Sabti 26, April 2025 {HMC} Rabitaan Xawaadle Laguma Keenin Taliye Sambalolshe Kurigane Mahad Salaad ayaa ku Wareejiyay “Ceeyr.”
Kulankii Aqalka Sare oo Maanta Qabsoomay + maxaa looga hadlay ?
Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Md Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 3-aad ee Kalfadbiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa;
1.Akhrinta Labaad ee Hndise Sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2.Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.
3.Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4.Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga Lacag dhaqista iyo ka hortaga Maalgalinta Argagixisada.
Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare ee BJFS, Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow ( Dhagdheer) ayaa Sanatarrada la wadaagtay Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedyada kor ku xusan oo ay toosin, wax ka bedel, siiqayn iyo qaabaynba ay ku sameeyeen qodobada qaar ee shuruucda ay gacanta hayaan.
Intaas ka dib, waxaa la guda-galay doodda iyo dhagaysiga aragtida Sanatarrada kulanka maanta soo xaadiray, iyagoo soo bandhigay fikirkooda iyo aragtiyada ay ka qabaan hindise sharciyeedyada kor ku xusan oo ay tahay in lagu kordhiyo ama laga tiro, si loo helo shuruuc isdheeli tiraysa. dhanka kalena Sanatarrada goalaha ayaa su’aallo ku saabsan hindise sharciyeedyada waydiiyey Wasiirk Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Sanatarrada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen, isaga oo Sanatarrada uga mahadceliyey aragtidooda wax ku oolka ah ee ay ku biiriyeen shuruucdan oo muhiim dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa boogaadiyey guddiga maaliyadda oo shaqo wanaagsan ku soo qabtay muddo kooban oo ay gacanta ku hayeen hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalkeenna loona qabo baahiweyn, wuxuuna Senatorrada Aqalka Sare kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wakhtiga isla markaana soo xidhay kulankii maanta.
{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Macawisleeyda Hiiraan u jojiyen Gaadiidka Safarka ah ?
Sabti 26, April 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Macawisleeyda Hiiraan u jojiyen Gaadiidka Safarka ah ?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Puntland ” SSC Khaatumo Ama aan Wada Tashano Ama aan kala tashano.”
Sabti 26, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland ” SSC Khaatumo Ama aan Wada Tashano Ama aan kala tashano.”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo Turki ah oo Gaaray Muqdisho iyo Ujeedkoda oo la Shaaciyay.
Sabti 26, April 2025 {HMC} Ciidamo Turki ah oo Gaaray Muqdisho iyo Ujeedkoda oo la Shaaciyay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Wararkii ugu dambeeyay Dagaalo Culus oo ka dhacay Aboorey.
Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka imaanaya deegaanka Yasooman iyo nawaaxigiisa OO dagaalo ay ka socdeen 48-saac ee lasoo dhaafay, Dagaaladaas oo dhaxeeya Xubno ka tirsan AS iyo Ciidanka Deegaanka iyo kuwa ka tirsan DF.
Dagaaladaan waxay si gaar ah uga socdaan dhulka ka hooseeya Buuraha Yasooman ilaa Deegaanka Aboorey oo dhamaan tood hoos taga Degmadda Buulo-barde ee Gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha deegaanka Yasooman ayaa Hiiraanweyn u sheegay in 21 ka tirsan AS ay ku dileen dagaaladii ugu dambeeyay ee kooxda ay la galeen ee ka dhacay inta u dhaxeysa Aboorey ilaa dhulka balaaran ee Yasooman u dhow, waxaana dhanka kale uu xaqiijiyay in kooxda ay qoteen godad ay Difaaca ka galeen, waxaana arintaan uu u sababeeyay sababta khasaaraha badisay Dagaalkana kooxdana ay halkaas uga wada saari waayeen.
Dhinaca kale Masuuliyiin horleh oo Saraakiil ciidan ay qeyb ka yihiin ayaa maanta ku biiray dagaalka Yasooman iyaga oo ku baaqay in aan loo karin dagaalka oo dadka maqan ay yimaadaan furimaha hore.
Dagaalo kasoo billowday deegaanka cadow gurey ayaa ku baahay dhul hor oo hoostaga Buulo-burde waxaa dadaalo joogta ah wada ciidanka loo yaqaano Macawisley oo todobaadkaan dagaalo badan kooxda la galay guulana ka sheegtay
Midowga Afrika oo madaxweyne Xasan Sheikh ugu baaqay wadashaqaynta DF iyo dowlad goboleedyada
Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Midowga Afrika ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardargeliso xoojinta wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro ismariwaaga siyaasadeed, loona dardar galiyo dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, ayaa ku dhiirrigeliyay Dowladda Federaalka inay sii waddo dadaallada siyaasadeed ee dhanka dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyada oo la xaqiijinayo in dhammaan Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay ka qaybqaataan Golaha Wadatashiga Qaranka si loo gaaro hannaan loo dhan yahay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaab celinayay baaqa loosoo jeediyay, ayaa sheegay in bishan soo socota la qaban doono wadatashi qaran si looga doodo arrimaha mudnaanta leh ee horyaalla dalka.
Waxa uu u mahadceliyay Midowga Afrika, waddamada ciidamada geeyay Soomaaliya (TCC), iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya taageera, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan garab istaagga Soomaaliya si dalka u gaaro nabad iyo xasillooni buuxda.
“Dadaalkeena mideysan ee lagu sugayo amniga Soomaaliya wuxuu noo suurtageliyay inaan sii wadno geeddi-socodka dowlad-dhisidda. Waxaan si joogto ah uga shaqeyneynaa dhismaha ciidan mideysan, tababaran, qalabeysan oo mas’uuliyadooda amni la wareegi kara. Si kastaba ha ahaatee, waxa naga horreeya caqabado waaweyn oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada, iyada oo aan mar kasta dhiseyno hay’adaha amniga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirkii Entebbe.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan sheikh ayaa saaxiibada caalamka kala kulmaya culays ku aaddan inuu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada. Waxay xoguhu sheegayaan in madaxweyne Xasan sheikh uu dhawaan la kulmi karo madaxweynaha Puntland, Siciid Deni. Dowladda Maraykanka ayaa qorshaha kulankan taageeraysa, si afgarad looga gaaro waxa la isku hayo.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {26-04-2025}
Sabti 26, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdi Yare & Shukri Baryare
Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei
{DAAWO MUQAALKA} Gudiga doorashooyinka oo Shaaciyay Maamul-goboleedyada Muqdisho ku xigo diiwaan-galinta
Sabti 26, April 2025 {HMC} Gudiga doorashooyinka oo Shaaciyay Maamul-goboleedyada Muqdisho ku xigo diiwaan-galinta
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Nabadoonka Guud ee Cali Madaxweyne oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS.
Sabti 26, April 2025 {HMC} Nabadoonka Guud ee Cali Madaxweyne oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS.



