Talado 1, April 2025 {HMC} Banaanbax lagu tageerayo Ciidamada difaaca Puntand oo ka socda Garowe .
{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo raadinaya ku dhawaad 150 Sarkaal oo Goobta shaqada ka maqan.
Talado 1, April 2025 {HMC} Booliska Soomaaliya oo raadinaya ku dhawaad 150 Sarkaal oo Goobta shaqada ka maqan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
MW Jabuuti Oo Danjire Cabdulkhaadir Xuseen Cumar U Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas
Talaado 01, April-2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti u magacaabay Danjire Cabdul khaadir Xuseen Cumar, kaas uu horay u ahaa Maxamuud Cali Yuusuf oo oo bishii February loo doortay Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Wasiirka cusub ayaa ahaa diblomaasi horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, isaga oo sidoo kale soo noqday Safiirka Jabuuti ee dalka Kuwait.
Sidoo kale, Danjire Cabdul khaadir Xuseen Cumar ayaa ahaa bare sare macallinna kaga soo shaqeeyay waxbarashada ee dalka Jabuuti, isaga oo hadda ahaa Safiirka waddanka Kuwait u fadhiyay dalka Jabuuti.
Magacaabistan uu Madaxweyna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti u magacaabay Danjire Cabdul khaadir Xuseen Cumar, ayaa timid kaddib markii wasiirkii hore, Maxamuud Cali Yuusuf oo oo bishii February loo doortay Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo Shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
Talaado 01, April-2025 {HMC} Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay diyaarad la sheegay iney leedahay Qaramada Midoobay, xili ay dooneysay iney caga dhigato garoonka.
Shilka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii diyaarada oo dooneysay iney soo caga dhigato garoonka ay u bixi weysay lugta hore, sidaasna ay ku soo degtay, taasoo sababtay in diyaarada shilka gasho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarada markey shilka gashay in qeybaha hore ee diyaarada uu ka kacay dab, kaasoo damintiisa ay si deg deg ah ugu guuleysteen kooxaha dab damiska ee ka howlgala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ilaa hada lama soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay goordhaw gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha garoonka oo ku aadan shilka diyaarada iyo khasaaraha ka dhashay.
Shilkaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor diyaarad nuuca xamuulka qaada ah ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay diyaaradaasi ay ku dhinteen shaqaalihii la socday diyaarada.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Oo Sheegtay Inay Hakad Galeen Duulimaadyadii Imaan jiray Muqdisho
Talaado 01, April-2025 {HMC} Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde, oo keentayba in guud ahaanba uu xirmo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay markii diyaarad UN-ka leeyahay ay shil ku gashay Garoonka.
Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Diyaarada ay saarnaayeen 22 Qof oo Shaqaale ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobeey ayna barqanimadii maanta u safreeysay magaalada Baydhabo balse ay u bixi waysay lugta hore ee diyaarada kadibna ay kusoo laabatay Garoonka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde international Airport.
Mareeyaha ayaa xusay inay diyaarada marsiiyeen habraac lagu yareenayay in khasaare xoog leh ay dhaliso cilada farsamo ee qabsatay ayna shidaalka diyaarada lagu sii daayay dhinaca Badda kadibna lagu guuleeystay in si tartiib loo dajiyo lana damiyo dab yar oo diyaarada ka kacay.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Diyaaradihii ka bixi lahaa Garoonka ay si dhaqse leh ugu wargeliyeen inay ka kicitimaaan kuwii kusoo wajahnaana lagu wargeliyay in cilad ay ka dhacday Garoonka sidaas darteedna la xiray Run way ga ah oo ah wadada dheer ay diyaaradaha ku ordaan marka ay kacayaan ama soo degayaan.
Waxaa soconayo howlgal diyaarada looga saarayo Garoonka si dib loogu furo Run Wayga ay diyaaradaha kusoo degtaan, waxaana Hay’adda Duulista Rayidka ay shaaca ka qaadey in ogeysiis inuu garoonka xiran yahay loo kala diray ilaa 193 dal.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka waxa uu shaaca ka qaaday in ilaa 5ta Galabnimo suurta gal ay tahay inay xirnaanto dhaq dhaqaaqyda dulimaadyadii imaan jiray Garoonka ilaa ay ka fududaato qaadista Diyaaradaasi oo dhex taala gudaha Run Way ga Garoonka.
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo war kasoo saartay Diyaaradii ku dhacday Garoonka Muqdisho.
Talado 1, April 2025 {HMC} Dowladda oo war kasoo saartay Diyaaradii ku dhacday Garoonka Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciyaarta Wilisaqada oo Aad u xiiso badan.
Talado 1, April 2025 {HMC} Ciyaarta Wilisaqada oo Aad u xiiso badan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {01-04-2025}
Talaado 01, April 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Cali Axmed & Shugri Baryare
Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei
{DAAWO MUQAALKA} Diyaarad goordhow ku dhacday Garoonka Muqdisho.
Talado 1, April 2025 {HMC} Diyaarad goordhow ku dhacday Garoonka Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 1/4/2025
Talado 1, April 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn



