Home Blog Page 952

{DAAWO MUQAALKA} Sacuudiga oo Soo Saray Amaro Saameeynayo Gudashada Xajka

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Sacuudiga oo Soo Saray Amaro Saameeynayo Gudashada Xajka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeele?

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Maxaa kasoo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeele?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Wasiirkii Beeraha ee dalka Namibia oo Shaqadii laga Eryay + Sababta

Isniin 28, April 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Namibia, Netumbo Nandi-Ndaitwah, ayaa shaqada ka ceyrisay Wasiirkii Beeraha, Kalluumeysiga, Biyaha iyo Dib-u-habeynta Dhulka, Dr. Mac-Albert Hengari.

War kasoo baxay madaxtooyada oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu isticmaalay awoodaha uu u siiyay Qodobka 32(6) ee Dastuurka Namibia si uu xilka uga qaado wasiirka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Dr. Hengari la xiray Sabtidii, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin kufsi, tacaddi ka dhan ah haweenka iyo afduub.

Waxaa jira warar is-khilaafsan oo sheegaya inuu iscasilay ka hor inta aan xilka laga qaadin. Hengari ayaa sheegay: “Waan iscasilay, laakiin faahfaahin intaas dhaafsiisan ma bixin karo.”

Eedeymaha loo haysto ayaa sheegaya in Hengari uu kufsaday gabar 21 jir ah sanadkii hore, kadibna uu isku dayay inuu laaluusho si ay dacwadda u laabato.

Dr. Hengari ayaa bishii Maarso loo magacaabay Wasiirka Beeraha dalkaasi, isaga oo muddo kooban hayay.

Tiro ka badan 100 xildhibaan oo sheegay inay mooshin kawadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Isniin 28, April 2025 {HMC} Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay mooshin ka wadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay ku eedeeyen inuu socodsiin wayay kalfadhiga lixaad ee Golaha shacabka.

Xildhibanadaan ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha shacabka inuu ku xad gudbay Dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka u degsan Golaha, waxaana ay tilmaameen iyadoo uu kalfadhigii lixaad uu furan yahay muddo seddex bilood ah haddana aysan jirin inay xildhibaanadu wax fadhi ah ay iskugu yimaadaan.

Waxa ay sidoo kale mudanayaashaan ku shiray magaalada Muqdisho ay cadeeyeen inuu Golaha Shacabka u xiran yahay Sheekh Aadan Madoobe kadib markuu ka war helay inay jiraan dhaq dhaqaaqyo mooshin isaga laga wado taana ay keentay in gabi ahaanba uusan furin fadhiyada Golaha shacabka.

Xildhibaan Saadaq Cabdullahi oo kamid ah mudanayaashii shirka ka qeyb galay ee warbaahinta la wadaagay qodobada ay shirkoodi kasoo saareen ayaa sheegay in hayaan mooshin dhameystiran oo sharci ah ayna keeneen in kabadan 100 xildhibaan si waafaqsan qodobka 65aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka KMG.

Waxa uu tilmaamay inay usoo jeedinayaan Guddoonka Golaha shacabka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo Golaha si howsha qaran ee u taala mudanayaasha Golaha shacabka ay gutaan maadama muddo kabadan 2 isbuuc aysan qabanin wax shaqo ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan u qabatay Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Isniin 28, April 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka daah furtay kulan guud oo ay isugu yimaadeen Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ololaha wacyigelinta iyo abaabulka shacabka ee dagaalka kula jiro AS.

Kulanka oo si cod dheer ah loogu diiday joogitaanka AS gudaha dalka, ayaa beelaha Soomaaliyeed iyo shacabka guud ahaan loogu baaqay in ay si buuxda uga qeyb qaataan ciribtirka Kooxda. Waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiiru Dowlaha Mudane Saadaad Caliyow, Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cabdixakiim Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyihii ciidanka daraawiishta SSC Khaatumo oo xilkii iska casilay + Sababta

Isniin 28, April 2025 {HMC} Taliyihii ciidanka daraawiishta maamulka SSC Khaatumo Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, waxa uuna warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha maamulka Khaatumo Firdhiye.

Warqada iscasilaada taliyaha , kuma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay, waxa uuna caddeeyay in uu go’aansaday in uu gabi ahaan iska casilay xilka taliyaha uu muddo hayay, waxa uuna u mahadceliyay Madaxweynaha Khaatumo oo horey xilkan ugu magacaabay.

”Ma doonayo sababaha keenay in aan is casilo in aan waqradan ku qoro, waxaanse kaliya halkan ku caddeenayaa in aan sii wadi karin xilkaa iyo shaqadaa aan u hayay ciidanka daraawiishta SSC Khaatumo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jeneraal Geesood.

Warar soo baxaya oon helnay, ayaa sheegaya in sababta iscasilaada taliyaha in ay salka ku heyso khilaaf muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay Madaxweyne Fardhiye iyo taliye Geesood, taa oo ugu dambeyn maanta keentay in uu is casilo taliyaha.

Taliyahan iscasilay ayaa horey usoo noqday taliye kuxigeenkii ciidanka milatariga Somaliland kahor inta aan Somaliland laga saarin magaalada Laascaanood, waxa uuna sargaalkan kasoo goostay ciidanka Somaliland, isaga oo qeyb ka noqday ciidankii Somaliland ka saaray Laascaanood.

{DAAWO MUQAALKA} Ololaha Diwaan Galinta Doorashada oo ka Billaabatay Degmada Garasbaaleey.

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Ololaha Diwaan Galinta Doorashada oo ka Billaabatay Degmada Garasbaaleey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Cabdi kariin ”Walaasheey iyo Gabar aan Abti u ahay Markab Sokor waday ayey ku Geeriyoodeen”

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Cabdi kariin ”Walaasheey iyo Gabar aan Abti u ahay Markab Sokor waday ayey ku Geeriyoodeen”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo lagu Casuumay shir Muhiim ah.

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo lagu Casuumay shir Muhiim ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 28/04/2025

0

Isniin 28, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn