Isniin 07, April-2025 {HMC} Maxaa khasaaro ah oo ka dhashay Weerarada lagu qaaday israa’iil.?
{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaan Ruun nirgood
Isniin 07, April-2025 {HMC} WAR DEG DEG AH Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaan Ruun nirgood
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Amaanka Puntland oo Dilay Saraakiil ka tirsan Daacish.
Isniin 07, April-2025 {HMC} Ciidamada Amaanka Puntland oo Dilay Saraakiil ka tirsan Daacish.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxwayne Xasan Sheikh oo kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha amniga.
Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda iyo saraakiisha hey’adaha qaabilsan sugidda ammaanka Muqdisho, kadib weerarro hoobiye loo adeegsaday shalay iyo maanta lagu qaaday Madaxtooyada Qaranka iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ah labada goob ee ugu muhiimsan Caasimadda.
Guddoomiye Yabooh oo metelayey maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ugu muhiimsan hay’adaha amniga ayaa hor fariistay caawa Madaxweynaha oo aad uga careysan weerarradii dhacay oo ilaa hadda aan cidna loo soo qaban ayaa su’aalo adag weydiiyey saraakiisha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee amniga qaabilsan weydiiyey sababta ay uga hortegi waayeen weerarradaas, hadii ay taas ku guul dareysteena ay u ugaan waayeen goobta laga soo tuuray iyo cidda soo riday.
Ilo wareedyo kulankaas uga waramay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku canaantay saraakiisha amniga sababta ay ku waayeen xogta magaalo ay 24-ka saac ka shaqeeyaan, galaan galka ay bulshada ku dhex leeyihiin ayuu sidoo kale su’aalo badan ka weydiiyey.
Madaxweynaha ayaa ugu goodiyey in saraakiisha amniga lagu xisaabi doono oo xabsi, baaritaan iyo xil ka qaadis ay wajihi doonaan hadii hoobiye dambe lagu soo rido Muqdisho, isagoo u muujiyey in wax dulqaad ah uusan u heynin amni darrada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa shalay ku dhiiraday inay gudaha Muqdisho isaga duubaan muuqaal, iyagoo Hoobiye ka ridaha gudaha caasimada, taasi oo abuurtay qalqal amni oo xoog leh, muuqaalkaas oo ragga hoobiyaha ridaya ay afka soo xirteen ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.
Amniga Garoonka Muqdisho ayey maanta saameyn ku yeesheen hoobiyaashii lagu soo riday, waxaana la xaqiijiyey inay hawada ka laabatay diyaaradda Turkish Airline, taas oo ka degtay dalka Jabuuti, kuna laabatay Ankara, dadka saaraa ee maanta Muqdisho ka soo dego waayey waxaa kamid ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maalmahaan ku maqnaa dalka Ingiriiska.
Guddoomiye Amiir oo hadda weysan diyaarad dalka keenta, kadib markii uu maanta ka laabtay hawada Muqdisho, hoobiyaha soo dhacaya dartiis ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Madaxweynaha oo ku amray inuu deg deg dalka u yimaado, maadaama ay socdaan qulqulatooyin amni, sidoo kalena ay socdaan shirarkii golaha wadatashiga qaranka.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {07.04.2025}
Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Garabka milatari ee Xamaas oo weerar gantaallo ah ku qaadday dhulka ay Israel heysato.
Isniin, Abriil 07, 2025;{HMC} Al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas, ayaa sheegtay in ay weerar gantaallo ah ku qaadday Magaalada Ashdod ee ka tirsan Dhulka ay Israel heysato si ay uga aargudato duqeymaha Israa’iil ka geysatay Gaza.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in laga soo tuuray ku dhawaad 10 gantaal dhanka Gaza, kuwaasoo badankooda la qabtay. Qaar ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay iyadoo qaar ka mid ah ay si toos ah ugu dhaceen magaalada.
Ambulance-ka Israa’iil ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin 4 goobood oo ay ku daateen burburka gantaallada, halka warbaahinta Israa’iil sheegtay in gantaallo dhaceen gudaha magaalooyinka la beegsaday.
Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa sheegay in weeraradan ay caddeynayaan in loo baahan yahay in aan la joojin dagaalka ilaa la baabi’iyo Xamaas.
Dhanka kale, duqeymaha Israa’iil ee Gaza ayaa sii socda, waxaana difaaca rayidka Gaza uu sheegay in ugu yaraan 44 qof lagu dilay Axaddii, oo ay ku jiraan 21 qof oo ku dhintay Khan Younis. Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo ka dhashay weerarrada.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {06-04-2025}
Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohammed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO
Guddiga Taakulada Dagaalka oo maanta yeeshay kulankii ugu Horeeyay + Qorshaha.
Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Waxaa maanta kulankoodii ugu horeeyey isugu yimid guddigii lala yaabay ee maalmo ka hor ay xukuumadda Soomaaliya u xil saartay taakulada dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana xubno ka ah Cali Xoosh, Cali Xaaji, Xagaa, Bashiir Goobe, Maxamed Amiir iyo Maxamuud Macalin, xulashada guddigaan ayaa abuurtay hadal-heyn, waxayna dad badan aragtidooda ku cabireen in dowladdu aysan dagaalka daacad ka aheyn.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee xubnaha Guddigaan ay maanta yeesheen, waxaana kulanka soo camiray wasiirro kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray garab istaagga ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka dagaallamaya qeybo kamid ah gobollada dalka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed “loogu baraarujin lahaa dhagarta ay kooxaha Khawaarijta ah u maleegayaan shacabka.”
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad, ayaa kulankaas ka sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Sidoo kale, wuxuu wasiirradii kulanka yimid ka dalbaday in si isku mid ah loo garab istaago ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka.
Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay gacan ka gaystaan difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga argagixisada ah.
Dadka Soomaaliyeed ee isha ku haya talaabooyinka ay qaadeyso dowladdu ayaa aad u falanqeeyey markii ay soo baxday magacaabidda ragaan.
Aragtida bulshada ayaa ku saleysan in xubnahaan aysan laheyn tayo loogu xil-saaro dagaalka argagixisada oo ah mid culus oo u baahay qof geesi ah oo ku dhac leh, waxna tari kara ciidamada ama keeni kara aragti lagu guuleysan karo.
Ciidamada Puntland oo hawlgallo ka sameeyay ceelka Bacool ee togga Miiraale.
Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Ciidamada difaaca dawladda Puntland oo hawlgallo lagu baadi goobayo firxadka kooxaha argagixisada Daacish ka sameeyay ceelka Bacool ee togga Miiraale.
Ciidamada ayaa intay hawlgallada kujireen gacanta ku dhigay 6-kamida gaadiidka Buuraha(𝐀𝐖𝐑) oo ay isticmaali jireen kooxaha ku dhuumaalaysanaya Calmiskaad gaar ahaan aagga Miiraale.
Sidookale ciidamadu waxay gubeen 𝐭𝐚𝐥𝐢𝐬𝐲𝐨 kooxahu ay ku lahaayeen Bacool dhinaca kalana waxay gaareen talisyo ay duqeeyeen saaxiibada dhanka cirka ka saacidaya hawlgalka 𝐇𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐜 halkaas oo lagu gaarsiiyay argagixisada jab xooggan.
Ciidamadu intii ay kujireen hawlgallada majirto wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen argagixisada, Duleedka Miiraale oo ahaa taliskii udanbeeyay ee kooxaha taagta daran kulahaayeen Calmiskaad oo aysan iska caabin kuwajihin ciidamadu ayaa muujinaysa jabka gaaray argagixisada taas oo ka dhigan dhammaadka kooxda Daac1sh ee Puntland iyo gabogabada wajiga 3-aad oo meel fiican maraysa.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 06-4-2025.
Axad 06, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.



