{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Baaqa ay soo saareen Urur Goboleedka Igad.?
Qarax xooggan oo gilgilay deked ganacsi oo muhiim ah oo ku taalla Koonfurta Iran.
Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} Qarax xooggan ayaa Sabtidii gilgilay deked ganacsi oo muhiim ah oo ku taalla Koonfurta Iran, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof, halka in ka badan 750 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Inkasta oo aan si degdeg ah loo caddeyn sababta qaraxa, xafiiska kastamka dekedda ayaa war uu baahiyey telefishinka dowladda ku sheegay in ay suuragal tahay in qaraxu ka dhashay dab ka kacay bakhaar lagu kaydiyo kiimikooyinka iyo alaabaha halista ah.
Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in qaraxa xooggan uu ka dhacay dekedda Shahid Rajaee oo ah dekedda ganacsi ee ugu weyn Iran, kuna taalla gobolka Hormozgan ee xeebta koonfureed.
Dabka ka dhashay qaraxa ayaa weli ka holcayay goobta in ka badan toddobo saacadood kadib qaraxa, oo sida ay warisay wakaaladda wararka ee Mehr, dhacay waxyar ka hor duhurnimo waqtiga maxalliga ah (0830 GMT).
Weriye ka tirsan telefishinka dowladda ayaa sheegay in dabaylo xooggan ay adkeeyeen daminta dabka.
Sawirro ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda ee IRNA ayaa muujinaya kooxaha gurmadka iyo dad badbaaday oo maraya wado ballaaran oo ay daadsan yihiin burburka iyo qashinka ka dhashay qaraxa.
Gubasho xooggan ayaa qabsatay gaari xamuul ah, halka dhiigguna uu ka muuqday gaari burburay oo dhinaciisa dhiiggu daatay. Diyaarad helikobtar ah ayaa biyo ku shubaysay qiiq madow oo cirka isku shareeray, oo ka kacayay meelaha ay yaalliin weelasha raran ee dekedda.
Telefishinka dowladda oo soo xiganaya hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in “boqollaal qof loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku dhow,” halka xarunta dhiig-ururinta ee gobolka ay codsatay in dadku dhiig ku deeqaan.
Telefishinka dowladda ayaa markii dambe soo xigtay mas’uul ka tirsan Hormozgan oo sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 15.
Fiidiyow lagu baahiyey baraha bulshada – oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin – ayaa muujinaya nin duubaya muuqaalka masiibada oo leh: “Gaarigaygii gabi ahaan wuu burburay, saaxiibkayna wuu dhintay,” iyadoo meyd ku yaalla dhulka la arkayo.
Sabtida ayaa ah maalinta ugu horreysa ee usbuuca shaqada ee Iran, taasoo la micno ah in dekeddu ay mashquul ahayd xilliga uu qaraxu dhacay.
Saddex muwaadin oo Shiinees ah ayaa si fudud ugu dhaawacmay, sida uu sheegay telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV oo soo xiganaya qunsuliyadda Shiinaha ee Bandar Abbas.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, isagoo sheegay in uu “faray in si degdeg ah baaritaan loogu sameeyo xaaladda iyo sababaha qaraxa.”
Pezeshkian ayaa intaa ku daray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Eskandar Momeni uu tegi doono goobta si uu baaritaan ugu sameeyo dhacdada.
Dekedda Shahid Rajaee, oo in ka badan 1,000 kiiloomitir (620 mayl) koonfur ka xigta Tehran, ayaa lagu tilmaamaa dekedda ugu casrisan ee xamuulka konteenarrada ee dalka Iran, sida ay sheegtay IRNA.
Waxay 23 kiiloomitir galbeed kaga beegan tahay Bandar Abbas, oo ah caasimadda gobolka Hormozgan, kuna dhow marin-biyoodka Hormuz, oo ah halkii uu ka gudbo shan meelood meel saliidda adduunka laga dhoofiyo.
– Konteenarro qarxay –
Mehrdad Hassanzadeh, oo ah madaxa maamulka musiibooyinka ee gobolka, ayaa u sheegay telefishinka dowladda in “qaraxa uu ka dhashay dhowr konteenar oo kaydnaa aagga dekedda Shahid Rajaee.”
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in qaraxa xooggiisa la dareemay lagana maqlay meel 50 kiiloomitir u jirta dekedda.
Tasnim news agency ayaa ku warrantay in “mowjadaha qaraxa ay si xun u burburiyeen inta badan dhismayaasha dekedda.”
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu “garab istaag iyo midnimo” la garab taagan yahay Iran kadib qaraxa.
Shirkadda qaranka ee qaybinta shidaalka ee Iran (National Iranian Oil Products Distribution Company) ayaa sheegtay, sida ay werisay warbaahinta maxalliga ah, in “qaraxa ka dhacay dekedda Shahid Rajaee aanu wax xiriir ah la lahayn warshadaha sifaynta, haamaha shidaalka, xarumaha qaybinta ama dhuumaha saliidda.”
Waxay intaas ku dartay in “xarumaha shidaalka ee Bandar Abbas ay si caadi ah u shaqeynayaan, iyada oo aan jirin wax hakad ah.”
Qaraxan dhifka ah ayaa dhacay bilooyin kadib musiibadii ugu dhimashada badnayd ee Iran ka dhacda sannadihii u dambeeyay, markii bishii Sebteembar qarax ka dhashay xiiq gaas uu ku dilay in ka badan 50 qof macdanta dhuxusha ee Tabas oo ku taalla bariga dalka.
Qaraxa Sabtidii dhacay ayaa sidoo kale yimid xilli ay socdaan wadahadallo heer sare ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka oo ka dhacay dalka Cummaan, lagana hadlayay barnaamijka nukliyeerka Iran. Labada dhinacba waxay sheegeen in horumar la gaaray.
{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 26-04 2025.
Sabti 26, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.04.2025}
Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiskii shidaalka ay Soomaaliya la gashay Turkiga.
Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay heshiiskii shidaalka ee dhowaan ay Soomaaliya la gashay Turkiga, isagoo sheegay inuu ku saleysan yahay “dano wadaag ah”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aysan Soomaaliya hore ugala hadal saliidda iyo gaaska, ayna tahay markii ugu horreysay taariikhda ee baaris lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya.
“Baarista shidaalka ee meelaha ka baxsan xeebaha ayaa socda hadda sidaad aragteen, mar kale kan xeebaha ayaan saxiixnay, taas micanheeda maaha in fursaddan aan keliya Turkiga siineyno, balse waa dalka keliya ee dalbaday iyo kan keliya ee daneynayay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Wuxuu xusay in maadaama Turkigu yahay kan ugu soo hormaray aanan laa barbardhigi karin shirkadaha iyo dalalka dib ka imaan doona toban sano kadib marka ay Soomaaliya noqoto dal shidaal soo saara.
Madaxweynaha sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir muddo dheer socday, isla markaana uu Turkigu gacan dhexdhexaadin ah fidiyo marka ay Soomaaliya is qabtaan dalalka deriska ah.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor, taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada, waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya.
Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa’iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro.
Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo murannada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood.
{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN”Dagaal ka dhacay Deegaanka Mubaax ee Gobolka Hiiraan.
Sabti 26, April 2025 {HMC} FAAH FAAHIN”Dagaal ka dhacay Deegaanka Mubaax ee Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Midowga Africa Oo Shaaciyay Shaqaalaha uu u Baahan yahay Si Loo wada Howlgalka Cusub ee Soomaaliya.
Sabti 26, April 2025 {HMC} Midowga Africa Oo Shaaciyay Shaqaalaha uu u Baahan yahay Si Loo wada Howlgalka Cusub ee Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 26-4-2025.
Sabti 26, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Somalia Reaffirms Security Transition Commitment at AU Meeting in Kampala.
Saturday 26 April , 2025 {HMC} Somalia’s State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Ali Mohamed Omar, addressed the Troop Contributing Countries (TCCs) Ministerial Meeting in Kampala today, emphasizing the critical importance of sustained international support during Somalia’s security transition to the African Union Transition Mission in Somalia (AUSSOM).
In his opening remarks, Minister Omar expressed Somalia’s deep gratitude to Uganda for hosting the summit and to all TCCs for their 18 years of sacrifice through the African Union mission. “Your commitment and the bravery of your troops have written a chapter of African solidarity that history will never forget,” he stated, honoring the fallen heroes who made Somalia’s progress possible.
The Minister underscored that AUSSOM represents a crucial evolution in Somalia’s security partnership, one that aligns with the country’s Security Development Plan while maintaining Somali ownership. “Somalia today has functioning institutions and resolves political matters through dialogue, but security remains our greatest challenge,” he noted. While acknowledging the growing strength of the Somali National Army, Minister Omar stressed that Somalia still requires international support to fully defeat Al-Shabaab.
Highlighting recent intensified attacks in Middle and Lower Shabelle, the Minister called on TCCs to enhance Quick Reaction Forces and coordinate multi-sector offensives to counter the persistent terrorist threat. He also emphasized the need for sustainable financing, urging full implementation of UNSC Resolution 2719 and the Hybrid Model, alongside innovative funding approaches through the AU Peace Fund and private sector engagement.
Concluding his address, Minister Omar reaffirmed Somalia’s commitment to achieving self-reliance in security but reiterated that “no nation overcomes terrorism alone.” He called for collective action to finish the mission, stating, “The Somali people believe in African solidarity. Together, we will deliver lasting peace—for Somalia and the entire Horn of Africa.”
The meeting reinforced the shared commitment to Somalia’s stability as AUSSOM takes on its new role in the country’s security transition.
Somali Deputy FM Welcomes Russian Counterpart in Mogadishu.
Saturday 26 April , 2025 {HMC} The Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Isaak Mohamud Mursal, welcomed his counterpart, H.E. Mikhail Bogdanov, Deputy Minister of Foreign Affairs of the Russian Federation and Special Representative of the Russian President for the Middle East and African Countries, upon his arrival at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu on Saturday.
The two countries share longstanding historical ties and seek to expand cooperation to advance the mutual interests of both governments and peoples.



