Home Blog Page 1078

Türkiye expands security role in Somalia with advanced military support

Wednesday 2,April -2025 {HMC} Türkiye has taken a more active role in enhancing Somalia’s security, supporting both the country’s administration and military in counterterrorism efforts.

Following a visit by Somali President Hassan Sheikh Mohamud to Ankara, where he met with Turkish President Recep Tayyip Erdogan, it was agreed that the Somali-Turkish Task Force (STGK) will assist Somalia’s army in tactical counterterrorism planning, Caliber.Az reports, citing the Turkish newspaper Türkiye.

Sources emphasized that Turkish forces will not engage in direct combat against the terrorist group Al-Shabaab. However, security measures for the STGK command have been heightened to the highest level.

Türkiye has steadily increased its military support to Somalia. After deploying Bayraktar TB2 drones in 2022, Ankara recently delivered AKINCI attack UAVs via an A400M military transport aircraft. The new drones were operational soon after their arrival.

Additionally, Somalia has entered discussions with Türkiye to acquire T129 ATAK attack helicopters, further strengthening its national security and counterterrorism capabilities.

 

Senetor Mareykan ah oo jeedinayay khudbad 25 saacadood uu ku dhaliilayay MW Trump

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Senator Cory Booker, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee New Jersey, ayaa galay taariikhda Talaadadii kadib markii uu jeediyay khudbad socotay in ka badan 25 saacadood, taasoo jebisay rikoorkii hore ee uu dhigay Senator Strom Thurmond.

Booker, oo horey u soo noqday duqa magaalada Newark, ayaa khudbaddiisa u adeegsaday dhaliil xoogan oo uu u jeediyay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

Intii uu hadalkiisa jeedinayay, wuu yareeyay nasashada, marka laga reebo daqiiqado kooban oo Baarlamaanku su’aalo weydiinayeen.

“Waxa dhacay 71-kii maalmood ee la soo dhaafay waa wax aan loo dulqaadan karin, waana in cadaadis la saaro si wax loo beddelo,” ayuu yiri Booker, isaga oo muujinaya dareenkiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Khudbaddiisa oo ahayd mid si weyn loo hadal hayay, ayaa kusoo beegantay xilli uu xisbiga Dimuqraadigu dadaal ugu jiro in wax laga beddelo qaar ka mid ah siyaasadaha Trump.

dagaal beeleed ka socda galbeedka gobolka Mudug

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyo laba Maleeshiyo oo ka socdo inta dhaxeysa deegaannada Jiicboor iyo saax quran ee galbeedka gobolka Mudug.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil, welina la maqlayo rasaasta ay dhinacyada is weedaarsanayaan.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, wallow aan weli laheyn tirada rasmiga ah.

Waxaa soconaya baaqyo iyo dadaallo la doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo beelaha ku dagaalamaya galbeedka Gobolka Mudug.

Dagaal beeleedyada ayaa ku soo laab laabtay deegaannada gobollada Dhexe gaar ahaan, waxaana jira kulamo nabadeed oo lagu xalliyay colaad hore halkaasi uga taagna.

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal ka socda Gobolka Mudug.

Arbaco 2, April 2025 {HMC} Dagaal ka socda Gobolka Mudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal ka dhacay Ceelka Miraale ee Puntland.

Arbaco 2, April 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal ka dhacay Ceelka Miraale ee Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno AS ah oo isku soo dhiibey

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Xubnahaan katirsanaa Kooxda Al shabaab ay kaga biireen Gobolada Bay, Bakool iyo Jubooyinka, waxayna Xubnahaan Goob joog u ahaayeen Dagaalo lagu naafeeyay saaxiibadooda ku jiray Al shabaab oo ka kala Dhacay Gobolada Bay, Bakool iyo Buulo Xaaji oo katirsan Jubbaland.

Dhammaantooda afarta Xubnood oo ay Koonfur Galbeed soo bandhigtay ayaa xusay in muddo ay ku taamayeen sidii ay naftooda ugala soo baxsan lahaayeen Kooxa Al shabaab balse ay ku adkaatay fursadaasi.

Waxa ay shaaca ka qaadeen inay u dulqaadan waayeen duqeymaha diyaaraha oo lagu bartilmaameysaday in badan oo saxiibadooda kamid ah iyagoona xusay in iyagu dhowr mar ay duqeymaha diyaaraha ka badbaadeen.

Ugu dambeeyay dhalinyarada kale ee Kooxda kamid ka ah ayay u rajeeyeen inay qaadaan wadiiqad lamid ah midka ay iyagu iskugu dhiibeen Maamulka Koonfur Galbeed waxaana ay ka mahadceliyeen soo dhoweyn ay sheegen inay ka heleen taliska Booliska gobolka Bay.

Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lala beegsaday Daacish

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska ciidamada Mareykanka AFRICOM ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo gobolka Bari lagula beegsaday kooxda Daacish.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta si gaar ah loogu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Daacish oo isku aruursanayay Koonfur bari magaalada Boosaaso.

Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkaan uu ahaa mid lagu taageerayay dadaalada ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ugu jiraan sidii ay deegaanadooda uga ciribtiri lahayeen kooxda Daacish.

Warsaxafadeedka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalkaan lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Duqeyntaan laga fuliyay Koonfur bari Boosaaso ayaa kusoo aadeysa, iyadoo bilahii lasoo dhaafay deegaano ku yaala gobolka Bari, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ay ka socdeen dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ee fariisimaha waa weyn ka sameystay gobolka Bari.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Turkiga oo Markale Diyaarado Casri ah ugu Deeqayso Soomaaliya.

Arbaco 2, April 2025 {HMC}Dowladda Turkiga oo Markale Diyaarado Casri ah ugu Deeqayso Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.04.2025}

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG Raisul wasaare Xamse oo ku wajahan Laascaanood.

Arbaco 2, April 2025 {HMC} WAR DEG DEG Raisul wasaare Xamse oo ku wajahan Laascaanood.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA