Home Blog Page 888

Somali Army 26th Brigade Commander Killed Today.

Saturday 17 May 2025 {HMC} The killing of the Commander of the 26th Brigade, 27th Division of the Somali National Army, Major General Abdirahman Salad Xujale, was said to be committed by a soldier of the army he commanded.

The killing of the Commander in fought in the areas of ​​Mabah area in the Moqokori District of the Hiran region while government forces clashed with Al-Shabaab.

The official reasons for the killing of the Commander, and whether the killing had the motive of a conspiracy, is unknown, and was reported that the Commander was hit with the bullet from heavy weapons in the combat vehicle.

On the other hand, the soldier who killed the Commander of the 26th Brigade, 27th Division of the Somali National Army, Major General Abdirahman Salad Xujale, and accompanying other soldiers, have been arrested.

The Hirshabelle State Presidential Spokesperson Mohamed Shuriye Nur confirmed the killing of Commander Abdirahman Xujale, posting a message on his Facebook message mourning the killing of the Commander of the 26th Brigade, 27th Division operating in Hiran Region, Lieutenant Colonel Abdirahman Xujale

Commander Xujaale’s Assassination Follows April Killing of 14 October Brigade Chief by Fellow Soldier

 

 

 

Taliyihii Guutada 26-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Soomaaliya oo Maanta La dilay.

Sabti 17 My 2025 {HMC} Dilka Taliyihii guutada 26-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsan ciidanka uu taliyaha uu ahaa.

Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay duuleedka nawaaxiga deegaanka Mabaax oo hoos tago Dagmada Moqokori ee gobolka Hiiraan xili uu halkaasi ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Taliyaha iyo inu jeedka dilkiisa uu ahaa mid shirqool ah, waxaana lasoo wariyay in taliyaha ay haleeshay rasaas laga riday mid ka mid ah qoryaha culus ee gaadiidka dagaalka.

Dhiaca kale waxaa gacanta lagu dhigay askariga geystay dilka Taliyahii guutada 26-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale isaga iyo askar kale ee la socotay.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle Maxamed Shuuriye Nuur ayaa xaqiijiyay geerida Taliye Cabdiraxmaan Xujaale, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga tacsiyadeeyay geerida Taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee ka howlgaka Gobalka Hiiraan Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaalle.

Dilka Taliye Xujaale ayaa imaanaya, iyadoo bishii April ee sanadkaan lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose Taliyihii guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow Nuur Furey, kaasoo uu dilkiisa geystay askari ku dhex jiray ciidamada Xoogga dalka.

Taliye Kuxigeenka dalka Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Sabti 17 My 2025 {HMC} Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda sarreeye Guud Sam Okiding oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya waxaana garoonka Aadan Cadde uga hortagay Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Sareeyo Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Booqashada Taliye Kuxigeenka Militeriga Uganda ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sarreeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku hayaan nabadda iyo xasilloonida dalka.

Inta uu kusugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa inuu kulamo la qaato qaar kamid ah saraakiisha ugu sareeysa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa waxaana la darsi doonaa qorshaha cusub ee lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimadda xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.

Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya tirada ugu badan ee Ciidamo ka socda Dowladdaasi ee ka qeyb qaadanaya Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya kuwaasi oo dalka u yimid 2007 inay xasiliyaan Soomaaliya kana hortagaan weerarada Kooxaha Argagexisada.

European leaders consult Trump to align response to Russia-Ukraine talks.

Saturday 17,  May 2025 {HMC} European leaders have agreed to step up joint action against Russia over its failure to agree to a ceasefire with Ukraine at a meeting on Friday, British Prime Minister Keir Starmer said, following talks with United States President Donald Trump.

As the Russia-Ukraine talks concluded in Istanbul on Friday, Starmer and fellow leaders from France, Germany and Poland – together with Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy – called the US president from a summit in Albania to discuss “developments” in the negotiations, Starmer said.

The talks in Istanbul were the first direct talks between officials from the rwo sides for more than three years. They lasted less than two hours, and the sides agreed to the biggest prisoner exchange since the start of the war in 2022, but failed to make a major breakthrough on a ceasefire.

“We just had a meeting with President Zelenskyy and then a phone call with President Trump to discuss the developments in the negotiations today,” Starmer said from Albania’s capital, Tirana, where leaders of dozens of European countries were gathered for the European Political Community summit.

“And the Russian position is clearly unacceptable, and not for the first time.

“So as a result of that meeting with President Zelenskyy and that call with President Trump, we are now closely aligning our responses and will continue to do so.”

French President Emmanuel Macron told reporters that if Putin continued to reject a ceasefire, “we will need to have a response and therefore escalate sanctions”, which, he said, were being “reworked” by European nations and the US.

EU eyes Russia’s shadow fleet
Macron said it was too early to provide details on the “reworked” sanctions, but European Commission President Ursula von der Leyen has pledged to “increase the pressure”.

She said on Friday that the measures would target the shadow fleet of ageing cargo vessels that Russia is using to bypass international sanctions and the Nord Stream pipeline consortium. Russia’s financial sector would also be targeted.

Earlier, Zelenskyy had said that Ukraine was committed to ending the war, but urged the European leaders to ramp up sanctions “against Russia’s energy sector and banks” if Putin continued to drag his feet in talks.

“I think Putin made a mistake by sending a low-level delegation,” NATO Secretary-General Mark Rutte said as he arrived at the Tirana summit. “The ball is clearly in his part of the field now, in his court. He has to play ball. He has to be serious about wanting peace.”

Source: News Agencies

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka wadamada carabta

Sabti 17, May 20225 {HMC}– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carabka ku adkeeyay in Shir Madaxeedka 34-aad ee Wadamada Carabta uu ku soo aadayo xilli xasaasi ah, maadaama wadamada Carabta ay ku jiraan marxalado kala duwan oo ay ugu wacan tahay isbedelada caalamka oo aan horay loo arag iyo caqabadaha Gobolka.

“Arrinta Falastiin waxa ay ka dhigan tahay tijaabo dhab ah oo lagu sameeyay midnimada Carabta, xilli ay kasii darayaan dhibaatooyinka ka jira dalalka Carabta qaarkood, una baahan in dhammaanteen tallaabo deg deg ah aan qaadno.” ayuu ku yiri Khudbadiisa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo dhammaan shucuubta Carbeed si loo joojiyo colaadaha iyo gardarrada dibadda ah uga imaanaya, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la soo afjaro dhibaatada Yahuuda ay ku hayso Falastiin iyo in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ay leeyihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dalkeygu wuxuu sii wadaa taageerada uu u fidinayo qadiyadda falastiin oo ah arrinta udub-dhexaadka u ah ummadda Carbeed” isagoo dhanka kale bogaadiyay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan mideynta dadaallada loogu adeegayo danaha Carbeed.”

Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrimaha Suudaan ayaa yiri “Waxaan ku celineynaa mowqifkayaga adag ee ku aaddan taageeridda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suudaan iyo in aan taageerno hay’adaha sharciga ah si ay ugu dadaalaan adkeynta amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhanka arrimaha Suuriya, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Jamhuuriyadda Suuriya go’aanka Mareykanka uu cunaqabateynta uga qaaday, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid “muhiim” u ah horumarinta xasilloonida Suuriya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka Carabta in ay ballaariyaan maalgashigooda ay ku sameynayaan qeybaha muhiimka ah ee dalka Soomaaliya, maadaama ay taasi ka dhigan tahay fursado rajo ah oo lagu horumarinayo horumar waara iyo xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya.

“Caqabadaha aan wajaheyno, sida isbedelka cimilada, cunto la’aanta, iyo xasilloonida gobolka, waa caqabado wadajir ah oo u baahan jawaab-celin Carabeed oo isku xiran oo si fiican loo qeexay si loo qaato go’aanno degdeg ah si loo ilaaliyo sharafta iyo madax-bannaanida dhammaan dadka Carabta ah.” ayuu ku yiri Khudbadii uu ka jeediyay Shir madaxeedka Jaamacada Carabta.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadi’da iyo ujeedooyinka Ururka Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo iskaashiga ay la leedahay dhammaan dalalka Carabta, waxa uuna caddeeyay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu ka faa’ideysto goobta istaraatiijiga ah ee uu ku leeyahay Geeska Afrika si uu u noqdo buundada horumarka iyo amniga ee dalalka Carabta iyo Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo xiray khudbadiisa ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu si dhow ula shaqeeyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xoojiyo midnimada Carabta iyo qaabeynta mustaqbal ku dhisan nabad, barwaaqo, iyo wax wada qabsi dhexmara dhammaan wadamada Carabta.

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka qeyb Galalay Meertadada 34 aad ee Jaamacada Carabta.

Sabti 17 My 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha, taas oo suurta gelisay in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, waxa uuna caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas.

DHAMMAAD

34th Arab League Summit kicks off in Baghdad with Israeli war on Gaza topping agenda.

Saturday 17 May 2025 {HMC} The 34th Arab League Summit began on Saturday in Baghdad, with Israel’s war on Gaza dominating the talks besides other regional issues. It is Iraq’s fourth summit and first since 2012.

The summit began with a speech by Bahraini Foreign Minister Abdullatif Al-Zayani, as Manama held the presidency of the 33rd Arab League Summit.

Zayani emphasized Bahrain’s commitment to the reconstruction of the Gaza Strip and to upholding ceasefire agreements.

Speaking at the opening session, Iraqi President Abdul Latif Rashid condemned “the ongoing Israeli aggression against Gaza.”

“We reaffirm our firm stance rejecting all attempts to displace Palestinians from the Gaza Strip under any pretext or circumstances,” the president said.

Rashid also emphasized the importance of collective security across the Arab world, saying: “Our shared Arab security cannot be fragmented,” and called on Arab countries to work together to safeguard it.

Palestinian President Mahmoud Abbas called on the Arab Summit to adopt an Arab plan to end the war on Gaza, where Israel has so killed more than 53,000 people since October 2023.

He urged the convening of an international conference in Cairo to fund and implement the reconstruction of the enclave now rendered uninhabitable.

He also expressed readiness to hold presidential and legislative elections in the coming year, once appropriate conditions are met in the West Bank, Gaza, and Jerusalem.

Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi called on US counterpart Donald Trump to “apply pressure to achieve a ceasefire in Gaza.”

He emphasized that even if Israel succeeds in securing normalization agreements, stability in the region will remain out of reach without a comprehensive peace and the establishment of a Palestinian state.

Spanish Prime Minister Pedro Sanchez said “Palestine is bleeding before our eyes,” stressing that the international community cannot ignore or turn a blind eye to what is happening in the Gaza Strip.

He said Spain and Palestine are jointly working on a new initiative at the UN to demand that Israel lift its blockade on Gaza.

He proposed focusing efforts on four key priorities: “Immediately ending the humanitarian catastrophe in Gaza, increasing pressure on the occupation to halt the massacre, advancing a political solution toward peace, and strengthening European-Arab-Islamic dialogue to address regional issues.”

Iraqi Prime Minister Mohammed Shia Al-Sudani proposed the establishment of an Arab fund to support recovery and reconstruction efforts in the aftermath of crises, conflicts, and wars.

“Iraq is contributing $20 million for the reconstruction of Gaza, and another $20 million for the reconstruction of brotherly Lebanon,” he said.

Regarding Syria, Sudani reaffirmed Iraq’s “firm and supportive” stance on preserving the country’s unity and sovereignty.

“We will spare no effort in supporting our Syrian brothers to establish a state built on citizenship and a democratic constitutional system through a comprehensive political transition that ensures the rights of all Syrians,” he added.

Sudani also welcomed the recent US decision to lift sanctions on Syria expressing hope that this move would alleviate the suffering of the Syrian people.

Trump said on Tuesday he would order the lifting of sanctions on Syria. He also met Syria’s President Ahmed al-Sharaa in Saudi Arabia.

Other prominent leaders attending the summit are the Emir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani and Somali President Hassan Sheikh Mohamud.

Jordanian Prime Minister Jaafar Hassan is attending on behalf of King Abdullah, while Lebanese Prime Minister Nawaf Salam is representing President Joseph Aoun.

Also present at the summit are UN Secretary-General Antonio Guterres and representatives from several international and regional organizations.

Arab foreign ministers approved on Thursday the summit’s agenda, which includes five key issues and five initiatives with the Palestinian cause topping the list.

The summit is also expected to tackle conflicts in Yemen, Sudan, Syria, Libya, and the ongoing negotiations over nuclear deal between Iran and the US.


Ikram Kouachi

{DAAWO MUUQAALKA} Maxuu yahay Howlgalka Manta ka dhacay Baraawe?

0

Sabti 17, May 20225 {HMC} Maxuu yahay Howlgalka Manta ka dhacay Baraawe?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay Ujeedka safarka Taliye ku xigeenka Ciidanka Uganda ee Muqdisho?

0

Sabti 17, May 20225 {HMC} Muxuu yahay Ujeedka safarka Taliye ku xigeenka Ciidanka Uganda ee Muqdisho?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo Ka dhacay Xadka Hiiraan iyo Sh/dhaxe.

0

Sabti 17, May 20225 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo Ka dhacay Xadka Hiiraan iyo Sh/dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA