Home Blog Page 1109

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {23.03.2025}

Axad 23, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeyay Duqayn lagu garaacay Lubnaan iyo khasaare ka dhashay

0

Axad 23, March 2025 {HMC} Wararkii ugu dambeyay Duqayn lagu garaacay Lubnaan iyo khasaare ka dhashay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Muqdisho oo Gacanta ku dhigay Nin tuurayay Bambo

0

Axad 23, March 2025 {HMC} Shacabka Muqdisho oo Gacanta ku dhigay Nin tuurayay Bambo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} “Askariga furinta jooga ee dagaalka kula jira cadowga ayaa garab u nahay” Qurbajoog

0

Axad 23, March 2025 {HMC} “Askariga furinta jooga ee dagaalka kula jira cadowga ayaa garab u nahay” Qurbajoog

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN: Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada London

0

Axad 23, March 2025 {HMC} FAAH FAAHIN: Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada London

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Puntland oo si wayn ugu carootay tallabo ay qaaday Dowllada Soomaaliya.

Axad 23, March 2025 {HMC} Maamulka Puntland, ayaa si adag uga jawaabay qoraal dhawaan kasoo baxay hay’adda dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha ee NIRA, taa oo degmooyin katirsan Puntland ku biirisay Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifi-jabsade, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha ee NIRA ay degmooyinka Galdogob iyo Jariiban ee katirsan Puntland ugu dartay maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in arrintan dowladda ku dhawaaqday uu yahay mid aad uga xun yihiin ayna cambaareenayaan, waxa uuna xusay in si ku talagal ah dowladda u sameysay arrintan ayna soo noq noqotay marar kala duwan.

“Go’aankii NIRA ee DFS ay ku tiri degmooyinka Jirriiban iyo Galdogob waxay katirsan yihiin Galmudug waan cambaaraynaynaa, arrinkaasna waxaa la rabaa dowladda Federalka ah inay ka waantawdu, waa arrin si kutalagal ah u soo laalaabatay”, Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.

Guddoomiye Faysal Sheekh, ayaa sheegay in gobolka Mudug u qeybsan yahay labada maamulka ee Puntland iyo Galmudug, waxa uuna xusay in qolo kasta la aqoonsan yahay deegaannada ay maamusho, balse dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay soo laabtaan colaadihii laga soo gudbay.

“Deegaanka maamul walba intuu ka deggan yahay waa la yaqaanaa anaguna waa isku qanacsanahay labadayada maamulba laakiin DFS waxay doonaysaa inay dab nagu sii shiddo, waana inay ka waantawdo beenta ay dhoodhoobtay ee ay ku doonayso inay isugu dhufato dadka deggan gobolka Mudug, mudadii Madaxweyne Xasan Sheekh kursiga ka maqnaa dagaaladii waa ka nasanay”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ka bilowday qaadashada kaarka aqoonsiga, iyadoona Puntland dadkeeda uga digtay in ay qaataan kaarkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaraha ka dhashay diyaaraddii burburtay.

Axad 23, March 2025 {HMC} Shan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay galabinamadii Sabtida, meel ku dhow 24 kiiloomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA).

Diyaaradda dhacday oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, islamarkaana lahayd summadda diiwaangelinta 5Y-RBA, waxaa lahayd shirkadda duulimaadyada ee Trident Aviation Ltd.

Waxay kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley (HCDB) oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, waxayna kusii jeedday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (HCMM) ee magaalada Muqdisho.

Shilku wuxuu dhacay qiyaastii 5:43 galabnimo xilliga maxalliga ah. War hordhac ah oo kasoo baxay SCAA ayaa xaqiijiyay in dhammaan shantii qof ee diyaaradda saarnaa ay geeriyoodeen. Hay’adda ma aysan sheegin dhalashada shanta qof, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in ay ahaayeen Kenyan.

Hay’adaha dowladda, adeegyada gurmadka degdegga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya ayaa durba billaabay howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta goobta shilka. Waxaa sidoo kale socda baaritaan hordhac ah si loo ogaado sababta shilka keentay.

Diyaaradda DHC-5 Buffalo ayaa inta badan loo isticmaalaa howlaha gaadiidka iyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan goobaha fogfog iyo deegaanada ay adag tahay in lagu safro. Waxaa caan ka dhigay awoodeeda inay ka duusho ama ku degto garoomada yaryar, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon xaaladaha adag ee Soomaaliya.

Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika. Garoonka Dhoobley oo ku dhow xadka Kenya ayaa isna inta badan qaabbila duulimaadyada la xiriira howlaha gargaarka caalamiga ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatadu gaartay, waxaana lagu yiri: “Waxaan la qaybsanaynaa murugada qoysaska iyo ehelada dadkii ay masiibadu haleeshay.”

Ilo-wareedyo aya warbahinta u sheegay in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin.

Waxaa la filayaa faahfaahin dheeraad ah marka ay mas’uuliyiintu soo gebagebeeyaan baaritaannada socda.

Air strike kills senior Hamas official in Gaza.

0

Saturday 23,March 2025 { HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud held meetings with local officials, elders, and intellectuals in Adale district on Friday to strengthen collaboration and accelerate military operations against Al-Shabaab in the Middle Shabelle region.

The president emphasized the need for unified support behind the Somali National Army (SNA) as it intensifies efforts to eradicate the militant group from the region. He praised local communities’ resilience and urged continued cooperation to ensure lasting peace and security.

“The support of local leaders and intellectuals remains vital in mobilizing communities and ensuring the success of our national forces,” President Mohamud said.

Elders and intellectuals commended the president’s direct involvement in the frontline campaign and reaffirmed their commitment to working closely with the government and security forces. The meeting resulted in an agreement to enhance coordination between the military and local communities to maintain momentum in the counterterrorism campaign.

President Mohamud, accompanied by senior military commanders, is spending his second night in the Adale district. His visit follows recent stops in the Moqokori and Adan Yabaal districts as he continues to assess battlefield progress and prepare for the next phase of operations.

The Somali government has recently stepped up military pressure in central and southern regions, aiming to reclaim Al-Shabaab-held territories and restore civilian governance.

An Israeli air strike in the southern city of Khan Younis in Gaza has killed top Hamas political leader Salah al-Bardaweel, a Hamas official told the BBC early on Sunday.

Locals say the air strike killed both Bardaweel, a member of the group’s political office, and his wife. Israeli officials had no immediate comment.

Israel’s military resumed significant strikes on Gaza on Tuesday, blaming Hamas, abandoning a ceasefire agreement that began on 19 January and ended almost two months of calm. Hamas rejected the Israeli accusations and, in turn, accused Israel of violating the ceasefire agreement that was signed and brokered by Qatar, Egypt and the US.

An official in the Hamas-run health ministry said 32 Palestinians had been killed over the past 24 hours across various parts of the Gaza Strip. In a statement, Hamas said Bardaweel had been praying along with his wife when an Israeli missile struck their tent, according to Reuters news agency.

The Israeli military launched a campaign to destroy Hamas in response to an unprecedented cross-border attack on 7 October 2023, in which about 1,200 people were killed and 251 were taken hostage.

More than 49,500 Palestinians have been killed in Gaza since then, the Hamas-run health ministry says, and there is large-scale destruction to homes and infrastructure in the Strip.

Source BBC NEWS

President Mohamud meets local leaders in Adale to boost military campaign against AS

0

Saturday 23,March 2025 { HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud held meetings with local officials, elders, and intellectuals in Adale district on Friday to strengthen collaboration and accelerate military operations against Al-Shabaab in the Middle Shabelle region.

The president emphasized the need for unified support behind the Somali National Army (SNA) as it intensifies efforts to eradicate the militant group from the region. He praised local communities’ resilience and urged continued cooperation to ensure lasting peace and security.

“The support of local leaders and intellectuals remains vital in mobilizing communities and ensuring the success of our national forces,” President Mohamud said.

Elders and intellectuals commended the president’s direct involvement in the frontline campaign and reaffirmed their commitment to working closely with the government and security forces. The meeting resulted in an agreement to enhance coordination between the military and local communities to maintain momentum in the counterterrorism campaign.

President Mohamud, accompanied by senior military commanders, is spending his second night in the Adale district. His visit follows recent stops in the Moqokori and Adan Yabaal districts as he continues to assess battlefield progress and prepare for the next phase of operations.

The Somali government has recently stepped up military pressure in central and southern regions, aiming to reclaim Al-Shabaab-held territories and restore civilian governance.

Netanyahu oo qaaday tallabo wax udhimi karta xasiloonida Isra’il.

Axad 23, March 2025 {HMC} Hoggaamiyayaasha mucaaradka Israa’iil ayaa billaabay inay ka digaan dagaal sokeeye oo ka dhici kara gudaha Israa’iil, kaddib markii Netanyahu uu si lama filaan ah xilka uga qaaday madaxii hay’adda amniga guud ee Israa’iil oo loogu yeero Shin Bet , Ronen Bar, balse xil ka qaadista waxaa diidday maxkamadda sare ee Israa’iil.

Netanyahu ayaa ku adkeysanaya inuusan sii shaqeyn karin ,Ronen Bar oo wax dagaal sokeeya ah uusan ka dhici karin gudaha Israa’iil, waxaa kaloo uu tilmaamay inuu daahqaadi doono xaqiiqooyin dadka ka yaabin doona oo uu ku lug leeyahay madaxa hay’adda amniga guud , Ronen Bar.

Dhinaca kale xubno hore oo ka tirsan sirdoonka iyo hay’adaha amniga Israa’iil ayaa dhankooda ku hanjabay inay bannaanka soo dhigi doonaan siro badan oo ku saabsan Netanyahu , haddii uu ku dhaqaaqo inuu soo bandhigo ceebaha , Ronen Bar .

Netanyahu ayaa la sheegay inuu xil ka qaadista sameeyay , kaddib markii uu oggaaday hay’adda Shin Bet, inay baaritaan gaar ah ku sameyn doonto oo ay ku jirto lacag uu horey dawladda Qatar uga helay Netanyahu , oo la baarayo ujeeddada lacagta iyo sida Netanyahu ay ku soo gaartay.

Ra’isul Wasaare Netanyahu ,ayaa sidoo kale la ogaaday in uu diyaarinayo sidii hay’adan oo ah midda ugu awoodda badan amniga Israa’iil madax uga dhigi lahaa shaqsiyaad taabacsan oo fulin kara qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Qasa iyo burburinta xerada Jenin ee waqooyiga Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta la heysto.