Sabti 14, June 2025 {HMC} Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle oo Baladweyne ka daah furay imtixaanka Dugsiga Sare
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sabti 14, June 2025 {HMC} Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle oo Baladweyne ka daah furay imtixaanka Dugsiga Sare
Sabti 14, June 2025 {HMC} Tiradada ardayda imtixaanka Dugsiga sare galeeyso oo la Shaaciyay.
Sabti 14, June 2025 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Bariga dhaxe iyo Weerarka Iran
Sabti 14 June 2025 {HMC} Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga billowday imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada waxaana u fariistay ilaa 39,397 arday, iyada oo sanadkan ay fududeeyeen
diyaaradaha ciidamada Xoogga oo imtixaanka geeyay gobollada dalka.
Imtixaanka ayaa waxaa daah-furay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda
Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo ay wehinayeen mas’uuliyiin ka
tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, iyada oo ra’iisul wasaaruhu
toos u qayb-biyay imtixaanka shahaadiga ah.Xamza Cabdi Barre ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey

Sabti 14 June 2025 {HMC} Sida uu sheegay afhayeenka ciidamad Israa’iil Avichay Adraee, Iran ayaa ku qaaday Israa’iil labo mowjadood oo weeraro ah oo loo adeegsaday wax ka yar 100 gantaal.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ee horrey lo oran jiray Twiter, ayuu ku sheegay in inta badan gantaalladii lagu soo ganay la qabtay ama aysan gaarin bartilmaameedkoodii.
“Waxaa jira dhismayaal tiro kooban oo la garaacay, qaarkoodna ay waxyeello ka soo gaartay firirka howlgalkii lagu qabanayey gantaallada.”ayuu intaa raaciyey.
Sida aad ka arki karto sawirka kore, qaar ka mid ah dhismayaasha ayaa si weyn waxyeelo u gaartay.
Weli waxaan sugaynaa warbixin faahfaahsan oo ka imaanaysa Iiraan, oo ku saabsan hawlgalka ay u bixiyeen Ballanqaadka Dhabta ah ee saddexaad (True Promise 3).
Jimco 13, June ,2025 {HMC} Ka dib dhicidii awoodii boqortooyadii Shah ee ka talin jaray Iran, mas’uuliyiinta cusubi waxay ogaadeen inay u baahan yihiin ciidan weyn oo u heellan hadafyada nidaamka cusub iyo inay difaacaan qiyamka iyo mabaadi’da kacaanka.
hogaamiyashu waxay diyaariyeen xeer cusub oo ay ku jiraan ciidamada caadiga ah ee milateriga, kuwaas oo loo igmaday ilaalinta xuduudaha dalka iyo ilaalinta amniga gudaha, iyo ciidamada ilaalada kacaanka (Pasdaran) oo loo xilsaaray ilaalinta nidaamka talada haya.
Dhinaca dhulka, doorka labada ciidan ee aan kor ku soo xusnay ayaa had iyo jeer is dulsaaran. Tusaale ahaan, Ilaalada Kacaanku waxay sidoo kale fulisaa hawlaha kaalmaynta ilaalinta amniga guud, waxayna si joogto ah u xoojiyaan ciidamadooda, kuwa badda iyo cirka.
Muddo ka dib, Ilaalada Kacaanku waxay isu beddeleen cudud ciidan, oo ku sidkan hab siyaasi ah iyo mid dhaqaale gudaha Iran
Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Jacfari, ayaa kaalin weyn ka qaata fulinta hawlihii uu u igmado Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka.
Waxaana markii danbe la isku biiriyey ciidamada ‘Baasij’ oo ah ciidamada gaara iyo kuw ilaalada kacaanka kuwaas oo wax laga beddelay istiraatijiyadda cusub ee ciidamada kacaanka oo hoos tagaya awaamiirta hogaamiyaha sare.
Hawsha ugu weyn ee ciidamada Kacaanka hadda waa in marka hore laga hortago khataraha cadawga gudaha, iyo in ciidanka laga caawiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha dibadda.
Tirada cidamada Ilaalada Kacaanka ayaa lagu qiyaasaa ilaa 125,000, waxaana ay leeyihiin ciidamo dhulka ah, marka laga soo tago cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa cirka, waxaana ay kormeeraan hubka istiraatiijiga ah ee Iran.
Xigasho BBC
Jimco 13, June ,2025 {HMC} Iskudhaca ayaa si xowli ah u kordhaya, gaar ahaan saacaddii la soo dhaafay. Waa kuwan waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad ogaato:
Iiraan ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah Isra’iil, si ay uga aargudato weerarro hore oo Israa’iil ku qaaday.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan waxay sheegtay in ay weerartay “tobaneeyo bartilmaameedyo ah, xarumo milatari iyo saldhigyo ciidan”.
Waxaa la arkay iftiin xoog leh oo cirka ka muuqda magaalada Quddus iyo Tel Aviv, xilli nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil, Iron Dome, uu isku dayay inuu joojiyo weerarka.
Sawirro laga helay Tel Aviv ayaa muujinaya dhismayaal waxyeelobay, halka adeegga gurmadka degdega ah ee Israa’iil uu sheegay in ugu yaraan shan qof ay dhaawacmeen.
Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in Iran “ay gaysan doonto dharbaaxo culus” kadib markii ay Israa’iil “bilowday dagaal”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalkoodu dagaal kula jirin shacabka Iiraan balse uu yahay mid ka dhan ah hoggaanka dalkaas, isagoo ku celiyay: “Weli wax kale waa soo socda. Maamulka ma oga waxa ku dhacay, mana oga waxa dhici doona.”

Jimco 13, June ,2025 {HMC} Gantaalaha balastika ee Iran ku weerartay Israa’iil, ayaa ku dhacay xarumo dowladeed iyo dhismayaal waa weyn oo kuyaalla magaalada Tel Aviv, kaddib markii nidaamka difaaca Israa’iil ku guul dareestay in gantaalada qaar kahor tagaan.
Warbaahinta caalamka ugu afka dheerka qaarkood ayaa baahiyay goobaha ay ku dhaceen gantaalada Iran in ay ku jiraan xarunta Wasaaradda Difaaca Israa’iil iyo sidoo kale xarunta Sirdoonka Isra’il ee Mossad.
Magaalada Tel Aviv, ayaa la arkayay iyada oo qaaceeda uu baxayo, waxa ayna magaalada u muuqataa mid lagu kala cararay oo firaaqo ah, waxa ayna dadku galeen goobo gabaad ah, si ay uga badbaadaan gantaalada Iran.
Weerarkan aargoosiga ah ee caawa qaaday Iran, ayaa u muuqda mid xooggan, waxa ayna Israa’iil ku fashilantay in ay kahor tagto weerarada gantaalada balastika ee caawa Iran ku qaaday magaalooyin dhoor ah oo katirsan Israa’iil.
Dagaalka ka dhax qarxay Israa’iil iyo Iran ayaa u muuqda mid saameyntiisa caalamka laga dareemayo, waxa ayna madax badan ku baaqeen in xiisada labada dal u dhaxeysa la qaboojiyo lana raadiyo xal nabadeed.
Jimco 13, June 2025 {HMC} WAR DEG DEG AH: Iran oo dishay Saraakiil kaddib Wadashaqeyn ay la yeesheen Israa’iil.