Axad 15, June 2025 {HMC} Maxaa ka jira in Pakistaan iyo Ruushka diyaarada u direen Iran?
Axad 15, June 2025 {HMC} Maxaa ka jira in Pakistaan iyo Ruushka diyaarada u direen Iran?
Axad 15, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Axad 15, June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr Albusaidi, ayaa sheegay in wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada Nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran la baajiyay.
Cumaan ayaa muddooyinkii dambe u dhexaysay labada dhinac, iyada oo ku dadaaleysay sidii isfaham looga gaari lahaa barnaamijka nukliyeerka Iran.
Baaqashada wadahadallada ayaa imaneysa kadib markii Israel ay qaaday duqeymo ballaaran oo cirka ah oo lala beegsaday gudaha Iran, kuwaasoo lagu dilay saraakiil sare iyo saynisyahanno, isla markaana lagu weeraray xarumo la tuhunsan yahay in lagu horumarinayay hubka nukliyeerka.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump oo la hadlay wakaaladda Reuters, ayaa xaqiijiyay in kulanka Axadda la joojiyay, hase yeeshee waxa uu sheegay in Mareykanka weli ka go’an tahay wadahadallada isla markaana uu rajo ka qabo in Iran dib ugu soo laabato miiska wada xaajoodka.
Mareykanka ayaa horey u muujiyay walaac ku aaddan horumarka Iran ee dhanka barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo dadaallo badan lagu bixinayo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa heshiiskii nukliyeerka ee 2015.
Axad 15, June 2025 {HMC} Markabkii Shidaalka ka Baarayey Soomaaliya oo muqdisha laga Sagootiyey.
Axad 15, June 2025 {HMC} Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uuna xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha Golaha iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruucda agtaala golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddi walba shuruucda agtaala iyo habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen jadwalka ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

Axad 15, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahra Gabre & Yaasiiin Cali
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Axad 15, June 2025 {HMC} Madaweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhoweeyay Golaha Samatabixinta iyo badbaadada ee looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, isagoo ku bogaadiyay inay Puntland la qaateen aragtida dowlad dhiska Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhigga 56aad ee Baarlamaanka Puntland, ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay hannaan doorasho oo ay dadku ku wada socdaan, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheikh inuu talada dhulka dhigo, lagana wada hadlo arrimaha cakiran ee horyaalka dalka.
Deni waxa uu ku celiyay in ay Puntland weli ku taagan tahay mowqifkii iyo go’aankii ay ka qaadatay wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2022, kaddib markii sida uu sheegay ay arkeen meesha dalka loo wado inay tahay meel qaldan oo aan ka turjumayn danaha dadka Soomaaliyeed iyo dowladnimada ay rabaan.
“Waxay dadka Soomaaliyeed niyad jab ka qaadeen dowladnimada Soomaaliya. Waxay joogtaa meel u baahan in dadka Soomaaliyeed ay sameeyaan baraarug,’ ayuu yiri madaxweyne Deni.
Ugu dambayn waxa uu madaxweynaha Puntland ku baaqay in la isku yimaado, lagana shaqeeyo samatabixinta dalka, iyadoo aan cidna lagu faquuqayn aragtideeda.
Axad 15, June 2025 {HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay gogosha wadatashiga ee maanta la filayay in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Gogoshaan ayaa waxaa fidiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalkan Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana lagu casuumay dhammaan saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in maalmo kooban dib loo dhigay gogosha, si loo xalliyo caqabado ka yimid dhinaca Mucaaradka.
Shirkaan ayaa waxaa la filayay in looga hadlo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Dastuurka, Amniga iyo doorashooyinka.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
Axad 15, June 2025 {HMC} cusub oo kasoo kordhay weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil
Axad 15, June 2025 {HMC} Afaratan sano oo xusuus ah ayaa ku luntay dagaalka Iran iyo Israa’iil