Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Shir Amniga looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa shir guddoominayay shirka amniga dalka gaar ahaan caasimadda, waxaana shirkan uu ka dhacay xarunta taliska ciidanka booliiska.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa lagu gor feeyay waxyaabihii ciidanka u qabsoomay isbuucaan, waxayaabihii qaldamay iyo sidii loo sixi lahaa qalaadka xlliyada qaar ka dhaca ciidanka ammaanka.

Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliiska gobolka Banaadir G/ Sare Macalin Mahdi ayaa ka warbixiyay Xaalada guud ee amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda , waxa uuna xusay in ciidanka qabteen shaqooyin fiican kana hortageen dhagaraha cadawga maleegeen.

S/guuto Sulub Axmed Firin taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay shaqada wannaagsan ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ka hayaan dalka, gaar ahaan caasimada Dalka ee Muqdisho.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliiska S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa amray dhammaan hoggaanada, fadhiyada Madaxa bannaan ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed in la dardar galiyo howlaha amni u gar gaarida dadka danta yar ka hortaga falalka lidka ku ah amniga.

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo ee Hiiraanweyn 20-5-2024

Isniin May, 20, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo shugri...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha iiraan iyo masuuliyiin kale oo shil Diyaaradeed ku Geeriyooday.

Isniin 20 May 2024 {HMC} Madaxweynaha iiraan iyo masuuliyiin kale oo shil Diyaaradeed ku Geeriyooday. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/xmfwWG8qPTI

WARARKA