Home Blog Page 1079

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay saameeynta ka dhalan ka karta Caruurta Maalmaha Ciida Qalabka ay ku Ciyaaraan.?

Arbaco 2, April 2025 {HMC}Maxay tahay saameeynta ka dhalan ka karta Caruurta Maalmaha Ciida Qalabka ay ku Ciyaaraan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan magaalada Laascaanood.

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa lagu wadaa in ay safar ku tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Booqashadan oo la filayo in ay dhacdo maalmaha soo socda ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka DFS iyo maamulka SSC-Khaatumo. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la kulmi doona madaxda maamulka SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu socdo socdaalka, waxa la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo. Dad badan ayaa socdaalkan u arka mid sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC-Khaatumo oo weli Dowladda Federaalka u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah.

Magaalada Laascaanood ee Ra’iisul wasaare Xamse tagayo ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalkan ayaa la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.

Waa markii ugu horreysey taariikhda muddo 56 sano ah Mas’uul xil sare ka haya dowladda Federaalka tago magaalada Laascaanood, tan iyo sannadkii 1969, markaasi oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, isaga oo booqasho halkaasi ku jooga lagu dilay.

Türkiga oo sare u qaaday taageerada u siiyo Soomaaliya ee dhanka hawlgallada.

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Türkiye ayaa sare u qaaday taageerada ay siiso Soomaaliya ee hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo geysay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn (UCAV), bixisay tababbarro milatari, isla markaana xoojisay iskaashiga difaaca labada dal, sida laga soo xigtay wargeyska Türkiye Daily.

Türkiye ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay diyaarado casri ah oo aan duuliye lahayn oo ay soo saartay shirkadda Baykar, sida Bayraktar TB2 iyo diyaaradaha dagaalka ee Akinci, taasoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu sugayo amniga qaranka Soomaaliya.

• Diyaaradaha Bayraktar TB2 ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya la keenay sannadkii 2022 si ay u taageeraan hawlgallada sahanka iyo weerarrada bartilmaameedsan.

• Diyaaradaha Akinci UCAV oo dhawaan Soomaaliya loo keenay iyadoo la adeegsanayo diyaaradda gaadiidka milatariga ee A400M ayaa durba hawlgallo billaabay.

• Waxaa socda wadahadallo lagu keenayo helikobtarada T129 Atak si loo kordhiyo awoodda dhaqdhaqaaqa iyo weerarrada ka dhanka ah argagixisada.

Diyaaradahan ayaa hadda si firfircoon loogu isticmaalayaa ilaalinta dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Turkiga ayaa tababarro milatari oo ballaaran siinaya ciidamada Soomaaliya, iyadoo loo marayo Taliska Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (oo loo soo gaabiyo STGK), kaas oo si dhow ula shaqeeya dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee, ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada Turkigu aysan ka qaybqaadan doonin dagaallada tooska ah.

Doorka ciidamada Turkiga ayaa ku koobnaan doona bixinta taageero farsamo iyo talobixin la xiriirta howlgalka ciidamada Soomaaliya ee la dagaallanka kooxaha argagixisada. Ammaanka xarunta ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la xoojiyay, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dhowaan dhacay.

Taageerada milatariga ee ballaaran ee Türkiye
Soomaaliya ayaa ka mid ah 47 dal oo kaalmo milatari ka hela Türkiye. Ankara ayaa sii wadday inay saameynteeda ku xoojiso gobolka iyadoo toos u bixisa taageerada difaaca, iskaashiga milatariga, tababarrada iyo hubka, taasoo waafaqsan danaha istaraatiijiga ah ee ay ka leedahay Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Ankara kadib markii uu ka badbaaday isku day dil oo dhowaan lala beegsaday, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

War kasoo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Ankara, ayaa Erdogan sheegay in Ankara muhiimad weyn siineyso nabadda, amniga iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana taageerada Türkiye ay sii socon doonto si joogto ah illaa laga gaarayo nabad iyo xasilooni waarta oo Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarta.

Erdogan ayaa intaas ku daray in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee la dagaallanka argagixisada uu sii kordhi doono, isagoo hoosta ka xarriiqay in Türkiye mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee ka hortagga argagixisada. Waxa uu sidoo kale sheegay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo difaaca.

Türkiye ayaa u aragta joogitaankeeda Soomaaliya inuu muhiim u yahay ilaalinta booskeeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Iyadoo adeegsanaysa tababarrada milatariga, taageerada diyaaradaha dagaalka ee UCAV iyo heshiisyada helikobtarada, Türkiye ayaa doonaysa inay gacan weyn ka geysato xasilinta iyo sugidda ammaanka gobolka iyada oo aan si toos ah ugu lug yeelan dagaallada.

Dalalka Khaliijka oo xayiraad diyaaradeed kusoo rogay Maraykanka.

