Home Blog Page 690

Soomaaliya oo diiday in Itoobiya dhoolatus la sameyso

IsniinΒ  July 21, 2025 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid in ay dhoolatus dhinaca badda ah la sameyso dalalka ciidamada heegaanka ah ee Bariga Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay walaac ka muujisay dhoolatus la qorsheeyay in ay wada sameeyaan dalalka Ciidamada heeganka Bariga Afrika.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dhoolatus aysan qeyb ka noqoneyn dhoolatuskaasi.

β€˜β€™Waxaan u sheegnay in dowladaha badda leh, ay ka qeyb kali karaan, arrintan, biyaha Soomaliya waxaa dhola tusΒ  ku sameen karaan dowladaha bad leh’’ ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in marnaba Soomaaliya aysan dhoolatus bad la sameynayn dal aan bad laheyn, biyaha Soomaaliyana uusan gali larin.

Dalaka bariga Afrika ayaa ka kooban lix wadan oo kala ah Soomaaliya, Kenya, Ruwanda, Koofurta Suudaan, Uganda, Itoobiya.

Soomaaliya iyo Kenya oo kaliya ayaa leh bad dalalkan ku mideysan wadamada ciidamada heegaanka ah ee Bariga Afrika.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 21 07 2025

0

Isniin, 21 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Dil Biskoolad loo Adeegsaday oo ka dhacay magaalada Hargeeysa

0

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinka caalamka 20 07 2025

0

Axad , 20 July 2025 {HMC } Dhacdooyinka caalamka 20 07 2025

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

{DAAWO MUUQAALKA} FALAQEEYNTA CAWA ”Baaritaan ay Billowday Puntland iyo Markabkii oo wali ku Xayiran Boosaaso.

0

Axad , 20 July 2025 {HMC } FALAQEEYNTA CAWA ”Baaritaan ay Billowday Puntland iyo Markabkii oo wali ku Xayiran Boosaaso.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 20-07-2025

0

Axad , 20 July 2025 {HMC } Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 20-07-2025

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

{DHAGEYSO} Warka Habeeenimo ee Radio Hiiraanweyn 20 07 2025

0

Axad, 20 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Yasiin Ali Ahmed

War-saxaafadeedkan oo ay ka soo saartay Puntland Markabkii Hubka waday ee Sea World.

Axed July 20, 2025 {HMC} Puntland ayaa war-saxaafadeed hordhac ah ka soo saartay markabka Sea World ee lagu qabtay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr.
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in xogta hordhaca ah ee la helay ay muujineyso in markab lagu magacaabo SEA WORLD uu muddo laba maalmood ah si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda ee Puntland, isaga oo aan wax dalab caawimaad oo khatar iyo cillad ah soo gaarsiin dowladda Puntland, sida waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuduudaha badda (Maritime Territorial International Agreements), gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (π”ππ‚π‹πŽπ’ πŸπŸ—πŸ–πŸ).

Markabkan SEA WORLD waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo laga yaabo inuu halis amni abuuro, isaga oo ku xadgudbay qodobka 19aad (2) (b) iyo (g)ee π”ππ‚π‹πŽπ’ Waxaa xusid mudan in uu ku sugnaa meel ka mid ah zone-ka dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada Caalamiga ah, taas oo khatar dheeraad ah gelinaysa xasilloonida iyo nabadgelyada Puntland.

Heshiisyada caalamiga ah iyo hanaanka diblomaasiyadeed (𝐃𝐒𝐩π₯𝐨𝐦𝐚𝐭𝐒𝐜 𝐏𝐫𝐨𝐭𝐨𝐜𝐨π₯ 𝐟𝐨𝐫 π‚π¨π§π―πžπ²π’π§π  𝐂𝐨𝐦𝐩π₯𝐚𝐒𝐧𝐭𝐬) waxay si cad u dhigayaan in wixii markab ah ee si toos ah u soo gala xuduudaha badda ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu yahay mid leh khatar ciidan ama sharci-darro ah, looga baahanyahay in si rasmi ah loo wargeliyo dowladdaasi. Balse markabkan SEA WORLD waxa uu jabiyay xeerarkaas isagoo aan wax sharaxaad ah bixin.

Tallaabada Puntland:

Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay baaridda iyo hubinta iyo tallaabo ka qaadidda maraakiibta maraya biyeheeda sida ay qabaan qodobbada 25aad (1) iyo 27aad (1) ee xeerka badana π”ππ‚π‹πŽπ’ waxayna Dowladda Puntland hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo ujeeddada dhabta ah ee markabkan, cida iska leh, iyo waxyaabaha uu xambaarsanyahay. Intaas ka hor, Puntland waxa ay si cad u xusaysa in markabkan jebiyay xeerarka caalamiga ah iyo nidaamka badda ee ay qeyb ka tahay Puntland.

π†πšπ πšπ πšπ›π¨:

Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland iyadoo ka war dhawraysa baaritaannada socday, waxa ay shacabka Puntland iyo beesha caalamka si horudhac ah ula socodsiinaysaa in markabkan uu halis weyn ku yahay ammaanka, iyo xasiloonida Puntland, isagoo muddo 2 maalmood ah si dhuumasho ah ku joogay xeeb ku began aagga ay bilihii u dambeeyey dowladda Puntland kala dagaallamaysay argagixisada Caalamiga ah ee Daac1sh (πˆπ’πˆπ’), waxayna Dowladda Puntland ay si waafaqsan sharciga badda iyo xeerarka caalamiga ah ula xisaabtami doonto marka ay baariddu dhammaato cid kasta oo ay ku caddaato inay qayb ka tahay xadgudub. Dowladda Puntland waxa ka go’an difaaca baddeeda, ammaankeeda, iyo ilaalinta xuduudaheeda biyaha sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Iiraan oo ogolaatay in ay wadahadal kala yeelato Barnaamijkeeda Nukliyeerka saddex Wadan oo Yurub ah.

Axed July 20, 2025 {HMC}Β Wakaalada wararka Tasnim ayaa sheegtay Iiraan ay ku waafaqday saddex dal oo Yurub ah- oo kala ah Jarmalka, Faransiiska iyo Britain ay la yeelato wadahadal ku saabsan barnaamijka Nukliyeerkeeda.

Wakaalada oo soo xiganaysa ilo aan la aqoonsan ayaa qortay: “aragtida wadahadalka ayaa la isku waafaqay, laakiin wada xaajoodyada ayaa sii socda iyada oo aan kama dambays la isla dhamayn wakhtiga iyo goobta wadaadalada, iyo dalka mustaqbalka wadahadaladu ay ka dhacayaan,

Ilo diblomaasiyadeed oo Jarmal ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in maamulada Yurub ay qorshaynayaan wadahadal cusub oo nukliyeerka ah oo ay la yeeshaan Iiraan, kaasi oo dhici doona toddobaadkan.

Mareegta Axios ayaa horay u tabisay in Iiraan iyo saddex dal oo Yurub ah ay ku yeelanayaan wadahadal dal kamid ah Yurub, asbuuca soo socda.

Faransiiska, Britain iyo Jarmalka oo ay barbar socdaan madaxda siyaasada midowga Yurub ayaa u digay Iiraan haddii talaabo la taaban karo aysan qaadin dhammaadka August oo 5 todobaad aynaga xigto ay qaababka kale ku eegi doonaan.

Saddexda dal ee la hadlay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Aragchi markii ugu horaysay labo maalin kahor tan iyo intii ay dhaceen duqaymihii dagaalka 12ka maalin ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen dalkaasi Iiraan ayaa ugu baaqay in sida ugu dhakhsiiyaha badan ay dib u bilowdo wadahadalkii Nukliyeerka.

Aragchi ayaa ku qoray barta bulshada X inuu hoosta kaga xariiqay shirkani muuqaalka ah in ” wareega wadahadal kasta oo cusub uu kali ah macquul yahay marka dhinaca kale uu diyaar u yahay inuu gaaro hashiisyo nukliyeer oo isku dheeli tiran oo cadaalad ah oo faa’iido wadaag ah.

Aragchi ayaa qoray haddii midowga Yurub iyo saddex dal oo yurub ah ay doonayaan inay ciyaaraan door, iyaga ”ay waajib ku tahay inay meesha ka saaraan siyaasadaha wakhtigoodu dhacay ee handadaada iyo cadaadiska ah, oo ay ku jirto hababka cunaqabateenada dib loo furayo.

Go’aanka Iiraan ee ah in la laalo iskaashiga isxilqaanka ah ee hay’adda tamarta atoomikada caalamiga ah si looga jawaabo weerarada Maraykanka iyo Israa’iil ee xarumaheeda Nukliyeerka ayaa ku keentay Tehran inay wajahdo soo noqoshada cunaqabateenada caalamiga ah iyada oo lamarayo nidaam loo yaqaan ”hababka riditaanka.” Iiraan ayaa sheegtay hababkaasi aysan lahayn wax sharci ah oo u asal ah.

Qaababkan ayaa lagu soo arkay heshiiskii Nukliyeerka Iiraan (JCPOA), iyo heshiiskii guuldaraystay ee tobanka sano ay soo wareegtay, suurtagalnimada in dib loo kiciyo ayaa mar kale ay keeneen dalalkii qaybta ka ahaa heshiiskaasi.

Ka dib heshiiska JCPOA ee la gaaray Luulyo 2015, golaha ammaanka QM ayaa meelmariyay heshiiska soo jeedinta iyaga oo laalay dhammaan soo jeedinadii hore, oo ay ku jirto cunaqabateenada Iiraan.

Waxaa ku jiray hababka go’aanada muranku uu ka dhashay ee heshiiskii JCPOA, inay macquul tahay xubnaha joogtada ee golaha ammaanka ee QM inay dib u soo celiyaan cunaqabateenada la laalay haddii ay ku qanci waayaan u hogaansanka buuxda ee Iiraan ee heshiiskaasi.

Sida laga soo xigtay heshiiska JCPOA haddii la bilaabo hababka muwaafaqada mid kamid ah xubnaha golaha ammaanka ee QM ma saari karaan codka qayaxan (veto) xalka qabyada ah si looga hortago soo laabashada cunaqabateenada Iiraan. Haddii dal uu adeegsado codka (veto) waxa ay saamaynaysaa mamnuucitaanka sii socoshada laalitaanka cunaqabateenada, taasi oo lamicno ah soo laabasho degdeg ah oo ah xalka golaha ammaanka ee ka dhanka ah Iiraan

Sida laga soo xigtay xalka golaha ammaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2231, ee la meel mariyay sanadkii 2015 si loo dhaqan galiyo heshiiska JCPOA, qaar kamid ah waxyaabaha aasaasiga ee laga doonayo heshiiska ayaa waxaa ku jiray suurtagalnimada bilaabida hababka muwaafaqada uu wakhtigooda dhici doono Oktoobar 2025.

Kahor dagaalka Israa’iil iyo Iiraan, Tehraan iyo Washington ayaa yeeshay 5 wareeg oo wadahadalada Nukliyeerka ee ay dhexdhexaadinaysay Cumaan, laakiin waa ay guul daraysteen in lagu gaaro heshiis kor loogu qaadayo heerarkeeda.

XOGASHO BBC

Israiil ayaa dishay 67 qof Falastiiniyiin oo gargaar doonanayay.

Axed July 20, 2025 {HMC} Israiil ayaa dishay 67 qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo gargaar u doonanayay waqooyiga Magaalada Gaza,.
Milatariga Israiil ayaa dilay ugu yaraan 67 qof oo sugayay gawaarida xamuulka qaada ee Qaramada Midoobay waqooyiga Magaalada Gaza,
Hay’adda cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kolonyadooda 25-ka ah ee xamuulka ah β€œay la kulmeen dad badan oo rayid ah oo gaajaysan kuwaas oo rasaas lagu furay, sida ay warisay BBC News.