Axad 08, June 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dil ka dhacay Magaalada Hargeeysa
Axad 08, June 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dil ka dhacay Magaalada Hargeeysa
Axad 08, June 2025 {HMC} Macwisleeyda Gobolka Hiiraan oo Soo Bandhigay Gaadiid ay ka qabsadeen AS
Sunday 08, June 2025 {HMC} The Minister of Education, Culture and Higher Education of the Federal Government of Somalia, H.E. Farah Sheikh Abdulkadir participated in the High-Level Meeting of the Global Partnership for Education (GPE) held in Paris from June 2 to 5.
Somalia, one of 90 countries partnered with GPE, is represented on the GPE Board by a group of 13 countries from Eastern and Central Africa. The summit focused on global education priorities and strategies to enhance the impact of the partnership over the next five years (2026–2030).
Key discussions centered on financial planning and international aid, particularly amid shifting donor priorities and growing challenges in global funding. Participants emphasized that investing in teacher development is fundamental to improving student learning outcomes and preparing future generations.
In light of tightening economic conditions, education stakeholders were urged to adopt innovative advocacy and financing strategies to support sustainable educational development.
While education systems in low-income countries—Somalia included—still face significant challenges, the summit recognized Somalia’s ongoing efforts to improve access and quality through strong collaboration between the government, local communities, and international partners

Sunday 08, June 2025 {HMC} The Somali National Army, together with courageous local resistance fighters, have revealed photos and footage of vehicles abandoned by fleeing Al-Shabaab militants, which were concealed under trees in an attempt to evade detection.
Following recent direct assaults and targeted airstrikes that killed several key Al-Shabaab commanders and fighters, the remaining militants were forced to flee, leaving behind their vehicles hidden under foliage.
Joint forces tracking the militants discovered the abandoned vehicles and large caches of weapons along the border areas of Hirshabelle regions, where the militants had attempted to hide them in remote bushland.
The operation highlights the growing coordination between government forces and local communities in the fight against terrorism, and the weakening grip of Al-Shabaab in central Somalia.
Axad 8 May 2025 {HMC} Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiye Ahmed Cali ayaa sheegay waxa ugu wayn ee uu ka murugoodaa ay tahay inaan dalkiisu lahayn Deked.
“Waxaa caloolyaw iyo murugo igu haysa in Itoobiya ay in ka badan 30 sanno bad la’aan tahay.” ayuu yiri
Bad la’aanta Ethiopia haysa ayuu ku sheegay inay tahay khayaamo lagu sameeyey dalkiisa. Waxa uu Abiye sheegay inaan dalkiisa nabad laga filan karin haddii uu bad la’aan sii ahaado
“Badda la’aanta Itoobiya waa nabar qaran oo aan bogsan, waa murugo taariikheed oo laga dhaxlay caddaalad-darrooyin waqti fog oo dhulka la jaray qarankii lahaa xeebihiisa iyo xiriirkiisa dunida. Ma ahan wax lagu qoslo, ee waa masiibo ka dhalatay khiyaanooyin juqraafiyeed oo ummad xor ah looga gooyay marinadii badda. Itoobiya dookh kale maleh, waxayse ku khasban tahay in ay raadiso bad si ay uga gudubto gardarradaas iyadoo ilaalinaysa karaamadeeda iyo sharafta ummaddan facweyn” ayuu yiri Abiy Ahmed oo ka hadlayey wareysi dheer oo uu kaga hadlayey waxqabadkiisii mudadii uu xafiiska joogay.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo madaxweyne Cirro qorshaynayo in uu socdaal ku tago Itoobiya si uu wada hadal ula yeesho Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Heshiis la isku dhaafsan rabay dhul badeed iyo aqoonsi oo Itoobiya la gashay Somaliland ayaa shaqeyn waayey markii ay ka hor timid dowlada Somalia.
Axad 8 May 2025 {HMC} Dhacdo xanuun badan ayaa laga soo sheegay magaalada Hargeysa, kadib markii askari ka tirsan Ciidamada Somaliland uu toogasho ku dilay xaaskiisa iyo gabadh yar oo uu dhalay.
Askariga ayaa sidoo kale dhaawac culus u geystay walaasha xaaskiisa (dumaashiidiisa).
Maydka iyo dhaawaca ayaa si degdeg ah loogu qaaday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaasoo hadda lagu dabiibayo dumaashida dhaawacantay, halka labada ruux ee kale la xaqiijiyay geeridooda.
Ilaa hadda, laamaha amniga Somaliland wax faahfaahin rasmi ah kama bixin sababta ka dambeysay falkan foosha xun iyo in eedeysanaha gacanta lagu dhigay.
Dadka deegaanka oo ka argagaxay falkan ayaa si weyn u hadal haya arrintan, iyaga oo dalbanaya in cadaalad degdeg ah la helo.
Axad 8 May 2025 {HMC} Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ee dadka deegaanka ayaa soo bandhigay sawirrada iyo muuqaallada gaadiidkii Khawaarijta oo geedo korka laga saaray, kadibna ay isaga carareen dhagarqabayaashii watay.
Weerarro toos ah iyo duqeymo maalmihii lasoo dhaafay lagu laayey horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii Khawaarijta ayaa xubnaha firxadka ah dhaxalsiiyey inay isaga cararaan gaadiidka, inta geedo ku qariyaan.
Geesiyaasha isgarabsanaya ee ku jira dagaalka ayaa soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu tegay gaadiidkii ay isaga carareen Khawaarijtu iyo hub badan oo ay isku dayeen in dhulka howdka ah ay ku qariyaan.
Axad 08, June 2025 {HMC} Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.
Axad 08, June 2025 {HMC} Ciidamada degaanka oo go’doomiyay AS kii weeraray Ceel-Hareeri
Axad 08, June 2025 {HMC} Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa kulamo ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isaga oo la kulmay Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Axmed Madoobe ayaa dhinacyada kala hadlaya xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xilli hore uu u sheegay in aysan raacsaneyn hannaanka ay Dowladda Federaalka u wado howlahaasi.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli 15 Bishaan June loo balansanyahay gogosha wada tashiga qaran ee uu madaxwayne Xasan Shiikh isugu yeeray madaxdii hore ee dalka tasoo xubnaha mucaaradku ay diidanyihiin qaabka loo maaraynayo Gogosha
Sidoo kale kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa dhicidoona 22 Bishaan June kasoo ay ka soo qaybgali madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada
Lama oga in madaxwayne Axmed Maxamed Islaam uu ka qabgali doono kulankaas iyo in kale.