Khamiis 31, July 2025 {HMC} Maxaa maanta ka Socda Baladxaawo.?
Arbaco 30, July 2025 {HMC} Halkaan ka Daawo FALAQEEYNTA ”100 ASkari oo ka tirsan Jubaland oo isku dhiibay Dowladda iyo qabsashada Balad Xaawo”
Arbaco 30 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Abdiqani Abduaahi Abdi
Farsamadii :: Mustaf Ali Ahmed
Arbaco 30 July 2025{HMC} Senator-ka ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka Bernie Sanders ayaa sheegay in aanay Maraykanku sii wadi karin maalgelinta dowlad dishay ku dhowaad 60 kun oo Falastiiniyiin ah, ayna dhaawacday in ka badan 143 kun oo kale, kuwaasoo intooda badan ay yihiin haween, caruur iyo dad waayeel ah.
Sanders wuxuu intaas ku daray in aanay suurtagal ahayn in la taageero dowlad joojisay gargaarka oo sababtay macaluul guud, dadka Gazana si dhab ah u gaajaysiisay, isagoo ula jeeda dowladda Israa’iil.
Senator-ka Maraykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in canshuur bixiyeyaasha Maraykanku ay ku bixiyeen tobanaan bilyan oo doolar taageeridda dowladda ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo uu ku tilmaamay mid cunsuriyad iyo xagjirnimo ku dhisan.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku qasbi doono Aqalka Senate-ka inuu u codeeyo laba qaraar oo lagu joojinayo iibka hubka ee Israa’iil, sababtuna tahay macaluusha ka jirta Gaza.
Arbaco 30 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :CAbdiqani cosoble /yaasin Ali
Farsamadii ::Ismail abdiqadir
Arbaco 30 July 2025{HMC}Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga inta uu socdo shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo hadda ka socda magaalada Laascaanood.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in howlgal amni oo ay sameeyeen lagu qabtay shaqsiyaad abaabulan oo la tuhunsan yahay in ay damacsanaayeen carqaladeynta shirweynaha.
Shaqsiyaadkaas ayaa si degdeg ah loogu gudbiyey Taliska Qeybta Dambibaarista (CID) si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo, lana maxkamadeyn doono.
Booliska ayaa sheegay in ay ka go’antahay ilaalinta amniga iyo xaqiijinta in shirweynaha uu ku dhammaado jawi degan oo nabad ah.
“Waxaan bulshada ugu baaqeynaa in ay gacan naga siiyaan sugidda amniga, isla markaana ay ka fogaadaan warar aan la hubin oo lagu cabsi gelinayo bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska SSC-Khaatumo.
Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo ayaa waxaa ka qeyb galaya dad isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, iyo bulshada rayidka ayaa ku sugan magaalada Laascaanood.
Arbaco 30 July 2025{HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu markale ka bilowday degmadaasi.
Ciidamo kala taabacsan Jubbaland iyo dowladda Federalka ayaa ku dagaalamaya xerada Uk oo halka ay degan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu maanta yahay mid culus oo dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa jirto, inkastoo aan weli si rasm