Home Blog Page 1077

Puntland Oo Ka Hor Timid Baaqii MW Xasan Sheekh

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay Gogosha wada hadalka ee ay Dowladda Federaalka u fidisay dhammaan maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyada oo sheegtay in ay dagaal ku jiraan aysan hadda waqti u hayn.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gogosha ay dowladda federaalka u fidisay ay tahay mid ka timd beesha caalamka, iyaga oo la faray in ay dadka isku keento.

“Xasan Beesha Caalamka baa dadka isku keen ku tiri, Deni waqti ma hayo uu Xasan ku hor fadhiisto, rasaas iyo tuute ayuu qaybinayaa, waa abaan duule dagaal hoggaaminaya.” ayuu yir, Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Hadalkaan wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku soo aadeyso xilli dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay fidisay gogol looga arrinsanaayo arrimaha masiirka dalka, iyada oo loogu baaqay in ay ka qeyb galaan maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 2/4/2025

Arbaco 2, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

&;

{DAAWO MUQAALKA} Dhiira galin loo Sameyey Ciidamo ku sugan Galmudug.

Arbaco 2, April 2025 {HMC}Dhiira galin loo Sameyey Ciidamo ku sugan Galmudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sideey Reer Baladweyne Uga Falciliyeen Gogasha uu Ku Baaqay MW Xasan Sheikh?

Arbaco 2, April 2025 {HMC} Sideey Reer Baladweyne Uga Falciliyeen Gogasha uu Ku Baaqay MW Xasan Sheikh?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Kulan isku xer iyo Wadatashi oo Lagu Qabtay Degmada Mahas laguna Xoojinayo Xiriirka Bulshada iyo Booliska.

2-April 2025 {HMC}  Maxaas : Iyadoo laga jawaabayo baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka shacabka iyo laamaha amniga, Wasaaradda Amniga Gudaha ee HirShabelle iyo Taliska Booliska Gobolka Hiiraan, oo kaashaneysa taageerada UNDP-Japan, ayaa si wadajir ah u qabtay saddex kulan wadatashi oo ka dhacay degmada Mahas intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025.

Ujeeddada kulamadan ayaa ahayd in la dhiso jawi wadashaqeyn iyo kalsooni ku saleysan oo u dhexeeya bulshada iyo booliska, loona gogol xaaro qaab amni oo ay bulshada hoggaaminayso.

Kulamadu waxay siiyeen madal muhiim ah oo wada-tashi, qorshe wadajir ah, iyo kobcinta wada-fahamka ay yeeshaan mas’uuliyiinta degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, ururrada bulshada rayidka, iyo saraakiisha booliska.

Kulanka wuxuu ka koobnaa bandhigyo is-dhexgal ah, doodo kooxeed, ciyaaro door-ku-ciyaarid (role plays), fadhiyo qorsheyn ah iyo wacyigelin dadweyne.

Ka qeybgalayaashu waxay kasoo kala jeedeen tuulooyin kala duwan oo hoos yimaada degmada Mahas si loo xaqiijiyo metelaad dhab ah oo bulsho.

Kulamadu waxay fursad u siiyeen bulshada deegaanka in si xor ah ay u cabbiraan aragtidooda, khibradahooda, iyo xalalka ay u arkaan mid wax ku ool ah. Dadka ayaa si furan uga hadlay:

• Mas’uuliyadda wadajirka ah ee nabadda lagu gaari karo.
• Baahida loo qabo go’aan qaadasho loo dhan yahay.
• Kaalinta dhalinyarada ee ka hortagga dambiyada.
• Sida xalinta khilaafaadka dhaqanka loogu dari karo nidaamka boolisnimo ee rasmiga ah.

Kulamada wadatashiga ee ka dhacay Mahas waxay noqdeen madal horseed u ah isfaham cusub oo dhexmara bulshada iyo booliska, taas oo loo baahan yahay in la joogteeyo.

Waxaa si cad loo arkay rabitaanka bulshada ee ah in laga qeybqaato amniga, lagana qeyb galo qorsheynta horumarka deegaanka.

Waxaa lagu talinayaa in la sii xoojiyo wadashaqeynta noocan ah, lana taageero dadaallada sare loogu qaadayo kalsoonida shacabka iyo tayeynta booliska iyadoo la adeegsanayo barnaamijyo la jaanqaada xaqiiqada deegaanka.

Somaliland oo ka digtey safarka uu RW xamse ku tegayo laascaanood

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si weyn uga horyimid qorshaha ra’iisul wasaare Xamza ee ku aadan safarkiisa magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland, Axmed Faarax Cismaan ayaa ka digay safarka ra’iisul wasaaraha ee deegaannada SSC-Khaatumo, wuxuuna sheegay inuu ka qoomameyn doono booqashadiisa Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu rabo in dagaal uu ka dhex huriyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo horay ugu dagaalamay Sool iyo Sanaag.

“Ra’iisul wasaare Xamza wuxuu rabaa inuu Laascaanood yimaado, isaga oo sida mashruuc ah in dagaalo laga bilaabo Sanaag iyo Sool” ayuu yiri Axmed Faarax.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan uga digayaa ninka Raiisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobolada Sool iyo Sanaag”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Xamza iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin raggii ka dambeeyay dagaalladii ka dhacay Laascaanood, welina ay faraha kula sii jiraan.

“Xamza oo kaashanaya Xasan Sheekh waa maskaxdii ka danbesay dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Laascaanood. Xamse wuxuu ahaa ninkii ciidankii Somalia ee lagu soo tababaray dalalka Turkey iyo Eritrea Laascaanood geeyay isagoo uga Dan lahaa Qorshe lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan lagu wado in ra’iisul wasaare Xamza uu baxo booqasho uu ku tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, isaga oo u kuur-geli doono xaaladaha ka jira magaaladaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xamza uu maalmaha soo socda u bixi doono Laascaanood, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho indho-indheyn ah, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal.

Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.

Si kastaba, socdaalka wafdigan sare ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC oo weli dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah, tan iyo markii uu dagaal adag la galay maamulka Somaliland.

Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Mareykanka oo sheegay in musuq maasuq ka jiro qaar kamid ah Hay’addaha dalkaasi

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hay’addaha maamulka maaliyadda dalkaasi ay si khalad ah u bixiyeen ama musuq maasuqeen lacag gaareysa $236 bilyan oo Dollar kaliya sannadkii 2023.

Warbixin Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Tan iyo 20-kii sano ee la soo dhaafay, guud ahaan lacagaha si khaldan loo bixiyay ay gaareen $2.7 tirilyan, taasoo muujinaysa dhibaato muddo dheer taagnayd.

Warbixin waxay muujisay in lacagaha sida khalad loo bixiyay ay hoos u dhaceen $11 bilyan marka la eego sanadkii hore.

Guud ahaan, shan barnaamij oo waaweyn ayaa la tilmaamay in laga soo calaameeyay khaladaadka ugu badan, kuwaa oo ka ah 79% dhammaan khaladaadka dhacay sanadkii la soo dhaafay, waxaana kamid ah Medicare, Medicaid, Pandemic Unemployment Assistance, Earned Income Tax Credit (EITC), iyo Paycheck Protection Program (PPP) Loan Forgiveness.

Barnaamijka Medicaid oo $30 bilyan oo dollar lacago khaldan la bixiyay ayay arkeen xisaabiyeyaasha, halka Barnaamijka caymiska shaqo la’aanta isna lacagaha la musuq maasuaqay ka bateen $44 bilyan.

Sababta barnaamijyadan ay ugu badan yihiin khaladaadka waa in ay si toos ah lacag ugu shubaan dad badan, taasoo u sahleysa in khaladaad dhacaan ama ay musuqmaasuq la kulmaan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto in ay yareyso khaladaadkan, iyadoo xoogga saareysa xisaab celin sax ah, hagaajinta nidaamka maaliyadeed, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Israel to expand military operation and seize ‘large areas’ of Gaza.

Wednesday 2,April -2025 {HMC} Israeli Defence Minister Israel Katz says the military will expand its operation in Gaza and seize “large areas” of the territory – incorporating them into what he described as “security zones.”

In a statement on Wednesday, Katz said the expanded operation aimed to “destroy and clear the area of terrorists and terrorist infrastructure”, and would require a large-scale evacuation of Palestinians.

It comes as local hospitals said at least 15 Palestinians were killed in the territory overnight.

The Hamas-run civil defence agency said first responders had recovered the bodies of 12 people, including children, from a home in the Khan Younis area.

There have been reports of extensive Israeli air strikes and shelling along the Egypt border and there is a growing sense that a new major Israeli ground offensive is looming in Gaza.

This week, Israel’s military ordered an estimated 140,000 people in Rafah to leave their homes and issued new evacuation orders for parts of northern Gaza.

Carruur Ku dhimatay Qarax Miino oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo miino oo ay ku dhinteen carruur ay dhaleen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxyadan oo ahaa kuwa dhulka la geliyo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo tuulooyinka u dhow, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay carruur iyo xaasas ay dhaleen xubnaha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa ka hadlay dhacdadan, wuxuuna xaqiijiyay in carrruur iyo xasaas u dhaxa xubnaha Al-Shabaab ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadaasi.

Waxa uu tilmaamay in qaraxyada ay si gaar ah uga dhaceen deegaannada ay howlgallada ka socdaan, isaga oo ku eedeeyay in Al-Shabaab ay dhibaatadaasi la rabeen dadka shacabka ah iyo ciidamada isbaheysanaya ee howlgallada ka wada halkaasi.

“Maanta waxa ay u baahan yihiin in laga bad-baadiyo ilmahooda iyo naagahooda, meeqo carruur ah ayaa darraad iyo shalay ku dhintay miino ay iyaga dhigeen oo ilmahoodi ah ogaada maanta waxaan rabnaa inaan ka bad-baadino ilmahooda?” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in Khawaarijta aysan naxeyn, ayna usoo jeesatay leynta dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah.

“Waxaad kale oo ogaataan nimankaas cadowtimada ay qabaan in aysan qof u aabe yeeleen, ninkii hooyooyinkoodii iyo ilmahoodii inta miino u dhigo oo qarxiya asxaan miyay leeyihiin?”. ayuu kusii daray.

Dhanka kale, guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hadalkiisa wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

“Go’aankeennu waxa uu yahay inaan Shabaab dhulkaan ka tirtirno wax kale qorayga uma wadano, ogaadana dagaalkan inuu yahay naf-hurnimo oo jihaad ah” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay dagaal kula galeen ciidamada dowladda, inkastoo markii dambe laga saaray, kadib duqeymo lagu garaacay halkaasi.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay culeys soo saartay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo dib ula wareegtay deegaanno horay looga qabsaday, waxaase hadda soconayo guluf culus oo ay dhankeeda wado dowladda dhexe.

Somali FM congratulates Djibouti’s new Foreign Minister in a phone call

Wednesday 2,April -2025 {HMC} Somali Minister of Foreign Affairs, Amb. Ahmed Moallim Fiqi congratulated Djibouti’s newly appointed Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Amb. Abdoulkader Houssein Omar, during a phone call on Tuesday.

Minister Fiqi reaffirmed the historic and enduring ties between Somalia and Djibouti, highlighting the countries’ shared vision of regional cooperation, stability, and mutual development.

He expressed confidence in Minister Abdoulkader’s ability to enhance regional diplomacy and further common strategic goals.

The two diplomats discussed deepening bilateral relations, expanding collaboration in regional and international forums, and strengthening strategic partnerships across the Horn of Africa.

Amb. Abdoulkader Houssein Omar, Djibouti’s former ambassador to Kuwait and Jordan, was appointed to the post by presidential decree on Tuesday, replacing long-serving foreign minister Mahamoud Ali Youssouf. Youssouf was recently elected Chairperson of the African Union Commission after nearly two decades in Djibouti’s top diplomatic post.

The decree was signed by President Ismail Omar Guelleh, who has led Djibouti since 1999 and is expected to step down at the next presidential election scheduled for 2026.