Home Blog Page 994

Dowladda yuganda oo loo gudbiyey cabashooyin ay qabaan soomaalida dalkaas

Talaado, 22 April , 2025 {HMC} Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhisa dalka Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan kula qaadatay xafiiskiisa magaalada Kampala Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda dowladda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

Kulanka labada masuul ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka socdaalka iyo is-dhexgalka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Ugandheyska.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa agaasimaha u gudbisay cabashooyin ka yimid bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, kuwaas oo intooda badan aan haysan sharciyad rasmi ah oo ay dalka ku joogaan.

Sidoo kale, Safiir Fardowsa waxay xustay in maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay in loola dhaqmo sida dalalka EAC. Waxayna ku baaqday in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Uganda loola dhaqmo sida ardayda kale ee ka kala yimaada dalalka xubnaha ka ah EAC.

Dhankiisa, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa, ayaa ballanqaaday in cabashooyinkaas wax laga qaban doono, isagoo arrintaas kala kaashan doona Wasaaradda Arrimaha Urur Goboleedka Bariga Afrika ee Dowladda Uganda.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 22/04/2025

0

Talado 22, April  2025 {HMC}   Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Baarlamanka Azerbaijan oo ansixiyey heshiisyo ay wada galeen Soomaaliya & Azerbaijan

Talaado, 22 April , 2025 {HMC} Baarlamanka Azerbaijan ayaa ansixiyay “heshiiska iskaashiga dhinaca difaaca iyo warshadaha difaaca ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” sida ay baahisay warbaahinta dalkaas.

Wararka ayaa tilmaamaya in arrintan looga dooday kulanka guud ee Baarlamaanka Azerbaijan oo qabsoomay 22-kii April. Hindise-sharciyeedka ansixinta heshiiskan ayaa cod loo qaaday, waxaana lagu ansixiyay akhrintii koowaad.

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo saxiixay 12-kii Febraayo, 2025 magaalada Baku, iyadoo goob joog ay ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla garowsaday muhiimadda ay leedahay dhisidda madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taas oo fududeynaysa fulinta heshiisyada.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal, iyagoo diiradda saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo maamulka dowliga ah.

Heshiiskan ayaa loogu talagalay in lagu abuuro qaab sharciyeed oo rasmi ah oo lagu hagi karo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca. Waxaa sidoo kale lagu qeexay in fulinta heshiiskan ay waafaqsan tahay sharciyada gudaha iyo waajibaadka caalamiga ah ee labada dowladood, iyadoo la xaqiijiyay inaan iskaashigani noqon karin mid ka dhan ah dhinac saddexaad.

Heshiiska oo ka kooban 20 qodob ayaa qeexaya iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada difaaca iyo amniga milatariga, howlgalada nabad ilaalinta, booqashooyinka labada dhinac iyo isdhaafsiga khibradaha, tababarka iyo waxbarashada milatariga, warshadaha iyo tiknoolajiyadda difaaca, iyo kuwo kale oo badan. Dhinacyada iyo qaababka iskaashiga ayaa lagu soo bandhigay hoos.

 

{DAAWO MUQAALKA} Awooda AS oo si weyn loo dhimay iyo DF oo war cusub kasoo saartay.

0

Talado 22, April  2025 {HMC}  Awooda AS oo si weyn loo dhimay iyo DF oo war cusub kasoo saartay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Qaabka Dadka soomaaliyeed ay wax u beertaan oo la badalayo.

0

Talado 22, April  2025 {HMC}  Qaabka Dadka soomaaliyeed ay wax u beertaan oo la badalayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Faahfaahino kasoo baxayo qarax miino oo ka dhacay degmada deyniile

Talaado, 22 April , 2025 {HMC} – Wararka ka imaanaya Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu goor dhow ka dhacay Qarax nooca miinada ah goob ku dhow maqaayad yar oo kuwa lagu shaaxa ah oo ku taala Laamiga weyn ee Degmada Dayniile.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Miinada Qaraxeeda laga maqlay Xaafadaha ku yaala Degmada, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay inuu hal Qof oo rayid ah ku Geeriyooday.

Si gaar ah Goobtaan uu qaraxa uu uga dhacay waxaa lagu yaqaanaa inay tahay goob aad u saxmad badan xilliyada Duhuradii iyo Galbihii waxaana maqaayadda agteedi ku yaala Masjid lagu magacaabo Muumino Ceelbuur oo inta badan salaadda Janaasada lagula tukado Meydadka lagu aaso Degmadaasi Dayniile.

