Axad 06, April-2025 {HMC} Taliyaha Howlgalada gaarka Mareykanka ee Afrika oo la kulmay Madaxweyne Deni
{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis Daacish ah
Axad 06, April-2025 {HMC} Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis Daacish ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Uganda oo dhawaan safar ku tagaya Muqdisho.
Axad 06, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Uganda oo dhawaan safar ku tagaya Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka oo faafaahin ka bixiyey dilka taliyihii guutada 14-ka October
Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay dilkii shalay loo loo gaystay Alle ha u naxariistee Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo ahaa taliyihii guutada 14-ka October oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose.
Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan dhacdadaasi, wuxuuna tilmaamay inuu jiro isku milan ciidanka iyo cadowga, taasina ay fursad siineyso Al-Shabaab.
Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xusay halista soo korortay ay keentay marxaladda dagaal ee haatan lagu jiro, wuxuuna ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri ah, si looga taxadaro dhagarka kooxaha Khawaarijta.
“Waan ognahay xilliga lagu jiro maanta waxaan kala soocneen cadowgii iyo ciidanka ayaa is dhex-galaya, sababtuna ay tahay marxaladda lagu sugan yahay oo aan ciidanka gudihiisa ay ka imaan karto inay soo galaan wax u adeegaya cadowga” ayuu yiri taliyihii hore.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Weli xog ma dhab ah ma hayno, waayo ninku ma ciidan ayuu ahaa ma nin lasoo adeegsaday oo ciidanka ahayn ayuu ahaa waxa dhan waxay kala cadaan doonaan marka ay soo dhammaato baarista hadda la galay”.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dilka loo gaystay Taliye Nuur Farey wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo geesi ah, una soo shaqeeyay qaranka.
“Nuur Farey wuxuu ahaa nin in muddo ah ciidanka ku dhex jiray, geesi ahaa, waana ka xumahay dilka loo gaystay’ ayuu mar kale wareysiga ku yiri Ibraahim Sh, Muxyadiin.
Alle ha u naxariistee taliyaha ayaa goortii la dilay ku sugnaa xerada guutada Cumar bin Khadaab, ninka dilay ayaa ka soo dhex baxay ciidankaas, wuxuuna ku lebisnaa tuutaha ciidamada Xoogga dalka.
Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo ka wada hadlayo horumarinta afrika
Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Imaaraada Carabta iyo Turkiga ayaa yeelanay wareegga labaad ee kulamo ka dhacaya magaalada Abu Dhabi, kuwaasi oo looga hadlayo
xaaladda Afrika, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Burhanettin Duran, iyo Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Shahbut bin Nahyan Al Nahyan, ayaa si wadajir ah u guddoomin doona wada-tashiyada.
Wadahadalladu waxay diiradda saari doonaan isbeddellada ka socda Afrika waxayna sahmin doonaan meelaha suurtagalka ah ee iskaashi, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiyada guud ahaan qaaradda.
Go’aanka lagu qaatay in si joogto ah loo yeesho wada-tashiyo ku saabsan Afrika ayaa la gaaray intii lagu jiray booqashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku tegay Imaaraadka Carabta bishii Febraayo 2022, kaddib kulan dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.
Kaddib heshiiskaas, wada-tashiyadii ugu horreeyay ee u dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsan Afrika ayaa ka dhacay magaalada Ankara 10-kii Oktoobar, 2023.
RW xamse oo sheegay inuu magaaalada laascanood tegayo
Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijiyay inuu booqan doono magaalada Laascanood ee gobolka Sool kadib markii maalmahaan la is dhex marayay in Ra’iisul wasaaraha booqan doono magaaladaasi.
Hadalkaan ayuu ka sheegay isagoo ka qeyb galayay xaflad xil wareejinta ee ka dhaceysay wasaradda Gaashandhiga oo ay wasiirka cusub ee Gaashandhiga iyo midkii hore ay xilalka ku kala wareegayeen, waxa uu xusay in ujeedka booqashadiisa ay noqon doonto xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo iyo Dowladda federaalka.
“Waxaan booqan doonaa magaalada Laascanood balse waa waqti go’an oo ay kawada shaqeyn doonaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hogaanka Maamulka SSC Khaatumo ee waxaan rajeenayaa in iyaga aan ka war sugno” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.
Waxa uu shaaca ka qaaday in booqashadiisa aysan ahayn mid wax loogu dhimayo degaan ama Maamul Soomaaliyeed ama lagu kala fogeenayo dadka Soomaaliyeed balse waxa uu ku tilmaamay inuu yahay mid laisku soo dhoweenayo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka KMG SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa warbaahinta u sheegay iney u diyaar garoobeen soo dhoweynta Raysal wasaare Soomaaliya.
“Waxaan u diyaar garoownay imaanshaha Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la filayo inuu yimaado magaalada Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Diinta iyo Awqaafta maamulka SSC Khaatumo Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Duqeyn lagu qaaday fariisimihii Daacish ee Puntland
Axad 06, April-2025 {HMC} FAAH FAAHIN Duqeyn lagu qaaday fariisimihii Daacish ee Puntland
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Koox Oromo kasoo goosatay Daacish oo isku dhiibtay ciidamadda Puntland
Maamulka Puntland ayaa sheegay in saddex nin oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo aan hubaysnayd ay isku soo dhiibeen gacanta ciidamada ammaanka.
Raggan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, balse aan la shaacin magacyadooda, ayaa la xaqiijiyay inay u tageen dad reer miyi ah oo ku nool dhul tirsan buuralayda Calmiskaad, iyagoo sheegay inay kasoo baxsadeen gacanta Daacish ayna doonayaan inay isku dhiibaan ciidamada Puntland.
Afhayeenka howlgalka buuraha Calmiskaad, Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), ayaa warbaahinta u sheegay in raggan ay u muuqdaan kuwo lagu khasbay inay ku biiraan una dagaalamaan Daacish, balse ay heleen fursad ay kusoo baxsadaan.
Waxa uu sheegay in saddexda nin la geeyay deegaanka Buruc oo hoos yimaada magaalada Boosaaso, halkaas oo loogasii wareejindoono magaalada Boosaaso, si loogu wareejiyo hay’adaha dambi baarista, si ay wareysiyo ula yeeshaan.
Jeneraal Faadhigo ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka horey u hayeen xog muujinaysa in qaar badan oo kamid ah u dagaalamayaasha Daacish si khasab ah loo qortay. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan xubno lagu dilay isku daygoodii baxsasho darteed.
“Nimankaan caddaanka ah, meel kasta oo ay kasoo jeedaan, waa niman caalami ah. Ma ahan kuwo si sahlan isudhiibiya, in la dilo ayaana ka fudud. Taasi waa waxa ay ku kala duwan yihiin iyaga iyo kuwa Itoobiyaanka ah,” ayuu yiri Jeneraal Faadhigo.
Dhinaca kale, afhayeenka ayaa sheegay in talisyo muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku lahayd buuralayda Calmiskaad laga saaray kaddib duqeymo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah.
Wuxuu sidoo kale xusay in ciidamadu ay tageen goobihii laga saaray Daacish, halkaasna ay ka heleen xabaalo wadareedyo loo malaynayo inay ku aasan yihiin xubno ka tirsan Daacish.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in laamaha amniga ay hayaan xog sheegaysa in xubnihii Daacish ee ku sugnaa togga Miiraale ay firxad yihiin, isla markaana lala socdo dhaqdhaqaaqooda, balse afhayeenku ma sheegin deegaanka ay ku sugan yihiin.
Afhayeenku wuxuu sheegay in muddo todobo cishe ay ku qaadanayso in lasoo afjaro Daacishta firxadka ah, wallow aan ogayn tirada ay yihiin dagaalamaya Daacish ee weli ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmiskaad.
Mareeykanka oo doonayo xidhiidh uu la yeesho Soomaaliland
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay qorshe ay xidhiidh kula yeelanayso Somaliland, xilli Maraykanka ay ka socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.
Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay inuu baryahanba si qoto dheer u dersayay sidii Washington xidhiidh ula yeelan lahayd Somaliland. Wuxuu hadalkaasi kaga jawaabay faallo uu qof reer Somaliland ah ku qoray bartiisa X (Twitter).
Faallada uu Landau ka jawaabay, oo uu qoray qof magaca Burco Kid, kusoo gala barta X, ayaa u dhignayd sidan: “Shaqo wanaagsan Xoghaye ku-xigeen, fadlan dhaqaalaha oo dhan ka jar Soomaaliyada guuldarraysatay ee xerada u ah argagixisada. Somaliland waxay diyaar u tahay inay Berbera ku martigeliso xulafadeeda Maraykanka si looga hortago saamaynta Shiinaha.”
Landau oo si toos ah uga jawaabay soo jeedinta Burco Kid ayaa yidhi: “Arrintan si dhow ayaan u eegayay baryahanba,” taasoo muujinaysa in Dowladda Maraykanku ay ka fikirayso inay si toos ah xidhiidh ula yeelato Somaliland. Dhawaan, warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in wadahadallo hordhac ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland ay bilaabeen Somaliland iyo Maraykanka.
Siyaasiyiinta Maraykanka ee u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa ku doodaya in Somaliland tahay dimuqraadiyadda kaliya ee Geeska Afrika ka jirta, isla markaana ay tahay goob istaraatiji ah oo nabdoon, taasoo diidday inay xidhiidh la yeelato Shiinaha. Sidaas darteedna, ay noqon karto furaha hawlaha ilaalinta Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo ka hortagga saamaynta Shiinaha iyo Iiraan ee gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda wada dadaallo ay kaga hortagayso in xidhiidh toos ah dhex maro Washington iyo Hargeysa. Sida la wariyay, waxay waraaqo u dirtay Madaxweyne Trump iyo dadka saameynta ku leh siyaasadda Mareykanka sida Elon Musk, si ay ugu qanciso maamulka Trump inuu ka baaqsado xidhiidhka Somaliland.
Hadda waxaa dalka Maraykanka ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, oo sheegay in la joogo waqtigii la aqoonsan lahaa Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in bulshadu si mideysan uga qaybqaadato xaqiijinta himiladaasi.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 4/06/2025
Axad 06, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn



