Home Blog Page 785

Gantaallaha Iiraan oo khasaare badan ka geystay Israa’iil.

0

Axad 15, June 2025 {HMC} Wargeyska New York Times , ayaa ku warramay bartilmaameedyada muhiimka ah ee ay saakay gantaallo sita madaxto qarxa oo 1.5 tan ku garacday Iran , inuu ka mid noqday xarunta Cilmi-baarista ee Weizmann, oo ku taalla Israa’iil, taa oo hadda la sheegay inuu soo gaaray burburtay. Dab xooggan ayaa kacay gudaha dhismaha shaybaarrada, taasoo sababtay khasaare baaxad leh.

Waa maxay muhiimada iyo shaqada xaruntan Weizmann?

Xarunta Weizmann waxaa loo yaqaannaa maskaxda tiknoolajiyadda sirdoonka iyo difaaca casriga ah ee Israa’iil, waxaana ay si toos ah ugu ula shaqeysaa milatariga Israa’iil, iyadoo bixisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

•Horumarinta adeegyada Sirdoonka Artificial Intelligence (AI)
•Nidaamyada kormeerka iyo dabagalka (surveillance & monitoring systems)
•Falanqaynta xogaha sirdoon ee weyn (big data intelligence analysis)
•Hagidda iyo toosinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones)•Soo saarista hubka iskiis u shaqeeya ama si gaar ah loo hago
•Horumarinta qalabka saxda ah ee hagista iyo raadraaca
•Sameynta farsamooyinka jabinta isgaarsiinta iyo difaaca elektaroonigga ah (Electronic Warfare)
•Baaritaanno la xiriira tiknoolajiyadda nukliyeerka ama tamarta la hago
•Ilaalinta sirta iyo lambarrada militariga•Weerarrada la beegsado nidaamyada elektaroonigga ah ee cadowga
•Soo saarista dawooyin loogu talagalay askarta ku dhaawacanta goobaha dagaalka
•Taageeridda nidaamyada dayax-gacmeedka ee milatariga Israa’iil
•Horumarinta habab hageed cusub oo u adeegsan karo meelaha GPS-ka aan ka shaqeyn
•Bixinta isgaarsiin sir ah oo aan la basaasikarin xilliga dagaal ama ay howlgallo ka socdaan dhulka cadawga

Weerarkan ayaa loo arkaa inuu yahay dhirbaaxo weyn oo lala beegsaday maskaxdii tiknoolajiga milatari ee Israa’iil, taas oo si weyn u wiiqi karta awoodda istiraatiijiga ah ee milatarigeeda, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka, diyaaradaha aan duuliyaha iyo difaaca ka dhanka ah weerarrada dijitaalka ah iyo kuwa cirka. Weeraradan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil ay si xawli ah u cirka isku sii shareerayso, iyadoo ay Iran muujinayso in weerarrada hadda socda aysan ku koobnayn bartilmaameedyo milatari oo caadi ah balse ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha ugu muhiimsan ee Israa’iil ku tiirsan tahay tiknoolajiyan iyo istaraatiijiyad ahaan.

Miyuu dhacayaa maanta Shirkii uu ku baaqay Xasan Sheekh?

Axad 15, June 2025 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shirkii wadatashiga qaran ee lagu waday inuu qabsoomo Axadda, Juun 15, kaddib markii mucaaradka ay shaaciyeen inay ka baaqsanayaan ka qeybgalka.

Ilo-wareedyo dowladda ka tirsan ayaa u sheegay Caasimada Online in shirka si ku-meelgaar ah loogu qorsheeyay inuu qabsoomo Talaadada, Juun 17, kaddib markii cadaadis la saaray madaxtooyada si fursad loogu helo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.

“Dib u dhaca wuxuu noqday lama huraan kadib markii dhinacyo siyaasadeed oo muhiim ah ay diideen inay ka qeybqaataan,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan Villa Somalia, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Kooxaha ka baaqday shirka waxaa ka mid ah Madasha Samatabixinta Qaran iyo isbaheysi ay ku mideysan yihiin ururro siyaasadeed oo rasmi ah. Labada dhinacba waxay dowladda ku eedeeyeen in ay kaligeed go’aansatay qabashada shirka, iyada oo aan la abuurin jawi loo dhan yahay oo ku habboon wadahadal dhab ah.

“Ma jiri karto wadatashi wax-ku-ool ah ilaa la isku waafaqo ajandaha, ka-qaybgalayaasha, iyo shuruudaha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Samatabixinta Qaran, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin saameyn leh.

Dadka dhaliilsan shirka waxay ku eedeeyeen dowladda in ay u adeegsaneyso wadahadalladan sidii ay ugu xoojin lahayd awooddeeda, isla markaana uga reebi lahayd mucaaradka saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee la filayo sanadka 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale xilka la wareegay 2022, ayaa ballanqaaday in dalka loo gudbin doono nidaam doorasho oo ku saleysan “hal qof, hal cod” taasoo beddeli doonta habka qabiilka ku saleysan ee doorashooyinka horey loogu qaban jiray.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafyo siyaasadeed oo qoto dheer ayaa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka iyo eedeymo ay u jeediyeen Muqdisho oo ku saabsan urursiga awoodda.

“Is-afgarad la’aanta u dhaxeysa dhinacyada siyaasadeed waxay halis gelin kartaa guulaha laga gaaray dib-u-habaynta,” ayuu yiri Cabdullaahi Xasan, oo ah falanqeeye ka tirsan International Crisis Group. “Ka-baaqsiga mucaaradka wuxuu iftiiminayaa kalsooni-darro baahsan oo laga qabo hab-maamulka dowladda ee wadahadallada.”

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaano Caawa Dil loogu geeystay Dalka Mareeykanka

0

Sabti 14, June 2025 {HMC} Xildhibaano Caawa Dil loogu geeystay Dalka Mareeykanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sanbaloolshe Muxuu Ka Sheegay Hoolka Xilwareejinta?

0

Sabti 14, June 2025 {HMC}  Sanbaloolshe Muxuu Ka Sheegay Hoolka Xilwareejinta?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo soo Iibsatay Labo Diyaaradood Oo Caalami Ah.

0

Sabti 14, June 2025 {HMC}  Soomaaliya oo soo Iibsatay Labo Diyaaradood Oo Caalami Ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay caalamka iyo Xiisada Iran iyo Israaiil. 14-06-2025.

0

Sabti 14, June 2025 {HMC}  Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay caalamka iyo Xiisada Iran iyo Israaiil. 14-06-2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh Maxuu ka yiri Mahad salad iyo Sanbaloolshe.?

0

Sabti 14, June 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh Maxuu ka yiri Mahad salad iyo Sanbaloolshe.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 14-6-2025.

0

Sabti 14, June 2025 {HMC}  Wararkii Ugu Dambeeyay 14-6-2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hajabaada iiraan iyo Dagaalka oo Waji Kale Yeeshay

0

Sabti 14, June 2025 {HMC}  Hajabaada iiraan iyo Dagaalka oo Waji Kale Yeeshay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Booliska Kenya oo Sheegay inay qabteen Muwaadiniin Kenya ah oo ku biirtay ciidamada Soomaaliya.

Sabti 14, June 2025 {HMC} Booliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Labo nin oo Kenyan ah oo u soo tallaabay dhanka Soomaaliya, kana mid noqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Khamiistii lasoo dhaafay sida lagu daabacay Jariidada The Star ee kasoo baxda dalkaasi Kenya.

Jariidada ayaa tilmaamtay in Booliska ayaa sheegay in labadaan ruux lagu soo qabtay iyagoo falal liddi ku ah ammaanka iyo badbaadada hantida Bulshada kuguda jiray kadib markii ay xog buuxa ay ka heleen shacabka degaanka.

Saraakiisha Howlgalkaan hogaamineysay ayaa sheegay in lagu soo ogaayo dacwad ah in iyagoo muwaadiniin Kenyan ah ku biireen ciidan shisheeye, Mid waa 23 jir kan kalena 32 jir.

Labaduba waxaa laga soo qabtay deegaanka Soko ya Roba ka dib markii dadka deegaanka ay sheegeen in ay ka danbeeyeen falal dhac xatooyo oo ka dhacay degaanka.

Booliska ayaa kusoo qabtay Ragaan iyagoo ku hubeysan qori AK-47 ah oo ay ku jiraan saddex qansado oo faaruq ah iyo mid ay ku jiraan ilaa 27 xabbadood.

Labaduba waxay wajihi doonaan eedaymo la xiriiraa xatooyo iyo gacan ka hadal iyo diiwaan gelin shisheeye oo ka soo horjeeda qaybta 68 ee xeerka ciqaabta dalkaasi Kenya.

Diiwaangelinta noocan oo kale ah ayaa ku badan gobolka, iyada oo qaar badan aysan ka warqabin cawaaqibkeeda sharci ee ma dhalan kara marka ay Ciidan ahaan uga qortaan dal aan koodi ahayn.