Home Blog Page 1098

Kooxda Al-shabaab oo jab lagu gaarsiyey howlgal ka dhacay degmada Xudur

0

Khamiis 27, March 2025 {HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka moocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka fog fog deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Gashaanle dhexe Yuunis Aadan Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale ciidanka soo furteen hub iyo saanad ciidan oo kooxdu laheyd.

Taliyaha guutada 9-aad Gaashaanle Yoonis Aadan ma uusan sheegin tirada rasmiga ah oo ay kooxda Al-shabaab uga dileen dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday.

Howlgalkaan ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen Abagbeeday ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay la sheegay in kooxda Al-shabaab ee lagusoo jabiyay howlgalada ka socda Shabeellaha Dhexe inay buux dhaafiyeen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Masaajid Cali Gaduud

0

khamiis 27, March 2025 {HMC} Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Masaajid Cali Gaduud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.03.2025}

Khamiis  27, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Muse Osman

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Darawal gaari oo lagu dilay duleedka Degmada Moqokori

0

khamiis 27, March 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Darawal gaari oo lagu dilay duleedka Degmada Moqokori

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Sirdoonka Maraykanka oo xafiis ka furtay Soomaaliya xili uu socda dagaal culus.

0

khamiis 27, March 2025 {HMC} Sirdoonka Maraykanka oo xafiis ka furtay Soomaaliya xili uu socda dagaal culus.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu muhiim ugu yahay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud ee Sh/dhexe?

0

khamiis 27, March 2025 {HMC} Muxuu muhiim ugu yahay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud ee Sh/dhexe?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐥𝐨𝐨 𝐦𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐨 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐥𝐨gula Jiro AS.

Arbaco 26, March 2025 {HMC} Muqdisho, Arbaco, 26 Maarso 2025— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka diiddan, jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey, “Caawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox la isu cafiyo, dalkana loo duceeyo”.

Mudane Xamsa oo u mahadceliyey aqoonyahanka af-furka soo agaasimay, ayaa dhankooda ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka 26-03 2025.

0

Arbaco 26, March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.03.2025}

Arbaco 26, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Maxay tahay istaraatiijiyadda uu u leeyahay Ciidamada Dowlada Deegaankan Dagaalada badani ka dhaceen?

Arbaco 26, March 2025 {HMC} Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ciidamada dowladda federaalka oo ay wehliyaan kuwa deegaanka iyo kooxda al-Shabaab ku dhex maray deegaanka masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo sida ay tabinayaan warbaahinta Muqdisho sababay in ururka Shabaab ay gacanta ku dhigeen xerada ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid culus oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay weerar toos ah ay Al-Shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Macawisleyda ee ku sugan deegaankaasi.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo werinayaa waloow BBC-du aanay weli xaqiijin karin.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan jiidda hore ee dagaalka gaar ahaanna magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhow halka uu maanta weerarku ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka wada abaabulka howl-galka ciribtirka al-Shabaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo halkaas kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka aya waxaa uu yiri: “Maanta cid iga danbeyso oo aad sugeysan maleh oo aniga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ah ayaa idinla jooga”.

Muhiimadda Masaajid Cali Gaduud

Deegaanka masaajid Cali Gaduud waxaa hoos taga deegaanno badan marka juqraafi ahaan loo eego, isla markaana muhiimad gaar ah u leh dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

Labada dhinac, waa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo al-shabaab, ayaa u muuqda inay ku loolamaya gacan ku heyn magaaladaan.

Ha yeeshee gacan ku heynteeda ayaa adkaatay maadaama ay tahay magaalo u furan tuulooyin badan, isla markaana sida muuqata aanan lahayn difaac xooggan.

“Dowladda marka la eego, runtii dagaalka masaajidka Cali Gaduud dowladda muhiimad gaar ah uma siineso inay deegaankaas joogto, waxaadse moodaa inay tahay meel munaasab ah oo labada dhinac ay awooddooda ku soo bandhigayaan”, ayuu yiri Axmed Kaboole oo ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga.

“Dowladda waxay rabtaa inay firfircooni muujiso oo ay deegaankii gacanta ku heyso, laakiin aad moodid inay ka maqantahay ciidan joogto ah oo deegaanka difaaci kara iyo al-shabaab oo mar kasta ah koox guur guurta oo ay u fududahay inay magaalada soo galaan, shacabka dhibaateeyaan, ka dibna ka baxaan, taas oo saameyn ku yeelan karta wada-shaqeynta shacabka ah iyo dowladda”, ayuu intaa ku daray.

Kaboole waxaa uu sidoo kale sheegay, in ujeedka ugu weyn ee ay Shabaab ka leeyihiin deegaankaas Cali Gaduud, ay tahay inay dadka shacabka ah niyad jebiyaan isla markaana muujiyaan awooddooda deegaanada ay joogaan maadaama magaaladu aysan lahayn difaacyo adag oo ay dowladda wax ku difaaci karto.

“Magaaladan waa magaalo ay in badan maamulayeen al-Shabaab, marka heysashadooda waxay u fududeyneysaa inay ka abaabulaan weerarro dhanka Jowhar, Baladweyne iyo dhanka Galgaduudba maadaama intuba ay muhiim ugu tahay isku xirka Al-Shabaab” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u bilowday dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab oo hakad ku yimid muddooyinkii dambe.

Dagaalladii ugu adkaa ee u dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaanna deegaannada Ceel-baraf iyo ee deegaanka kale ee Daaru-nicma, halkaas oo al-Shabaab dib looga qabsaday mar kale.

Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsanayay kooxda.

“Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamaka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxa uuna ka dhacay Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose, waana sii wasdeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo yihiin.” Waxaa sidaa BBC uu dhowaan u sheegay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in duqeymaha lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa al-Shabaab.

Dalalka Soomaaliya ka caawiye duqemaha cirka ayuu sheegay wasiirku in ay ku jiraan Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka.

Duqeymuhu cirka waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badan oo Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxa iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah. Mareykanku duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya waxa uu qaybiyay laba nooc oo kala ah duqeymo qorsheysan iyo kuwa difaac ah.