Home Blog Page 953

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan u qabatay Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Isniin 28, April 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka daah furtay kulan guud oo ay isugu yimaadeen Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ololaha wacyigelinta iyo abaabulka shacabka ee dagaalka kula jiro AS.

Kulanka oo si cod dheer ah loogu diiday joogitaanka AS gudaha dalka, ayaa beelaha Soomaaliyeed iyo shacabka guud ahaan loogu baaqay in ay si buuxda uga qeyb qaataan ciribtirka Kooxda. Waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiiru Dowlaha Mudane Saadaad Caliyow, Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cabdixakiim Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyihii ciidanka daraawiishta SSC Khaatumo oo xilkii iska casilay + Sababta

Isniin 28, April 2025 {HMC} Taliyihii ciidanka daraawiishta maamulka SSC Khaatumo Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, waxa uuna warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha maamulka Khaatumo Firdhiye.

Warqada iscasilaada taliyaha , kuma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay, waxa uuna caddeeyay in uu go’aansaday in uu gabi ahaan iska casilay xilka taliyaha uu muddo hayay, waxa uuna u mahadceliyay Madaxweynaha Khaatumo oo horey xilkan ugu magacaabay.

”Ma doonayo sababaha keenay in aan is casilo in aan waqradan ku qoro, waxaanse kaliya halkan ku caddeenayaa in aan sii wadi karin xilkaa iyo shaqadaa aan u hayay ciidanka daraawiishta SSC Khaatumo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jeneraal Geesood.

Warar soo baxaya oon helnay, ayaa sheegaya in sababta iscasilaada taliyaha in ay salka ku heyso khilaaf muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay Madaxweyne Fardhiye iyo taliye Geesood, taa oo ugu dambeyn maanta keentay in uu is casilo taliyaha.

Taliyahan iscasilay ayaa horey usoo noqday taliye kuxigeenkii ciidanka milatariga Somaliland kahor inta aan Somaliland laga saarin magaalada Laascaanood, waxa uuna sargaalkan kasoo goostay ciidanka Somaliland, isaga oo qeyb ka noqday ciidankii Somaliland ka saaray Laascaanood.

{DAAWO MUQAALKA} Ololaha Diwaan Galinta Doorashada oo ka Billaabatay Degmada Garasbaaleey.

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Ololaha Diwaan Galinta Doorashada oo ka Billaabatay Degmada Garasbaaleey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Cabdi kariin ”Walaasheey iyo Gabar aan Abti u ahay Markab Sokor waday ayey ku Geeriyoodeen”

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Cabdi kariin ”Walaasheey iyo Gabar aan Abti u ahay Markab Sokor waday ayey ku Geeriyoodeen”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo lagu Casuumay shir Muhiim ah.

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo lagu Casuumay shir Muhiim ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 28/04/2025

0

Isniin 28, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Maxkamadda sare ee Kenya oo diiday in lala wareego hantida diblumaasi soomaaliyeed

Isniin 28, April 2025 {HMC} Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa diidday codsi ka yimid dowladda Kenya oo ku saabsan in lala wareego guri qiimihiisu yahay Sh110 milyan iyo lacago dhan Sh8.6 milyan oo uu leeyahay Jibriil Cusman Mohamed, oo ah diblumaasi hore oo Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayaa ninkaan ku eedeeysay inuu xiriir la leeyahay shabakadyo argagixiso oo ka jira Yemen.

Hay’adda Soo Celinta Hantida (ARA), oo mataleysa dowladda Kenya, ayaa ku doodday in guri ku yaal Eldama Ravine Road, Westlands, Nairobi, iyo lacagaha ku jira saddex akoon oo ka furan I&M Bank, ay yihiin lacagihii ka soo baxay argagixisada iyo lacag la dhaqay.

Codsigan waxaa la gudbiyay Agoosto 2024 waxaana lasoo horgeeyay Maxkamadda Xatooyada iyo Musuqmaasuqa ee Milimani. ARA waxay dalbatay in lagu caddeeyo in hantida uu leeyahay Jibriil Cusman Mohamed iyo shirkaddiisa, Jibca Services Limited, ay ka mid yihiin hanti la xiriirinayo arrimo argagixiso.

ARA waxay sidoo kale codsatay amar maxkamadeed oo oggolaanaya dowladda inay qaadato hantidaas.

Sida ay ARA sheegtay, lacagta loo adeegsaday iibsashada hantidaas waxaa la socday nin lagu magacaabo Abdi Nasir Ali, oo lagu daray liiska Xafiiska Xakamaynta Hantida ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC), isagoo loogu eedeeyay inuu maalgeliayo fallaagada Houthi iyo inuu carqaladeynayo xasilloonida Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Benjamin Musyoki ayaa diiday codsiga, isagoo sheegay in ARA aysan keenin caddeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya xiriirka Jibriil Cusman Mohamed, shirkaddiisa, ama macaamilka uu la leeyahay Abdi Nasir Ali. Waxa uu cambaareeyay hay’adda isagoo sheegay inay ku eedeeyeen xiriir argagixiso oo aan caddeyn.

“ARA waxay soo jeedisay kaliya eedayn guud oo ku saabsan baaritaano la sheegay inay muujinayaan xiriirka argagixisada, laakiin wax faahfaahin ah ama caddeymo ah looma keenin maxkamadda. Haddii ay jiraan baaritaano dhab ah oo muujinaya xiriirka Mohamed iyo Ali, ARA waxay ku guul darreysatay inay keento caddeynas,” ayuu yiri Garsooraha Musyoki.

Maxkamaddu waxay sidoo kale tixgelisay xirfadda diplomasi ee Jibriil Maxameed iyo xaqiiqda ah in uu weli haysto baasaboorka diplomasi ee Soomaaliya, wuxuuna horey uga soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee Malaysia.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Batroolka ”Waxaan Garab istaag u muujineeynaa Ciidamada Dowladda”

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Wasiirka Batroolka ”Waxaan Garab istaag u muujineeynaa Ciidamada Dowladda”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO SAWIRDA} Shir looga Hadlayay Dagaalka AS oo lagu Qabtay Jowhar

Isniin 28, April 2025 {HMC}  Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada kaas oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Kheyre, ayaa Golaha uga warbixiyey howlgalka dabar-gooynta Khawaarijta, waxana uu ka mahadceliyey kaalinta dadka deegaanka iyo ciidamada qalbka sida ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ku baacsanayo firxadka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka ayaa lagu gorfeeyay saameeynta Roobka oo si weyn uga curtay deegaanada maamulka Hirshabeelle kaas oo goobaha qaar saameyn ku yeeshay isku-socodka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdi ayaa faahfaafin ka bixiyey sida ay u socdaan mashaariicda sannadkan ee 2025.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray Wasiirka Caafimaadka baahinta Adeega Caafimaad iyo dardargelinta shaqadda Damal Caafimaad.

“Ma aqbali doono dayacaad shaqo, dhismaha jidadka uu hirgelin waayey ayuu shaqaddiisa maalin ka hor ku waayey Wasiirka Howlaha Guud. Isla-xisaabtan adag ayaa keeno shaqo-hufan.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Gunaanudkii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku baaqay in markale loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanno katirsan gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {28-04-2025}

Isniin 28, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Daacad & Shukri Baryare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei