Home Blog Page 1035

Dab Xoogan oo ka kacay gudaha xarunta madaxtooyada Dalka Sierra Leone.

Axad 13, April-2025 {HMC} – Dab ayaa ka kacay Sabtidii gudaha xarunta madaxtooyada Sierra Leone ee ku taalla bartamaha magaalada Freetown, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo dowladda. Madaxweynaha Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaan ku sugneyn dhismaha xilliga uu dabku kacay.

Sarkaal sare oo ka tirsan adeegga dab-damiska ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in dabka la xakameeyay kadib shan saacadood oo ay ciidamada dab-damiska si adag ugu howlnaayeen damintiisa.

Dabku ma geysan wax khasaare nafeed ah, balse wuxuu baabi’iyay dokumentiyo muhiim ah iyo qalab xafiiseed, sida uu sheegay sarkaalku.

Bayaan hore ee kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dabku ka kacay dabaqa saddexaad iyo kan afraad ee dhismaha State House, halka xafiiska madaxweynaha ee ku yaalla dabaqa labaad uu ka badbaaday waxyeello.

Sababta dabka dhalisay, oo billowday abaare 4:00 galabnimo (1600 GMT), weli lama xaqiijin, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac iyo qiiq madow oo ka baxaya daaqadaha sare ee dhismaha weyn ee caddaanka ah.

Mohamed Kamara, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay AFP: “Fiidkii maanta waxaan aragnay qiiq iyo dab xooggan oo ka baxaya daaqadaha iyo dabaqa ugu sareeya ee dhismaha.”

Booliiska ayaa xiray waddooyinka ku xeeran xarunta, iyadoo ciidamo amni iyo askar milatari ahna la geeyay goobta si loo sugo ammaanka.

Madaxweyne Bio ayaa haatan ku sugan dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb galayo shir caalami ah.

{DAAWO MUQAALKA} Taiwan oo sheegtay in Shiinaha dhaqdaaqyo ka wado hawada iyo badda Jasiiradaasi

0

 Axad 13, April-2025 {HMC} Taiwan oo sheegtay in Shiinaha dhaqdaaqyo ka wado hawada iyo badda Jasiiradaasi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu Daarnaa Safarka Madaxweeynaha Soomaaliya ee Turkiga?

0

 Sabti 12, April-2025 {HMC} Muxuu Daarnaa Safarka Madaxweeynaha Soomaaliya ee Turkiga?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} RW Xamse Abdi Bare oo Cawa kulama ka Bilaaway Laascaanood

0

 Sabti 12, April-2025 {HMC} RW Xamse Abdi Bare oo Cawa kulama ka Bilaaway Laascaanood

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 12-04 2025.

0

 Sabti 12, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay heshiiska ay wada Gaareen somalia and ukraine ?

0

 Sabti 12, April-2025 {HMC} Muxuu yahay heshiiska ay wada Gaareen somalia and ukraine ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.04.2025}

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Madaxwayne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Ujeedka safarka RW Xamse ku tagay Laascaanod.

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Raisal wasaarihiisu u tegay Magaalada Laascaanood sidii uu xal nabaddeed ugu raadin lahaa colaaddii Gobolkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shir ka dhacay Turkiga, ayaa waxa la weydiiyey socdaalka Raisul Wasaaraha, wuxuuna xusay in aan halkaas u tegin inuu xiisad abuuro.

“Raysal Wasaaraha wuxuu Laascaanood u tegey in uu abuuro jawi wada-hadal oo lagu xallin karo shaqadaaqadii halkaas oo aysan DFS qayb ka ahayn, Waxay kala haystaan maxaabiis welina majiro xal, marka waxaan rabnaa wado nabadeed oo shaqaaqadaan gudaha ah laga gaaro” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowladiisu ka xun tahay dagaalkaas, aysan qeyb ka aheyn, kana noqon doonin xalkana ka shaqeynayso.

Madaxweynaha ayaa la aaminsan yahay in madasha Antalya in uu warkan ka sheego ka dhigan tahay fariin siyaasadeed oo aysan aheyn wax fudud & dood madasha taalay.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa horey ugu sheegay xildhibaanada iyo wasiirada DF ee ka soo jeeda Somaliland in RW Xamse uu u tagay Laascaanood sidii uu ugala hadli lahaa Madaxda SSC-Khaatumo in lahelo wadiiqo wada hadal oo la xiriira maxaabiis is dhaafsig & isku furida bulshada ku kala dhaqan SSC khaatumo iyo Somaliland.

Somaliland oo qaaday talaabooyin ka dhan ah Safarka uu RW Xamse ku tagay Laascaanood.

Sabti 12, April-2025 {HMC} – Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay Safarka uu Raisal Wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood.

Waxay sheegtay in ay soomaaliya ay daandaansi ku wado dhulka Somaliland, iyadoo baaqna u dirtay Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika.

“Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood waxay ka dhigan tahay daandaansi aan qarsoonayn iyo xad-gudub ba’an oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliland. Falkan aan ka fiirsiga lahayn ayaa loo arkaa inuu yahay ku dhawaaqis dagaal.” Afhayeenka Dawladda Somaliland Xuseen Cumar Deyr.

Dhinaca, kale Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyey Socdaalka Raisal Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND

{DAAWO MUQAALKA} Heerka Waxbarasho ee Ardayda Xarunta Barirtanada iyo Tababarada Caafimadka ee United

0

 Sabti 12, April-2025 {HMC} Heerka Waxbarasho ee Ardayda Xarunta Barirtanada iyo Tababarada Caafimadka ee United

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA