Sabti 24, May 20225 {HMC} “Waxaan xoreeyn doona gobolada dhaxe oo dhan”Macawiisleeyda Hiiraan
{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo Sheegtay in Hogaanka SSC Khatumo lagu aaminikarin Waxbarashada ardayda SSC.
Sabti 24, May 20225 {HMC} Puntland oo Sheegtay in Hogaanka SSC Khatumo lagu aaminikarin Waxbarashada ardayda SSC.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Gurmad la Gaarsiiyay Macawiisleeyda Xawaadle
Sabti 24, May 20225 {HMC} Gurmad la Gaarsiiyay Macawiisleeyda Xawaadle
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 24-5-2025.
Sabti 24, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
{DAAWO MUUQAALKA} Tartan mudo ka socday school-ka Al Abaadir oo lasoo gabagabeeyay
Sabti 24, May 20225 {HMC} Tartan mudo ka socday school-ka Al Abaadir oo lasoo gabagabeeyay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} “Afar kartoon ma ahan gargaar” Gudoomiyaha Hiiraan oo SODMA u digay
Sabti 24, May 20225 {HMC} “Afar kartoon ma ahan gargaar” Gudoomiyaha Hiiraan oo SODMA u digay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24-05-2025}
Sabti 24, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO
Jabuuti oo weerar ku qaaday Imaaraadka Carabta ka digatay qorshe…….
Sabti 24, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil
Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaleeceeyay Imaaraadka Carabta,
isaga oo ku eedeeyay dowladda Khaliijka inay u adeegsanayso
maalgelinteeda balaayiinta doollar ah ee Afrika si ay ugu daboolato
qorshayaasheeda ballaarinta awoodda militari.
Wareysi uu dhawaan siiyay idaacadda Radio France International
ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in maalgashiga Imaaraadka ee
Afrika, oo gaaraya $110 bilyan, uu yahay qorshe istaraatiiji ah oo
lagu fidinayo awoodda militari, balse loo ekeysiinayo mashaariic
horumarineed oo dhaqaale.
“Imaaraadku waa mid si weyn u wiiqaya xasilloonida gobolka,” ayuu
yiri Madaxweyne Geelle.
Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee
ka jira qaar kamid ah wadamada Afrika, kuwaas oo ka shakisan
ujeedada dhabta ah ee maalgashiga shisheeye, gaar ahaan kan lagu
sameynayo kaabayaasha muhiimka ah sida dekedaha, saadka iyo
isgaarsiinta.
“Maalgelintan ma aha mashruucyo dhaqaale oo keliya,” ayuu yiri
Madaxweyne Geelle, isagoo raaciyay, “waxaa si toos ah ugu xiran
ujeedooyin militari oo khatar gelin kara madax-bannaanida iyo
xasilloonida wadamada Afrika.”
Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaaday in Jabuuti ay horey u
diidday codsi uga yimid Imaaraadka oo ku saabsanaa in saldhig
militari laga sameeyo gudaha Jabuuti.
Wuxuu sheegay in Imaaraadku kadib diidmadaasi ay dadaalkooda u
weeciyeen wadamada deriska ah, iyagoo raadinaya meelo muhiim ah
oo istiraatiiji ah oo ku yaalla marinada muhiimka ah ee badda.
Jabuuti, oo ku taalla marinka laga soo galo Badda Cas, ayaa
martigelisa saldhigyo militari oo ay leeyihiin dalal badan sida
Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Japan.
Maamulka Madaxweyne Geelle ayaa muddo dheer siyaasaddiisa ku
dhisay isku dheellitirka xiriirka militari ee wadamada shisheeye,
waxaana hadalladiisa laga dheehan karaa walaaca sii kordhaya ee ku
saabsan tartanka gobolka, gaar ahaan marka horumarka dhaqaalaha
lagu dhex milo ujeedooyinka difaaca.
“Isku milanka maalgashiga dhaqaale iyo ujeedooyinka militari ee
wadamada shisheeye waa khatar weyn oo ku soo wajahan nabadda
gobolka,” ayuu ka digay Madaxweyne Geelle.
“Waxaan u baahan nahay inaan si taxadar leh u wajahnno iskaashiga
noocan ah, si aan loo dhaawicin madax-bannaanideenna.”
Imaaraadka Carabta wali kama uusan jawaabin eedeymaha
Madaxweynaha Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta
Imaaraadka ayaa hore u sheegay in maalgashiyadooda Afrika ay
ujeedadoodu tahay taageeridda kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta
amniga gobolka.
Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa kusoo beegmaya xilli ay kordheen
walaaca iyo baaritaanada ku saabsan fara-gelinta wadamada
Khaliijka ee Afrika, halkaas oo ballanqaadyada dhaqaale badanaa lala socodsiiyo heshiisyo dhanka kaabayaasha istiraatiijiga ah iyo iskaashi militari ah.
Muxuu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya kala hadlay Safiirka Dalka Talyaaniga.?
Sabti 24, May 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Dacco Coppi, oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Talyaaniga.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iyo horumarinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal, iyadoo si gaar ah loo isla meel dhigay dardargelinta tababarrada iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Dowladda Talyaanigu ka qaadato taageeridda, tayeynta iyo horumarinta awoodda ciidanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid lama huraan u ah dadaallada dowladdu ugu jirto sugidda amniga iyo xasiloonida dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii ballaariyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo xoogga la saarayo iskaashiga dhinaca difaaca, xoojinta awoodda ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey dadaalka joogtada ah iyo garab-istaagga ay la barbar-taagan tahay Soomaaliya, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii joogtaynta iyo xoojinta iskaashigan istaraatiijiga ah si loo xaqiijiyo amni iyo nabad waarta oo gobolka ka dhalata.



