khamiis 27, March 2025 {HMC} Taliyaha hay’adda NISA oo gaaray Furumaha dagaalka Sh/Dhexe
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 27/3/2025
khamiis 27, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga kala hadlaya dagaalka AS
khamiis 27, March 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga kala hadlaya dagaalka AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox dhac ka waday Muqdisho
khamiis 27, March 2025 {HMC} Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox dhac ka waday Muqdisho
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada dowlada oo dagaal culus ku qaaday AS
khamiis 27, March 2025 {HMC} Ciidamada dowlada oo dagaal culus ku qaaday AS.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sirdoonka Mareykanka oo xafiis ka furatay Boosaaso iyo xubno halkaasi tagay
Khamiis 27, March 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, ayaa xafiiskii u horreyay ee kumeel-gaar ah ka furatay magaalada Boosaaso , iyadoo halkaa ay sidoo kale booqdeen ugu yaraan labo mar tan iyo bishii Jannaayo xubno ka tirsan CIA-da si ay uga taageerraan Puntland dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Dagaalka ka dhanka ah Daacish tan iyo markii uu soo bilowday dabayaaqadii bishii December ee sannadkii hore, waxa uu Mareykanka ku taageerray ciidanka Puntland duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Daacishta ku sugan buuraha Cal Miskaad oo hadda lagala wareegay inta badan dhulkii ay ku sugnaayeen, sida ay daahqaaday shabakadda xogaha sirdoon soo bandhigta ee Africa Intelligence oo fadhigeedu yahay dalka Faransiiska.
Xubnaha CIA-da ayaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay inay tababbar siiyeen xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, halka sidoo kale sirdoonka Ingiriiska iyo Morocco ay la shaqeynayaan CIA-da iyo hay’adda sirdoonka Puntland, kaddib markii la oggaaday xubno badan oo ka soo jeeda Morocco inay ka barbar dagaallamayaan Daacish , kuwaasoo inta badan ciidanka Puntland ay ku dileen dagaalka socda
Morroco ayaa sidoo kale doonaysa inay si adag uga hortagto muwaadiniinta Morocco ee doonaya inay u safraan Cal Miskaad, taasoo horseeday wadashaqeyn ballaaran oo dhexmarta adeegga sirdoonka dibadda ee DGED ee Morocco iyo hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA.
War cusub oo kasoo baxay duqeyntii Mareykanka ka fuliyeen Calmiskaad
Khamiis 27, March 2025 {HMC} Faahfaahinno dheeraad ah, ayaa ka soo baxaysa duqeyntii habeen ka hor diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ayaa muujinaysa in khasaare aan hore loo qiyaasin argagixisada ISIS kala kulantay duqeyntaasi.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo adeegsaday bombooyinka culus ee burburiya difaacyada adag ayaa beegsaday saddexdii talis ee ugu muhiimsanaa, oo ay argagixisada Daacish ku lahayd inta u dhexaysa togaga Miiraale iyo Baalade, kuwaasi oo horay loo sahamiyay.
Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in talisyada la burburiyay uu ku jiro god weyn oo dhaca inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baalade, kaasi oo ay si gaar ah ugu dhuuman jireen hoggaamiyaal sare oo ka tirsan argagixisada, islamarkaana ay aaminsanaayeen in aysan duqeymaha waxba ka tari karin, balse gebi ahaanba dhulka lala simay.
Duqeymaha Mareykanka ayaa sidoo kale burburiyay talis labaad oo ay argagixisada ISIS ku keydsan jireen noocyada kala duwan ee saadka, halkaasi oo ahayd ceel biyood muhiima oo dhaca nawaaxiga togga Miiraale oo ay hadda ku go’doonsan yihiin dagaallamayaasha argagixisada.
Taliska saddexaad oo ahaa Miiraale waxa duqeyntu burburisay wixii hub iyo saanad ciidan uga harsanaa kooxda, oo ay ku jiraan hoobiyaal, waxaana meeshaasi ku lumay rajadii yareyd ee mileeshiyaadka IS ka qabeen in ay sii joogaan Miiraale iyo Baalade sare.
Madaxweyne Mustafa Cagjar oo war kasoo saaray xiisada kala dhaxayso ONLF
Khamiis 27, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), oo ka jawaabay dhalliilaha waxqabad la’aanta ee uga yimaada ONLF, ayaa sheegay inay dadaalayaan intii karaankooda ah.
Waxa uu sheegay in isla-xisaabtanka nidaamka dowliga ahi uu ku salaysan yahay qiimeyn qorsheysan oo salka ku haysa awoodda ama miisaaniyadda la heli karo, balse aanu ahayn in waxqabadka xukuumadda lagu cabbiro baahiyo jira oo keliya.
“Baahiyaha shacabka Deegaanka haysta way badan yihiin, marnaba dowladdu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragto in lagu wajihi karo tabarta la haysto,” ayuu yidhi Cagjar.
Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale sheegay in golayaasha awoodda u leh qiimeynta waxqabadka xukuumadda si joogto ah loola wadaago qorshayaasheeda iyo caqabadaha jira. Wuxuu intaas ku daray in kooxo miciin biday sawaxankii hore ee isbeddelka ay isku dayayaan in waxqabadka xukuumadda lagu cabbiro baahiyo jira iyo dhacdooyin maalinle ah.
“Waxay muujinaysaa dulqaad yarida iyo macangagnimada kooxaha ku mashquulsan dhalliil-sheegga, kuwaas oo sida muuqata, haddii ay iyagu xilka hayn lahaayeen, laga yaabo inaanay ogolaan lahayn cid ka aragti duwan inay hadashaba!” ayuu hadalkiisa ku daray Cagjar.
Hoggaanka sare ee Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa dhawaan dhalliilo isdaba joog ah u jeedisay Cagjar, iyagoo ku eedeeyay in wax horumar ahi aanu deegaanka ka hirgalin intii uu xilka hayay.
Shiinaha oo dalal ay Soomaaliya ku jirto ka caawinayo gar gaar uu Mareeykanku ka jartay
Khamiis 27, March 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu joojiyay taageeradii iyo deeqihii ay bixin jirtay dowladda Mareykanka, gara ahaan kaalmadii la marsiin jiray hay’adda USAID oo dalal badan oo caalamka kuyaalla taageeri jirtay.
Dowladda Shiinaha, ayaa hadda iskudayaya inuu Mareykanka kala wareego saameynta dhaqaale iyo gargaarka bani’aadanimo oo la aaminsanyahay inay tahay waxa dhaliyay saameynta uu Mareykanka ku leeyahay dunidda daafaheeda.
Shiinaha ayaa diyaar u ah inuu beddelo aragtidaa, wuxuuna buuxinaya goobaha ay ka baxday hay’adda Mareykanka ee USAID , taa beddelkeeda Shiinaha ayaa bixinaya adeegyada gargaar iyo taageerrada dhaqaale ee ay dalalka siin jirtay USAID.
Dowladda Shiinaha, hadda wuxuu diiradda saaraya inuu ku hormaro dalalka Aasiya ee mashaariicda ay ka fulin jirtay USAID, waxaana dalalka lagu wargeliyay inay hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA),maalgelin doonto barnaamijyadii ay waday USAID ee maamulka Trump uu laalay, sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg.
Soomaaliya , ayaa kamid ah dalalka ay saameynta ku yeelatay joojintii Madaxweyne Trump hay’adda USAID, waxaana la filayaa in dowladda Shiinaha buuxin doonto taageeradii Soomaaliya siin jiray Mareykanka, gaar ahaan dhinaca gargaarka bini’aadannimo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray dalka Turkiga
Khamiis 27, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.
Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.



