagaalka sokeeye ee muddada dheer ka socday dalkaas si uu u qorto, u tababaro, una maleego weerarro. Colaadda, oo u dhaxaysa dawladda caalamku aqoonsan yahay iyo fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto, ayaa abuurtay goobo ballaaran oo aan dowlad ka talin, halkaas oo ay ku xoogeysteen kooxaha mintidiinta ah sida AQAP iyo Daacish (Islamic State).

Kaaliyeyaal sidoo kale bartilmaameed ah

Abaalmarinta Mareykanka ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa laba ka mid ah kaaliyeyaasha saamaynta leh ee al-Cawlaqi, taas oo muujinaysa istiraatiijiyad looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo dhammaan qaab-dhismeedka taliska kooxda.

Ibraahim Al-Bannaa, oo u dhashay Masar laguna naanayso Abu Ayman al-Masri, waa xubin aasaasi ah oo ka tirsan AQAP wuxuuna soo qabtay jagooyin kala duwan oo sare, oo ay ku jirto madaxa amniga ee kooxda. Barnaamijka Abaalmarinta ee Caddaaladda wuxuu ku tilmaamayaa inuu yahay jihaadi ruug-caddaa ah oo xiriir la leh hoggaanka dhexe ee Al-Qaacida tobannaan sano.

Waxaase kasii xusid mudan kiiska Ibraahim Axmed Maxmuud al-Qoosii. Al-Qoosii, oo u dhashay Suudaan, ayaa lagu qabtay Afgaanistaan sannadkii 2001 wuxuuna in ka badan toban sano maxbuus ku ahaa saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Guantanamo Bay, Cuba. Waxaa loo wareejiyay Suudaan sannadkii 2012 kaddib markii uu maxkamad militari ku hor qirtay inuu bixiyay taageero maaddi ah oo la xiriirta argagixisannimo.

Hase yeeshee, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka, al-Qoosii wuxuu markii dambe jabiyay shuruudihii lagu celiyay, wuxuuna u safray Yemen si uu ugu biiro Al-Qaacida sannadkii 2014, isagoo aakhirkii ka dhex gaaray darajooyin sare. Safarkiisa ee uu kaga soo laabtay xabsi Mareykanku leeyahay kuna biiray mar kale goobta dagaalka ayaa muujinaya caqabad weyn oo dhinaca la-dagaallanka argagixisada ah.

Barnaamijka Abaalmarinta ee Caddaaladda, oo la aasaasay sannadkii 1984, waa qalab muhiim ah oo Mareykanku u isticmaalo diblomaasiyadda iyo fulinta sharciga. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaa barnaamijkani bixiyay in ka badan $250 milyan oo doollar oo la siiyay in ka badan 125 qof oo daafaha dunida ah, kuwaas oo keenay xog wax-ku-ool ah oo gacan ka geysatay ka hortagga falal argagixiso ama in argagixisada la hor keeno sharciga.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin maanta booqanaya goobaha ugu daran ee GAZA.

0

 

 

Khamiis 31, July 2025 {HMC}   Masuuliyiin maanta booqanaya goobaha ugu daran ee GAZA.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Ciidamada DFS oo si buuxda ula wareegay magaalada Baladxaawo

Khamiis  31 July 2025{HMC}Khamiis, Luulyo 31, 2025 (HOL) – Xaalada magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta degan kadib dagaalo culus oo halkaasi ka socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Deganaashaha maanta laga dareemayo gudaha magaaladaas ayaa salka ku haya, kadib markii ciidamada dowladda oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay si buuxdo xalay fiidkii ula wareegeen gacan ku heynta degmada Baladxaawo.

La wareegista ciidanka dowladda ee degmada Baladxaawo ayaa la tilmaamaya iney ku timid qorshe waan waan ah oo lala galay ciidamadii taabacsanaa Jubbaland, taasoo horseeday in lagu guuleysto joojinta dagaalka labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaas.

Ciidamada dowladda ayaa maanta ku sugan xarumaha istiraatiijiga oo ay ka mid yihiin xarunta degmada, saldhiga Booliiska, iyo xarunta socdaalka (Immigration), iyadoo dhamaan xarumahaas horay gacanta ugu hayeen ciidanka Jubbaland.

Wararku waxay sidoo kale ay sheegayaan in ciidamadii Jubbaland ee fariisimahaasi baneeyay iney u ruqaansadeen dhanka xadka Kenya, iyagoo aan wax iska caabin ah sameynin.

Waxaa sidoo kale saakay dib hawada ugu soo laabtay adeegyada Isgaarsiinta iyo korontaada magaalada, waxaana maanta xaafadaha qaar ee magaaladaasi durba dib uga bilaawday in ganacsigii iyo noloshii caadiga ahayd oo si tartiib tarbiib ah u soo laabanaya.

 

Somaliland oo Ingiriiska u sheegtay in DFS qalalaase ka wado Sool iyo Sanaag

Khamiis  31 July 2025{HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Charles King, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, isagoo xusay doorka ay dowladda Ingiriisku ku lahayd taageerada Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga labada dhinac. Waxa uu si gaar ah u xusay in xidhiidhka Somaliland iyo UK uu yahay mid qoto dheer oo soo jireen ah, kuna dhisan is-aamin iyo wax-wada qabsi.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Danjiraha uga xog-warramay tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee Xukuumaddiisu ka hirgelisay gobollada Bariga Somaliland tan iyo intii uu xilka la wareegay 12-kii December 2024. Tallaabooyinkaas waxa ka mid ah qaramaynta ciidamada madaniga ah iyo gaadiidkooda, kordhinta iyo tayeynta mushaharka ciidamada, iyo soo afjaridda colaado muddo dheer ka jiray deegaannada Ceel Afweyn. Waxa uu sidoo kale xusay dedaallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo u diyaar garowga doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in arrimaha amniga ee Sool iyo Sanaag ay Xukuumadda Somaliland u marayso waddo nabadeed, iyadoo marar badan ku celisay baaq nabadeed oo aan shuruud lahayn. Waxa uu sheegay in uu sameeyey Guddida Nabadd, kana shaqeynayo sidii wada hadal lagu xallin lahaa xiisadaha, isagoo xusay in Somaliland aanay u arkin dagaalka mid xal keeni kara.

Waxa uu intaas ku daray in Somaliland dani ugu jirto nabad waarta iyo degenaansho siyaasadeed.

Madaxweynuhu waxa uu si cad ugu eedeeyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, in ay hurinayso colaado ka dhaca Sool iyo Sanaag si ay uga jeediso shacabka Soomaaliya mushkiladaha gudaha ee ka haysta maamulkiisa.

Waxa uu sheegay in Somaliland si masuuliyad leh ugu hawlan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida, iyadoo aan marna ka leexan doonin dariiqa wadahadalka iyo xal waara ee danta guud ku jirto.

Danjire Charles King, oo isaguna dhankiisa hadlay, waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu si weyn u qiimaynayso xidhiidhka taariikhiga ah ee ay la leedahay Somaliland. Waxa uu si gaar ah u bogaadiyey amniga iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, hannaanka dimuqraadiyadda, doorashooyinka xorta ah, iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay awood dhaqaale oo weyn, gaar ahaan Dekedda Berbera, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha gobolka.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirrigeliyo maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha horumarka dhaqaale. Waxa uu si gaar ah u bogaadiyey dedaallada ay Somaliland ugu jirto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan ganacsiga, dekedaha, iyo adeegyada bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dawladda Ingiriisku ay diyaar u tahay in ay Somaliland kala shaqeyso horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta fursadaha maalgashi ee gaarka loo leeyahay.
Ugu dambayn, Danjiruhu waxa uu walaac ka muujiyey xaaladda magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ay colaad hor leh keeni karto.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso in ay ka fogaadaan dagaal hor leh oo dhaawaca nabadda iyo horumarka gobolka. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta joogtada ah, iyagoo muujiyey diyaar garow ay ku sii ambaqaadaan iskaashi miro-dhal ah oo ku salaysan danaha labada shacab sida Madaxtooyada Somaliland sheegtay.

Magaalada Laascaanood ayaa xalay lagaga dhawaaqay maamul ka madaxbnaan Somaliland iyo Puntland labadaba, oo loo bixiyay Waqooyi Bari Soomaaliya. Somaliland ayaa maamulkan cusub u aragta mid khatar ku ah jiritaankeeda.

 

Around The Web

Sponsored
Get Ready to Rethink Your Workplace Shoe Game

Get Ready to Rethink Your Workplace Shoe Game

Look for Any High School Yearbook, It's Free!

Look for Any High School Yearbook, It’s Free!

Take on a Challenge: Make Pasta Al Limone at Home

Take on a Challenge: Make Pasta Al Limone at Home

How Long Does $1 Million Last After 60?

How Long Does $1 Million Last After 60?

Find Local AC and Heating Repair Services

Find Local AC and Heating Repair Services

9 Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

9 Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

Achieve Total Peace of Mind With Ring Devices

Achieve Total Peace of Mind With Ring Devices

4 Easy Tips to Keep Your Kids Safe Online

4 Easy Tips to Keep Your Kids Safe Online

We've Got Your Eyes Covered - Find Your Perfect Pair!

We’ve Got Your Eyes Covered – Find Your Perfect Pair!

SSC Khaatumo oo lagu beddelay maamul lagu magacaabo Waqooyi Bari Soomaaliya

Khamiis  31 July 2025{HMC} Shirweynihii dhameystirka dowlad goboleedka SSC-Khaatumo oo socday muddo 8 maalmood ah ayaa si rasmi ah uga soo gabagaboobay magaalada Laascaanood, gobolka Sool.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dastuurka dowlad cusub oo lagu magacaabay Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaana caasimad u noqonaysa magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Koosh) ayaa Dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa dhismaha maamulkan, iyadoo ay kasoo qeyb galeen 417 ergo oo metelayay bulshada kala duwan ee gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle oo katirsan gobolka Togdheer.

Go’aanka kasoo baxay shirkan ayaa lagu sheegay in bulshada deegaannadaasi si buuxda u heshiisyeen ayna dhisteen maamul cusub oo hoos yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay ku bogaadisay dadaallada nabadeed ee dadka deegaanka, iyadoo ballanqaadday inay si dhow ula shaqeyn doonto maamulka cusub.

Sidoo kale, waxaa la shaaciyay magaca hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee dowlad goboleedka cusub – Cali Cabdullaahi (Gaboobe) – oo horey uga tirsanaa madaxda dhaqanka gobolka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo xiray fariin ku saabsan sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay taageerada horumarinta, nabadeynta iyo dhismaha hay’adaha dowladda ee deegaannadaas.

Dhammaan siyaasiyiinta iyo bulshada SSC ayaa soo dhoweysay dhameysitika maamulka cusub, kaddib maalmo adag iyo khilaafyo hareeyeeyay wax qeyb siga maamulkan.

Beelaha ku midoobay maamulkan cusub ayaa ku heshiyay wax qeybsiga maamulka, iyadoo la filayo in dhawaan la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, magacaas oo looga guuray magacii hore ee SSC Khaatumo.