Arbaco 30, July 2025 {HMC} Dhaqdhaaqyo Ciidan oo ka soconaya Degmada Balad Xaawo
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Arbaco 30, July 2025 {HMC} Dhaqdhaaqyo Ciidan oo ka soconaya Degmada Balad Xaawo
Arbaco 30, July 2025 {HMC} Boqortooyada Ingiriiska oo aqoonsano Dowlada Falastiin.
Arbaco 30, July 2025 {HMC} Dadkii ka Barakacay Dagaaladii ka dhacay Balad Xxaawo oo gaaray Mandheera.
Arbaco 30, July 2025 {HMC}Faahfaahin Xaalada Gobolka Gado oo wili kacsan
Sowdo ayaa lagu helay dambiyo saddex ah oo ku saabsan warbixinno been ah oo ay ku buuxisay dukumentiyo socdaal iyo qarin xog muhiim ah oo khatar ku ah amniga qaranka Mareykanka.
Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska xeer-ilaaliyaha federaalka, dambiyada lagu soo oogay haweeneydan waxay kasoo ifbaxeen kadib baaritaan sanado qaatay oo ay sameeyeen FBI-da San Diego iyo kooxda la dagaallanka argagixisada (JTTF).
Bishii Maarso 2024, ayaa si sharci darro ah kaga tallaashay xadka Mareykanka, iyadoo sheegatay inay tahay magangelyo-doon. Balse baaritaan ay sameeyeen ciidamada ilaalada xuduudaha iyo FBI-da ayaa lagu ogaaday in ay tahay qof lala xiriirinayo falal argagixiso ama dad ku lug leh.
Intii lagu guda jiray dacwadeedii socdaalka, waxaa la sheegay inay si cad u qiratay in ay si ula kac ah u qarisay in horey ay uga codsatay sharciyad degenaansho dalalka Mareykanka, UK, iyo Brazil, iyadoo sheegtay in aanay weligeed dalban.
Sidoo kale, waxay been ka sheegtay walaasheed oo ku sugan Mareykanka oo iyaduna sugaysay go’aanka socdaalkeeda. Waxa kale oo baarayaashu heleen in Sowdo ay qarisay walaalkeed Maxamed Axmed Qahiye, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka ISIS-Somalia, kaas oo xiriir la leh falal argagixiso, sida uruurinta lacag, hub, iyo la shaqeynta kooxo dibadda ah.
Kadib in ka badan 15 bilood oo ay ku jirtay xabsi socdaal, haweeneydan ayaa lagu xukumay 48 maalmood oo xarig ah, taas oo u dhiganta waqtigii horay loo xirtay. Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in si degdega Mareykanka looga masaafuriyo.
Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Adam Gordon ayaa sheegay in kiiskan uu tusaale u yahay sida dowladda Mareykanka uga go’an tahay la dagaallanka dadka si been abuur ah ugu soo galaya dalka, gaar ahaan kuwa khatarta ku ah amniga qaran. Waxa uu sheegay in lagu jiro dadaal lagu ilaalinayo nidaamka magangelyada si loo xaqiijiyo in cidda xaq u leh oo keliya ay hesho.
Wuxuu soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Masuuliyiintii soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Isxaaq Maxamuud Mursal; Ku-xigeenka SRCC, Danjire Mouktar Osman Karie; Taliyaha Ciidamada AUSSOM, S/Guuto Sam Kavuma; Ku-simaha Taliyaha Booliska, ACP Samuel Osiedu Okanta; iyo Madaxa Waaxda Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Jinsiga, Dr. Cumar Cabdulle Alasow.
Danjire Diene ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad ballaaran, isagoo horey uga soo shaqeeyay jagooyin kala duwan oo xeel-dheer, hawlgal iyo istiraatiiji ah, gudaha iyo dibaddaba dalka Senegal.
Wuxuu khibrad dheer u leeyahay xaaladaha colaadaha iyo qalalaasaha ee Galbeedka, Bartamaha iyo Bariga Afrika. Wuxuuna si firfircoon uga qayb galay howlgalada nabad-ilaalinta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Suuriya iyo Mali, iyo sidoo kale howlgal siyaasadeed sida UNOCA.
Wakiilka cusub ee baddelay Amb. Mohamed El-Amine Souef horey ayuu u soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Hawlgalka Kumeelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Waxaa xilkaan loo magacaabay 1-dii Sebtembar, 2022. Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Xafiiska Gobolka ee Hawlgalka Isku-dhafan ee Qaramada Midoobay ee Xasilinta Mali (MINUSMA), isagoo joogay magaalada Gao.
Souef ayaa bishii March ee sannadlan loo magacaabay Madaxa Shaqaalaha cusub ee Midowga Afrika.
Warbaahinta magaalada Mandheera ayaa baahisay in saacadahii lasoo dhaafay magaaladaasi ay gaareen ku dhawaad 200 oo qoys oo ka barakacay Baladxaawo, kuwaas oo u badan haween, caruur iyo dad waayeelo ah.
Dadkani ka barakacay guryahoodii ku yaalay degmada Baladxaawo ayaa warbaahinta u sheegay qaarkood iney guryahooda uga soo carareen cabsi la xariirto iney dhibaato ka soo gaarto rasaasta iyo hubka culus oo is weedaarsanayaan labada dhinac.
Qaar ka mid ah barakacayaashan ayaa laga dajiyey iskuulo ku yaala Mandheera oo loo bedelay xeryo ku meel gaar ah, halka kuwa kalena ay la dageen eheladoodii horey ugu sugnaa magaalada Mandheera.
Masuuliyiinta maamulka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo gaarsiiyo gargaar deg deg ah, iyagoona xusay in xaalada qoysaskan ku sugan yihiin ay tahay mid bani’aadanimo oo aad u cakiran.
Dadka ku barakacay dagaalada ka socda labadii todobaad ee lasoo dhaafay degmada Baladxaawo ayaa waxaa isku biirsaday dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ay ka mid yihiin, hoyi la’aan, Cunto yari iyo Biyo la’aan aad u daran.
Talaado 29, July 2025 {HMC} Muxuu Yahay Abaabulka Caawa ka soconayo Afaafka Maxaas?
Talaado 29, July 2025 {HMC} FALAQEYN: Abaabul xoogan oo ka soconayo Hiiraan iyo Saraakiil itoobiyaan ah oo lagu Xiray Gado.
Talaado 29, July 2025 {HMC} Hooyo ka hadashay dhibaatada AS Ay Maxaas Ugu geysteen.