Home Blog Page 995

Xildhibaano iyo siyaasiin kasoo jeedo gobolka hiiraan oo ku shiray magaamada muqdisho

Talaado, 22 April , 2025 {HMC} Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ku matala beesha Xawaadle iyo siyaasiinta beesha ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan la xariiray dardargalinta dagaalka beesha kula jirto kooxda Al-shabaab.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa kulanka ku lafa guray sidii markale dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab loo xoojin lahaa, maadama kooxdu ay dib ugu soo laabatay deegaano ka tirsan Hiiraan oo horay looga saaray laba sano ka hor.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay in Xildhinaanada beesha iyo siyaasiinta kulanka isla garteen in dib boorka looga jafo dagaalka, isagoona xusay in beesha ay uga duwan tahay Al-shabaab beelaha kale.

“Xawaadle intuu ka barakici lahaa waxa uu ka doorta in god galaan oo la aaso, ma ahan wax dhici kara inaan shabaab ka barakacno waa inaan dagaalka dhiig cusub ku shubna oo aan Khawaariijta u midowno, maadama aan nahay beesha kaliya ee khawarijta uu kala dhaxeeyo dagaalka saxda ah” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa dhankiisa sheegay in Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beesha isla meel dhigeen in wax waliba laga hormariyo dagaalka Al-shabaab.

“Kulanka waxaa la iskula meel dhigay inaan balaarino oo kulame ka oo intaan ka badan la yeesho oo ka kala dhaca Xamar iyo Baledweyne, sidoo kalana dib loo dhigo balankii hore ee ahaa sadax bilood kadib in horumarka Hiiraan iyo tabashada beeshu qabtay wixii ka qabsoomay arintaas dib ayaan i dhigay sababo la xariira dagaalka cusub ee beesha markale khawarijta ku furtay, waana u maqanahay dadkeena, waana ku talana jirna arinka ay naga sugayeen, balse hada waa inaan dagaalka xooga saarna marka hore” ayuu yiri Xildhibaan Buraale.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab bishaan gudaheeda dib ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay kuwada dagaalamayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dowladda Federaalka oo shaacisay sababta axmed madoobe looga reebay shirka golaha wadatashiga qaran

Talaado, 22 April , 2025 {HMC} Wasiirka Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uusan ka qeyb geli karin shirka madasha wadatashiga ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada, ilaa uu ka laabto doorashadii lagu doortay ee dowladda Federaalku ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay doorashadii ka dhacday Kismaayo in ay ahayd mid Faaliso ah, isla markaana aysan waafaqsaneyn habraacyada iyo dastuurka dalka.

Wuxuu sheegay in haddii Axmed Madoobe doonayo inuu ka qeyb galo shirka madasha iyo wada-tashiyada siyaasadeed ee dalka, looga baahan yahay inuu si cad uga laabto doorashadaas.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga wuxuu sheegay in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaamka qof iyo cod laga qaban doono lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo labo degmo oo gobolka Jubbada Hoose ah.

Wuxuu intaas ku daray in haddii Axmed Madoobe uu diido in doorasho laga qabto Kismaayo iyo Afmadow, dowladda Federaalka ay doorashooyinkaas ka qaban doonto lix degmo ee hoos yimaada Gobolka Gedo.

 

Faahfaahin Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Talaado, 22 April , 2025 {HMC}  Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas goor dhaw ka dhacay Qarax, geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa nuuca miinada soo boodada ah, kaas oo uu ka dhacay maqaayad yar kuwa lagu shaaho ah oo kuyaalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan meel ku dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur.

Inta la xaqiijiyey Qaraxa waxaa ku dhimatay hal qof oo shacab ah kaas oo la sheegay in uu marayey goobta uu qaraxa ka dhacay, halka ay ku dhawaacmeyn saddex qof oo kale.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhaweyd goob ciidamada ammaanka ay ku baaraan gadaiidka.

Weli laamaha amniga gobolka wax war ah kama aysan soo saarin qaraxaan ka dhacay degmada Dayniile, balse waxa uu ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu amnigeeda isbadal uu ku yimi.

{DAAWO MUQAALKA} Macawisley oo goordhow Weerar geystay khasaaro kala duwan u qaaday AS.

0

Talado 22, April  2025 {HMC}  Macawisley oo goordhow Weerar geystay khasaaro kala duwan u qaaday AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Fartaag says Madobe must withdraw disputed vote to attend Somalia forum.

0

Tuesday 22,April -2025  {HMC} Federal Security Minister Gen. Abdullahi Ismail Fartaag says Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe) cannot attend the upcoming National Consultative Forum unless he retracts the regional election that led to his selection—an outcome the federal government has declared illegal.

Speaking on Universal TV on Monday, Fartaag said the November 2024 election in Kismayo, which saw Madobe secure a third term, violated Somalia’s legal procedures and lacked constitutional legitimacy. “If Ahmed Madobe wants to participate in national consultations, he must first withdraw his claim to that election,” Fartaag said in a televised interview Monday.

Jubbaland maintains the process was legitimate.

The federal government refused to recognize the election results and later issued an arrest warrant for Madobe, accusing him of treason and unauthorized disclosure of classified information. In response, Jubbaland suspended relations with Mogadishu and issued a counter-warrant for President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of conspiring with extremist groups and overstepping federal limits.

Tensions culminated in armed clashes in December 2024 between federal forces and Jubbaland troops in Ras Kamboni, a border town near Kenya. The violence left multiple casualties and temporarily pushed federal forces out of the area, further deepening the rift between the two sides.

Despite the standoff, Fartaag confirmed that one-person, one-vote local council elections will proceed in six districts of Gedo and two in Lower Juba. He warned that if Jubbaland authorities prevent elections from taking place in Kismayo and Afmadow, the federal government will continue the process in areas under its control.

“These elections are critical to the country’s move toward universal suffrage,” Fartaag said. “If local authorities attempt to obstruct that process, the federal government will act decisively to uphold democratic principles.”

The National Consultative Forum, organized by President Hassan Sheikh Mohamud, will bring together federal member state leaders to discuss key national issues, including electoral reforms and security coordination.

{DAAWO MUQAALKA} AS si buuxda Ayaan uga saarnay Godadkii Deegaanka Mubaax ee Gobalka Hiiraan Mana kasoo laabaneyno.

0

Talado 22, April  2025 {HMC} AS si buuxda Ayaan uga saarnay Godadkii Deegaanka Mubaax ee Gobalka Hiiraan Mana kasoo laabaneyno.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH-FAAHIN Laga bixiyay Hub badan oo laga burburiyay AS.

0

Talado 22, April  2025 {HMC} FAAH-FAAHIN Laga bixiyay Hub badan oo laga burburiyay AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Halka ay AS ka helaan Xogta Ciidanka oo la shaaciyay iyo DF qaadeysa talaabo deg-deg ah.

0

Talado 22, April  2025 {HMC} Halka ay AS ka helaan Xogta Ciidanka oo la shaaciyay iyo DF qaadeysa talaabo deg-deg ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} AS oo isaga baxay Gobolada Jubooyinka.

0

Talado 22, April  2025 {HMC}  WAR DEG-DEG AH:- AS oo isaga baxay Gobolada Jubooyinka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA