Home Blog Page 887

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirada Difaaca Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay ladagaalanka AS

0

Axad 18, May 20225 {HMC} Wasiirada Difaaca Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay ladagaalanka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee maanta looga xusayaa 18 May degaanada Somaliland?

0

Axad 18, May 20225 {HMC} Sidee maanta looga xusayaa 18 May degaanada Somaliland?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} DEG-DEG: Dagaal culus oo ka socda, Aadan Yabaal, Macawisleydda Xawaadle oo…..

0

Axad 18, May 20225 {HMC} DEG-DEG: Dagaal culus oo ka socda, Aadan Yabaal, Macawisleydda Xawaadle oo…..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasiir Fiqi oo kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalka Ciraaq.

Axad 18, My 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaasi, kadib markii uu gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo Ciraaqi ah ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, tababarka iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidamada.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo martiqaadka uu u sameeyay dhiggiisa Ciraaq, isagoo xusay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la dhiso iskaashi waara oo walaaltinimo iyo istaraatiiji ah.

Mareykanka oo qorsheenaya in 1 milyan oo Shacabka Falastiin laga barakiciyo QAZA.

Axad 18, My 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in magaalada Qasa uga rarto shacabka Falastiin ee ka badbaaday xasuuqa ay halkaasi ka wadaan ciidamada arxanka daran ee Israa’iil.

Madaxweyne Trump maanulkiisa ,ayaa qorsheynaya 1 milyan oo Falastiiniyiinta reer Qasa ah in loo raro dalka Liibiya, halkaa oo dib u dejin loogu sameynayo, Mareykanka ayaana ku qancinaya dowladda Liibiya in qorshahan dib u dejinta ah ay aqbasho.

Dowladda Liibiya ayaana so dhaweysay qorahahan maamulka Trump wadaan sida saraakiil laga soo xigtay , Liibiya ayaana la sheegay inay ku beddelanayso qorshahan Mareykanka wado in loo fasaxo dhaqaalaha Liibiya ee horey loo xayiray,

Saraakiil Mareykan ah ayaa booqday magaalooyinka Tripoli iyo Benghazi, iyadoo ay kala maamullan dawladda la aqoonsanyahay iyo Jen. Haftar, taa oo suragal ka dhigaysa in labada dhinac lagala hadlay qorshahan, sida ay werisay NBC News.

Madaxweyne Trump , ayaa maalmo kahor Imaaraadka ka sheegay in shacabka Qasa bisha Juun ee soo socota ka bixi doonaan dhibaatada heesata, taa oo u muuqata in Mareykanka shacabka Qasa oo marar badan diiday in Qasa laga barakiciyo markan ku cadaadinayo in ay magaaladaasi isaga qaxaan.

{DAAWO SAWIRADA} Xiddigii Hore ee Kooxda Arsenal ee Kanu oo Lagu Soo dhaweeyay Magaalada Hargeyso.

Sabti 17 My 2025 {HMC} Xidigii caanka ahaa ee u ciyaari jiray kooxda Arsenal iyo kooxo kale oo Yurub ah, Nwankwo Kanu, ayaa safar ku yimid Somaliland, iyadoo ay si diirran u soo dhaweeyeen saraakiisha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

“Somaliland, waan la yaabay inaan arko dhallinyaro intan le’eg, waxay muujinaysaa in qarankani horumarayo. Sababta aan halkan iigu timaadeen waxay tahay in aan ahay jabiyoon (champion), dhammaantiin waad iga fiicnaan kartaan haddii aad nafta hurtaan oo aad dadaashaan,” ayuu yidhi Kanu.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Yuusuf Tadhase, ayaa sheegay in xukuumaddu ay ballaadisay xidhiidhada caalamiga ah ee dhinaca ciyaaraha, safarka Kanu-na uu horseed u yahay in Somaliland ay hesho taageero caalami ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha.

“Muhiimadda aanu u soo dhawaynayno Kanu iyo wafdigiisa waxay tahay inay indho-indheeyaan dalka Somaliland, si aanu xidhiidh ula samayno hay’adaha waaweyn iyo in la helo caawimo dhinaca ciyaaraha ah. Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha aanu ka beddelnay xidhiidhadayada,” ayuu yidhi Wasiir Tadhase.

Kanu oo ah xiddig si weyn looga yaqaan dunida ciyaaraha, wuxuu ku dhashay magaalada Owerri ee dalka Nayjeeriya 1-da August 1976. Wuxuu caan ku noqday xirfaddiisa ciyaareed ee heer caalami iyo kooxo waaweyn oo Yurub ah oo uu ka tirsanaa. Kanu wuxuu ciyaaray kooxaha Ajax ee Netherlands, kooxda Inter Milan ee Talyaaniga, iyo kooxda Arsenal ee Ingiriiska isagoo la qaaday koobab badan oo ay ka mid yihiin UEFA Champions League iyo Premier League. Intii uu la joogay Ajax, wuxuu la qaaday Champions League 1995, halka Arsenal uu kula guuleystay horyaalka Ingiriiska iyo FA Cup. Waxa uu sidoo kale u ciyaaray kooxaha West Bromwich Albion iyo Portsmouth.

Heerka qaranka, Kanu wuxuu caan ku noqday guushii Nayjeeriya ka gaartay tartankii Olympic-ga 1996, halkaas oo uu xulka dalkiisa ku hoggaamiyay biladda dahabka. Wuxuu matalayay xulka qaranka Nayjeeriya muddo dheer, isagoo kala qayb galay koobab adduun iyo tartamada koobabka Afrika ee kala duwan.

Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka iyo Erdigan oo ku sameeyay Madaxweynaha Farnsiiska Arin,,,

0

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 17-5-2025.

0

Sabti 17, May  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Go back

Your message has been sent

Warning
Warning
Warning
Warning

Warning.

Ciidanka Xoogga dalka oo degaano cusub kala Wareegay Kooxda AS.

Sabti 17 My 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay fariisimo ay Al shabaab ku lahaayeen deegaannada Carfuudo, Juri-juri iyo Bacadka Faarax Aadan.

Howlgalkaan oo si xeeladaysan loo fuliyey ayaa Taliyaha Ciidanka deegaanka, Kornayl Gaanburi (Isduug) wuxuu sheegay in ciidamada ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalkaasi.

Waxa uu sidoo kale xusay in al shabaab halkaasi ku sugnaa laga saaray deegaannada, isla markaana la kala eryey.

“Maalmihii lasoo dhaafay, shacabka iyo ciidanka XDS iyo ciidamadda deegaanka Xarardheere ayaa si wadajir ah u wajahay argagxisada iyagoo laayay xubno badan oo ka tirsanaa khawaarijta” ayuu yiri Kornayl Gaanburi.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, meel qiyaastii 40-KM u jirta magaalada, halkaasoo ay sheegeen iney ku burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen al shabaab

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta u xaqiijyay in Al shabaab laga saaray dhul ballaaran oo ay horey u joogeen, iyagoo intaa ku daray in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada hoos yimaada magaalada Baraawe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2025}

Sabti 17 My 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO