Talaado 29, July 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay 29-7-2025.
{DAAWO MUUQAALKA} Shiinaha oo lacag siiyo waalidiinta dhala caruur badan.
Talaado 29, July 2025 {HMC} Shiinaha oo lacag siiyo waalidiinta dhala caruur badan.
HOOS KA DAAWO MUUQAKA
{DHAGEYSO} Warka Habeeenimo ee Radio Hiiraanweyn 29 07 2025
Talaado 29 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Abdiqani Abduaahi Abdi
Farsamadii :: Mustaf Ali Ahmed
Dowlad Dalkeeda ka mamnuucday in ay galaan Wasiirada Israa’iili ah.
Talaado 29 July 2025 {HMC} Dowladda Holland ayaa dalkeeda ka mamnuucday wasiirka maaliyadda ee midigta-fog ee Israa’iil, Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka, Itamar Ben Gvir, inay galaan dalkaas, taasoo qayb ka ah tillaabooyinka la doonayo in Israa’iil loogu cadaadiyo xaaladda Qaza ka jirta.
Wasiirka arrimaha dibadda Holland, Caspar Veldkamp, ayaa sheegay in labadan qof ay si isdaba joog ah u kiciyeen rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta, ayna xoojiyeen deegaamaynta sharci darrada ah, isla markaana ay ku baaqeen in isir sifayn lagu hayo dadka ku nool Gaza.
Mr Ben Gvir waxa uu sheegay in aan laga joojin doonin taageerada uu siiso ciidamada Israa’iil, waxa uuna Holland ku eedeeyay in ay taageereyso argagaxisada iyada oo qaadacaysa qowmiyadda Yuhuuda.
Dowladda Shiinaha oo lacag siiyo waalidiinta dhala caruur badan.
Talaado 29 July 2025 {HMC} Waalidiinta ku nool Shiinaha ayaa la siinayaa 3,600 yuan oo u dhiganta $500 sannadkii mid kasta oo ka mid ah carruurtooda ay da’doodu ka yar tahay saddex sano.
Waa kabkii ugu horreeya ee dawladda ay ku kabayso qoysaska, waxaana looga gol leeyahya in lagu kordhiyo heerka tirada caruurta dhalanaysa.
Heerka caruurta ku dhalanaysa shiinaha ayaa hoos u dhacayay, xitaa ka dib markii xisbiga shuuciga ah ee talada haya uu soo afjaray siyaasadiisii ku dhisnayd hal cunug ku dhawaad toban sano ka hor.
Gargaarka ayaa ku dhawaad 20 milyan oo qoys ka caawin doona qarashka korinta carruurta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Dhowr gobol oo ku yaal Shiinaha ayaa tijaabiyay nooc ka mid ah lacag bixinta si loogu dhiirrigeliyo dadka inay dhalaan carruur badan iyadoo dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu weyn uu wajahayo dhibaato dadweyne.
Barnaamijkan oo lagu dhawaaqay Isniintii, ayaa waalidiinta siin doona wadar dhan ilaa 10,800 lacagta shiinaha ee yuan ilmo kasta.
Talaabadan ayaa si joogto ah loo hirgelin doonaa laga bilaabo bilawga sanadkan, sida uu sheegay telifishinka CCTV .
Ayatollah Ali Khamenei oo mar kale ka hadlay dagaalkii ay la galeen Israa’iil.
Talaado 29 July 2025 {HMC} Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa amaan u jeediyay hogaamiyayaashii iyo taliyayaashii militariga ee lagu dilay colaada kala dhaxeysa Israel. Waxa uu yiri,
“Waxaan rabaa in aan u tacsiyadeeyo dhammaan dadkii ina jeclaa ee naga tagay, taliyayaashayada ciidamada, saynisyahannadayada, iyo kuwa aan jecelnahay ee ku shahiiday dagaalkii dhawaan ay Israa’iil soo qaaday.
Waxa uu inta aku daray in Laba iyo tobankii maalmood ee uu socday dagaalka ay Israa’iil ku soo qaaday Iran, dadka reer Iran ay gaareen guulo waaweyn, taas oo ay maanta qireen dhammaan dadka dunidu.”
Intii uu socday dagaalka, ayuu sheegay in dadka reer Iran ay caalamka tuseen cududooda, go’aankooda, adkaysigooda iyo dulqaadkooda,”.
Wadan ragga xoog lagu Guursado oo hadii ay jeclaato gabdha uusan diidi karin,
Talaado 29 July 2025 {HMC} Gabdhaha gobol kamid ah dalka Hindiya ayaa leh dhaqan la yaab leh marka ay joogto bulshooyin ay kamid yihiin Soomaalida. Waxay qasab u guursadaan wiilka ay jeclaadaan, xitaa haddii uusan isagu ka helin iyada.
Dalka Hindiya waa kan ugu dadka badan caalamka sannadkan sii dhamaanaya ee 2023-ka, wuxuuna leeyahay dhaqammo aad u badan, waana taas sababta keenta in marar badan aad ku arki karto falal iyo dhaqammo ay qaar badan oo bulshooyinka caalamka ka mid ahi u arkaan wax la yaab ah.
Gobolka Bihar ee dalkaas qaarad u ekaha ah ee Hindiya, waxaa ka jira dhaqan gaamuray oo halkaas looga yaqaan ‘Pakadaua Vivah’ oo la macne ah ‘guurka afduubka’, kaas oo gabadhu dirsanayso dad usoo afduuba wiilka ay ka hesho si ay xoog ugu guursato.
Geyiga Soomaalida, haddii xoog, xatooyo ama xodxodasho wax lagu guursanayo, mar walba waxaa sidaas sameeya wiilka.

Dhaqankan gobolka Bihaar, kuma eka oo kaliya gabdhaha ee qoyska gabadha dhalay una doonaya gabadhooda wiil fiican ayaa usoo afduuba iyaga oo ugu dambeyntiina bixinaya lacagtii meherka wiilka ama yaradkiisa.
Taasi waxay keentay in uu qaali noqdo guurku. Maadaama uusan wiilku dookhiisa ku guursan gabadha ama dhookha qoyskiisa, waxay qoyska wilku sare u qaadayaan dhaqaalaha ay ka rabaan qoyska gabadha wiilka soo afduubtay.
Maxkamad waxba kama jiraan ku tilmaantay guur toban jirsaday oo la sheegay in lagu dhisay ‘Pakadaua’
Inkasta oo uu dhaqan soo jireen yahay dadka deegaankuna iskala qabsadeen, hadana waxaa hadal hayntiisa cusboonaysiiyey kadib markii maxkamadda sare ee gobolka ay waxba kama jiraan ku xukuntay guur toban sano jirsaday oo ku dhismay (afduub).
Ravikant Chandramouleshwar Singh oo kasoo jeeda tuulada Revra ayaa maxkamadda u sheegay in xoog lagu guursaday isla markaana uu doonayo inuu iska furo xaaskiisa Bandana Kumari oo ay is qabeen sannado.
Sida ay dacwado sheegayso, Ravikant ayaa la afduubtay xilli isaga iyo adeerkii Satyendra Singh ay aadeen macbad ku yaal Lakhisarai oo ah tuulada ay kasoo jeeddo gabadhu.
Qori ayaa madaxa laga saaray waxaana si sandulle ah loogu guuriyey Bandana Kumari. Sidani waxay dhacday sannadkii 2013-kii markaas oo Ravikant uu shaqo ka helay ciidanka.
Sida lagasoo xigtay Satyendra, waxaa xilligaas afduubtay Ravikant ”ilaa siddeed ruux oo qaar ka mid ah ay hubaysnayeen,” way jiideen Ravikanta waxayna adeerkiis oo ay goobta uga tageen u sheegeen in wiilkiisa la guurinayo.
Hase yeeshee Bandana iyo qoyskeeda ayaa ku doodaya inuusan ahayn guur xoog ah ee uu aha mid jacayl. Waxay qoyska gabadhu ku eedeeyeen qareenkooda inuusan si fiican usoo bandhigin dhamaan cadaymihii loo baahnaa.
Bandana Kumari ayaa leh, “Go’aankan maxkamadda sare waa khalad laakiin ma jirto wax cabasho ah oo ka dhan ah maxkamadda. Waxaan aadi doonaa maxkamadda racfaanka. Waxaan hayaa dhammaan cadeymaha. Labadeenaba waxaan isku guursanay rabitaankeena. Qareenkayagii wax caddayn ah ma soo bandhigin Maxkamadda Sare. Xitaa taleefanka nagama qabanayo.”

Wiilasha noocee ah ayaa la afduubtaa
Waxaa gobolka ku yaraaday wiilasha wax bartay ama haysta shaqooyinka fiican maadaama ay yihiin bartilmaameedka ugu horeeya isla markiibana la dafo iyaga oo laga yaabo inaysan guurba ka fakarin.
Wiilashan ayaa si gaar ah loogu sheegaa inay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar si aan loo afduubin guurna loogu qasbin.
Dhaqankan ayaa sare usii kacaya, dhowr jeer oo ay boolisku soo xiraan kuwa wiil afduubanayana ma aha wax ka niyad jabinaya in qoysasku gabdhahooda usoo afduubtaan wiilka ay la jeclaadaan amaba ay iyadu ka hesho.
Si kasta oo ay tahay, guurka afduubku waa ka sharci darro dalkaas hase yeeshee Sida laga soo xigtay Xafiiska Diiwaanka Dembiyada Gobolka, 7,194 kiis oo guur qasab ah ayaa laga soo sheegay gobolka intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Noofambar ee sannadkii 2020kii, 10,925 sannadkii 2019, 10,310 sannadkii 2018, iyo 2017 oo la diiwaan galiyey 8,972 kiis oo guurka afduubka ah.
Kooxaha dembiilayaasha ah ayaa inta badan loo adeegsadaa in ay ragga afduubtaan oo ay ku qasbaan guur. Kiisas badan oo noocan oo kale ah ayaan la soo sheegin cabsida kooxahan laga qabo awgeed.
XIGASHO BBC
Dadka ajaaniibta oo hadda ka iibsan karaan hanti Maguurtadada ah ee Dalka Sacuudi.
Talaado 29 July 2025 {HMC} Hadda muwaadiniinta ajnabiga ah waxay awoodi doonaan inay iibsadaan hanti gudaha Sacuudi Carabiya. Ajaanibta waxay heli doonaan xuquuqda lahaanshaha hantida ma-guurtada ah ee Sacuudiga ay ka iibsadaan .
Sharcigan ayaa lagu daabacay wargeyska Umm al-Qura Jimcihii, July 25. Waxa la hirgelin doonaa sharcigan cusub 180 maalmood gudahood.
Sharcigan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Sacuudiga. Horaantii bishaan, golaha wasiirada ee Sacuudi Carabiya ayaa ansixiyay sharcigan.
Sida ku cad, shakhsiyaadka ajnabiga ah, shirkadaha, hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn iyo hay’adaha maal-gashiga ayaa loo oggolaaday inay iibsadaan ama ku yeeshaan hanti meelo cayiman oo dalka ka mid ah.
Wejigii Koowaad ee Tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya oo La dhameystiray.
Talaado 29 July 2025 {HMC} Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S) ayaa si rasmi ah u dhameystiray wejigii koowaad ee tababarka loogu talagalay Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliyeed.
Tababarkan oo socday muddo toddobaado ah ayaa lagu qabtay xarun milatari oo si gaar ah loogu diyaariyay ee gudaha Soomaaliya, iyadoo lagu baray ciidanka xirfado istiraatiijiyadeed oo sare, waxaana Barnaamijkan tababarka ah uu diiradda saaray kor u qaadista kartida dagaalka ee ciidamada gaarka ah.
Waxaana si gaar ah ciidankaan loo tababaray, Dagaalka magaalooyinka (urban warfare), Maaraynta khatarta qaraxyada iyo miinooyinka, Jawaabta degdegga ah ee xaaladaha amni-darro iyo Qorsheynta iyo fulinta howlgalada istiraatiijiyadeed.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Midowga Yurub uu ku taageerayo Soomaaliya si ay u gaarto isku-filnaansho dhanka amniga ah, xilli dalka uu wajahayay kala-guur uu ku doonayo in uu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga qaranka.
Taliyaha EUTM-S, Jeneraal Marco Manzone, oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka tababarka, ayaa si gaar ah u bogaadiyay xirfadda iyo kartida ciidamada Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale ammaanay tababarayaasha reer Yurub ee door muhiim ah ka qaatay barnaamijka.
“Dedaalka iyo niyadda ay muujiyeen ciidamada Soomaaliyeed waxay muujinayaan isbeddel dhab ah, Waxaa laga dareemayaa inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda iyo fulinta howlgal amniyeed oo casri ah.” ayuu yiri Jeneraal Marco Manzone.
Tababarkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee sugidda amniga gudaha, iyadoo ciidamadu ay hadda si wanaagsan ugu tababaran yihiin inay la tacaalaan khataraha gudaha iyo kuwa gobolka, Waxa uu sidoo kale kaalin ka qaadanayaa qorshaha ATMIS ee kala-guurka ciidamada Midowga Afrika.
Midowga Yurub ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha awoodda ciidan ee waarta, taasoo ka qeyb qaadanaysa xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.
Khartoum slams Kenya after RSF forms parallel govt.
Tuesday 29 July 2025 {HMC} The Kenyan government is facing backlash after Sudan accused it of violating its sovereignty and interfering in its affairs.
This follows the announcement by the Rapid Support Forces (RSF) militia of the formation of a parallel government and the appointment of individuals to oversee Sudan’s affairs.
In a statement released on Monday July 28, Sudan’s Ministry of Foreign Affairs condemned the formation of the parallel government by what it described as a ‘terrorist militia’ in the RSF.
The ministry criticised Kenya’s role in this, claiming that it had facilitated preparatory meetings for the RSF in the country. The RSF is a rebel group currently fighting the Sudanese army for control of the country.
RSF on Tuesday, February 18, held an event in Nairobi, as a head start towards the formation of an alliance consisting of political players and armed groups to strengthen RSF’s dominance in Sudan.
The attendees of the meeting included the sanctioned RSF deputy commander Abdulrahim Hamdan, who is the brother of the RSF commander General Mohamed Hamdan.
Later, the RSF signed a charter at the Kenyatta International Convention Centre (KICC), paving the way for the RSF to govern rebel-held areas, advocating for a secular state and a unified national army.
According to the text of the charter, the signatories agreed that Sudan should be a “secular, democratic, non-centralised state” with a unified national army, though it also upheld the right of armed groups to continue existing.
“The Government of Sudan expresses its deep concern and strongly condemns the approval and facilitation by the Republic of Kenya of preparatory meetings held by the rebel militia in Nairobi to announce its illegitimate government,” the Ministry noted.
“This constitutes a blatant violation of Sudan’s sovereignty and a breach of the principle of non-interference in internal affairs,” it added.
In slamming Kenya, Sudan asserted that Kenya’s hosting of RSF contradicted the principles and charters of the United Nations, the African Union, and IGAD, all of which support the unity and territorial integrity of Sudan.
It further warned of severed ties with nations in support of the parallel government, but still urged all neighboring countries, the international community, regional and international organizations, governmental bodies, and other relevant entities to denounce the declaration.
“The Government further emphasizes that any form of interaction with this declaration will be considered a direct assault on the legitimate Government of Sudan and its sovereignty over all of its territory, as well as a flagrant violation of the rights and resources of the Sudanese people,” the Ministry warned.
Despite the numerous accusations levelled against it, the Kenyan government has always steered clear of claims of interference and meddling in Sudan’s affairs, even offering to facilitate peace talks.

by Walter Ngano



