Arbaco 18, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed
Farsamadii ::Mustaf Ali Caddow
Arbaco 18, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed
Farsamadii ::Mustaf Ali Caddow
Arbaco 18, June 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan degdeg ah ku qabtay qolkii xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad.
Kulankaas oo socday saacad iyo labaatan daqiiqo ayaa diiradda lagu saarayey su’aasha ah in Mareykanku uu ku biiro Israa’iil si ay u weeraraan goobaha nukliyeerka ee Iran, sida uu tebiyay warbaahinta CBS News ee Mareykanka oo bahwadaag la’ah BBC-da.
Warbixintu waxay sheegtay in aanay jirin heshiis wax heshiish buuxa ah oo ay isla qaateen la-taliyeyaasha ugu dhow Madaxweyne Trump.
Ka dib maalmo uu ku dhiirrigelinayey Iran in ay wada-hadalada dib ugusoo laabato, Madaxweyne Trump ayaa hadda ka fiirsanaya in Mareykanku si toos ah uga qayb qaato dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.
Kulankii shalay ee golaha amniga qaranka ee Mareykanka, Trump iyo la-taliyeyaashiisa ayaa lagu soo warramay inay ka wada hadleen suuragalnimada weerar lagu qaado goobaha nukliyeerka ee Iran.
Mid ka mid ah bartilmaameedyada suuragalka ah ayaa noqon kara goobta lagu hormariyo uraniyaamta ee Fordo, taasoo si qotodheer ugu taala dhulka hoostiisa.
Kaliya Mareykanka ayaa haysta bam awood u leh inuu burburiyo goobtaas. Sida ay sheegtay CBS News, la-taliyeyaasha madaxweynaha ayaa wali ku kala aragti duwan tallaabada la qaadayo.
Warbaahinta Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegtay in Trump uu kulanka kadib khadka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, hase yeeshee lama oga waxa laga wada hadlay.
Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 30 diyaaradood oo nooca shidaalka hawada ku shuba kuwaasoo loo adeegsado in lagu shido diyaaradaha dagaalka iyo kuwa wax duqeeya ah ayaa u kacay qaaradda Yurub.
Arbaco 18, June 2025 {HMC} Seeriga digniinta ayaa dhawaqooda laga maqlayaa waqooyiga Israa’iil, sida laga soo xigtay ciidamada difaaca Israa’iil.
Milatariga ayaa sidoo kale barta X soo dhigay khariidad muujinaysa digniinahaas.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay adeegsiga gantaallada Fatah, oo lagu tilmaamay gantaallada hypersonic, intii lagu jiray weerarradii gantaallada ee dhowaan ka dhacay Israa’iil.
Wakaalladda Wararka Iiraan ee Tasnim oo soo xiganeysa Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in gantaallada Fatax ay ka dhigan yihiin “bilawga dhammaadka khuraafaadka difaaca hawada ee ciidamada Israa’iil”, sida ay ku tilmaantay, iyo in ay farriin u tahay “Isbahaysiga dagaalka u ololeeya ee Tel Aviv,” oo ay ula jeedaan Maraykanka.
Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in gantaalladaasi ay awood u yeesheen in ay gudaha u galaan difaaca cirka ee Israa’iil, iyagoo intaa ku daray in weerarkii ugu dambeeyay ee gantaallada “ay caddeeyeen in ilaalada kacaanku ay si buuxda u maamulayaan hawada Israa’iil” iyo in Israa’iiliyiintu ay hadda yihiin kuwo aan “difaac lahayn.”
Talaado17, June 2025 {HMC} Wakaaladda wararka Iran ee IRNA , ayaa goordhow beenisay wararka la xiriira in la dilay madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay in weerarrada Israa’iil lagu dilay Ahmadinejad.
dhinaca kale
Warbaahinta rasmi ah Israa’iil ayaa ka soo xigatay labo sarkaal oo Israa’iili ah: “Israa’iil waxay dareemeysaa in codka iyo hadalka madaxweyne Trump ee ku aaddan Iiraan uu is beddelayo, balse wali lama caddeyn karo halkuu u jihaysan doono ama haddii uu damacsan yahay tallaabo toos ah oo ka dhan ah Iran, gaar ahaan duqeyn lagu beegsado xarunta nukliyeerka ee Fordow, sida uu doonayo Netanyahu.
Trump ayaa haatan wada-tashiyo hoose la leh golihiisa amniga, waxaana ilo xog-ogaal ah sheegeen in uu weli ka labalabeynayo go’aanka, inkasta oo hadalladiisa ay noqdeen kuwo sii kululaanaya.”
Talaado17, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Yaasiin Cali Axmed