Home Blog Page 1034

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {13-12-2025}

Axad 12, April-2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Sahro Gabre & Yaasiin Daacad

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Wajiga Kowaad ee wadahadallada Iiran iyo Maraykanka oo la soo gabagabeeyey

0

 Axad 13, April-2025 {HMC}  Wajiga Kowaad ee wadahadallada Iiran iyo Maraykanka oo la soo gabagabeeyey

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta dhagax dhigaya Qasriga madaxtooyada maamulka SSC Khaatumo.

Axad 13, April-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ayaa halkaasi ka wada kulamo looga hadlayo horrumarinta deegaannada maamulka SSC Khaatumo.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa dhagax dhigi doono mashaariic lagu horrumarinayo deegaannada maamulka SSC Khaatumo, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Howlaha uu qaban doono Ra’iisul wasaaraha maanta qabanayo ayaa waxaa kamid ah, Dhagax dhiga Madaxtooyadda SSC Khaatumo, Xarruunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xarrig jarka xarruunta NIRA.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sacaadihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay Odoyaasha Dhaqanka ee deegaannada SSC Khaatumo, isaga oo kala hadlay ilaalinta xasilloonida magaalada

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu tilmaamay midkii midnimada iyo horrumarinta dalka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {13.04.2025}

Axad 13, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Sidee xuska ciidamada xooga looga dabaal degay Mesegawaa?

0

 Axad 13, April-2025 {HMC} Sidee xuska ciidamada xooga looga dabaal degay Mesegawaa?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu toogtay dalka Koonfur Afrika.

Axad 13, April-2025 {HMC} – Waxaa xalay nin hubeysan oon wali heybtiisa la garan, ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, ku toogtay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Maxamuud Cabdiraxmaan Siyaad (Doolle) , oo kamid ahaa dhallinyarada magaaladaasi ku dhaqan.

Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee hotelka Nura oo ay ku sugnaayeen dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed, waxaana xilliga dilka dhacayay ninka la dilay iyo dhallinyaro kale oo la joogtay ahaayeen kuwa sheekeesanayay , sida laga arkay muuqaal ay duubtay kaamiradda CCTV.

Ninka dilka geestay ayaa goobta si degdeg ah uga baxsaday, mana jiro ilaa hadda cid aqoonsatay ama faahfaahin badan ka bixisay dilka iyo waxa keenay, ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika oo tagay goobta dilku ka dhacay ayaana sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan dilkan.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee nolosha u raadsaday dalka Koonfuir Afrika, ayaa si joogto ah loogu dilaa magaalooyin iyo tuulooyin dalkaasi katirsan, waxaana mararka qaar dhacda in Soomaalida dhaxdeeda in iyagu is dilaan.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay mashaariicda RW Xamsa uu ka dhagax Dhigaya Laascaanood?

0

 Axad 13, April-2025 {HMC} Maxay tahay mashaariicda RW Xamsa uu ka dhagax Dhigaya Laascaanood?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} War cusub oo kasoo kordhay dagaalkii Aboorey

0

 Axad 13, April-2025 {HMC} War cusub oo kasoo kordhay dagaalkii Aboorey

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Turkiga oo diyaarisay Markabkii Qodi laha shidaalka Soomaaliya.

Axad 13, April-2025 {HMC} – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta dultagay Maraakiibta loo diyaariyay qodista Shidaalka Soomaaliya oo ku sugan badda Madow.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS, oo ay socdaalka ku wehlinaayeen quburo ka socotay Dowladda Turkiga iyo guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed ayaa la kulmay Injineerada iyo quburada qodista Shidaalka Turkiga ee Markabka Fatih, kuwaasoo kusoo wajahan Soomaaliya si ay dhawaan u bilaabaan soo saarista Shidaalka dihan ee dalkeena.

Shaqada Sahminta Shidaalka Soomaaliya oo soo bilaabatay Dhammaadkii 2024 ayaa hadda maraysa meel gabo gabo ah.

Natiijada horudhaca ah ayaa muujinayso in lagu guulaystay Sahminta, waxaana taasi ka dhashay in Dowladda Turkigu ay Soomaaliya u soo dirto Maraakiibta qodista Shidaalka Soomaaliya.

Ra’iisul-wasare Xamza oo kulan gaar-gaar ah la yeeshay Isimada SSC-Khaatumo.

Axad 13, April-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Isimada ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamza ayaa uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sida qorshuhu yahay ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Laascaanood, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa hoggaanka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladaha ka jira deegaannada maamulkaas.

Waxaa kale oo la filayaa in Xamza Cabdi Barre uu xarigga ka jaro mashariic laga hirgeliyay halkaasi, kuwa kale oo cusubna uu u dhagax dhigo reer Laascaanood.

Sidoo kale inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn dhaqan-galka qorshahan, maadaama ay Somaliland si adag uga hortimid safarka Xamza.

Si kastaba, Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka heli karto dawlado waawayn oo uu ugu horreeyo Mareykanka, taas oo ay si weyn u diidan tahay dowladda federaalka.