Arbaco 02, April-2025 {HMC} Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa mamnuucay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku isticmaalaan garoomadooda ama hawadooda si ay weerar ugu qaadaan Iran, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump dhammaadkii toddobaadkan ku hanjabay inuu dalkaas duqeyn doono.

Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Kuwait ayaa dhammaantood Maraykanka u sheegay in aysan oggolaan doonin in dalalkooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, xitaa haddii ay tahay hawlgallada shidaalka iyo gurmadka diyaaradaha, sida uu Middle East Eye u xaqiijiyay sarkaal sare oo Maraykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Ma doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalkan,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Go’aanka adag ee dalalka Khaliijka ayaa dhabarjab ku ah maamulka Trump oo rajeynayay inuu duqeymo culus oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Yemen ku cadaadiyo Tehran si ay u aqbasho wadaxaajood cusub oo nukliyeer ah.

Haddii Iran ogaato in dalalka Khaliijka aysan taageero siinayn weerarrada Maraykanka, waxay arrintaasi sii adkeyn kartaa mowqifka wadaxaajood ee Tehran.

Markii hore dalalka Khaliijka ayaa aad u dabacsanaa arrinta weerarrada Xuuthiyiinta Yemen, sida uu sheegay sarkaal hore oo Maraykan ah oo xog ogaal u ah arrintaas. Sarkaalkan ma shaacin dalalka loo adeegsaday saldhigyada duqeymahaasi.

Maamulka Trump ayaa si weyn ugu dadaalayay inuu helo taageerada dalalka Khaliijka, si uu u kordhiyo cadaadiska uu saarayo Iran. Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo sirdoonka Maraykanka ayaa bishii Maarso kulan kula yeeshay Washington dhiggooda Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Maamulka Trump ayaa isla markiiba ansixiyay iibka hub muddo dheer hakad galay oo loo diray Qatar iyo Sacuudiga. Doha ayaa loo oggolaaday inay iibsato diyaaradaha drone-ka ah ee MQ-9 Reaper, halka Riyadh loo ansixiyay hubka gantaalaha aan hagaha lahayn loo beddelo kuwa haggan.

Trump ayaa Isniintii sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Sacuudiga iyo dalal kale oo Khaliijka ah bisha May.

Maraykanka ayaa hadda u weecday saldhigga Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, kadib markii dalalka Khaliijku xayireen adeegsiga hawadooda. Saldhiggan ayaa hore loogu adeegsaday weerarradii 1990-meeyadii lagu qaaday Ciraaq, markii Sacuudigu hakiyay isticmaalka garoomadiisa.

Diyaaradaha B-2 ee saldhigga Diego Garcia ayaa awood u leh inay qaadaan bamamka culus ee loo yaqaan “bunker-buster,” kuwaas oo burburin kara xarumaha nukliyeerka ee Iran ee dhulka hoostiisa ku yaalla.

Iran ayaa hore u digniin siisay dalalka Khaliijka bishii Oktoobar 2024, iyadoo ku hanjabtay inay duqeyn doonto xarumahooda shidaalka haddii Israa’iil weerarto xarumaha tamarta ee Iran. Si kastaba ha ahaatee, haddii Maraykanku weerar ku qaado Iran isaga oo adeegsanaya Diego Garcia, waxaa Tehran ku adkaanaysa inay cabsigeliso dalalka Khaliijka.

Warbixin uu qoray wargeyska The Telegraph ayaa sheegtay in taliyeyaasha ciidamada Iran lagu cadaadinayo inay weerar ka hortag ah ku qaadaan saldhigga Diego Garcia.

Trump ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, isagoo Sabtidii sheegay in Iran wajihi doonto “duqeyn aysan waligeed arag” haddii aysan aqbalin heshiiska cusub ee nukliyeerka. Maamulka Trump ayaa doonaya inuu gebi ahaanba burburiyo awoodda nukliyeerka ee Iran, halka Tehran ay ku adkeysaneyso in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa xoojiyay joogitaankiisa militari ee gobolka, isagoo gobolka u diray laba markab oo diyaaradaha xambaara, halka ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe ay hadda gaareen ku dhawaad 40,000 oo askari oo ku kala sugan dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwait, Qatar iyo Bahrain.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {01-04-2025}

Talaado 01, April 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 1-4-2025.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Deni oo soo kordhinaya Hay’ad cusub oo shaqo muhiim ah qabaneysa

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Madaxweyne Deni oo soo kordhinaya Hay’ad cusub oo shaqo muhiim ah qabaneysa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dab galabta ka kacay xaafad ku taala Magaalada Baladweyne.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Dab galabta ka kacay xaafad ku taala Magaalada Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalka As waa in ay ka qeyb galaan Mucaarad iyo Dowladaba.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Dagaalka As waa in ay ka qeyb galaan Mucaarad iyo Dowladaba.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne xasan in uu Talooyin qaato ayuu soo jeediyay.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Madaxweyne xasan in uu Talooyin qaato ayuu soo jeediyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA