Sabti 17, May 20225 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Wafdi uu hoggaaminayo taliye Ku-xigeenka Ciidanka milateriga uganda oo gaaaray muqdisho
Sabti 17, May 20225 {HMC} Taliye Ku-xigeenka Ciidanka milateriga Dalka Uganda Gen. Sam Okiding ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar.
Imaanshana taliye ku xigeenkada ciidamada Uganda ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay la xiriirto xoojinta iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta Dalalka Soomaaliya iyo Uganda iyo xaaladda adag ee heysata howlgalka AUSSOM.
War ka soo baxay xafiiska Taliyaha Ciidamada Dhulka xoogga Sahal Cabdullaahi ayaa u qornaa sidan:.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar” Ganeraal Khaalid” ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay Sareeye Guud Sam Okiding, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sareeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku haya nabadda iyo xasilloonida dalka.
Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimada xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhexeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.
Booqashada Sareeye Guud Sam Okiding ayaa la filayaa inay xoojin doonto wada shaqeynta labada ciidan ee dhinacyada howlgalka, tababarada iyo istaraatijiyadda la dagaallanka Khawaarijta.
{DAAWO MUUQAALKA} Shir uu ka qeyb galayo Madaxweyne Xasan oo goodhow furmaya iyo waxyaabaha looga hadlayo.
Sabti 17, May 20225 {HMC} Shir uu ka qeyb galayo Madaxweyne Xasan oo goodhow furmaya iyo waxyaabaha looga hadlayo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Iran oo beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyey
Sabti 17, May 20225 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa beeniyay sheegashada ku saabsan inay Maraykanka ka heleen qoraal ku saabsan heshiiska Nukliyeerka, isagoo sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay xaq u leedahay tayeynta nabadeed.
“Iran kama aysan helin wax soo jeedin ah oo qoraal ah Mareykanka, ha ahaato si toos ah ama si dadban,” Ayuu wasiirku ku yiri qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee X.
Qoraalkaan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Iran ay ka heshay soo jeedin la sheegay inay ka timid maamulkiisa, wuxuuna ka digay inaysan Iran dheg jalaq usiin arrintaasi.
“Haa waxay hayaan soo jeedin, laakiin waxaa ka sii muhiimsan, waxay og yihiin inay si degdeg ah u socdaan, wax xun ayaa dhacaya haddii aan la bixin jawaabo deg deg ah”, Ayuu yiri Trump.
Dowladaha Mareykanka iyo Iran, ayaa wadahadallo ka yeeshay arrinta Nukluyeerka Iran, mana jiraan wax heshiis iyo is faham oo labada dal ka gaareen wadahadalka dhax maray labada dal,
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay caasimadda k/ galbeed ee Baraawe
Sabti 17, May 20225 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino oo halkaasi ka dhacay uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay qaraxa miino, waxaana ku dhaawacmay laba ruux kale, kaasoo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.
Labada ruux ee ku dhaawacantay qaraxa ayaa dhaawacoodu haatan lagu dabiibaya xarumo caafimaad oo ku yaala gudaha magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa miino uu ahaa mid lala beegsaday gaari ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Baraawe, kaasoo doonayay inuu magaalada u soo qaado Jaad.
Ma jirto ilaa hada cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaan miino ee khasaaraha geystay, waxaana xusid mudan in qaraxyada noocaan oo kale ah masuuliyadiisu sheegan jireen kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeyntii ciidamada amaanka ee degmada Baraawe oo gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano la xiriira qaraxa miino, hayeeshee wali si rasmi ah wax faahfaahin ah uga bixin laamaha amaanka qaraxaan miino ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {17-05-2025}
Sabti 17-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre iyo Shugri Bayare
Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei
{DAAWO MUUQAALKA} Weerar Dad shacab ah lagu laayey oo ka dhacay Wadanka ukraine.
Sabti 17, May 20225 {HMC} Weerar Dad shacab ah lagu laayey oo ka dhacay Wadanka ukraine.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} QM oo seegtay waqtigii maalgelinta howlgalka cusub ee Soomaaliya.
Sabti 17, May 20225 {HMC} QM oo seegtay waqtigii maalgelinta howlgalka cusub ee Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Abaabul dagaal oo Saakay ka socda Gobalka Sh-Dhaxe.
Sabti 17, May 20225 {HMC} Abaabul dagaal oo Saakay ka socda Gobalka Sh-Dhaxe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maxa looga hadlayaa shirka Jaamacadda Carabta uu ka qayb galaya Madaxwayne Xasan Sheikh?
Sabti 17, May 20225 {HMC} Magaaladda Baqdaad ee caaasimadda Ciraaq waxaa maanta oo Sabti ah ka furmaya shirka sanadeedka 34aad ee ururka Jaamadcadda Carabta, kaas oo looga hadli doono qodobo la xiriira danaha dawladaha carabta.
Shirka ururka Jaamacadda Carabta ayaa doorkan waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka midyihiin isbadalka ka dhacay dalka Suuriya, colaadda ka socota dalalka Yeman iyo Suudaan, qadiyadda Falastiin iyo xasuuqa ka socda magaaladda Qasa.
Sidoo kale shirka inta uu socda ayaa la filayaa in looga hadlo xaaladda Soomaaliya iyo sidii madaxda carabtu ay gacan uga gaysan lahaayeen arimaha ka jira Soomaaliya.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maalinimadii shalay gaaray magaalada Baqdaad si ay uga qayb galaan kulankaan oo ay isugu imaanayaan dhammaan madaxda dalalka carabta.
Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya oo warbaahinta Madaxweynaha la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu khudbad ka jeedin doona shirka, taas uu uga hadli doono aragtida dowladda ee ku aadan qadiyadda Falastiin iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya ee ku aadan amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.



