Home Blog Page 976

Somali Deputy FM Welcomes Russian Counterpart in Mogadishu.

0

Saturday 26 April , 2025 {HMC}  The Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Isaak Mohamud Mursal, welcomed his counterpart, H.E. Mikhail Bogdanov, Deputy Minister of Foreign Affairs of the Russian Federation and Special Representative of the Russian President for the Middle East and African Countries, upon his arrival at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu on Saturday.

The two countries share longstanding historical ties and seek to expand cooperation to advance the mutual interests of both governments and peoples.

Mandera residents benefit from free Mosquito nets.

0

Saturday 26 April , 2025 {HMC} Mandera County joined the rest of the world in marking World Malaria Day with a strong emphasis on prevention, through the distribution of mosquito nets to vulnerable groups including pregnant women and mothers with newborn babies.

This year’s event was held under the global theme “Reinvest, Reimagine, reignite” – a grassroots campaign aimed at revitalising efforts from global policy to community action in order to accelerate progress toward malaria elimination.

The campaign was spearheaded by the Mandera County Department of Health in collaboration with development partners and health stakeholders.

Over 1,000 mosquito nets were distributed across various sub-counties.

Despite ongoing efforts, health officials noted that only 60 percent of households in Mandera own insecticide-treated nets, which falls significantly short of the WHO target of 90 percent.

The shortfall is largely attributed to harsh climatic conditions and the region’s proximity to conflict zones.

Speaking during the event, Mumtaza Bishar, Mandera County CEC for Health, acknowledged that malaria still affects between 15–20 percent of the county’s population annually, with pregnant women and children under five accounting for nearly 70 percent of reported cases.

“We must reignite our commitment as a county—across all sectors and communities—to ensure no family is left behind in the fight against malaria,” she said.

Other health officials at the event emphasised the importance of proper use of mosquito nets, not only to prevent malaria but also other mosquito-borne diseases such as Dengue fever.

The county will also work to integrate WHO-recommended vaccines like RTS,S and 21 into routine immunisation programmes and also develop mobile clinics digital tracking and community-led outreach.

More than 70 percent of health facilities now provide malaria testing and spraying by community health volunteers across Mandera County.

World Malaria Day continues to serve as a critical reminder of the global and local responsibility to end malaria, and Mandera County’s proactive measures reflect a growing commitment to health equity and disease prevention.


By Adan Mohamed

{DAAWO MUQAALKA} Markab Siday Xoolo Soomaaliya laga qaaday oo Bada Yaman ku dagay.

0

Sabti 26, April  2025 {HMC}  Markab Siday Xoolo Soomaaliya laga qaaday oo Bada Yaman ku dagay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Wafdi sare oo ruushka ka socdo oo gaaray magaalada muqdisho

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika, Mikhail Bogdanov, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Mikhail Bogdanov ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Maxamuud Mursal, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Booqashada Bogdanov ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale, iyo arrimaha amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka. Sidoo kale, socdaalkiisu wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Ruushka ee lagu ballaarinayo saameyntiisa diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika.

Inta uu joogo Muqdisho, Mikhail Bogdanov ayaa la filayaa inuu kulammo rasmi ah la yeesho madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal, taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, iyo arrimaha gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Ruushka ee lagu taageerayo Soomaaliya, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Xiisad u dhaxeysa DF iyo jubaland oo kasoo cusboonaatay degmada Beledxaawo

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in haatan xiisad u dhexeysa maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ay mar kale kasoo cusboonaatay gobolkaasi, gaar ahaan degmada Beledxaawo oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaayqo iska soo horjeedo.

Xiisadda cusub ayaa timid, kadib markii Axmed Madoobe uu dul degay degmadaasi, isaga oo u diray mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland.

Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo kasoo jeedo Gedo, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo arrimaha gudaha Golaha Shacaka ayaa si adag uga hadlay xiisadda sida guud uga soo cusboonaatay gobolka Gedo, wuxuuna kasoo saaray digniin culus.

Nuur Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Madoobe uu rabo inuu qabsado gobolka, isla markaana uu dul dagay shacabka degmada Beledxaawo, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolada soo dul degtay Beledxaawo waxaan leenahay gadaal uga noqda Beledxaawo dhib uma baahna, duulaana uma baahna” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Axmed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Magaalooyinka kale maa la dul dago, maxaas qaas ku ah Beledxaawo arrintaas waa mid si gaar ah aan farta ugu fiiqeyno?”.

Waxaa kale oo uu farriin culys u diray ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Gedo, wuxuuna tilmaamay in iyagu ay mas’uul ka yihiin amniga guud ee gobolka.

“Annaga ka Federaal ahaan waxaan ku ognahay amniga gobolka ciidamada kala duwan ee DFS ka jooga gobolka, degmo walbo ciidanka ayaan ku ognahay” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe oo ay haatan is hayaan dowladda dhexe ayaa raba inuu isku ballaariyo gobolka Gedo, maadaama la galayo doorasho, Dowladda Federaalkana ay qorshe wayn ka leedahay gobolkaasi, si loo gaarsiiyo qof iyo cod.

Mdaxweynaha Puntland Oo War Kasoo Saaray Shirkii ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC}  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud inuu ka dhabeeyo gogosha wada-hadal ee uu u fidiyay saamileyda siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ma caddeyn mowqifkiisa ku aaddan in Puntland ay ka qeyb geli doonto gogoshada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay.

Deni ayaa xusay in muddadii ay Puntland ka maqneyd shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, in laga weecday dastuurkii horey loogu heshiiyay.

Wuxuu ku baaqay in dib looga noqdo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, isla markaana si qoto dheer loo eego tallaabo kasta oo la qaadayo.

“Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo dadka saamaynta ku leh siyaasadda Soomaaliya. Waxaan ka codsanayaa inuu arrintaas ka dhabeeyo. Puntland hore ayay ugu dhawaaqday gogol wadahadal oo ay ugu yeeraysay ummadda Soomaaliyeed inay isugu timaado si xal waara loo gaaro,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni wuxuu carrabka ku adkeeyay in labada Aqal ee Baarlamaanka looga baahan yahay inay ilaaliyaan midnimada dalka, ayna diidaan wax kasta oo lid ku ah wadajirka dadka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka lagu qaban doono bisha soo socota ee May, xilli uu ka qeyb galayay shir ay isugu yimaadeen Midowga Afrika iyo dalalka ugu deeqay Soomaaliya.

Ciidamada Macawiisleeyda oo Amar Kusoo Rogay Gaadiidka Maro Gobolka Hiiraan

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Ciidamada Deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa Mamnuucay Gaadiidka Safarka ee Maro Wadada isku Xirto Muqdisho ilaa degmada Moqokori

Sababaha gaarka ah ee Macawiisleeyda Wadadaas iyo Agagaaarkeed uga Mamnuuceen gawaarida Safarka ah ayeey ku sheegeen in Kooxda AS isticmaalaan gaadiidka safarka si ay ugu dhex dhuuntaan dadka shacabka ah, isla markaana ay weerarro qarsoodi ah ugu qaadaan tuulooyinka laga xoreeyay.

Waxaa la arkay in qaar ka mid ah gaadiidka safarka (gaar ahaan kuwa xamuulka iyo mootooyinka) loo adeegsado qaadista sahayda Al-Shabaab sida raashin, rasaas, iyo qalab kale. Amarkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay qabsadeeyn dhul badan oo ku yaala Gobolka Shabeellaha dhaxe, waxaana gaadiidka Safarka ah dhax maraan deegaano Al-shabaab Maamulaan.

Mid ka mid ah Macawiisleeyda Gobolka Hiiraan oo la hadlay Hiiraanweeyn waxa uusheegay in aaysan jirin Muda rasmi ah oo uu ku egahay Amarka looga mamnuucay Gaadiidka safarka ee maro Wadooyinka ka Soo Bilaawdo xadka Hiiraan iyo shabeelaha dhaxe ee aado Gobolada waqooyi oo ugu Horeeyo Galgaduud, Wuxuuse Tilmaamay in inta lagu Jiro Dagaalka Kooxda AS aay Tahay mamnuuc in la Maro Wadadaas.

Gobolka Hiiraan laga soo Bilaaawo Sanadkii 2022 ilaa 2025, waxa uu noqday xarunta ugu weyn ee dhaqdhaqaaqa ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda. Markii dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu xoogeystay, mamnuucidda Gaadiid safarka waxay noqotay hab ay Macawiisleydu ugu difaacaan guulahooda.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay ujeedka safar ee Gudoomiyaha Hore ee gobolka hiiraan oo u gaaray Beledweyne

0

Sabti 26, April  2025 {HMC} Muxuu yahay ujeedka safar ee Gudoomiyaha Hore ee gobolka hiiraan oo u gaaray Beledweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Rabitaan Xawaadle Laguma Keenin Taliye Sambalolshe Kurigane Mahad Salaad ayaa ku Wareejiyay “Ceeyr.”

0

Sabti 26, April  2025 {HMC} Rabitaan Xawaadle Laguma Keenin Taliye Sambalolshe Kurigane Mahad Salaad ayaa ku Wareejiyay “Ceeyr.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Kulankii Aqalka Sare oo Maanta Qabsoomay + maxaa looga hadlay ?

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Md Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 3-aad ee Kalfadbiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa;
1.Akhrinta Labaad ee Hndise Sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2.Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.
3.Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4.Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga Lacag dhaqista iyo ka hortaga Maalgalinta Argagixisada.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare ee BJFS, Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow ( Dhagdheer) ayaa Sanatarrada la wadaagtay Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedyada kor ku xusan oo ay toosin, wax ka bedel, siiqayn iyo qaabaynba ay ku sameeyeen qodobada qaar ee shuruucda ay gacanta hayaan.

Intaas ka dib, waxaa la guda-galay doodda iyo dhagaysiga aragtida Sanatarrada kulanka maanta soo xaadiray, iyagoo soo bandhigay fikirkooda iyo aragtiyada ay ka qabaan hindise sharciyeedyada kor ku xusan oo ay tahay in lagu kordhiyo ama laga tiro, si loo helo shuruuc isdheeli tiraysa. dhanka kalena Sanatarrada goalaha ayaa su’aallo ku saabsan hindise sharciyeedyada waydiiyey Wasiirk Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Sanatarrada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen, isaga oo Sanatarrada uga mahadceliyey aragtidooda wax ku oolka ah ee ay ku biiriyeen shuruucdan oo muhiim dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa boogaadiyey guddiga maaliyadda oo shaqo wanaagsan ku soo qabtay muddo kooban oo ay gacanta ku hayeen hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalkeenna loona qabo baahiweyn, wuxuuna Senatorrada Aqalka Sare kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wakhtiga isla markaana soo xidhay kulankii maanta.