Ninka Qaraxa ku dhintay ayay dad Goob Joogayaal ah magaciisa ku sheegeen Caduur Maxamed Bariise sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen inay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof oo kamid ahayd dadkii maqaayada joogay.

Goobta qaraxa ka dhacay, ayaa waxaa u dhaweed goob ciidamada amaanka gaadiidka ku baaraan ,lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo qaraxa kasoo gaaray ciidamada goobta ka agdhawaa.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {22-04-2025}

Talaado 22, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & Shukri Baryare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

Xildhibaano iyo siyaasiin kasoo jeedo gobolka hiiraan oo ku shiray magaamada muqdisho

Talaado, 22 April , 2025 {HMC} Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ku matala beesha Xawaadle iyo siyaasiinta beesha ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan la xariiray dardargalinta dagaalka beesha kula jirto kooxda Al-shabaab.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa kulanka ku lafa guray sidii markale dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab loo xoojin lahaa, maadama kooxdu ay dib ugu soo laabatay deegaano ka tirsan Hiiraan oo horay looga saaray laba sano ka hor.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay in Xildhinaanada beesha iyo siyaasiinta kulanka isla garteen in dib boorka looga jafo dagaalka, isagoona xusay in beesha ay uga duwan tahay Al-shabaab beelaha kale.

“Xawaadle intuu ka barakici lahaa waxa uu ka doorta in god galaan oo la aaso, ma ahan wax dhici kara inaan shabaab ka barakacno waa inaan dagaalka dhiig cusub ku shubna oo aan Khawaariijta u midowno, maadama aan nahay beesha kaliya ee khawarijta uu kala dhaxeeyo dagaalka saxda ah” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa dhankiisa sheegay in Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beesha isla meel dhigeen in wax waliba laga hormariyo dagaalka Al-shabaab.

“Kulanka waxaa la iskula meel dhigay inaan balaarino oo kulame ka oo intaan ka badan la yeesho oo ka kala dhaca Xamar iyo Baledweyne, sidoo kalana dib loo dhigo balankii hore ee ahaa sadax bilood kadib in horumarka Hiiraan iyo tabashada beeshu qabtay wixii ka qabsoomay arintaas dib ayaan i dhigay sababo la xariira dagaalka cusub ee beesha markale khawarijta ku furtay, waana u maqanahay dadkeena, waana ku talana jirna arinka ay naga sugayeen, balse hada waa inaan dagaalka xooga saarna marka hore” ayuu yiri Xildhibaan Buraale.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab bishaan gudaheeda dib ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay kuwada dagaalamayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dowladda Federaalka oo shaacisay sababta axmed madoobe looga reebay shirka golaha wadatashiga qaran

Talaado, 22 April , 2025 {HMC} Wasiirka Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uusan ka qeyb geli karin shirka madasha wadatashiga ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada, ilaa uu ka laabto doorashadii lagu doortay ee dowladda Federaalku ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay doorashadii ka dhacday Kismaayo in ay ahayd mid Faaliso ah, isla markaana aysan waafaqsaneyn habraacyada iyo dastuurka dalka.

Wuxuu sheegay in haddii Axmed Madoobe doonayo inuu ka qeyb galo shirka madasha iyo wada-tashiyada siyaasadeed ee dalka, looga baahan yahay inuu si cad uga laabto doorashadaas.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga wuxuu sheegay in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaamka qof iyo cod laga qaban doono lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo labo degmo oo gobolka Jubbada Hoose ah.

Wuxuu intaas ku daray in haddii Axmed Madoobe uu diido in doorasho laga qabto Kismaayo iyo Afmadow, dowladda Federaalka ay doorashooyinkaas ka qaban doonto lix degmo ee hoos yimaada Gobolka Gedo.

 

Faahfaahin Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Talaado, 22 April , 2025 {HMC}  Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas goor dhaw ka dhacay Qarax, geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa nuuca miinada soo boodada ah, kaas oo uu ka dhacay maqaayad yar kuwa lagu shaaho ah oo kuyaalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan meel ku dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur.

Inta la xaqiijiyey Qaraxa waxaa ku dhimatay hal qof oo shacab ah kaas oo la sheegay in uu marayey goobta uu qaraxa ka dhacay, halka ay ku dhawaacmeyn saddex qof oo kale.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhaweyd goob ciidamada ammaanka ay ku baaraan gadaiidka.

Weli laamaha amniga gobolka wax war ah kama aysan soo saarin qaraxaan ka dhacay degmada Dayniile, balse waxa uu ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu amnigeeda isbadal uu ku yimi.