Home Blog Page 703

Ku dawaad 15 askari oo katirsan ciidanka Puntland ah oo geeriyooday dagaalka Daacish

Arbaco, 16 Jully 2025 {HMC}Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ayaa shalay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay ku dhawaad 15 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ammi.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Togga Miiraale iyo Xabley, halkaas oo ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay kooxda Daacish ku lahaayeen halkaas. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dileen dagaalyahano ka tirsan Daacish, islamarkaana ay kooxdaasi isaga baxday labo fariisin ay ku sugnaayeen.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa, in qaar ka mid ah askarta Puntland ay u dhinteen biyo la tuhunsan yahay in la sumeeyay oo ay ugu tageeen goobihii laga qabsaday Daacish.

Wararkan lama xaqiijin karo si madax bannaan, balse ilo-wareedyo la hadlay HOL ayaa sidaas u sheegay.

Dagaalka ayaa imaanaya xilli kooxda Daacish ee wali ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ay bilaabeen weerarro cusub oo ay ku hayaan dadka reer miyiga ah.

Kooxdu waxay afduub iyo dhac u geysanayaan dadka xoolaha dhaqatada ah, iyagoo xoog uga qaadanaya xoolaha, halka kuwa ka hor yimaadna ay gowracaan ama kaxeystaan.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanka Unuun ee hoos taga degmada Qandala, halkaas oo dagaalamayaal ka tirsan Daacish ay afduubteen nin lagu magacaabo Axmed Ibraahim Aadan, sida ay sheegeen dad deegaanka ah.

Lama xaqiijin wali inuu dhintay Axmed Ibraahim Aadan, balse qoyskiisa iyo dadka deegaanka ayaa weli baadi-goob ugu jira helitaanka ama xaqiijinta geeridiisa.

Jude Bellingham shoulder surgery sidelines Real Madrid star until October

Wednesday 16 July 2025 {HMC}  Real Madrid midfielder Jude Bellingham is expected to miss up to 12 weeks recovering from a shoulder operation, after the Spanish giants said he had successfully undergone surgery.

“Our player Jude Bellingham has undergone successful surgery for a recurrent left shoulder dislocation,” said Real Madrid in a statement on Wednesday.

“Bellingham will now begin a period of rehabilitation prior to his return to recovery work.”

While Madrid did not specify the expected length of his recovery time, Spanish media have reported it will take about 12 weeks for him to return to action, putting the star player out of action until the third week of October.

Bellingham has been struggling with shoulder discomfort after dislocating it in a La Liga match in November 2023, and playing with a brace under his shirt since then.

The England midfielder held off on the operation until after Madrid’s participation in the Club World Cup earlier this year, with Xabi Alonso’s side reaching the semifinals.

The 2025-26 La Liga season begins for Real Madrid on August 19 with a home match against Osasuna.

Bellingham is set to miss the La Liga Madrid derby against rivals Atletico in late September, as well as the club’s first two UEFA Champions League matches.

The 22-year-old midfielder should be back in action by the time Madrid host Barcelona in the first Clasico of the season in late October.

“I’ve got the point where … I’m fed up with the brace, and having to tug on it and having [other] players tug on it, and it rearranging all the time,” said Bellingham during the Club World Cup.

The midfielder will also miss World Cup qualifiers with England against Andorra and Serbia on September 6 and 9, respectively.

Source: Al Jazeera

Israa’iil oo weerartay ciidamada Suuriya.

0

Arbaco, 16 Jully 2025 {HMC} Israa’iil ayaa sheegtay in ay weerartay ciidamada dowladda Suuriya ee ku sugan agagaarka Suweyda, xilli ay gudaha u sii galayeen magaalada Druze oo labadii maalmood ee la soo dhaafayay ka socdeen dagaallo salka ku haya arrimo diimeed oo ay dad ku dhinteen.

Ugu yaraan 200 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka Druze iyo qabiilada Bedouin uu qarxay Axadii, sida ay ku soo warrantay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Syria (SOHR), oo fadhigeedu yahay dalka UK.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu amar ku bixiyay in la duqeeyo ciidamada ku sugan aagga Suweyda, isagoo sheegay in dowladda Suuriya “ay doonaysay inay adeegsato Druze”.

Suuriya ayaa cambaareysay faragelinta Israa’iil waxayna sheegtay in duqeymahaasi ay sababeen dhimashada xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo dad rayid ah.

Waa markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda Suuriya la geeyo magaalada Suweyda tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas, Bashar al-Assad bishii December.

Bulshooyinka laga tirada badan yahay – oo ay ku jiraan Druze, oo ah faraca shiicadaislaamka oo lehaqoonsi iyo caqiidooyin gaar ah – ayaa ka shakisan dawladda ku meel gaarka ah ee Axmed al-Sharaa inkastoo uu ballanqaaday inuu ilaalinayo dadkaas.

Ilaa hadda, gobolka Suweyda waxa uu intiisa badan ku jiray gacanta maleeshiyada Druze, kuwaas oo iska caabiyay baaqyo ahaa in ay ku biiraan ciidamada ammaanka.

Xiisad ka taagan Sanaag iyo Puntland oo Ciidamo udirtay.

0

Arbaco, 16 Jully 2025 {HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlad goboleedka Puntland ciidamo dheeraad ah geeyay gobolka Sanaag, xilli halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay ka baxeen magaalada Qardho, isla markaasna la geeyay aaga Dhahar oo shalay dagaal culus ku dhexmaray Askarta Puntland iyo Ciidamo deegaanka ah oo la yiraah Maakhir.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu eedeyay dagaalkaasi in ay ku lug laheyd Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalka Dhahar yahay faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah Amniga Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, iyada oo ku tilmaamtay inuu yahay dagaal huriye diidan dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Dagaalka ka dhacay Dhahar ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 5 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo dhinacyada loogu baaqayo nabad.

Mareykanka oo Bilaabay in dalkiisa ka musaafuriyo dad ajnabi ah.

0

Arbaco, 16 Jully 2025 {HMC}  Mareykanka ayaa sheegay in uu masaafuriyay dad Ajnabi ah oo dambiilayaal ah, kuwaas oo la geeyay dalka Eswatini.

Shanta qof ayaa u kala dhashay dalalka Laos, Vietnam, Yemen, Cuba iyo Jamaica.

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ayay waaxda amniga gudaha ku sheegtay, in dadkaas loo dirayo dalka Koonfur Afrika ku yaalla, maadaama dalalkooda ay diideen in dib loogu soo celiyo.

Waxaa lagu helay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dil iyo kufsi loo geystay carruur.

{DAAWO MUUQAALKA} Xiisad Colaadeed oo ka taagan Magaalada dhahar

0

Arbaco , 16 July 2025 {HMC} Xiisad Colaadeed oo ka taagan Magaalada dhahar

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya oo Shaacisay ineey gacanta ku dhigtay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsan Daacish.

0

Arbaco , 16 July 2025 {HMC} Itoobiya oo Shaacisay ineey gacanta ku dhigtay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsan Daacish.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay Amarka kasoo baxay Dowladd koofur Afrika ee Saameeynaya SOomaalida.?

0

 

Arbaco , 16 July 2025 {HMC}Muxuu yahay Amarka kasoo baxay Dowladd koofur Afrika ee Saameeynaya SOomaalida.?

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 16 07 2025

0

Arboco, 16 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

    HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

Sirdoonka Itoobiya oo Gacanta ku dhigay 80 qof oo ka tirsan Daacish.

0

Arbaco, 16 Jully 2025 {HMC} Maamulka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la xidhay 82 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Islaamiga ah ee ISIS, kuwaasoo la sheegay in loo tababaray inay ka fuliyaan weerarro argagixiso gudaha dalkaas.

 

Bayaan ay Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay xidhiidh leeyihiin garabka ISIS ee ka howl-gala Soomaaliya.

 

Waxaa la sheegay in ay tababarro ku qaateen Puntland, oo ah deegaan is-maamul ah oo ku yaalla waqooyiga-bari Soomaaliya, ka hor inta aan loo kala dirin gobollo kala duwan oo Itoobiya ka tirsan — oo ay ku jiraan caasimadda Addis Ababa, gobolka Amxaarada, iyo gobolka Oromada.

 

NISS ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay xidhiidh toos ah la leeyihiin shabakadda caalamiga ah ee ISIS, isla markaana ay ka heleen gargaar dhaqaale iyo taageero kaleba.

 

Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in kooxda si dhow loola socday muddo dheer, ayna jireen xog muujinaysa qorshahooda ah inay sal-dhig ka sameystaan Itoobiya si ay halkaas uga wadaan howlgallo argagixiso oo isku xiran.