Home Blog Page 859

{DAAWO MUUQAALKA} Waqtigii AS waa dhamaaday gulufkeena dagaal ayaa guuleysanaya

0

Axad 25, May 2025 {HMC}   Waqtigii AS waa dhamaaday gulufkeena dagaal ayaa guuleysanaya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo kulama ka wado Muqdisho

0

Axad 25, May 2025 {HMC} Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo kulama ka wado Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Qof kasta ha u diyaar garbooba shahiidnimo dagaalka AS ama nolol sharaf leh ” Abwaan Nasiib

0

Axad 25, May 2025 {HMC} Qof kasta ha u diyaar garbooba shahiidnimo dagaalka AS ama nolol sharaf leh ” Abwaan Nasiib

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Xawaadle gumeysi waa ka diiday AS waana dagaalameynaa

0

Axad 25, May 2025 {HMC}  Xawaadle gumeysi waa ka diiday AS waana dagaalameynaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa Xiligaan ka soconaya Furimaha hore ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.?

0

Axad 25, May 20225 {HMC}  Maxaa Xiligaan ka soconaya Furimaha hore ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo kulan la qaatay Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada SCC.

Axad 25, May 2025 {HMC}– Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa sii wada kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo
mas’uuliyiinta dowladda iyo wakiilada beesha caalamka.

Firdhiye ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah
xildhibaanada SSC-Khaatumo ku metelo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, isaga oo kala hadlay masiirka maamulkaas iyo dardar-gelinta hawlaha hortebinta u leh SSCKhaatumo.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladda guud ee dalka,
iyaga oo iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, maadaama lagu
jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo mid doorasho oo si weyn
la’isugu hayo.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo kulanka hadal kooban ka
jeediyay ayaa sidoo kale xildhibaannada uu la kulmay dalbaday inay
sii xoojiyaan dadaallada ay wadaan, ayna qayn ka noqdaan
horumarinta SSC-Khaatumo oo haatan ah dowlad-goboleed cusub.

“Hoggaamiyaha ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey dadaalkooda,
isagoo sidoo kalana ku booriyey laba-jibbaarka hawlaha baaxadda
leh ee horyaal ka qaran ahaan iyo Dawlad-goboleed ahaanba” ayaa
lagu yiri qoraal oo ay kulanka kasoo saartay SSC-Khaatumo.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo gaar
gaar ah ka waday gudaha caasimada, isaga oo taageero u raadinayo
maamulka uu hoggaamiyo oo dhowaan uun aqoonsi ka helay
dowladda federaalka, kadib booqashadii uu Ra’iisul wasaaraha ku
tegay Laascaanood.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Muqdisho u yimid ka qayb-galka
shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan ka dhacay Villa Soomaaliya, isaga oo markii ugu horreysay ku metalay reer SSCKhaatumo, kadib markii uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu ku biiray xisbiga Cadaaladda iyo Wadajira (JSP) oo
maalmo kahor looga dhowaaqay Muqdisho, isla markaana uu
hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale qayb
ka ah madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug
iyo guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir.

Maamulka Jubbaland oo Digniino adag kasoo saaray Xaalada……….

Axad 25, May 2025 {HMC}– Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed
ee Jubaland ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dabeylo laga
cabsi qabto inay ku dhuftaan xeebaha maamulkaasi, iyada oo
shacabka lala wadaagtay farriin toos ah iyo tallaabooyin ay tahay in
la raaco.

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Jubaland ayaa
sheegay in dabeylahaasi ay noqon karaan kuwo sababa khasaare
hantiyeed iyo mid nafeed haddii aan laga taxadarin.

Sidoo kale wasaaradda ayaa tilmaamtay in dabeylaha ay la socdaan
roobab xooggan iyo hirar dhaadheer oo saameyn kara magaalooyinka
Kismaayo, Badhaadhe iyo dhammaan deegaanada xeeran xeebaha
maamulkaasi.

Jubaland ayaa ugu baaqday kalluumeysatada iyo dadka ku safra
badda inay muujiyaan feejignan dheeri ah, si aysan waxyeelo uga
soo gaarin dabelyaha socda.

