Home Blog Page 782

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 15 06 2025

Axad 15, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Somalia: Child malnutrition surges amid clinic closures.

Sunday 15, June  2025 {HMC} Severe malnutrition among children has surged across Somalia, with health facilities supported by the International Committee of the Red Cross (ICRC) seeing record admissions since the devastating drought two years ago. In May alone, the stabilization centre at Kismayo General Hospital admitted 277 critically ill children, the highest monthly number since 2023. Between January and May, the centre admitted 863 patients, an increase of almost 70 per cent compared with the previous five months.

“They gave him medicine when I arrived. They gave him milk. Thank God, he is fine now. I didn’t think he would make it,” says Marwo Abdikarim, who travelled hundreds of kilometres with her eleven-month-old son, Ahmed Hussein, to seek emergency care.

Stabilization centres like the one in Kismayo provide life-saving treatment for children under the age of five who are suffering from medical complications brought on by hunger. But such facilities are scarce. Nutritional clinics that once played the key role in preventing widespread malnutrition are closing due to funding cuts, leaving vulnerable families without access to early care.

The Somali Red Crescent Society (SRCS), supported by the ICRC, is also reporting an increase in patients receiving treatment at its outpatient nutrition clinics. The rising needs come amid intensifying conflict, mass displacement, and a cycle of floods and droughts that are pushing communities to the brink.

“Conflict is uprooting families, floods are destroying crops, and some areas are already parched by drought,” said Antoine Grand, head of the ICRC delegation in Somalia. “Parents simply cannot afford food, and small children are the first to starve.”

Revised humanitarian projections[1] estimate that food insecurity will worsen in the coming months, with nearly 47,000 children expected to suffer from acute malnutrition.

In response, the ICRC continues to support the stabilization centre in Kismayo, which has admitted nearly 900 severely malnourished children this year. Eleven ICRC-supported nutrition clinics run by the SRCS have treated close to 1,400 patients. In addition, more than 15,000 displaced families have received emergency cash assistance to help them buy food and essentials, while hospitals treating weapon-wounded patients continue to receive medical supplies and support.

SOURCE https://www.icrcnewsroom.org/story/en/1039/somalia-child-malnutrition-surges-amid-clinic-closures

Dowladda Spain oo la wareegtay howlgalka Midowga Yurub ee laga wado xeebaha Soomaaliya

Axad, Juun 15, 2025 (Hmc) -Midowga Yurub ayaa shalay oo Sabti aheyd shaaca ka qaaday in Spain ay la wareegtay hogaanka howlgalka ciidamada badda ee “Atalanta” ee lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaalida.

Howlgalkaan loogu magac daray Atalanta waxa uu qeyb ka yahay dadaalada socda ee lagu xaqiijinayo nabad galyada xeebaha Soomaaliya oo goob istiraaji ah kaga yaala geeska Africa.

Hawlgalka Atalanta ayaa bayaan uu soo saaray ku faahfaahiyey in Admiral Isbaanish ah oo lagu magacaabo Francisco Javier Vázquez Sanz uu la wareegay howlgalkaan waxaana uu bedelayaa taliyihii hawlgalkaan Admiral Davide Da Pozzo oo Talyaani ah.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday gudaha markabka Talyaaniga uu leeyahay oo lagu magacaabo “Rizzo” kaa oo kusugnaa dekedda weyn ee dalk Jabuuti.

Hawlgalka Atalanta ayaa la billaabay 2008-dii si maraakiibta ganacsiga iyo kuwa Barnaamijka Cunnada Adduunka looga ilaaliyo weerarrada burcad-badeedda ee Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya, oo ah goob muhiim u ah ganacsiga baddaha caalamka.

 

DFS oo shaacisay dhameystirka wejiga kowaad ee Sahminta Shidaalka Badda Soomaaliya

Axad, Juun 15, 2025 (HMC) Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay u shaacisay dhamaashiyaha wejigii kowaad ee sahminta shidaalka ee ay waday Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO), waxaana ay wasaaraddu sheegtay in ay shacabka Soomaaliyeed lasoo wadaagi doonto natiija xogta la aruuriyey marka ugu horeysa ee ay soo baxdo.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasaaraddu uu xil-sharci ah ka saaran yahay hoggaaminta iyo maaraynta hannaanka soo saarista khayraadka batroolka iyo macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo in khayraadkaas looga faa’iidaysto si hufan, caddaalad ah, waxtarna u leh kobaca dhaqaalaha dalka iyo baraaraha nololeed ee shacbiga Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale xustay Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta in ay heshiisyo wax soosaar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahmin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 25 Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.

Baaritaanka iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka urrurisay gunta hoose ee badda Soomaaliya xogo shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado ceelasha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dhiggeeda Wasaaradda Tamarta ce Turkiga wadashaqaynta iyo iskaashiga wanaagsan ee u dhaxeeya labadda wasaaradood kaa oo fududeeyey in wax walba u qabsoomaan sidii loo qorsheeyey muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.

Agaasimaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Afrika oo Muqdisho Soo gaaray.

Axad 15, June  2025 {HMC}  Cabdiqafaar Cilmi Xaange Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalka uu magaalada Muqdisho ku yimid Dr. Zarau Wendeline oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Afrika oo ay ku midaysan yihiin 22 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasiirka Xaange ayaa xusay in mas’uulkaan mudada laba cisho ah uu kusii sugnaan doono magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Hay’addaha Maaliyadda ee Dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona indha indheeyn doona howlaha Hay’addaha Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale xusay Wasiir Xaange in Dr. Zarau Wendeline oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Afrika uu door weyn uu kasoo qaatay deyntii cafintii loo sameeyay Dowladda Soomaaliya.

“Bankiga aduunka mashaariic badan ayuu bixiyaa, wax ku dhow 2 Bilyan ayayna ku bixiyaan, waxay kaloo naga taageeraan kab miisaaniyadeed oo kooban waloow aysan Soomaaliya gaarin heer dhaqaale isku filnaansho, sidoo kale waxa uu diirada saari doono shanta sano ee soo socda ee wada shaqeynta Dowladda iyo World Bankiga, waxaana ka leenahay Bankiga ujeedooyin badan, waxaana ay nagu amaaneen sidaan uga soo baxnay shuruudihii nagula xiray ee deeynta cafinta” ayuu yiri wasiir Xaange oo wareysi siinaayay Tv ga Qaranka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa tilmaamay in Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya dhaqaale ahaan, ay tallaabo wanaagsan u arkayaan inuu Mas’uulkaan yimaado magaalada Muqdisho.

Dr. Zarau Wendeline oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la filayaa inuu la kulmi doono madaxda Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, si looga faa’iidaysto mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka uu bixiyo.

{DAAWO SAWIRADA} Maxaan ka taqaanaa xarumaha Nukliyeerka Iran.?

Axad 15, June  2025 {HMC} Raysulwasaaraha Israel ayaa ku goodiyay in Iran ay eedi doonto weerarkii gantaalaha ay ku soo qaaday Israel bilowgii bishan Oktoobar.

Afhayeenka militeriga Israel, Daniel Hagari, ayaa sheegay in gantaalada Iran ay ku soo dhaceen saldhigyo militeri iyo garoomo diyaaradeed, wuxuuna sheegay in aysan waxyeelo u geysan diyaaradaha dagaalka. Hagari wuxuu kaloo sheegay in ay weerarayaan Iran.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay CNN in aysan jirin wax damaanad qaadaya in Israel aysan weerareynin Nukliyeerka Iran.

Arintan ayaa soo baxday kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu Israel kula taliyay in ay weeraraan Nukliyeerka Iran balse madaxweyne Biden ayaa ku adkeeyay Israel in aysan weerarin xarumaha shidaalka Iran.

Ururka Atoomikada Iran oo taa ka jawaabaya ayaa arbacadii sheegay in Nukliyeerka Iran aysan cidi weerari karin.

Nukliyeerka Iran waxa uu ka kooban yahay afar qeybood oo waa weyn, qeybta cilmibaarista, xarumaha naaxinta, madaxdyada Nukliyeerka iyo qeybta Yuraaniyamka.

Warshadda Nukliyeerka karun

Dhismaha mashruuca Nukliyeerka Iran waxaa laga bilaabay 2022-kii gobolka saliidda hodanka ku ah ee Khuzestan ee koonfur bari dalka.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin reer Iran ah, waxa uu dhismaha qaadanayaa 8 sano, waxaana ku baxeysa 2 bilyan oo doolar.

Bishii May ee sanadkan ayey Iran ku dhawaaqday qorshaheeda in Karun ay ka dhiseyso warshada Nukliyeerka sameysa.

Sida laga soo xigtay madaxa ururka Atoomikada Iran, Mohammad Eslami, dhismaha waxa ku jira qeyb badqabka xaqiijineysa.

Warshadda Nukliyeerka Bushehr

Waa saldhigii ugu horeeyay ee Nukliyeerka Iran waxa uu ka kooban yahay warshada korontada ka dhalisa Nukliyeerka.

Nukliyeerka Iran markii hore wuxuu ku bilowday 1974-tii qorshe ganacsi iyagoo kaalmo ka helaya Jarmalka balse waxaa mashruuca la hakiyay 5 sano kaddib. Dib ayey Iran u bilowday 1990-kii kaddib markii ay heshiis la gashay Ruushka.

Moscow dib ayey u dhigtay mashruuca kaddib markii Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu hakinayo naaxinta nukliyeerka Iran.

Bishii Desember 2007-dii ayey Moscow siisay dhululubooyin Yuraniyam ah oo lagu naaxiyo madaxyada nukliyeerka kaddibna sidaas ayey ku dhalatay korontada.

Waxaa walaac dhanka badqabka laga muujiyay naqshadaha isugu jirta Jarmal iyo Ruush gaar ahaan hadii khalad dhaco maadama ay goobtu tahay meel dhulgariirada u nugul

Xogtii ugu horeysay ee ku saabsan madaxyada biyaha Arak waxay soo baxday Desember 2002-dii markii la daabacay muuqaallo dayaxgacmeedka uu qaaday.

Hay’adda caalamiga ee Atoomikada IAEA ayaa bishii Agoosto booqatay goobta. Iran waxay u sheegtay qorshaheeda in bilowga 2014-ka uu shaqada bilaabayo.

Quwadaha adduunka waxay doonayaan in la joojiyo Arak iyagoo ka walaacsan in lagu sameynayo Nukliyeer.

Heshiis kumeel gaar ah ayaa la gaaray Nofember 2013-kii oo u dhexeeyay Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, UK, Faransiiska, Jarmalka iyo Iran kuna saabsan barnaamijka Nukliyeerka. Heshiiska waxay Iran ku ogolaatay in aan la naaxin Yuraniyamka iyo in aan la keydin.

Xarunta Yuraniyamka Gachin

Bishii Desember 2010-kii ayey Iran markii ugu horeysay sheegtay in ay dalkeeda ka soo saartay Yuraniyam nooca loo yaqaan Jaalaha, si loo naaxiyana waxay u qaaday qeybta madaxdyada Nukliyeerka.

Markii hore Iran waxay qiyaaseysay in aysan haysan Yuraniyam ku filan, waxayna ka keensan jirtay Koonfur Afrika.

Bishii Janaayo 2014-kii ayaa hay’adda IAEA loo ogolaaday in ay booqdaan Gachin.

Xarunta Yuraniyamka Isfahan

2006-dii ayey Iran bilowday in ay ka shaqeysiiso xarunta cilmibaarista Nukliyeerka Isfahan. Ujeedka ayaa ahaa in saddax qaab laga dhigo macdanta Yuraniyamka.

Xarunta naaxinta Yuraniyamka ee Natanz

Xarunta Natanz waa shaandheeyaha ugu weyn Nukliyeerka Iran, waxa ay shaqeyneysay ilaa iyo 2007-dii. Ma aysan dhageysan baaqyda Qaramada Midoobay ee ahaa in la hakiyo naaxinta.

Qeybtaas waxay ka kooban tahay saddax dhismo oo dhulka hoostisa ah oo awood u leh ilaa 50kun oo qeybood in ay sameeyaan.

Dhowr jeer ayey xaruntaasi soo wajahaday khatar. 2021-kii Iran waxay sheegtay in la soo weeraray.

Xarunta Fordow

Xaruntan waxay ku taal dhulka hoostiisa meel buuraley ah oo ku taal koonfurta caasimadda Tehran.

Jiritaanka xarunta Iran waxay u sheegtay hay’adda Atoomikada. Sirdoonka reer galbeedka ayaana markii hore soo ogaaday.

Xarunta kale ee Parchin waxay ku taal koonfurta Tehran. Waxaa inta badan loo isticmaalaa cilmibaaris iyo soo saarista sawaariiqda iyo walaxaha qarxa.

Xarunta Qom ee lagu naaxiyo Yuraniymaka waxaa la bilaabay 2012-kii bishii Janaayo. Waa meel aad loo ilaaliyo oo dhulka hoostiisa ku taal. Waxay u dhowdahay magaalada Qom. Si qarsoodi ah ayaa lagu dhisay xaruntaas. Iran waxaa lagu qasbay in ay shaaciso kaddib markii la hordhigay cadeymo dayaxagacmeedka ah.

XIGASHO BBC

Itoobiya oo ka Digay Khatar Amni oo Itoobiya Uga Imaan Karta Soomaaliya

Axad 15, June 2025 {HMC} Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa sheegay in Ethiopia ay halis amni oo weyn kaga imaan karto xoogag uu ku tilmaamay inay si weyn isugu urursadeen gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ayuu ka jeediyay mar uu hortegay baarlamaanka Itoobiya si uu uga warbixiyo waxqabadka ciidamada muddadii sagaalka bilood ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, Berhanu Jula ma uusan caddeyn in hadalkiisa ku saabsan “xoogagga cadowga ah ee ku urursan Soomaaliya” uu si toos ah ugu wajahnaa ciidamada Masar.

Taliyaha ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay asal ahaan ujeeddadiisu ahayd xasillooni gelinta gobolka iyo taageeridda dowladda Soomaaliya, hase yeeshee hadda xaaladdu ay si dhow ula xiriirto amniga gudaha Itoobiya.

Wuxuu xusay in Itoobiya ay ciidamo ku leedahay Soomaaliya laba siyaabood: kuwo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS iyo kuwo kale oo ku sugan dalkaas iyadoo la raacayo heshiis laba geesood ah, inkastoo uusan si cad u sheegin tirada ciidamadaas laba geesoodka ah.

Berhanu Jula wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladda Masar – oo xiriirkeedu muddo dheer uu xumaa Itoobiya, gaar ahaan arrinta webiga Nile iyo biyo-xireenka GERD – ay ka faa’iidaysanayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida uu sheegay, bishii Agoosto 2024 ayay dowladda Masar heshiis militari la saxiixatay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la filayo in illaa 10,000 oo askari oo Masaari ah loo diro Soomaaliya, qaarna ay ka mid noqon doonaan howlgalka AUSSOM.

Mahad Salaad oo Bilaawday Waxkabadalka Hoggaanka NISA ee Gobolka Banaadir

Axad 15, June 2025 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta isbadal ku sameeyey hoggaanka Hay’adda ee gobolka Banaadir ka dib markii uu xilka la wareegay maalnimadii shalay.

Agaasimaha NISA ayaa Kaaliyaha Amniga Hay’adda u magacaabay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), oo ka mid ahaa saraakiishii la soo shaqeysay Agaasimaha xilligii uu ahaa Agaasimaha Hay’adda.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa dib u magacaabay Taliyaha NISA ee garoonka Aadan Cadde Gaashaanle Sare Xamdi Xasan, oo sanad ka hor xilkaan laga qaaday xilkaan.

Taliyaha Hay’adda NISA ee gobolka Banaadir ayaa isna loo magacaabay Liban Cabdiraxmaan Aaden, isaga oo xilkaan kala wareegi doona Cabdifitaax Shaawe, si la mid ah waxaa Taliyaha ilaalada shacabka ee gobolka Banaadir loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Macallin Salax Cabdinuur Cali.

Isbadalka ku yimid hoggaanka qaar ka mid ah saraakiisha Hay’adda NISA ee gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya ka dib balanqaadka Agaasimaha cusub ee Hay’adda, kaas oo ahaa in uu wax ka qaban doona amniga caasimadda.

The women at the centre of Somalia’s construction boom.

Sunday 15, June  2025 {HMC} Construction is booming in Somalia’s capital city and as Mogadishu literally rises from the ashes of its violent past it is also giving unexpected opportunities to women like Fathi Mohamed Abdi and Saadia Ahmed Omar.

The two young female engineers have been overseeing the construction of a 10-floor apartment complex in Taleh in the city’s Hodan District.

Wearing hard hats they navigate their way through construction material, issuing instructions to a team of workers – all of whom are men.

“When I started, people doubted me,” 24-year-old Ms Abdi, the chief operating officer of Arkan Engineering Services, a Somali-owned construction company, tells the BBC.

“They would ask, ‘How can we trust a house built by a woman? How can I trust my money and property with a young female engineer?'”

She and her colleague Ms Omar have been practising engineers for the last five years.

“Mogadishu needs us,” says Ms Omar, who is also 24. “When I was young, this city was in chaos. Now, we are part of its reconstruction.”

Somalia, a former Italian colony, has experienced a prolonged period of civil war after the government of President Siad Barre collapsed in January 1991.

Even now, scars of decades of war are still visible – like in the central district of Shangani where there are bombed-out buildings. But the ruins are becoming hidden or replaced by tall office complexes and apartments, and a skyline dotted with cranes and scaffolding.

Both young women were born during the civil war and grew up witnessing their country fragmenting. While many Somalis chose to leave, they stayed, driven by a passion to rebuild, despite the fact that an insurgency was being waged by al-Shabab, a group linked to al-Qaeda.

“I think part of the reason women are getting more chances in this field is because there’s so much work to do, and not enough professionals to do it. That creates space for us,” Ms Omar says.

Over the last five years, more than 6,000 buildings have been constructed in Mogadishu

Ibrahim Abdi Heyle, chairman of the Somali Engineers Association, agrees the high demand for skilled professionals is leading to change – even if slowly in Somalia’s traditionally male-dominated society.

“With numerous ongoing infrastructure, energy, and technology projects, the workload has significantly increased. As a result, the association actively encourages greater participation from women, emphasising that they are not only welcomed but also vital in filling critical gaps in the workforce,” the 34-year-old says.

“The association believes that empowering women in engineering not only helps meet the growing demand but also brings diverse perspectives and innovative solutions to the industry.”

According to the office of the mayor of Mogadishu, over the last five years, more than 6,000 buildings have been constructed, marking a significant change in the city’s landscape.

“Security in Mogadishu has improved, leading to an increase in high-rise and commercial buildings,” says Salah Hassan Omar, the mayor’s spokesperson.

Nonetheless it has not been an easy path for Ms Abdi and Ms Omar as only 5% of engineers are women – and they often find opportunities for mentorship are scarce.

“When I applied for internships, most companies rejected me,” Ms Omar recalls. “They didn’t think a woman could handle the physical demands of engineering. I searched for three months before someone finally gave me a chance.”

Today, the two are among the most recognised female engineers in Mogadishu, having overseen more than 30 multimillion-dollar projects.

“The city is now home to taller buildings and modern infrastructure, a stark contrast to the Mogadishu of the past,” Ms Abdi says proudly.

There are fears that the classical look of old Mogadishu will be completely lost

But not everyone is pleased with the transformation. Veteran architect Siidow Cabdulle Boolaay laments the loss of the city’s historical character.

“The buildings that once graced Somalia before the war were not only beautiful but also attracted attention due to their Italian-style architecture, which was rare in Africa at that time,” he tells the BBC. “The urban planning of Mogadishu was highly structured.”

Mr Boolaay also has safety concerns: “The sand used in Mogadishu’s buildings is salty, which undermines its effectiveness.”

Sand from Somalia’s long coastline is often used to make cement – a practice that is generally discouraged and, in many circumstances, restricted by international building standards because the high salt content can cause the corrosion of steel.

“These tall buildings are not designed to withstand fire or heavy rain, and safety for the tenants is not considered during development. Many of these buildings lack fire extinguishers and proper electrical installations,” he adds – visibly disappointed.

He is wary of the pace at which buildings are being constructed, which he says is compromising quality control.

For years, there were no regulations, leading to concerns about their structural integrity.

Mr Omar, from the mayor’s office, admits this was the case until three years ago – and says nothing can be done about those buildings.

But he insists there is now “quality control and nobody will build a building without it”.

“We are [also] preparing new laws that will clearly define where high-rise buildings can be constructed and where only residential houses should be built.”

Yet there are worries that while regulations are in place – there are often no follow-up checks because of the speed of the building boom.

It is rare to see women taking charge of a construction site in Somalia

Ms Abdi and Ms Omar, who graduated from Plasma University Mogadishu’s faculty of civil engineering, say under their firm all their projects have been approved by the local authorities.

The rapid growth of construction projects has been attributed to diaspora investments as well as improved security – although Islamist militants who control large swathes of southern Somalia still target the city.

According to the World Bank, remittances made up 16.7% of the country’s gross domestic product (GDP) in 2022 – something that has given opportunities to architects and engineers.

But the rapid urbanisation has also exposed Mogadishu to infrastructure challenges – it lacks a proper sewage system and unregulated borehole drilling risks depleting groundwater reserves.

Christophe Hodder, a UN climate security and environmental adviser, warns that the unchecked construction boom could lead to long-term environmental consequences.

“We need a co-ordinated approach to water management, or we risk a crisis in the future. Each new building is digging its own borehole… in a small space, there could be 10 or 20 boreholes,” he told the BBC.

The government, in partnership with international organisations, is working on a new sewage system, but its implementation may require demolishing existing buildings – a controversial move that could displace residents and businesses.

Mr Hodder adds that there is a high population density in Mogadishu – people driven into the city by drought and conflict.

An increase in the urban population, especially in slum areas, might further increase poverty and social disparities, he says.

Despite these challenges, Mogadishu’s future looks promising. The city is striving to implement urban development regulations, improve infrastructure and ensure sustainable growth.

Even the bombings by the Islamist armed group al-Shabab – whose fighters tend to target plush hotels often occupied by politicians – does not dent the enthusiasm of the Somali Engineers Association.

The engineers hope Mogadishu will become a modern city and a model for post-conflict reconstruction

Mr Heyle admits it can be upsetting for architects and engineers whose buildings are destroyed but notes that Somalis have become resilient – especially those studying engineering.

“A lot of explosions happened; our dreams did not stop on that. Today we are reviving the engineering profession, which collapsed 30 years ago. That means there is hope.”

And the ambition is that in five years, Mogadishu will not only be a modern city but also a model post-conflict reconstruction.

“I believe Mogadishu is a different city compared to the 1990s; the city has changed to a new style, and Mogadishu’s development is in line with the new world,” says Ms Omar.

“When I walk through the streets and see buildings I helped construct, I feel proud. We are not just building structures; we are building hope.”

Ms Abdi agrees, adding: “We are proving that women can not only design buildings but also lead projects and shape the city.”

SOURCE BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Weerar culus oo lagu qaaday Iran iyo xaruma la bartilmaamedsaday

0

Axad 15, June 2025 {HMC} Weerar culus oo lagu qaaday Iran iyo xaruma la bartilmaamedsaday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA