Home Blog Page 1081

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal lagu dilay rag ka tirsan AS oo ka dhacay SH-Dhaxe.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Howlgal lagu dilay rag ka tirsan AS oo ka dhacay SH-Dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaan ka naqanaa Caasimada dhulka hoostiisa ah ee hubka lagu keydiyo.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Maxaan ka naqanaa Caasimada dhulka hoostiisa ah ee hubka lagu keydiyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Yuusuf Ceegaag oo doonaya in uu run ka dhigo JIliin uu horay u sameeyay.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Yuusuf Ceegaag oo doonaya in uu run ka dhigo JIliin uu horay u sameeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Howlgalo ka dhan ah AS oo ka billowday Mudug.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Howlgalo ka dhan ah AS oo ka billowday Mudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Siddee Ciidanka Puntland ugu ciideen Furimaha Dagaalka Calmiskaad.

0

Talado 1, April 2025 {HMC} Siddee Ciidanka Puntland ugu ciideen Furimaha Dagaalka Calmiskaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Midowga Afrika oo bilaabayo xal u helida Koofurta Sudan.

Talaado 01, April-2025 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Koofurta Suudaan iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Naasir, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Koofruta Sudan iyo maleeshiyaad hubeysan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wadahadallo toos ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, iyagoona ka wadahadlay dejinta xiisada ka taagan dalkaasi ee u dhexeeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay midowga afrika ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Koofurta Sudan, Isagoo muujiyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay wadahadal, dib u heshiisiin, iyo nabad waarta.

Si kor loogu qaado dadaallada dhex dhexaadinta iyo taageeridda si buuxda loogu dhaqan geliyo Heshiiskii Dib loo soo cusboonaysiiyo, si loo Xasiliyo Khilaafaadka Koonfurta Suudaan.

Guddoomiyaha Midowga ayaa sheegay sheegay inuu magaalada Jubba uu u dirayo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Guddiga dhex dhexaadinta ee Midowga Afrika si ay ula kulmaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo qaboojiyo xiisadaha loona horumariyo wada-hadallada.

“AU waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan dhammaan qodobbada R-ARCSS oo ay xaqiijiyaan dhaqangelintiisa.”

Sidoo kale dadaalka Midowga Afrika ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Ururada IGAD, iyo qaramada midoobay, si nabad waarta looga hirgeliyo koofurta Sudan.

Talaabadan wafdiga loogu dirayo magaalada Jubba ayaa timid kadib markii ciidamada amamanka ay xireen madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar, waxaana burburay heshiiskii nabadda ee 2018-kii ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka socday shantii sano ee la soo dhaafay,

{DAAWO MUQAALKA} Waa kuwee Wadamada Carbeed ee Safarkiisii ugu horeeyay uu ku tago Madaxweyne Donald Trump?

0

Talado 1, April 2025 {HMC}Waa kuwee Wadamada Carbeed ee Safarkiisii ugu horeeyay uu ku tago Madaxweyne Donald Trump?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in uu safiirka dalkaasi ee soomaaliya u magacaabayo mid ka mid ah beeraleyda khaadka

Talaado 01, April-2025 {HMC} Madaxwaynaha Dowladda Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Safiirka dalkaasi ee Soomaaliya u magacaabi doonaan qof ka socda Bulshada soo saarta Qaadka Miirowga.

Ruto oo ka qeyb galay kulan su’aalo lagu waydiinayay ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay Ganacsatada Qaadka Meruga u heli lahaayeen Suuq furan oo qiimo sare leh.

“Waxaan shacabka Meru u ballan qaaday in aan mid ka mid ah ka dhigo safiirkeena jooga Soomaaliya, qiimaha qaadka aan Soomaaliya ugu iibgeyno ma ahan mid sax ah, waxaan ku dadaaleynaa in qiimo macquul ah aan ku iibino qaadka” ayuu yiri William Ruto.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in wada hadallo ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya si gaarana uga shaqeynayo Wasiirka Ganacsiga dalkaasi, sidii loo sixi lahaa qiimaha qaadka Miirowga.

Tillaabadan ayuu Madaxweynaha Kenya uga danleeyahay si ganacsatada Qaadka Miirowga ay qeyb uga noqdaan wada hadallada iyo gorgorta lagula jira Soomaaliya ee la xiriira qiimaha qaadka.

Dhowr jeer oo hore Ganacstada iibiya qaarka Miirowga ayaa joojiyay qaadka ay keeni jireen Soomaaliya, sababo la xiriira is badalka qiimaha qaadka.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta la ciyaarayo dhigooda Xulka Tunisia

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da’doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika oo sanadkaan ka qabsoomaya dalka Morocco.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee tartankaan ka qeyb galaya ayaa heegankii ugu dambeeyay ku jira si ay guul wax ku ool ah uga soo hoyaan dhigoodi dalka Tunisia, waxaana Ciyaartooyda iyo Macalimiinta ay qabaan rajo wanaagsan inay kulankaan ciyaar wanaagsan ay soo bandhigi doonaan.

Kulankaan ayaa caawa marka ay saacadu tahay 6da Maqribnimo saacadda geeska Afrika la daawan doonaa, dhanka Xulka Tunisia iyaguna waxaa ka muuqda diyaar garow aad u sareeya.

Waxaa la filayaa in Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi Morocco ay si weyn uu u buuxin doonaan garoonka si ay garab istaag ugu muujiyaan xulka Qaranka Soomaaliya.

Waxaa la xusuusan yahay Sanadkii 2022-ka oo ay taariikh sameeyeen Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17jirada ay ku guuleysteen koobka dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee loo soo gaabiyo CECAF, xiligaas oo ay Xulka Qaranka Soomaaliya 3-1 kaga adkaadeen Koonfurta Suudaan.

Ugu dambeyntii 17 jirada Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan laga qabaa in markale sanadkaan natiijo wanaagsan ka keenaan tartankaan Qaramada Qaarada Africa ee da’doodi ka yar tahay 17 jirada.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ee Maanshiil oo soo dhoweeyay baaqa MW xasan sheekh

Talaado 01, April-2025 {HMC} Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee ku bahoobay ururka Maanshiil ayaa soo dhoweeyay wada tashiga nabadeed ee maalmo ka hor uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay tilmaameen inay wax badan ka tari doonto xaalada dalka uu ku jiro.

“Madasha Maanshiil waxay soo dhaweeynaysaa baaqii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhawaaqay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku fidineyso gogol wadatashi heer qaran ah taas oo looga tashanayo masiirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Maanshiil.

Waxa ay mas’uuliyiinta Maanshiil ay daaha ka qaadeen in Baaqa Madaxweynaha ay u arkaan inuu yahay tallaabo bogaadin iyo ajiibid mudan oo horseedi karta xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed iyo khataraha amni ee uu Dalku wajahayo.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in Baaqa Madaxweynuhu uu shacabka Soomaaliyeed ku abuuray rajo, sidaas awgeed ay dhiirrigelinaynaa Dowladda Soomaaliya inay ka dhabeeyso hirgelinta gogosha si loo helo siyaasad furan oo wada-ogol ah, looguna midoobayo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro.

Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu fidiyay gogosha nabadeed si ay saamileeyda siyaasadda looga dhageysto aragtidoodi ku aadan xaalada dalka maraayo waxaa isasoo tarayay dhinacyada siyaasiyiinta ee baaqaasi soo dhoweenayay.