Waxa kale oo farriintan la gaarsiiyay dadka ku nool deegaannada
dhaca dhulka xeebaha, iyada oo maamullada deegaannadaas la faray
inay diyaariyaan gurmadyo deg-deg ah.

Digniintan mid lamid ah ayaa waxa shalay soo saaray dowladda
federaalka Soomaaliya oo kalluumeysatada iyo shacabka
Soomaaliyeed ee degan dhulka xeebaha ah u digtay, taasi oo ku
saabsan bad-xireenka la galay

“Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS,
waxay si rasmi ah ugu wargalineysaa dhammaan kalluumeysatada
iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed in lagu jiro xilli badda ay
si weyn u kacsan tahay, taasoo keeni karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan badda,”
ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo
dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay ““Inta lagu jiro xilligan kacsanaanta
badda, waxaa dhici karta khatar badan, shilalka badda iyo
waxyeelada soo gaarta doomaha iyo kalluumeysatada”.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay xeebta
Liido ee magaalada Muqdisho ay qaaday ugu yaraan sagaal carruur
ah, kuwaas oo u damaashaad tegay, carruurtaas ayey baddu qaaday
xilli ay caadi u dabaalanayeen.

Mareykanka oo qaadaya tallaabo fududeyn karta in uu heshiis dhax-maro IRAN.

Axad 25, May 2025 {HMC} Iyadoo wadahadallo cusub oo
nukliyeer ah ay u socdaan Mareykanka iyo Iran, diblomaasi sare oo
Mareykan ah ayaa Sabtidii sheegay in intii lagu jiray wadaxaajoodyo
ka dhacay magaalada Rome, Washington ay si cad ugu adkaysatay
dalabkeeda ah in Iran ay gabi ahaanba joojiso dhammaan hawlaha
bacriminta uranium-ka ee ka socda dhulkeeda.

Inkasta oo qodobkan uu weli yahay is-mariwaaga ugu weyn, haddana
waxaa sidoo kale laga wada hadlay arrimo kale. Sida uu sheegay
sarkaalka Mareykanka, waxaa la isla soo qaaday hindise hordhac ah
oo ah heshiis bilow ah, kaas oo Iran ay ku muujin lahayd diyaar
ahaanshaheeda ah inay si buuxda uga tanaasusho raadinta hubka
nukliyeerka.

Qayb ka mid ah qaab-dhismeedka heshiiskan ayaa ah in maamulka
Mareykanka uu tixgelinayo suurtagalnimada dib-u-dhigidda qaar ka
mid ah cunaqabataynta saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa dhawaan
arrintan ka hadlay, isagoo yiri: “Hub nukliyeer eber ah — waa
heshiis. Bacrimin eber ah — heshiis ma jiro. Waa waqtigii go’aan la
qaadan lahaa.”

Hadalkaas oo uu jeediyay kahor safarkiisa Rome, wuxuu mar kale
xoojiyay xuduudda siyaasadeed ee aan Iran ka tanaasuli doonin.
Kahor intaas, Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei,
ayaa si adag u dhaleeceeyay baaqyada lagu dalbanayo in la joojiyo
bacriminta uranium-ka, isagoo ku tilmaamay “xad-dhaaf iyo wax laga
argagaxo,” wuxuuna ka digay in wadahadallo ku dhisan shuruudo
noocaas ah aysan midho dhal noqon doonin.

Hadalka diblomaasiga Mareykanka ayaa yimid maalmo kadib markii
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu ka hor
sheegay Senate-ka in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu oggolaado
Iran inay yeelato barnaamij nukliyeer oo ujeedkiisu yahay adeeg
rayid ah, balse uusan marnaba ogolaan doonin bacriminta uraniumka, iyada oo laga walaacsan yahay in taas ay Tehran u suurtagelin
karto inay mustaqbalka horumariso hub nukliyeer ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.05.2025}

Axad 25, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa keenay in uu dhaliilo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Gargaarkii ay Maanta keenta DFS.

0

Sabti 24, May 20225 {HMC} Maxaa keenay in uu dhaliilo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Gargaarkii ay Maanta keenta DFS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA