Home Blog Page 1108

{DAAWO MUQAALKA} Ciidama u socda Farumaha dagaalka oo laga sagootiyay Moqokori

0

Axad 23, March 2025 {HMC} Ciidama u socda Farumaha dagaalka oo laga sagootiyay Moqokori

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 23/3/2025

0

Axad 23,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Faah Faahin Wiil iyo Gaber jecel dartiis sun ugu cabay Gobolka Hiiraan.

0

Axad 23, March 2025 {HMC} Faah Faahin Wiil iyo Gaber jecel dartiis sun ugu cabay Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {23-03-2025}

Axad 23, March 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Dhacdo Xanuun Badan oo Maanta ka Dhacday Deegaan Hoos Tago Degmada Jalaqsi

Axad 23, March 2025 {HMC} Faah Faahin dheerad ah ayaa laga helayaa Dhacdo xanuun Badan oo maanta ka Dhacday Deegaanka Tardo oo hoos-Tago Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Waxaana halkaasi ka dhacay in ay si wadajir ah sun ugu Cabeeyn Wiil iyo Gaber oo ka dhaxeeyay Xariir Jaceyl,

Wiilka iyo Gaberta Sunta Cabay ayaa Lagu kala Magacaaba Saabiriin Maxamed Cabdi iyo Maxamed Muuse Xuseen, ilaa Hada lama Yaqaano Sababta ka Dambeeysay in aay Sun Cabaan dhalinyaradan oo naftooda Halis Galiyaan,.

Dhalinyaradan Ayaa waxaa loo soo Qaaday Isbitaal ku yaalla degmada Buulo Burde , si ay u helaan Baxnaano Caafimaad.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in dhalinyaradan ay u Sameeyen gurmad Caafimaad oo deg deg ah si looga dhaqo Sunta ay Cabeeyn.

Bulshada ku nool deegaanka tardo ayaa si weyn arintan Manta u hadal haayo. Xariirada u Dhaxeeyo Dhalinyarada Hasaawayo marka uu Fashilmo ama khilaaf ku yimaado waxa Dhacdo Mararka Qaar in aay timaado Cabida Sun iyo is Gubitaan aay isku Adeegsanayaan Wiilka Ama Gabadha.

Dhowr Dhacdo oo Midaan la mid ah Ayaa Horay uga dhacday gobolada Dalka Soomaaliya, todobaadkii lasoo Dhaafay ayeey eheeyd markii wiil gabar uu xiriir la lahaa Darteed isku Gubay Markii la sheegay in aay Nin kale ka raacday waxaana ay ka dhacday Magaalada Berbera ee Soomaaliland.

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo gaaray fulinaya dagaalka

0

Axad 23, March 2025 {HMC} Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo gaaray fulinaya dagaalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Saraakiil Katirsan Ciidanka Xoogga & Macawiisleyda oo 20 neef oo Geel ah lagu wareejiyay

Axad 23, March 2025 {HMC}  Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 20 neef oo Geel ah & Raashin ku wareejiyay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe ka howlgalaya si loo kordhiyo dagaallada ka dhanka ah AS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo wakiishay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Fargax ayaa deeqdaan loo gacan geliyay saraakiisha ciidanka Xoogga.

Fargax oo ku sugan furimaha dagaalka ee Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho u sheegay in kaalmada garab istaagga ay isdaba-joog tahay kuwo kalena ay soo socdaan sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabul xooggan oo lagu garab istaagayo Ciidamada Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda, waxaa door firfircoon ku leh Haweenka oo dhowaan soo bandhigay cunno qalalan oo ay u direen ciidamadaas iskaashanay.

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Muqdisho Gaaray

Axad 23, March 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Guddoomiyaha Midowga Afrika mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid Muqdisho waxaana uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Maanta ku soo wajahan Muqdisho + Qorshaha Safarkiisa.

Axad 23, March 2025 {HMC} Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku soo wajahan magaaladda Muqdisho, iyadoona qaban qaabada soo dhaweynta laga dareemayo magaalada Muqdisho.

Socdaalka Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka dhigan in uu Soomaaliya u xushay wadankii 1-aad ee uu booqanayo tan iyo markii loo doortay gudoonka Midowga Africa.

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo taageero ka helay Soomaaliya xiligii codaynta ayaa la kulmi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo kala hadli doono dhinacyada ay iska kaashan karaan Soomaaliya iyo Midowga Africa.

Macluumaadka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay sidoo kale Midowga Africa waydiisan doonta mashaariicda Hormarineed ee uu bixiyo bankiga hormarinta Africa iyo kaalinta midowga Africa ee amniga Soomaaliya.

Safarkiisa Magaalada Muqdisho Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxaa ku wehlin doona masuuliyiin iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Afrika

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Cabsi ka taagan degmada Jilib iyo AS oo bilaabay barakac

0

Axad 23, March 2025 {HMC} WAR DEG DEG AH Cabsi ka taagan degmada Jilib iyo AS oo bilaabay barakac

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA