Talaado, 1 july 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Maxaay Tahay Hambalyada aay Umada Soomaaliyeed u Direen Hogaanka Howlgalka AUSSOM
Talaado, 01 Jully 2025 {HMC} Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ugu hambalyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 65-aad ee xuska maalinta xorriyadda.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in munaasabaddan qiimaha leh ay tahay fursad lagu xusuusto horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dadaalka nabadda iyo xasilloonida,
Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay adkeysigooda iyo go’aankooda ku aaddan dhisidda mustaqbal ifaya.
Howlgalka AUSSOM ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamay geesiyaal si naf-hurnimo leh ugu shaqeeyay amniga dalka, kana hortagay falal xagjirnimo,
Howlgalka Midowga Afrika waxa uu sidoo kale bogaadiyay hoggaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu sheegay inuu dalka ku hoggaamiyay waddo horumarineed isla markaana sare u qaaday sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, AUSSOM ayaa sheegtay in ay adkeeynayso taageeradeedda buuxda ee ku aaddan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha nabad waarta.
{DAAWO MUUQAALKA} Taangiyo iyo Hub Casri ah oo lasoo bandhigay xili ay socota debaal dega 1-da Luulyo.
Talaado, 1 july 2025 {HMC} Taangiyo iyo Hub Casri ah oo lasoo bandhigay xili ay socota debaal dega 1-da Luulyo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo soo Bandhigtay Awood Ciidan oo horay aan loo arkin
Talaado, 1 july 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo soo Bandhigtay Awood Ciidan oo horay aan loo arkin
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciyaaro lagu soo bandhigayo Daljirka Daahsoon ee magaaladada Muqdisho.
Talaado, 1 july 2025 {HMC Ciyaaro lagu soo bandhigayo Daljirka Daahsoon ee magaaladada Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Muungaab oo shacabka Muqdisho kula debaal degay bartamaha Muqdisho
Talaado, 1 july 2025 {HMC} Guddoomiye Muungaab oo shacabka Muqdisho kula debaal degay bartamaha Muqdisho
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maxaa lagu xasuusta 1 Luuliyo.
Talaado, 01 Jully 2025 {HMC} 1-da Luuliyo waa maalin qaran oo shacabka Soomaaliyeed ku xasuustaan xorriyadda iyo midnimada dalka. Maalintan oo ah mid ka mid ah tiirarka taariikhda Soomaaliyeed, waxaa sanad kasta si weyn looga xusaa guud ahaan dalka iyo dibaddaba.
1-da Luuliyo 1960-kii ayaa lagu dhawaaqay dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya kaddib markii ay Midoobeen gobolladii Waqooyi iyo Koonfureed. Gobollada Waqooyi waxay xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingiriiska 26-kii Juun 1960, halka Koonfurta ay xoriyadooda ka qaateen Talyaaniga 1-da Luuliyo 1960. Isku darkii labadaas gobol ayaa horseeday dhalashada Dawladdii Soomaaliyeed ee xor ah.
Maalinta 1-da Luuliyo waxaa si gaar ah loo xasuusta halgamayaashii naftooda u huray xoriyadda iyo madaxbannaanida dalka.
Sanad kasta, shacabka Soomaaliyeed waxay u dabbaaldegaan 1-da Luuliyo, iyaga
Munaasabado calan-saaryo, bandhigyo dhaqameed, heeso waddani ah, iyo barnaamijyo xambaarsan wacyigelin taariikheed. Madaxtooyada Qaranka, dowladda, iyo hay’adaha kala duwan waxay qabtaan munaasabado rasmi ah oo lagu xusayo maalintan.
1-da Luuliyo waa maalin milgo iyo maamuus leh oo xambaarsan taariikh dahabi ah. Waa maalin ku beegan guushii shacabka Soomaaliyeed ee ay ka gaareen halgankii dheer ee xorriyadda, iyo bilowgii qaran mideysan oo leh dawlad rasmi ah.
Waxaa la gudboon jiilka maanta iyo kuwa dambe in ay xafidaan qiimaha maalintan, una halgamaan sidii dalku u noqon lahaa mid horumar leh, nabad ah, oo isku duuban.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 01 07 2025
Talaado, 01 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasin Ali Ahmed
Farsamadii :: Ismaaciil Cabduqaadir
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Sidee u dhacay howglkii ciidamada Danab ku dileen xubna AS ah?
Talaado, 1 july 2025 {HMC} Sidee u dhacay howglkii ciidamada Danab ku dileen xubna AS ah?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Muxuu yahay Xilka Cabdi wali Gaas looga magacaabay Midowga Afrika.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Suudaanta Koofureed iyo madaxa xafiiska xiriirka Midowga Afrika ee Jubba.
Magacaabiddiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo dalka Suudaanta Koofureed uu muddooyinkii u dambeeyay ka dhex taagnaa khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada kala duwan.
Suudaanta Koofureed waxay noqotay waddan madax-bannaan 9-kii Luulyo, 2011, ka dib afti dadweyne oo ku dhowaad 99% codbixiyayaashu ay doorteen madax-bannaani. Tani waxay daba socotay tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah oo u dhexeeyay dowladda Suudaan iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Suudaan (SPLA).
Sidee ku timid magacaabista?
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya June 2011 ilaa October 2012, xilligaas oo uu dalku marayay marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah. Kadibna, waxa uu noqday Madaxweynaha Puntland 2014 ilaa 2019.
Dr. Gaas oo la hadlay BBC ayaa sheegay in magacaabiddan ay ku timid ka dib markii uu taageero ka helay dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu Guddoomiyaha Midowga Afrika u arkay inuu xilkaasi u qalmo.
“Waxay ku timid ninka odeyga ah ee i magacaabay iyo dowladda Soomaaliya oo i taageertay oo si dhow oo wanaagsan iila shaqeysay. Marka shaqooyinka sida la isugu magacaabo sidaa weeye,” ayuu yiri Dr. Gaas.
Gaas ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada iyo sida ay uga gacan siiyeen helidda xilkan.
“Waxaan rabaa inaan u mahadnaqo Maxamuud Cali Yuusuf oo ah odeyga Midowga Afrika oo xilkan ii magacaabay. Sidoo kale waxaan rabaa inaan u mahadnaqo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamze, oo iyaguna barnaamijkaa igu taageeray oo runtii si fiican iila shaqeeyay. Iyagana aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin,” ayuu intaa ku daray.
Maxay noqon doontaa shaqadiisa?
Xilka cusub ee loo magacaabay Dr. Gaas ayaa ah inuu hoggaamiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee Midowga Afrika ee Koonfurta Suudaan, isku xirka urur-goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, iyo hay’adaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale taageeri doonaa hirgelinta heshiiskii 2018 ee xalinta colaadaha South Sudan.
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay shaqada loo dhiibay inay tahay mid adag balse uu rajeynayo inuu guul ka keeno.
“Xilkani waa shaqo u baahan dhisidda nabadda Suudaanta Koofureed. Ilaahay ha ii fududeeyo, laakiin arrin runtii imtixaan ah oo dhib badan ayay noqon doontaa sida ii muuqata. Laakiin insha Allah, waxaan rajeynayaa haddii aan dadaalo Ilaahay-na ila garab galo, in wax isbeddel ah aan ka sameyn karo,” ayuu yiri Dr. Gaas.
Waxaa uu farta ku fiiqay in shaqadiisa ay noqon doonto sidii uu dib u heshiisiin ugu sameyn lahaa dhinacyada isku haya dalkaas.
“Waddankaas dhib baa ka jirta — is-haysi kooxo kala duwan ah oo dalkaasi ka jira, sida Soomaaliya dhibta uga jirto oo kale. Marka heshiisiin dadka uun meeshaas jooga siyaasad ahaan, oo dhisidda nabadda iyo dhisidda dalkaba isugu jirta, dhanna in laga taageero — oo dhisidda nabadda, isu soo dhowaanshaha iyo dib u dhiska dowladnimada,” ayuu intaa ku daray.
Waa kuma Dr. Cabdiweli Gaas?
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 2-dii Luulyo 1967 ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.
Gaas ayaa markii hore wax ku bartay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sanadkii 1984 ka qaatay shahaadada BA ee dhaqaalaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Kadibna wuxuu u guuray dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada MA ee dhaqaalaha Jaamacadda Vanderbilt sanadkii 1988.
Dr. Gaas waxa uu agaasime ka soo noqday Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga ee dowladda dhexe ee Soomaaliya bartamihii ilaa dabayaaqadii 1980-meeyadii. Intii u dhaxaysay 1988 ilaa 1991, wuxuu ahaa Kaaliyaha Agaasimaha Cilmi-baarista iyo Tirakoobka ee isla wasaaraddaas.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya June 2011 ilaa October 2012, wax yar kadibna wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee la dhisay waqtigaas.
Kahor intii uusan noqon Ra’iisul Wasaaraha, wuxuu soo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo — xiligaas oo uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynihii waqtigaas, Shariif Sheekh Axmed.
Dr. Gaas ayaa 8-dii January 2014 loo doortay madaxweynihii shanaad ee Dowlad-goboleedka Puntland.



